|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1803 | Aug.10, 2008 | |
|
“Anigu waxaan ahaa ninkii 80-ka cod ee tuugada, boobka iyo dhaca ahaa uga tegay nabadgelyo, Maanta Cod Baanu Wax Ku Doonaynaa Ee Xabad Wax Ku Dooni Mayno” Axmed Siilaanyo
Ururka Horseed Oo Ku Baaqay In La Sii-Daayo Xirsi Cali X. Xasan Iyo Abshir Xasan
Xisbiga UCID Oo U Dabaal-degay Sannad-guuradiisii 7aad Ee Aasaaskiisa
Bileyska Burco Oo Qabtay Dollar Xaddi Badan Oo Faalso Ah
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Si Xun Wax U Sheeg Sixir Waa Ka Daran Yahay
|
Xaflad Loo Qabtay Dufcadii Shanaad Ee Jaamacadda Hargeysa Ka Qalin Jebisa Iyo Hadalado Duur-Xul Siyaasadeed Ah Oo Laysku Weydaarsaday “Anigu waxaan ahaa ninkii 80-ka cod ee tuugada, boobka iyo dhaca ahaa uga tegay nabadgelyo, Maanta Cod Baanu Wax Ku Doonaynaa Ee Xabad Wax Ku Dooni Mayno” Axmed Siilaanyo Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – 250 arday ayaa shalay ka qalin jebiyey jaamacada hargeysa kuwaas oo bartay culuunta sharciga, Bussnis-ka iyo Sayniska, ardaydan ayaa ahayd dufcadii shanaad ee ka qalin jebisa Jaamaca Hargeysa. Xaflad loo sameeyay dufcadan shanaad ee qalin jabisay ayaa shalay lagu qabtay isla xarunta jaamacada Hargeysa, taas oo ay ka soo qayb galeen madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada, gudoomiyaha xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Siillaanyo, gudoomiyaha ucid Faysal Cali waraabe, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee urur siyaasadeedka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, waalidiinta caruurta iyo marti sharaf kale. Xafladan shalay ka dhacday xarunta jaamacada ee loo sameeyay ardaydan qalin jebisay ayaa waxa soo qabanqaabiyey maamulka jaamacada, taas oo si heer sare ah loo soo agaasimay, masuuliyiintii xukuumada iyo hogaamiyayaasha asxaabta mucaaradka ee halkaas ka soo qayb galay ayaa hadalo ay halkaas ka soo jeediyeen kaga hadlay arrimo doora oo dhinacyo badan taabanayay oo aan ku koobnayn uun xaga Jaamacadaha iyo waxbarashada balse waxa la isugu duur xulay hadalo cad-cad oo aan ka dhacayn dagaalkii qaboobaa.. Ugu horayna waxa halkaa ka hadlay Maxamed Maxamuud Faarax, oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ahna kusimaha gudoomiyaha Jaamacada, wxana hadalkiisa ka mid ahaa “Runtii kooxda Jaamacada ka shaqaysa dhiinankii halkan dhoole tus fiican ayay ka muujiyeen iyadoo aanu wax badan duuduub idinku siinay waxay jaamacadu qabato iyo dadaalka ay samaysay iyo halka ay gaadhay, maanta se waxaanu isku daynay inaanu intii ka balaadhsano oo hoos u daadegno oo aanu idin tusno inay jaamacadani kaalinteedii muddada sideeda sanadood ahayd ku gaadhay. Maanta waxaa rumoobay himiladii aad higsanayseen, waxaad gelaysaan halgan, halgankaasina waa babacdhig adag haseyeeshee waa fursad inoo furan, aqoontu ma dhamaato way kula cimridaa hadaad moodaan inaad dhamayseen maydin dhamayn laakiin hir baad ka gudubteen, waxaad uga gudbaysaan hir kale, waxaad ogaataan in hankaagu leeg yahay tusmadaadu intay leeg tahay oo aad heegada ku gaadhaysaa. Waxaan jecelahay inaan wax idiinka sheego in kooxdani raad ku dayasho leh ay jaamacada kaga tegayso, waxaa la tabi doonaa firfircaani badan oo ay lahaayeen waxaa la tabi doonaa daraasad u baadhida iyo bandhigyada jaamacada oo lagu yiqiinay oo mar walba xal u dooni jiray” ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “ardaydan waxaa shaqo ahaan u qaatay meelo badan waxaanu markaa idin leenahay sidaa ay hanka u leeyihiin ula socda halka ay doonayaana hala gaadhsiiyo, dadkii aasaasay Jaamacada Hargeysa lama xusin mar qudha oo ay imika difcadii shanaad qalin jabinayso waxaase maanta aanu leenahay karti iyo awood aanu halkan ku gaadhsiino" ayuu yidhi ku simaha gudoomiyaha jaamacada Hargeysa. ka dib waxa iyaguna halkaa ka hadlay hormuudada kuliyadaha oo ay ka mid ahaayeen hormuudka kuliyada Bussines-ka Maxamed Cabdi, hormuudka kuliyada Law-ga Maxamuud Faarax, hormuudka kuliyada Sayniska Axmed Maxamuud Cadaad waxayna ka hadleen heerka waxbarasho ee ay ardaydan gaadhsiiyeen mudadii ay culuunta barayeen. Intaa ka dib waxa halkaa isna hadal kooban ka soo jeediyey Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada Maxamuud Garaad Maxamed, waxanu yidhi “Ardaydu waxay ahayd in aanay midna ku qaylin midna ku farxin ee idinka doorkiinu waxay ahayd qof walba inaad dhegaysataan sax iyo khalad-ba waayo idinku mutacalimiin baad tihiin waan leeyahay wixii dawlada la odhan lahaa iyo wixii shirkadaha la odhan lahaa wixii-ba waa la yidhi runtii haday wax soo dhex galaan Jaamacada waxaa daba gala oo shaqo ku leh Madaxweyne ku xigeenka. Jaamacada xisbi ma leh, dawladi ma leh, koox gaarina ma leh ummadoo dhan baa wada leh gudoomiyaha Siilaanyo markii uu lahaa waxaa laygaga helay sideetan cod oo xaaraan ah horta waa mide afrikaanku waa layga helay ma-ba qaato, laakiin Kulmiye wuu aqbalay mahadaana waxaa iska leh xisbiga Kulmiye. Waxaan leeyahay saddexda xisbiba nabad ha ilaaliyaan waa inoo wada dan awooda dalka oo dhan waxaa iska leh dadweynaha” ayuu yidhi, ka dib waxa lagu soo dhoweeyay Wasiirka wasaarada waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan gadhweyne), waxana hafaladiisa ka mid ahaa “Ardayda ka qalin jabisay Jaamacada waxaan leeyahay hambalyo, waxaanan idiin rajaynayaa inaad noqotaan kuwii aqoontooda iyo wax-garadnimadoodu gaadhsiiso meel fiican oo aad halkaa ka sii wadaan ayaan idiin rajaynayaa, waxaan leeyahay mustaqbal wanaagsan baan idin rajaynayaa, waxaan idiin hambalyaynayaa waalidiintii idinku soo tacabtay ee idiin suuro galisay inaad waxbarasho sare heshaan, dalkana mustaqbal wanaagsan baad ku leedihiin waxaanan idiin rajaynayaa inaad dalkan horu markiisa ka qayb qaadan doontaan, waxaa hambalyo u jeedinayaa masuuliyiinta jaamacada Hargeysa heerkan ay soo gaadhsiiyeen Jaamacada iyo ardayda wax ka baratay-ba inay qalin jabintaas gaadhaan”ayuu yidhi waxaanu intaas ku daray “Waxaan isleeyahay markaad xaal ka waramayso ama aad arrin ka waramayso inaad xogogaal ahaataabaa fiican, waan ka xumahay horta halkani khayriyadii maaha, meel bay leedahay siyaasadu xisbi walibana xarumo ayuu leeyahay, laamuu leeyahay meel khayriyada la yidhaah oo inaga dhaxaysaana way jirtaa, waxaan rajaynayaa in aan halkan lala iman siyaasad, saddexda xisbi-ba arrimihii aynu khayr-yada ka odhan lahayn aynu u aragno in halkan aqoonyahankii joogo intaynu arkayno meel ka shishaysana ay arki karaan iyo inay leeyihiin aragti siyaasadeed oo ka duwan waxaynu ku hadlayno, anaguna wasaarad ahaan waxaanu leenahay siyaasad midaysan oo aanu kaga tashano arrimaha waxbarashada iyo sidii ardaydu isula jaanqaadi lahaayeen talaanu ka leenahay, waxaan leenahay xilkan aanu qaadnay waa xil adag Illaahayna hanagu asturo, hadaad idinku heshaana Illaahay haydinku asturo, xukuumaduna ma diidana in la dhaleeceeyo iyo in madmadawgeeda la sheego waayo toosin ayay noo tahay iyo baraarujin xaqna waanu u leenahay” intaa dabadeed waxa hadal kooban halkaa ka soo jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Marka hore waxaan idin siinayaa xaal waayo waxay ahayd in aan idin hambalyayno ee in aanu wax rabasha idiinla nimaadno may ahayne taa ka raali ahaada waxaa maanta sharaf ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan iyo maamuuskan midhaheenii lagu sii galbinaayo oo mustaqbal wanaagsan ummada u horseeda aan Illaahay ka rajaynayno, anigu arday ahaan waxaan idiinku baaqayaa inaad wax nagala qabtaan deegaanka waayo maanta halis buu ku jiraa, jaamacadana waxaan leeyahay ku dara Culuumta Jaamacada qaybta deegaanka. Waxaan idiin rajaynayaa in uu Illaahay mustaqbal wanaagsan idin siiyo walibana xukuumadana waxaan kula dardaarmayaa in inamadaa loo raadiyo waxbarasho dibeda ah oo la dhiiri galiyo” ayuu yidhi wxana uu intaas ku daray ”Horta anigu dawladu waxaan u aqaanaa wax la wada leeyahay in aynu u qaadano in aynu wax kala leenahay maaha, waa dad meel iskugu yimid dabadeedna samaystay cid maamulka u qabata, horana anigu waxaan u idhi mucaaradka magaca ka badala waxaanan u bixiyey Naasixiin, mucaaradkuna waxa uu ahaa Ibliis, laakiin afrikaanku maxay ku sakootiyaan madaxda hore, waxay ku sakootiyaan tuug buu ahaa iyo dilaa buu ahaa laakiin marka uu dhinto ee xabaasha la dhigo ayay yidhaahdaan ninkaasi geesi buu ahaayoo wadani buu ahaa waxaan leeyahay walaalkay Faysal kaasuun hanagu sakootiyine, hadaanu nahay masuuliyiintii wadanka waxaanu ka codsanaynaa shacabka inaad kursi jacayl noogu ducaysaan, nin kursi ku carara Illaahay ma qabto ee waxaa la yidhaahdaa aduu iska qabo. Waxa isaguna halkaas ka hadlay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Anigoo halkan taagnaa maalintii Jaamacadan la aasaasayay oo ay dad badan shaki galiyeen inay hirgali karto iyo in kale ayaa waxaan ahaa dadkii ku dhiiri galiyay Foosiya Yuusuf X. Aadan iyo Sacad Cali Shire oo yidhi ha biqina waa inaynu ku dhawaaqnaa Jaamacada, maantana waxaan Illaahay ugu mahadnaqayaa inaan difcadii shanaad ka qayb galo Walaalayaal maanta waxba ha biqina saddexda xisbi maanta waa heshiis, diiwaan galintii heshiis baanu ku nahay, komishankii heshiis baanu ku nahay, doorashadiina heshiis baanu ku nahay, maanta jabhadaha qoryaha iyo baabuurta kurta ka jaray ayaanu ka soo hor jeednaa, waxa weeye Jaamacadaheenu maanta aad bay u koreen ilaa shan jaamacadood baynu leenahay oo inagoo dagaal sokeeye ka soo baxnay qalinka inoo horseeday, maanta intaas oo difcadood baa inoo soo baxday, iskuuladii way jiraan laakiin xagii tayada ayaa wax inaga si ah” ayuu yidhi, waxana uu intaas raaciyey “Maalin dhawayto waxaan maqlayay Jaamacada odhad baa la galiyay waan yaabay oo waxaan idhi dawladii-ba odhad lama galine Jaamacada muxuu ka dhex qabanayaa tranisparan-tigu way fiican tahay oo Account bility-gu wuu fiican yahay laakiin maaha in lagu shaqaysto oo qof dan ka lihi odhad galiyo. Ardayda jaamacadu guddi malaha waa inaad guddi samaysataan hadaad guddi samaysataan oo ardaydu guddi samaysato dhibaatadiina waad ka hadli doontaan wada shaqayntaad baran doontaan hadhawna xukunka waad wada wadaagi doontaan, laakiin hadaad is xamili waydaan idinkoo ardaya oo cudurkii qabyaaladu idin kala kaxayso hadhawto dadka waxba u tari maysaan, waxaan idinku boorinayaa inaad guddi samaysataan halkana waa halka lagu dilo qabyaalada iyo xumaanta waana hoyga cilmiga, waxaa kale oo aan idiinka tacsiyadaynayaa dadkii tahriibay qaar baad ku lahaydeen, waxaan leeyahay walaal ha tahriibina samra waataa madaxweynaha iyo meelaha madaxa banaan-ba lagu booriyay in shaqo laydiin siiyo, waxa weeye maanta waxaa idin qaadi waayay Hoolkii oo inta danbe ee soo baxdana kuma filna waa inaad ku darsataan in aad hool wayn ku darsataan” ayuu yidhi waxa kale oo uu intaa ku sii daray “Waxaynu waxaa ku helnay waa nabad galyo waxaynu nabad ku waynayna dagaal ku heli mayno, dagaalkuna kalifaad mooyaane sidii barigii Somaliya aynu ku jirnay ee caarkeenii loo yimi, xoolaheenii loo yimi, ee xasuuq laynoogu talo galay mooyaane inagu inaynu qori isku qaadano waa inaga xaaraan, waad ogtihiin laba jeer baynu inagu dhexda ka liicnay 1992-kii hadaynu iska daysan lahayn dawladii wakhtigaa jirtay waynu iska tukubi lahayn waynu bedeli lahayn tu kalaa iman lahayd, hadana waad ogaydeen oo markii cigaal la doortay isagoo sanad iyo laba bilood u hadhsan tahay ayuu hadana dagaalku ku bilaabmay labadaa dagaalba waa inaynu ka faa'iidaysanaa khasaare mooyaane wax faa'iido ah oo uu inoo keenayaa ma jirto waana meelaha aynu imika ka soo kici kari waynay. Maanta dastuur baynu leenahay dadku tartan buu galayaa dawlada fursad baa la siiyay waa inaynu eegnaa waxay qabanayso hadaynu bedelaynana waa inaynu ku bedelnaa cod ee maaha in qoryo la qaato oo dadka la kiciyo. Maanta ninka intuu gaadhi kurta ka jaro, jabhad samaystaa horta yuu weerari lahaa, anigu waxaan garan laayahay xaguu weerari lahaa taargadkiisana ma garanayo qofkaa, dadku waa reer Somaliland qabaa'il ma nihin umad baynu noqonay markaa waxaan leeyahay walaal cagta u dhiga dawladan waynu la xisaabtami doonaa hadii Illaahay u qoray way soo noqon doontaa hadii kalena idinkaa bedali oo codka bixinaya”. Intaas ka dib waxa hadalkii lagu wareejiyey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga Kulmiye iyo taageerayaashiisa-ba aan hambalyo aad u balaadhan oo kal iyo laaba idiinka soo jeedinayaa, khaasatan dhalinyarada maanta halkan ka qalin jabisay oo aan leenahay hambalyo, masuuliyiinta jaamacada waxaan leeyahay hawsha wayn ee aad qaranka u haysaan Illaahay haydinku garab galo. Dalkeena maanta waxyaabo badan oo aynu dad ahaan ku faanayno, dal ahaan u faanayno oo qiimo inoo leh oo marka loo eego mandaqada aynu ku nool nahay waa mid aynu u faani karno iskuna hambalyayn karno Illaahayna ugu mahadnaqno, kuligeena waxaa waajib inagu ah hadaynu dawlada nahay hadaynu axsaab nahay hadaynu shacbiga qaybihiisa kala duwan nahay inaynu nabad gelyada dimoqraadiyada horumarka iyo dadnimadeena inaynu horumarino mooyaane inaynaan dib uga liicin oo aynaan dib uga noqon waxa alla wixii ka dhismay dalka waxaa guusheeda iska leh shacbi waynaha Somaliland haday Jaamacado tahay, haday Isbitaalo tahay, haday wadooyin tahay, oo haday dalkii dumay in dib loo dhiso tahay ,haday wax la qabano tahay waxa qabtay waa shacbi waynaha reer Somailand wax maamul dawladeed uu ku leeyahay aad iyo aad bay ugu yar tahay. Maanta hadaynu run ku hadalno ma qarin karno in madmadaw badani inaga muuqdo waxaa inooga muuqda dimoqraadiyadeenii oo dhawr jeer dib u dhacday doorashooyinkeenii oo masuuliyadeedana aanu saarayno dawlada ku meel gaadhka ah ee maanta taagan Waxaanaan maanta dawlada ka akhrisanaynin iyo cida la hal maasha dacaayadaha ay dalka iyadu ku wado maanta, dunidana maanta waxaa ka socda dhibaatooyin badan oo aynaan inagu doonaynin hadaynu reer Somaliland nahay, hadaynu maanta hirdanka dunida ka socda inaynu inagu isku soo hogaamino dhibaato oo maanta dalkeena u bixino in argagixiso joogto oo dawlada afkeeda ka soo baxdaa waar ma xalaal baa midhkaasi waa xaaraan”.ayuu yidhi waxana uu intaa kudaray “Hadeer waxaa la soo hadal qaadayay oo dawladu had iyo jeer buunbuunisaa oo sheegtaa Baabuurbaa madax la jaray horta ilaa imika baabuurtii madaxa la jaray anigu indhahaygana kuma arag wali wax arkayna anigu ma arag qaar laynoo soo bandhigayna ma jirto aniga mar marka qaarkood waxaan is idhaah wax baa la abuurayaa, laakiin aniga halkaa waxan ka cadaynayaa waxaynu maqlaynaa hadalo dad loo duur xulayo oo imikana qaarkood maqlayay anigu waxaan ahaa ninkii sideetanka cod ee tuugada ahaa ee boobka ahaa ee dhaca ahaa uga tagay nabad gelyo daraadeed si loo xasiliyo oo loo ilaaliyo, aniga iyo xisbigayga iyo intii iga talo qaadataa halgan horaanu u soo marnay qadhaadhkiisana waanu naqaanaa, xabadi waxay tahay waanu naqaanaa maanta cod baanu wax ku doonaynaa xabad waxba ku dooni mayno anagu, waanu dhaleecaynaynaa waanu cambaaraynaynaa waxan la sheegayaa haday jiraan ee qoryaha wax saaray shuqul aanu ku leenahay ma jiro umana baahnin dadka taageeradoodaanu haysanaa, shacbigaanu haysanaa doorasho xor ah oo xalaal ah baanu ku helaynaa waananu hubnaa oo dadkayaga ayaanu aaminsanahay. Maxaa iskaga af-dhigay dawladeena iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland ee la yidhi argagixisaa dalkayaga ka dilaacdaye kaalay bam gareeya taasina waa wax laga xishoodo” ayu yidhi waxana uu intaa raaciyey “Siday halkan ka soo jeediyeen macalimiinta jaamacada waxaan u soo jeedinaynaa dawlada, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo cid alla cidii xidhiidh la leh wax qabasho ka kasta waxaanu leenahay dhalinyaradaa qalin jabinaysa waa in shaqooyin ay helaan”. Intaas ka dib waxa isaguna hadal kooban halkaa ka jeediyey xubin ka tirsan xisbiga talada haya ee UDUB Cumar Jaamac waxana ka mid ahaa hadalkiisa “Waxbarashadani inoomay suuro gasheen hadii aanaynu nabadaas haysan, waad ogtihiin waxaa hareeraheena ka dhacaya , maanta waxaynu wax ku noqonaynaa qaranimo waa dadnimo maaha beelo iyo in ay axsaabta qaranku taageeraan shir qabiilo, inay maanta bilaabaan in qoryo dib loo soo saaro gaadiidka oo laynagu celiyo tii 1991-kii, waxa wax aad looga naxo ahayd in afar gaadiid ah oo hub la saarayay oo axsaabta qaar taageerayeen laga soo qabtay duurka oo burco lagu hayo qof waliba wuu ogyahay, wadanka dimoqraadiyad baa ka jirta, cidii wax doonaysa umada codkeeda ayay ku xidhan tahay cidaad doorataan bay ku xidhan tahay waxaanan idinku boorinayaa inaad nabada ilaashataan waanad mahadsan tihiin”intaas markuu yidhi ayay ardaydu ku qayliyeen isaga oo jeclaa inuu hadalka sii wado oo foodhi iyo sawaxan ayaa lagu aamusiiyey Cumar Jaamac. Intaa dabadeed waxa lagu soo dhoweeyay madasha xaflada madaxweyne ku xigeenka jsl mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo u yidhi “Marka hore waxaan idin siinayaa xaal waayo waxay ahayd in aan idin hambalyayno ee in aanu wax rabasha idiinla nimaadno may ahayne taa ka raali ahaada, waxaa maanta sharaf ii ah inaan idin kala soo qayb galo xafladan iyo maamuuskan midhaheenii lagu sii galbinaayo oo mustaqbal wanaagsan ummada u horseeda aan Illaahay ka rajaynayno anigu arday ahaan waxaan idiinku baaqayaa inaad wax nagala qabtaan deegaanka waayo maanta halis buu ku jiraa, jaamacadana waxaan leeyahay ku dara Culuumta Jaamacada qaybta deegaanka. Waxaan idiin rajaynayaa in uu Illaahay mustaqbal wanaagsan idin siiyo walibana xukuumadana waxaan kula dardaarmayaa in inamaadaa loo raadiyo waxbarasho dibeda ah oo la dhiiri galiyo”ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray “Horta anigu dawlad waxaan u aqaanaa wax la wada leeyahay in aynu u qaadano in aynu wax kala leenahay maaha, waa dad meel iskugu yimid dabadeedna samaystay cid maamulka u qabata, horana anigu waxaan u idhi mucaaradka magaca ka badala waxaanan u bixiyay Naasixiin, mucaaradkuna waxa uu ahaa Ibliis, laakiin afrikaanku maxay ku sakootiyaan madaxda hore, waxay ku sakootiyaan tuug buu ahaa iyo dilaa buu ahaa laakiin marka uu dhinto ee xabaasha la dhigo ayay yidhaahdaan ninkaasi geesi buu ahaayoo wadani buu ahaa waxaan leeyahay walaalkay Faysal kaasuun hanagu sakootiyina, hadaanu nahay masuuliyiintii wadanka waxaanu ka codsanaynaa shacabka inaad kursi jacayl noogu ducaysaan, nin kursi ku carara Illaahay ma qabto ee waxaa la yidhaahdaa aduu iska qabo” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenku. Intaas ka dib markay xafladii dhamaatay ayaa tiro badan oo wiilal iyo hablo-ba lahaa oo ardayda ka mid ahayd Axmed Siilaanyo ka codsadeen inuu sawiro la galo, iyagoo u muujinayay inay ku faraxsan yihiin ka soo qayb galkiisan xaflada. Dhinaca kale Si kasta-ba xafladii shalay ha u dhacdo’e ardaydii ka qalin jabisay jaamacada ayaa waxa laga dareemayay sida wayn ee ay uga soo horjeedaan habdhaqanka hogaanka talada dalka haya iyo xisbigiisa UDUB, isla markaana muujiyeen dareenka ay ku diideen inuu hadlo xubintii xisbul xaakimka ka socday ee Cumar Jaamac oo ay ardaydu u diideen inuu halkaa ka hadlo, iyagoo markuu hadalka bilaabay foodhi iyo qaylo isugu daray ka dibna isaga oo aad moodo inuu gagabsan yahay salka kursiga dhigay.
Ciidamada Itoobiya Ka Jooga Somalia Oo La Sheegay Inay Dekedda Berbera Soo Marinayaan Hubkooda Culus Oo Ay Muqdisho Maraakiib Kaga Soo Daadguraynayaan Muqdisho, August 19, 2008 (W. Wararka) – Ciidamada dalka Itoobiya ee ku sugan dalka Somalia ayaa la sheegay inay hubkooda culus ee ay ka midka yihiin Tawaangida iyo Madaafiicda calculus kaga soo daadguraynayaa Maraakiib dekedda Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay soo marinayaan dekedda Berbera ee Somaliland si ay halkaas uga gudbaan dhinaca dalka Itoobiya. Warkan oo uu faafiyay Telefiishan la yidhaahdo Press TV oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayaa waxa uu sheegay in go’aanka ay qaaday Itoobiya uu yahay la filayn isla markaana aan si toos ah shaaca looga qaadin. Telefiishankan oo sheegay inuu warkan ka soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan dawladda Mbagathi oo magaciisa sabab amni u qariyay, ayaa sheegay inay ciidamada Itoobiyaanku doonayaan inay 49 ka mid ah Tawaangida dagaalka, 91 ka mid ah baabuurta madaafiicda xambaarta iyo kumanaan askartooda ka mid ah ay Maraakiib kaga qaadayaan dekedda Muqdisho, oo dhinaca badda la sii marinayo, kadibna laga deji doono dekedda Berbera oo dhinaca dhulka ay uga sii gudbi doonaan dalkoodii. Warkani wuxuu intaas ku daray in in ka badan 5000 oo askari oo Itoobiyaan ahi ay Muqdisho uga baxeen dhinaca Afgooye, iyagoo ku sii jeeda dhinaca magaalada Baydhabo. Bixitaankan kediska ee ciidamada Itoobiya ka jooga Somalia ayaa warku sheegay inuu yimid xilli ay heshiis ay Qaramada Midoobay dabada ka riixayso oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalada Somalia ka socda, Djibouti ay ku wada gaadheen dhinacyada isku haya Somalia, kuwaas oo xalay wejigii labaad ee heshiiskaas ay magaalada ku kala saxeexdeen labada dhinac dawladda Mbagathi iyo Isbahaysiga Dib-u-xoreynta ee dagaalka kula jira. Warkan oo uu Telefiishan Press baahiyey Axadii dorraad ayaanay Xukuumaddaha Itoobiya iyo Somaliland midna aanay wax jawaab ah ka bixin. Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxaa ka dhexeeya xidhiidh lagu tilmaamo inuu yahay mid wanaagsan, isla markaana waxay dawladaha Itoobiya iyo Somaliland heshiis ku kala saxeexdeen inay Itoobiya isticmaasho dekedda Berbera, iyadoo ay dhawr jeer wax uga soo degeen Xukuumadda iyo Ganacsatada Itoobiya-ba, hase yeeshee lama sheegin in heshiiskaas ay ku jirto in dekedda Berbera ay Itoobiya u isticmaasho ciidamadeeda iyo inay kala soo degto saanadda milateriga. “Waxaan U Arkaa In Xisbiyada Siyaasaddu Ay U Baahan Yihiin Wejiyo Cusub, Musharaxnimadayduna KULMIYE Ayey Ugu Badinaysaa” Shir Jaraa’id Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi. Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Musharaxa jagada madaxweynaha xisbiga KULMIYE isu soo taagay xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah xildhibaanada golaha Wakiilada ayaa sheegey in musharaxnimadiisu ay ka dhalatay in xisbiyada siyaasadu ay u baahan yihiin wajiyo cusub iyo sidii loo soo noolayn lahaa rajada ay shecbigu ka qabaan asxaabta mucaaridka ah isagoo intaa ku daray in musharaxnimadiisu ay ugu badinayso xisbiga kulmiye. Sidaana waxa uu Xildhibaan Maxamed Cali ku sheegay shir saxaafadeed uu shalay ku qabtay xarunta golaha Wakiilada halkaas oo uu ka akhriyey warsaxaafeed qoraala oo kooban oo uu kaga hadlayo waxyaalaha ku dhaliyey inuu isu soo taago loolanka musharaxnimada jagada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE waxaanu u qornaa war murtiyeedkaasi isagoo dhamaystiran sidan. “ ugu horayn waxaan jecalahay inaan halkan ka salaamo dhamaand dadweynaha reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba. Mar labaad waxaan halkan ummadda uga sheegayaa amaba aan uga xaqiijinayaa in aan ahay musharax jagada Madaxweyne kana dhex tartamaya xisbiga KULMIYE, sidaas darteed waxaa ina farayaa dumuqraadiyada ka hana qaaday dalkeena iyada oo qofku la dooran karo isna wax dooran karo sida xusan qodobka 22 aad Dastuurka Qaranka. Haddii aan in yar ka taabto asbaabihii igu kalifay in aan isa soo sharaxo waxaa ka mid ah. Markaan arkay: soo jeedimo badan oo igaga yimid bulshada qaybaheeda kala duwan, Culimo awdiin, siyaasiyiin iyo wax-garad IWM. Markaan arkay: xaalada siyaasadeed, dhaqaale, bulsho ee dalku ku jiro iyo hogaaminta guud ee dalka. Markaan arkay: in xisbayada siyaasaddu ay u baahan yihiin wajiyo cusub, oo wata barnaamijyo siyaasadeed oo la jaanqaadaysa sida axsaabta dunida xorta ah. Markaan u arkay: in loo baahan yahay in la dardar geliyo soo nooleynta rajadii ay shacbigu ka qabeen xisbiyadda mucaaridka ah. Markaan tixgeliyey: aragtida rayal caamka ee bulshada somaliland in ay indhaha ku hayso in isbedel siyaasadeed oo u sameeya nolol cusub. Markaan garwaaqsaday: baahida loo qabo murasharaxiin da’yar oo bulshadda u horseeda horumar, iyo badhaadhe. Waxay ila noqotay in ay xisbigayga ay ugu badinayso musharaxnimadayda. Waxay ila noqotay in dhamaan reer somaliland ay u tahay guul in la helo wajiyo cusub oo la jaanqaadi kara aduunyadan xawaaraha ku socota.” Intaa ka dib waxay suxufiyiintii goobta joogtay ku waydiiyeen su’aallo xildhibaanka iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan: S: siyaasiyiin ay ka mid yihiin Muuse Biixi, Axmed Xuseen Ciise iyo Maxamed Xaji Maxamuud Cumar Xaashi ayaa muddaba la hadal hayey in ay kaambayn musharaxnimo ku jiraan, waxaase muuqata inay ka maageen maxaa markaasi adiga kuu muuqday ee adigu ugu soo dhiiratay musharaxnimada madaxweynaha ? J: horta qofkasta inuu isa sharaxo xaq Distooriya ayuu u leeyahay haday Muuse Biixi, Maxamed Xaji Maxamuud iyo Axmed Xuseen Ciise ay doonayaan in ay isa soo sharaxaana xaq bay u leeyihiin hadday ka noqdaana xaq bay u leeyihiin aniguna musharaxiinta kale ayaan ka mid ahay, aniguna hadda ayaan soo galay tartanka qof walibana xaq buu u leeyahay inuu isa sharaxo. S: waxaa la sheegay in guddida qaban qaabada shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye aad kale kulantay maalintii doraad carqalado ku waajahan musharaxnimadaada jagada madaxweynaha taas oo wararku sheegayeen in gaashaanka aad ku dhufatay dalab guddidu kaaga dalbatay baasaboorkaaga Yurub in aad u soo gudbiso arimahaaasi maxaa ka jira? J: anigu arinta carqalada waxba ka odhan maayo, Document-gaygii aan musharaxnimada ku codsanayey iyo shuruudihii layga baahnaaba shalay baan u gudbiyey waana layga qabtay sheekadaasina way dhamaatay oo intaa u dhaafi maaayo. S: maadaama adigoo golaha wakiilada ka tirsan aad isku sharaxday musharaxnimada madaxweynaha KULMIYE diyaar ma u tahay in aad xilka xildhibaanimo iska casisho ? J: Marka tartanka doorashada madaxtooyada la gaadho waa shardi in qofku xilka uu hayo iska casilo, laakiin hadda sida ay tahay Madaxweyne doorasho galaya ma ahi arinku waa musharax Madaxweyne tartankii oo xisbiga kulmiye guddihisa aan ugu tartamayo. S: musharaxnimadaadan aad iskula soo taagtay Axmed Siillaanyo dadka qaarkood waxay ku tilmaameen in aanay dhab kaa ahayn oo aad ujeeddo kale u leedahay, arinkaasi ? J: Horta $5,000 oo dollar maan bixiyeen haddaanay dhab iga ahayn musharaxnimada Madaxweyne hankaygana way ku jirtay in aan isa sharaxo oo aanan ka noqonin wax lala yaabana maaha nin dhalinyaro ah oo Madaxweyne isku soo sharaxay, Cigaalba sodon jir buu ku galay siyaasada sidoo kale Axmed Siillaanyo iyo Ismaaciil Cali Abakor-na iyagoo sodan jira ayey siyaasada soo galeen, anigu waxaan qabaa in la gaadhay xilligii dhalinyaradu jagada Madaxweyne isu sharaxi lahayd loona baahan yahay in siyaasiyiinta waaweyn la nasiyo, nin tartamaya oo aan ka noqonayn musharaxnimada Madaxweynena waan ahay. S: Taageerada aad ka fileyso golaha dhexe ee xisbiga wax manooga sheegi kartaa ? J: Markii aan xogwaraystay xubno badan oo golaha dhexe ee xisbiga ku jira waxay isku wada raacsan yihiin in isbedel Xisbiga gudihiisa iyo dalkaba uu ku yimaado qadiyada aan iibinayaana waa taasi, balse sida loo dhamays tirayo isbedelka siyaasadeed waa hawl iyaga u taal iyo kalsoonida golaha dhexe. Wakiilada Oo Guurtida Ku Taageeray Wax Ka Beddelka Xeerka Dhulka, Guddi Gaar Ahna U Saaray Khilaafka Ganacsiga Dhoofka Xoolaha Ka Taagan Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf)- Golaha wakiilada ayaa fadhigoodii shalay ku ansixiyey wax ka bedelka ay guurtidu ku soo samaysay qodobada 28-aad iyo 29-aad ee xeerka dhulka ay soo jeedintii wax ka bedel ee guurtida ku taageereen iyadoo dhinaca kalana shirgudoonka wakiiladu ayaa u saaray guddi isku soo duba rida xogwaraysiyadii goluhu ka yeeshay khilaafka taagan. Fadhigan shalay oo uu guddoominayey guddoomiyaha golaha wakiilada Cabiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa mudanayaasha loogu qaybiyey wax ka bedelkii ay golaha guurtidu ku soo sameeyeen xeerka dhulka Lr17 2001 oo wakiiladu markii ay ansixiyeen ay u gudbiyeen golaha guurtida balse markii ay guurtidu wax ka bedel ku soo sameeyeen qodobka 28-aad oo tilmaamaya mudada xilka guddida ka garnaqaysa dacwadaha dhulka oo ay wakiiladu ku ansixiyeen muddo hal sanno ah ay guurtiduna ka soo dhigtay mudada xilkooda laba sanno iyo qodobka 28-aad oo ay wakiiladu ka dhigayeen in qof kasta oo ku gefa sharcigaasi lagu ciqaabo xeerka ciqaabta guud balse ay guurtiduna ka soo dhigeen masuuliyiinta ku sheegeen farqada 2aad oo ay ciqaabtoodana gaar ka soo dhigeen guurtidu. Intaa ka dibna waxa uu golaha wakiilada soo jeedinta wax ka bedel ee ay guurtidu ku soo samaysay xeerka dhulka Lr17 iyo labadaasi qodoba ay ku ogolaadeen ansixintiisa 36 mudane , laba mudanana way diideen , 5 mudanana way ka aamuseen guddoomiyuhuna ma codayn halkaasi ayaanu ansax ku noqday wax ka bedelkii guurtidu ku soo samaysay xeerka dhulka Lr17 2001. Dhinaca kale waxa goluhu fadhigiisaa ku ansixiyey xeerka shaqaalaha rayidka xeer Lr-31 2004 oo doodiisu hore u soo dhamaatay cod aqlabiyada ku ogolaaday ansixinta xeerka shaqaalaha Rayidka cod dhan 36 mudane, hal mudane ayaa diiday, shan way ka aamuseen guddoomiyuhuna ma codayn sidaasi ayaanu ku ansaxay xeerka shaqaalaha Rayidka. Intaa ka dib waxa madasha fadhiga laga akhriyey qoraal uu guddoomiyaha wakiiladu ku magacaabay guddi 7 xubnooda isku soo duba rida xog waraysiyadii goluhu kale yeeshay masuuliyiinta dawlada iyo ganacsatada khilaafka ka taagan ganacsiga dhoofka adhiga , qoraalka lifaaqaasina waxa uu qornaa sidan: “ shirgudoonka golaha wakiilada JSL isaga oo cuskanaya, 1. Go’aanka golaha ee tirsigiisu ahaa 436 ee 29.7.2008 qodobkiisa 4aad. 2. Qodobka 19aad ee xeer hoosaadka Golaha faqradaha 1aad iyo 2aad. Waxa uu magacaabayaa guddi hoosaad gaar ah (Adhoc committee) soo ururisa nuxurkii xogwaraysiyadii masuuliyiintii iyo ganacsataddii uu golaha wax ka waydiiyey dhibaatada ka dhalatay dhoofka adhiga ka dibna golaha keenan warbixinta iyo tallo soo jeedin arrintan ku saabsan. Xoghayaha guud waxa la farayaa inuu guddida siiyo hadal qoraalka doodii golaha, xog waraysiyadii masuuliyiinta iyo ganacsatada adhiga iyo wixii kale ee ay u baahdaan, guddidu way raadsan karaan wixii kale ee xog ah ee ay u baahdaan.” Sidoo kale waxa uu fadhigaasi kaga dhawaaqay guddoomiyuhu in kalfadhigii 7aad ee goluhu dhamaaday, goluhuna fasaxii bisha ramadaan geli doono ilaa 10-ka bisha October 2008 ka soo noqon doono fasaxaa Hadaba guddidaas la magacaabay waxay kala yihiin;
Isu Socodka Gaadiidka U Kala Gooshi Jiray Somaliland Iyo Kililka 5aad Oo Joogsaday Markii Ay Itoobiyaanku Qabteen Lix-Gaadhi Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) - Isu socodka gaadiidkii u kala gooshi jiray Somaliland iyo gobolka ay Soomaalidu degto ee Kililka 5-aad ee Itoobiya ayaa dhawrkii maalmood ee u danbeeyey joogsaday ka dib markii ciidamada Itoobiyaan ahi ay toddobaadkan horaantiisii qab qabteen in ka badan lix gaadhi oo ka baxay dhinac Somaliland una socday magaalada Dhagax-Buur iyo nawaaxigeeda. Sida ay Haatuf u sheegeen qaar ka mid ah gaadiidleyda ka shaqaysa marinkan. Arintan qabqabashada gaadiidkan ayaa loo badinayaa in ay ka dhalatay shaki ay ciidamada Itoobiya Gaadiidkan ku tuhmaan in ay hub iyo taakulooyin dhinaca Somaliland uga soo qaadaan jabhada ONLF ee dagaalka kula jira dalka Itoobiya. Tuhunkaas oo ay wararku xuseen in ay dawladda Itoobiya ku abuureen qaar ka mid ah madax-dhaqameedada iyo odayaasha deegaankaasi ku nooli. Qabqabashada gaadiidka ayaa sida la sheegay waxa ka horeeyey heshiis dhex maray odayaasha ka soo jeeda beelaha Isaaqa ee ku dhaqan deegaankaasi iyo dawladda Itoobiya, kaas oo sheegayey in aan dhirta deegaankaasi loo isticmaali karin dhuxusha, isla markaana ciddii isku dayda dhirtaasi in ay dhuxul ka samaysato laga qaado talaabo sharciya lana xidho. Gaadiidkan ciidamada Itoobiyaanku qabteen ayaa waxa ka mid ah gaadhi uu dhowaan wargeyska Haatuf wax ka qoray ka dib markii ciidamada Booliska ee Hargeysa u xidheen tuhuno la xidhiidha in uu kaalmo u sido jabhada ONLF, balse markii dambe la sii daayey ka dib markii ay beenoobeen shakigii iyo tuhunadii gaadhigaasi hase yeeshee wararka qaar ayaa qabashada gaadhiga ee ciidamada Itoobiya ku xidhiidhinaya sababta inay tahay warkan ay Haatuf ka qortay xadhiga Gaadiidkan, taas oo shaki xoogan ku abuurtay ciidamada Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa saamayn xoog leh ku keentay dhaqdhaqaaqyadii ganacsi ee suuqyadan ka dib markii ay joojiyeen gaadiidleydii isu socodkii marinka labada dal iyaga oo ka cabsi qaba in gaadiidkooda ay qabtaan ciidamada Itoobiya oo ay ku tilmaameen in aan si dhayal ah lagaga bixi karin xadhigooda. Dhinaca kale dawladda Itoobiya maaha markii u horeysay ee ay talaabooyinkan oo kale ka fuliso deegaanadan, hase yeeshee waxa jiray dhawr jeer oo ka horeysay, taas oo ay gaadiid badan oo laga leeyahay Somaliland ay qabqabteen, walow ay markii dambe soo daayeen.
Ururka Horseed Oo Ku Baaqay In La Sii-Daayo Xirsi Cali X. Xasan Iyo Abshir Xasan Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Hargeysa ee ururka Horseed Calawi Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in aanay Alshabaab iyo Al-qaacida toona dalkeena joogin, isla markaan ay gef tahay eeda qaawan ee lagula dul kufay Guddoomiyihii hore ee komishanka Doorashooyinka Xirsi Xasan X. Cali. Sidaa waxa uu ka sheegay warsaxaafadeed uu ururka Horseed shalay soo saaray, taas oo uu ku sheegay labada qof ee dhibanaha u ah xukuumada ee kala ah Xirsi Cali iyo Abshir Xasan Xaashi oo hore u ahaan jiray madaxa gaadiidka ee madaxtooyada oo xabsiga mandheera xanuun loogala soo cararay cisbitaalka guud ee Hargeysa. Waxaanu ururku ugu baaqay in labada muwaadin la sii daayo inta aanay bilaabmin bisha Ramadaan, war-saxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u qornaa sidatan:“ iyada oo la wada ogyahay inaanu Alshabaab iyo Al-Qaacida toona joogin dalka Jamhuuriyada Somaliland, qofkasta oo reer Somaliland ahina oo xirsi garanaya wuxu markhaati ka yahay inaanu qabin eeda lagula dul kufay, mana geyo in lagu shaambadeeyo waxaan jirin. Ta kale Md Xirsi Cali Xaaji Xasan wuxuu ka mid yahay madaxda Qarankam, maadaama uu xil sare soo qabtay. Sidoo kale Abshir Xasan Xaashi wuxuu leeyahay mudnaan gaar ah, maadaama uu ka shaqayn jiray meesha loogu taliyo dalka. Madaxweyne Bari ka maalin marka aad xukunka ka degtid ma jeclaan doontid in sidan aan haboonayn laguula dhaqmo. Waxaanu mar labaad ku talinayna in labada muwaadin la siidaayo inta aanay bisha barakaysan ee Ramadaan bilaabmin” ayuu ku soo gebagabeeyey Ururka Horseed.
Afhayeenka Madaxtooyada Oo Beeniyay War-Saxaafadeed Isagu Ku Saxeexnaa Oo Sheegayey In Riyaale Xilkii Ka Qaaday Wasiirka Maaliyadda Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay war ay ku tilmaantay inuu ahaa been abuur, kaas oo saxaafada loo qaybiyay isla markaana lagu sheegay in uu madaxweyne Rayaale xilkii ka qaaday wasiirkiisii Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, warkaas oo sida caadada u ah madaxtooyada loogu qaybiyey saxaafada Somaliland oo dhan adeega email-ka ayaa muddo yar kadibna waxa soo baxay war ay xukuumaddu soo saartey oo sheegaya inuu warkaasi uu ahaa been abuur aanay waxba ka jirin, waxaanay arrintani hakad gelinaysaa sidii ay Madaxtooyadu warbaahinta wararka u siin jirtay. Iyada oo tilmaantay in talaabadani horseed u tahay ka fiirsasho xagga warbixinta ah oo ay xukuumaddu hadda ka dib samaynayso. Xukumada Somaliland waxay warkan ku tilmaantay, kuna beenisay inuu yahay mid samays ah oo been abuur ah, isla-markaana aanay wax-ba ka jirin xaqiiqadiisa. Warsaxaafadeedka hore ee afhayeenka madaxtooyadu beeniyey ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Riyaale uu xilkii ka qaaday wasiirkiisii maaliyadda Cawil Cali Ducaale, hadaba warsaxaafadedkaa hore oo uu ku sexeexnaa afhayeenka Madaxtooyada ayaa isaga oo dhamaystiran uu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta wuxuu xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil, Madaxweynaha Somaliland isagoo xeerinaya baahida wakhtigani loo qabo isbedel ku yimaadda hawlaha shaqo iyo maamul ee hay’adaha dawladda isla markaana eegaya baahida shacabka Somaliland, wuxuu xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil, Madaxweynahu wuxuu ku ammaanay wasiirkii hore ee maaliyadda xilkasnimadii iyo daacadnimadii uu qaranka ugu soo shaqeeyey, wuxuuna Madaxweynahu u sheegay wasiirka maaliyaddu in xilku wareegto yahay. Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin wuxuu faraya Wasiirkii hore ee Maaliyaddu inuu xilka ku wareejiyo wasiir ku xigeenka Maaliyadda inta uu cid kale usoo magacabaayo.”
Xisbiga UCID Oo U Dabaal-degay Sannad-guuradiisii 7aad Ee Aasaaskiisa Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Xaflad balaadhan oo lagu xusayey sanadguuradii 7-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay xisbiga UCID ayaa lagu qabtay Hoteel Maansoor, xaflada oo si weyn loo soo agaasiamay ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha golaha baarlamaanka C/raxmaan Maxamed C/laahi Ciro, gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiilada Baashe, xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE, ardayda Jaamacada Hargeysa iyo Martisharaf tiro badan. Munaasibadan ayaa waxaa si weyn loogu soo ban dhigay Filim documentary ah oo ka hadlaya wakhtigii la aasaasay xisbiga UCID. Halkaana waxaa khudbado ka soo jeediyey xoghayaha guud ee xisbiga Mr. Baashe, guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee xisbiga Xasan Suldaan, iyo xubno kale oo ka tirsan xisbigaasi , dhinaca kale waxa iyaguna khudbado ka soo jeediyey qaar ka mid ah ardayda jaamacada. Dhinaca kale waxaa halkaasi isna ka hadlay gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo khudbadiisan ku soo qaatay dhinacyo badan oo ay ka mid tahay dhaqaalaha dalka iyo nabadgelyada sidii loo xoojin lahaa, guddoomiyuhu mar uu ka hadlayey siyaasada ku waajahan waddanka aynu jaarka nahay ee Djibouti ayaa waxa uu yidhi “ walaalayaal Jabuuti waa waddan aynu jaar nahay cilaaqaad wanaagsanina inaga dhexeeyo, haddii ay inaga sii jeestaana waanu soo jeedin doonaa” Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlaya dhinaca dhaqaaalaha waddanka ayaa waxa uu yidhi “ walaalayaal waxa aynu dhaqaajinaynaa dhaqaalaha sidee ayaynu u dhaqaajinayanaa walaalayaal waxa aynu u dhaqaajinaynaa waxa aynu haysano ayaynu hagaajisanaynaa , waxa walaalayaal aanu jecelnahay inaanu shan sano gudahood aanu waddooyinka dalka isku xidhno insha alaahu tacaalaa, waxa aanu doonaynaa in aanu samayno dhaqaale furfuran oo cidii wax keenaysa ay dawladdu kabto oo cashuurta laga yareeyo ayaanu doonayanaa, walaalayaal waxa aanu u samayn doonaa baayacmushtariga xorta ah ama private center-ka cid dhiiri galisa, walaalayaal waxa aanu jecelnahay in tacliinta aanu xooga saarno oo dhaqaalahayaga aanu ku bixino tacliinta oo aanu doonayno iskuulada 70% inaanu u samayno iskuulada farsamada gacanta 30% na- jaamacadaha, walaalayaal waxa aanu jecelnahay qoyskii 5-caruura u dira iskuul in aanu dhaqaalaha ka kabno, si hablaha loogu dhiiri galiyo inay wax bartaan oo aanay guriga uun ku jirin oo ay wax u bartaan ayaanu doonaynaa insha alaahu tacaalaa, walaalayaal waxa aanu jecelnahay in aanu jaamacadaha u samayno nidaam, run ahaantii waxa aanu doonaynaa in lacagta uu jaamacada ku bixiyo inay dawladdu ka kabto in uu isagu iska bixiyo, una samayno guryo ay jaamacadu leedahay, oo jaban oo ay ardaydu seexato oo hoygoodii hurdada ah isla markaana macalimiintoodana mushaharka lacagta loo kordhiyo” ayuu yidhi waxaana uu intaas ku daray “waxaanu jecelahay in siyaasada dibadu guud ahaan noqoto mid furfuran gaar ahaan kuwa aynu jaarka nahay oo itoobiya waa waddan uu xidhiidh wanaagsani inaga dhexeeyo markaa waa in la sii xoojiyaa oo la adkeeyaa” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe. Xafladan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin, ardayda jaamacada Hargeysa gaar ahaan ardaydii shalay ka qalin jabisay dufcadii shanaad ee barashada culuunta kala duwan, waxa kale oo ka soo qayb galay marti sharaf iyo dadwayne badan.
Bileyska Burco Oo Qabtay Dollar Xaddi Badan Oo Faalso Ah Burco, August 19, 2008 (Haatuf) -Ciidanka Bileyska Burco ayaa habeen hore gacanta ku dhigay lacag faalso ah Dollorka Maraykanka, taasi oo lagu kala iibsaday suuqyada ganacsiga ee Magaalada Burco. Lacagtan Faalsada ah oo ahayd tii ugu balaadhnayd ee ay ciidamada Bileyska qabtaan oo gaadhaysa ilaa $ 7,628 Dollar, oo isugu jirta noodhadhka $100 iyo Halka Dollor, waxay shalay si weyn uga nixisay suuqyada lacagta Burco, taasi oo lagu qabtay Ganacsade u dhashay Puntland. Taliyaha Qaybta Bileyska Burco Axmed Maxamed Guutaale oo shalay warbaahinta uga waramayey lacagtan ayaa waxaa uu cadeeyey in lacagtan laga ogaaday kadib markii dadkii sitay ay u dhiibeen dilaalinta gelisay Suuqyada Sarifka, si ay ugu iibsadaan Badeecado taasina ay ku ogaadeen Ciidamada Bileyska. Taliyaha waxaa uu xusay inay gacanta ku dhigeen shakhsiga lacagtan soo geliyey Magaalada Burco oo la yidhaahdo Maxamed Cali Jacdi oo u dhashay Magaalada Gaalkacayo ee Puntland, ninkaasi oo sida uu sheegay qorshahiisa ahaa inuu kaga bedesho Suuqyada Somaliland badeecado. Isla markaana ay ninkaasi socoto baadhistiisu, lacagtaasina ay gudbiyeen Baanka Burco. Maamulaha Baanka Burco Cumar Cabdi Axmed oo la weydiiyay sifaha lacagtaasi ayaa waxaa uu cadeeyey inay lacagtani tahay midi ugu khatarta badnayd ee la soo geliyo suuqyada Burco. Maamulaha Baanka waxaa uu xusay in Astaamaha Lacagtan ay ugu muhiimsan tahay Xasowda Caanka ee lacagta oo ay ka maqnayd iyo weliba adayga dheeraada oo ay kaga duwan tahay lacagta caadiga ah, waxaa warkiisa ku sheegay in shayga kaliya ee lagu ogaan karaa ay tahay Makiinadaha hubinta cidii haysta. “Waa lacagtii ugu dhoweyd ee lagu khaldami karo, Waayo? Waxaa lacag Cusuboo loo ekeysiiyey lacagta Dollorka” ayuu yidhi. Maamulaha waxaa uu ugu baaqay Sariflayaasha iyo Xawaaladaha inay muujiyaan feejignaan, kaasi oo xusay inay la xidhiidhaan Xarumaha ugu muhiimsa ee M agaalada Burco ayaa iyaguna hada haya lacagtan oo ku tilmaamay mid naxdin ku ah Suuqyada Somaliland kuwaasi oo ugu baaqay in Baanka Somaliland ay qaadaan talaabo adag. Todobaadkan gudihiisa calaamadaha lacagtan foojariga ah lagu arkayey Magaalooyinka Boosaaso iyo Kalgacyo ee Puntland.
ODHAAHDA AKHRISTAHA: Si Xun Wax U Sheeg Sixir Waa Ka Daran Yahay Waxaynu nahay ummadd taariikh soo jireen ah leh qiimeysa dhaqankeeda iyo suugaanteeda qiimaha badan, waxa maanta caado noqotay wixii laga xishoon jiray raga qaarkii ay u noqotay shaqo. Waxaad ogtihiin ninka hadii lagu yaqaan been, tuuganimo, diradiraale, wacadfur, labawejiile, iyo sifooyin badan oo aanan halkan ku soo koobi karin in aan dadkeenii hore ay ka reebi jireen in loo diro goobaha ragu ku arinsanayo, ama gogosha lagu kulmayo. Waxaa maanta ayaan daro ah in raga qaarkii been qaawan la istaageen mareegooyinka ama TVyada lagu kala warqaato, waxaa wax laga xishoodo ah, iyaga oo Awr kiraalayaal ah ay u adeegaan dadkii markaa kiraystay sidii gaadhi kiro ah oo cidii doontaa markaa suuqa ka rarato inuu haddana ummadda ku jaahwareeriyo been, iskana dhigo nin dan qaran ka talinaya. Waxaana ka mid ah Inaadeerkay Cismaan Aw Maxamuud. Ileyn si xun wax u sheeg sixir waa ka daran yahaye wixii uu ku dhurmayey inaadeerkay ee uu lahaa Beelweynta H/jeclo ayaa dalka khalkhal gelinaysa, ama qori dableh soo wada, inay maanta cadaatay in ay been abuurasho aan raad lahayn noqotay arintaas, waxaa iska cad in xukuumaddu dhibsatay in beeshan ay xaliso xungurufaha dhexdooda yaala, kana tashato sidii ay u xoojin lahaayeen xidhiidhka ay la leeyihiin beelaha kale ee r/Somaliland. Waxaan shaki ku jirin in beeshan laysku dayey in lagu been abuurto iyada oo loo adeegsanayo Buurmadow, waxaynu sugaynaa ilayn hada xil mahayee waatii beeshu gude iyo debed kala noqotay kalsoonidii meesha Cismaan uu ku danbeyn doono Dhamaan reer S/land waxaan uga digeynaa dhibaatooyinka iyo hagardaamada ninkaas u noqotay caadada. Waxaa kale oo sharaf ah in madaxda beeshan ka soo jeedaa ee shirka ku soo afjartay qilaafkooda ka abuurmay siyaasada, awelba sida aanu ognahay waxba ma dhex oolin laakiin beesha uun baa jeclaystay in meel loo dhan yahay lagu soo gunaanado arinkaas. Hadaba is afgaradka madaxda dalka sida Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamed Aadan iyo Gudoomiyaha X/Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo waa uun guul S/land u soo hoyatay ee maaha mid wax yeelaysa dalka iyo dadka, inta ay dhibaysaana waanu garan karnaa waxay u dhibeyso. Waxaa wax lagu farxo ah in beeshu soo saartay go,aano dalka wax tar u ah ama la odhan karo waa talooyin wax ku ool ah, waxaase is weydiin mudan maxaa xukuumada jirta ku kalifay in lacagtii umada wax loogu qaban lahaa ku bixiso isku day burburinta shirka Beesha H/jeclo iyada oo kumaankun R/Somaliland ahi u dhimanayaan gaajo, caafimaad daro, qaarkoodna aynaba haysan meel ay ku hoydaan oo shaaricyada magaalooyinka waaweyn hurdaan. Waxa rag siqadooda lagu kalsoon yahay soo sheegeen in Riyaale u dhiibay Buurmadow dhaqaale shir labaad beesha looga furo Caynaba kasoo socday mudo maalin gelinkeed ah oo odayaashii degaanku diideen, Mawaadinow shirkaas Ceynaba waxaa lagu qaadanayey 50-100 dollar inta u dhaxaysa, miyaaney ka haboonay in hooyo R/Somaliland ah oo agoon wax ay siiso heyn korinaysa guno looga dhigo, weyna badanyihiin. Dadkaygow goormaa gar qaadeysaan, mase ogtihiin in boqolaal Hablaheena ugub isku baxaan ama umul raacaan, miyaanay haboonayn in lacagta Buurmadow lagu kiraysanayo in gabdhahaas daryeel loogu sameeyo? Idinkaan taa idiin daayeye bal is weydiiya. Waa nasiib daro in lagu tagri falo hantidii dalka iyo dadka iyada oo aan cidna laga indho qarsaneyn, waxaa wax lala yaabo ah dhaqaalaha ku baxaya ciidamada Somaliland ee marba aag loo rarayo, iyada oo laysugu sheekaynayo halkan baa dhib kasoo jeedaa, waxaa is weydiin leh ma shicibkii waxtarka iyo horumarka dhawrayey baa noqday cadow gaadh laga hayo. Waxaan marwalba is weydiiyaa dhab iyo riyo miday tahay Askartii caruurtii Mudaharaadeysey la dhacday rasaasta ee ay halkaa ku geeriyoodeen qaar ka mid ah, waxa kale oo maanta cadaatay in ninkii hadla, ama ka dooda wixii uu qalooc iyo qalad u arko Xabsi iyo dil ugu jawaabeyso Dawlada Riyaale · Sidaad ogtihiin Mudane Abshir Xasan Xaashi waakaa dhiig xinjiro ah dhigay markii uu wax ka qoray sida Mr Riyaale u lunsanayo hantida dalka ilaa hadana xadhig aan maxkamad la marin loo jaray. · Sidoo kale Gudoomiyihii hore ee cummissionka S/land Mr Xirsi Cali X.Xasan oo maanta xabsiga la dhigay iyada oo lagu been abuuranayo, waxa lagu haystaa waa qoraalkii dheeraa ee uu xukuumada ku cadeeyey inaanay diyaar u ahayn doorasho dalka ka dhacda. · Waxaa iyadana xusid mudan dulmigii lagula kacay madaxdii Ururka Qaran oo mudo Mandheera lagu hayey. Dhacdooyinkaas aan soo xusay oo dhan oogama jeedo in la godoodo ama dhib dalka la geliyo ee waxaan ooga gol leeyahay in dadku ku baraarugaan dulmiga iyo xaqdarada uu maamulka riyaale kula kacayo muwaadiniinta qiimaha iyo qaayaha badan. Waxaa iska cad in riyaale R/Somaliland cod doorasho aanu ka rabin ee arin aynaan ogeyn meel yaal, aad baan uga shakisanahay in dalka doorasho ka qabsoomi doonto, waxaanse ku kalsoonahay in umada R/Somaliland oo ah dad illaahay tala saarta, garsoorkuna yahay rukun ka mid ah dhaqankooda. Xukunka mustaqbalkana alle ayaa leh. Allow dhibaatada ka hay Dalkeena iyo dadkeena Maxamuud Raage Ibraahim (dhegjar) Birmingham UK
|