|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1812 | Aug. 20, 2008 | ||||||
|
BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Cawil Lug Ma Ku Yeelan Karaa Warkii Xil-Ka-Qaadistiisii Beenowday?
Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed Oo Lagu Taageerayo Musharaxnimada Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Somaliland C/Raxmaan Aw Cali, Oo Boorama Ka Bilowday: Warbixin – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf ee G. Awdal
Guddida Dhaqaalaha Guurtida Oo Su’aalo Ku Boobay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Reer Miyiga
Riyaale Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiin Soo Dhamaystay Waxbarasho Heer Jaamacadeed Ah “Jaamacaduhu waxay noqdeen meel xisbiyadu ku yooyootamaan Ee Waxaan Kula Talinayaa Inay Ka Ilaaliyaan”
Wasaaradda Daakhiliga Iyo Maamulka Boorama Oo Isku-Maandhaafay Tirada Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Riiggii Shaqaaqadii Hargeysi Ka Dhalatay Oo Ceel-Qodis Ka Bilaabay Degaanka Xumbo-Weyne
Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Bilowga Wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Somaliland Oo Faah-Faahin Ka Bixinayey Waayo Aragnimada Shirkada Ay Qandaraaska Kula Galeen Hirgelinta Hawlaha Diiwaangelinta Dalka
Madaxweyne Ii Magacow Badhasaabka Berbera
Shimbirba Shimbirkiisuu La Dulaa: Axmed Aadan Cali (Goodir)
Mujaahidiin Iyo Waxgarad Soo Jeediyey In Xilka Laga Qaado Badhasaabka Togdheer
|
BADHEEDHAHA WARGEYSKA Cawil Lug Ma Ku Yeelan Karaa Warkii Xil-Ka-Qaadistiisii Beenowday? Madaxtooyada Somaliland waxay habeen hore beenisay war sheegayey in Hoggaamiyaha Somaliland Daahir Riyaale xilkii ka qaaday wasiirkiisii Maaliyadda Cawil Cali Ducaale. Warkan oo warbaahinta dalka gudo iyo dibadba loogu soo diray E-mailka waxay Madaxtooyadu ku tilmaantay mid been abuur ah oon waxba ka jirin. Hase yeeshee Madaxtooyadu may sheegin ciddii ka dambeysay warkan foorjariga ah ee ay website-yada qaar soo bandhigeen ka hor intii aan Madaxtooyada laga beenin, waxaana ilaa hadda la isweydiinayaa ciddii ku lug lahayd amaba ku lug yeelan karta arrintani cidda ay tahay amaba noqon karto. Haddaba waxa durtaba soo ifbaxaya ama la isla dhexmarayaa faalooyin kala duwan oo mid waliba ay sheekadan meel foodda u saarayso. Dabcan wasiir Cawil waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka loogu necebyahay ee ku jira Xukuumadda Somaliland. Waxaana taas u daliil ah sida muxaafid iyo Mucaaridba ay dadku ugu farxeen markii ay maqleen warkii sheegayey inuu Riyaale shaqadii ka eryey. Sidaas darteed waa laga yaabaa in cid doonaysay inay Cawil ka nixiso ay iyadu ka dambaysay war-saxaafadeedkii la faafiyey Isniintii ee uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Caddaani (Dhuuso-geel) balse markii dambe la ogaaday in uu been-abuur yahay. Haddaba maadaama Cawil yahay nin aan laga jecleyn bulshada dhexdeeda cadowgiisuna dabcan wuu badnaanayaa, mana jiri karto cid ama koox gaar ah oo looga shakiyi karo inay arrintan ka dambaysay balse waxay noqonaysaa in cid walba laga shakiyo, haddii ay tahay dadweynaha dhexdooda amaba xataa xubnaha ay Cawil Xukuumadda ku wada jiraan laftarkooda iyo haddii ay tahay Mucaaridkaba. Laakiin suurto-gal ma tahay in Cawil laftiisu ahaa qofkii sheekadan ka dambeeyey? Dad badan oo Cawil aqoon fiican u leh ayaa iyagu ku adkeysanaya in uu war-saxaafadeedkii been-abuurka ahaa uu isagu ku lug lahaa. Dadkaasi waxay tusaale ahaan xuseen in Cawil uu mararka qaarkood sameeyo sheekooyin isaga ku saabsan oo aan waxba ka jirin si uu ugu muraadsado. Waxa kale oo la sheegay in Cawil jecelyahay in had iyo jeer la hadal-hayo. Intii uu maamulka Riyaale ku biirayba, Cawil waxa u caado ahayd in uu xataa ka been sheego safarada dibadda uu ugu baxo. Tusaale ahaan iyada oo safarkiisu ku egyahay Addis Ababa, ayaa waxa uu dadka qaar u sheegi jiray inuu tegayo Nairobi oo uu halkaas shaqo muhiim ah ka soo qabanayo. Markii sannadkii dhaweyd ay nabaradu ku soo gaadheen Nairobi-na, Cawil waxa uu arrintaasi cidii ka dambeysay ka bixiyey sharaxaado kala duwan, ilaa haddana lama garan karo siday wax u dhaceen. Dabcan dadka xog-ogaalka u ah xidhiidhka u dhexeeya Riyaale iyo Cawil iyagu way rumaysan kari waayeen Riyaale ayaa Cawil aadyar ka takhalusay, waxaanay dadkaasi aaminsan yihiin in Cawil siro badan oo xagga Maaliyadda ah ka hayo Riyaale, sidaas darteedna ay mar uun wakhtiga wada dhamaysan doonaan. Laakiin waxa laga yaabaa in Cawil shakiyey dharaarahan dambe ee la arkay khasnaddii Xukuumadda oo haawanaysa oo dabeetona uu soo alifay sheekada erigiisa si uu Riyaale uga naxsado. Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed Oo Lagu Taageerayo Musharaxnimada Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Somaliland C/Raxmaan Aw Cali, Oo Boorama Ka Bilowday Warbixin – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf ee G. Awdal
Boorama, August 20, 2008 (Haatuf) -- Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo lagu taageerayo musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye, laguna taageerayo madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali, oo tobankii casho ee u dambaysayba ka socday magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa mar kale magaalada ka bilaabay guux kale oo ku saabsan musharraxaasi. Sida la ogyahay waxa muddo ku dhaw tobankii casho ee u dambaysayba magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ka socday olole ku saabsan musharraxnimada C/Raxmaan Aw Cali Faarax ee xisbiga Kulmiye, kaas oo ay wadeen koox siyaasiyiin iyo odayaalba leh kana soo jeeda beesha Madaxweynaha haatan ee iyo Madaxweyne ku-xigeenkaa hore ee J/Yoonis, kuwaas oo ama siyaasiyiintaasi, oo uu ka dhex muuqday, Maxamed Jaamac Abgaal, kana mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxayna muddadaasi Hargeysa kula kulmeen hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, guddiyada dhexdhexaadinta ee xisbigaasi iyo hoggaamiye-dhaqameedyo ka soo jeeda beelaha dhexe ee Somaliland. Sida uu ii sheegay mid ka mid ah odayaashaasi, kana gaabsaday in magacaabo, “cid kastoo aan arrintaasi kala hadalay ama ku soo qaadnay aadbay noola qaateen una soo dhaweeyeen musharraxnimada Madaxweyne kuxigeenkaa hore inuu meeshiisii ku noqdo". Mar aan weydiiyey su'aal ku saabsanayd waxay ka qabaan hadal dhawaan ka soo yeedhay musharraxa kale ee reer Boorama C/raxmaan Saylici oo uu ku sheegay inuu gobolka Awdal kaga taageero badan yahay mujaahid C/Raxmaan Aw Cali ayaa waxa uu yidhi “Arrintaa ka hadli maynno imika, waana arrin u taalla reer Boorama iyo reer Awdal, wayna ka heshiin karaan, isku tanaasuli karaan, balse dooni maynno in khilaaf beeleed oo ku saabsan labadaa dhinac uu naga baajiyo dagaalka siyaasadeed ee aanu kula jirro taliska maanta dalka xukuma, waxanan ognahay in wixii khilaafaad siyaasadeed ahi aanay soo jiidi karin khilaaf beeleed, waxaanan ku kalsoonnahay inay labadaa nin niyad wanaag lagu kala reebi doono." Ololahan lagu taageerayey C/raxmaan Aw Cali ayaa sidoo kale, waxa sii huriyey shalay markii lagu dhawaaqay in C/raxmaan Aw Cali uu ku jiro liiska musharraxiinta xisbnigaasi, taas o soo afjartay tuhun iyo aamus waayadanba laga qabay Madaxweyne ku-xigeenkaa hore oo ku saabsanaa inuu iskaga hadhay musharraxnimadaasi, isla markaana uu hoosta ka taageero ninka ay qaraabada yihiin ee haatan dalka xukuma. Si kastaba ha ahaatee dib ugu soo noqoshada saaxadda siyaasadda ee C/raxmaan Aw Cali ayaa laga yaabaa inay ka farxin weydo qaybo badan oo ka tirsan beesha ay isaga iyo madaxweynuhuba ka soo jeedaan, oo iyagu aaminsan in madaxweynimada reer Awdal ee dalka Somaliland ay ahayd martabo sare oo reer Awdal ka gaadheen Somaliland iyo sida ay u xukumeen beelaha dhexe ee Somaliland, kuwaas oo siday aaminsan yihiin ay u arki jireen cadow soo jireen ah oo ay Boorama ku heshiiyeen 1993kii. Sidoo kale qaybo ka mid ah dadweynaha reer Awdal ayaa iyaguna aaminsan in mansabka Madaxweyne ku-xigeenka ee Reer Awdal ka barako badnaa mansabka Madaxweynaha ay haystaan wakhtigan kaas oo siday aaminsan yihiin in dib-u-dhaca ku yimi dadweynaha ee dhinaca nolosha, shaqo la'aanta iyo waxqabad la'aanta xukuumadda ay hogaamiyaan ay ugu sii biirtay hoggaankooda oo sii kala googooyey gobolka Awdal, Booramana isugu keenay beelaha Samarroon, gobolka xeebihiisii iyo dekedihiisiina la ogyahay meesha uu mariyey. Guddida Dhaqaalaha Guurtida Oo Su’aalo Ku Boobay Wasiiradda Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Reer MiyigaHargeysa, August 20, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cali Maxamed Qoor-Seef oo shalay guddida dhaqaalaha ee golaha guurtida wax ka waydiiyeen maraakiibta ajanabiga ee ka kaluumaysta xeebaha Somaliland ayaa sheegay inaan wax maraakiib oo ajanabi ahi aanay wakhtigan xaadirka ah ku jirin xeebaha isagoo intaa ku daray inaan wax ruqsad kalluumaysi aanay sanadkan 2008-da bixinin. Kulankan shalay oo ay guddida dhaqaaluhu xogwaraysiyo kala duwan xarunta golaha guurtida ay kula yeesheen wasiirada horumarinta reer miyiga Maxamed Dirir Hagar iyo kalluumaysiga Cali Maxamed Qoor-seef iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaarada haasi. Ugu horayn gudoomiyaha guddida dhaqaalaha golaha guurtida Siciid C/laahi Yasir ayaa halkaasi wasiirada ugu sheegay in dalabka ay ugu yeedheen uu la xidhiidhay sidii ay warbixin uga siin lahaayeen waayaha iyo duruufaha ku xeeran hawl qabadkooda iyo qaab dhismeedka maamul ee waaxyaha kala duwan. Wasiirka kalluumaysiga Cali Qoor-seef oo ay halkaasi mudaneyaasha gudidu su’aalo ku weydiiyeen ayaa ka hor warbixin kooban guddida dhaqaalaha ka siiyey adeegyada iyo qaab dhismeedka maamul ee ay u qaybsantahay waxaanu sheegay in wasaaradu ay ka hawlgasho gobolada Awdal, Saaxil iyo Sanaag marka laga reebo masuuliyiinta sare ee wasaarada, ay shaqaalaha tiradoodu dhantahay 76 qof wasiirku isagoo ka hadlaya arinkaana waxa uu yidhi “Xeebaheena Somaliland waxay dhan tahay 850Km ilaalinteeduna u baahan tahay ciidan iyo qalab lagu ilaaliyo marka la eego khayraadka ku jira xeebaheena 2% percentage kalama soo baxno oo hab dhaqan dhaqaale oo lagu waajaho wax soo saarka bada ayaanay dadweynaheenu lahayn, xiliyadii hore waxaa dalkeena iman jiray maraakiib kalluumaysi oo laga leeyahay dalka Masar hasa yeeshee sanadkan 2008-da hal markab oo ajanabi ahi oo kalluumaysi kuma jiro xeebaheena” Intaa ka dib xubnaha guddidu waxay fadhigaasi wasiirka kalluunka ku weydiiyeen su’aalo xasaasiya oo ku wajahan maraakiibta shisheeye ee ka kalluumaysta xeebaha Somaliland waxaanay u dhaceen sidan: S: Md. Ibraahim Xaaji Ciise Buux: wasiir waxa ruqsada oo ku wajahan maraakiibta kalluumaysiga oo aad bixiseen ma jiraan? J: Wasiirka: runtii sanadkii hore ee 2007-dii ayaa ugu dambeysay wax maraakiiba oo ruqsad loo siiyo kalluumaysiga xeebaheena laakiinse wakhtigan xaadirka ahna ma jiraan hal markab oo xeebaheena ku jiraa sanadkan 2008 wax ruqsada oo aanu bixinayna ma jiro. S: wasiir heshiisyadan kalluumaysiga xeebaha ee maraakiibta shisheeye oo ay xaxaafadu sheegtay in suuq madow heshiisyadaa lagu galay arimahaasi maxaa ka jira J: Cali Qoor-seef: horta waxyaale badan ayaa saxaafada lagu qoraa waxaa laakiinse loo baahan yahay in xaqiiqdooda la raadiyo wixii la qorayo, sanad iyo saddex bilood ayaan joogey wasaarada aniguba wasaarada markaan imayey ee aan dibada ka joogey fikradahaa iyo kuwo ka badanba waan qabay laakiin markii aan meel walba tagey ee aan cid kastaba inaanay waxba ka jirin waaniga hadda idiin sheegaya inaan hal markab oo ajanabi ahi ku jirin maanta xeebaha dalkeena, runtiina markay maraakiibta kalluumaysi yimaadaan waxaa la kaantaroolaa shabaagta ku xidhan iyo noocyada kalluunka ay doonayaan waxaana shardiya oo loo xaddidaa in daloolka shabagu leekaado 60 millimeter ilaa 80m.miter taasina waxa lagaga xakameeyaa inaanu kalluunka kale bada kala bixin noocyada kalluunka badda ku jirana mid kasta qiyaastiisa iyo xjmiga uu leeyahay ayaa shabaga loogu qiyaasaa. Intaa ka dib waxa ay guddida dhaqaaluhu xogwaran kooban ka dhageysteen wasiirka horumarinta ree miyiga iyo masuuliyiinta waaxyaha kala duwan waxaanay ka warameen mushkiladaha ka taagan dhirta laga shido dhuxusha iyo khilaafyada ka oogan dhul-daaqsimeedkii xoolaha oo ay tilmaameen arin u baahan in si qaran wax looga qabto. Riyaale Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Macalimiin Soo Dhamaystay Waxbarasho Heer Jaamacadeed Ah “Jaamacaduhu waxay noqdeen meel xisbiyadu ku yooyootamaan Ee Waxaan Kula Talinayaa Inay Ka Ilaaliyaan”
Hargeysa, August 20, 2008 (Hargeysa) – Madaxweyne Riyaale ayaa shalay shahaadooyin guddoonsiiyey macalimiin ka mid ahaa 2000 (laba kun) oo macalin oo soo dhamaysatay waxbarasho heer jaamacadeed ah oo shalay xaflad loogu sameeyey xarunta Wasaarada Waxbarashada ee Hargeysa. Xafladan oo lagu qabtay hoolka wasaarada waxbarashada oo ay ka soo qayb galeen wasiiro, xubno badan oo bahweynta waxbarashada ah, wakiilo ka socday hay’adaha iyo ururada samafalka ee caalamiga ah, ee taageera waxbarashada, EU-da oo iyaguna bixiya taageerada ugu wayn iyo marti sharaf kale, Waxa iyaguna xafladan ka soo qayb galay gudoomiyayaasha jaamacadihii ka qayb qaatay tababarka macalimiintan. Madaxweyne Riyaale oo halkaas ka hadlay ayaa ka waramay baahida loo qabo barnaamijkan tayaynta macalimiinta ee ay iska kaashadeen wasaarada waxbarashada iyo hay’adaha taageera sida SCF, SCF Denmark, AET, Unicef iyo Midowga Yurub. Waxa kale oo uu Riyaale aad ugu dheeraaday sidii macalimiin tayo leh loo soo saari lahaa. “Runtii waxaan is leeyahay in macalinka la tobabaro waa aasaaska waxbarashada hadana macalinku tobabar lahayn isguuladu waxay noqonayaan meel tago oo laga soo noqdo oo arday aan waxba baran uu ka soo baxayo. Barnaamijkan isaga ah Madaxweyne ahaan anigu ma moogeen wasaaradu way ila socod siinaysay waxa jirtay siyaasada ku aadan waxbarashada markii laga wada hadlay inaanu isla eegnay collage inaanu furno oo dadka gobolada laga soo ururiyo in aanay faa’iido badan lahayn baanu isla eegnay xukuumad ahaan, markaanu wasaarada waxbarashada ka wada tashanay ee aanu u aragnay maadaama macalinku u baahan yahay waxbarasho, macalin iyo galas iyo buugii uu wax ka baranyey halkay yaalaan? Waa jaamacad, markaa in jaamacadaha lagu xoojiyo iyadoo laba u jeedo ah ayey xukuumad ahaan markaa siyaasadayadu waxay ku salaysnayd oo ta koowaad tahay in ardayga meesha uu wax ka baranayo meeshii ugu haboonayd ay jaamacada tahay, oo macalinkiina uu joogo wax gudbin karaayey ee macalinka waxbaranayey iyo buugaagtii iyo wixii oo dhan baa yaalla. Mida labaad oo ah jaamacadaha laftooda in lagu xoojiyo oo ay noqdaan jaamacado shaqayn kara, oo aan dhexda ku baabi’in, labadaas siyaasadood way ku jireen” ayuu yidhi isagoo intaas ku daray maanta aad ayaan ugu faraxsanahay natiijada ka soo baxday iyo tirada ka soo baxdayba. “Waxaa kale oo aan u taageersanahay gabdhaha in xoog gacan loo siiyo run ahaantii waxaa aan u balan qaadaynaa wasaarada waxbarashada in gabdhaha dhamaan shaqo la siiyo, ta kale waa laga yaabaa sidii ay ka waramayeen waxaa luminaynaa macalinkii dawlada marka aanu nahay waa run, dawladu resource badan oo ay macalinka siiso oo dugsiyada gaarka loo leeyahay ayey inta badan tagaan laakiin siyaasada wasaarada waxaanu isla ognahay kuwa gaarka loo leeyahay in manhajka dawlada qaato, cidii qaadan wayda lama aqoonsanayo shahaadada laga soo qaato, waa in manhajka wasaarada ku shaqayso oo aanay meeshu noqon meel ganacsi loo furtay oo nin kastaaba yidhaahdo shahaadad ayaan bixiyey oo barina tayadu halkaas ku xumaato. Laba sababood baa sabab u ah in aan macalinka wax badan siinwayno, sababtoo ah ilo dhaqaalo oo badan ma hayso dawladu, meelo badan waan u tagay sida EU-da dalalkooda waan kala hadlay. Waa in lays waydiin karaa muxuu madaxweynuhu jaamacada u tagi waayey oo ahayd in aan tago, horta tacliinta waxaa ka reeban in siyaasad lala dhex yimaado, waxay noqdeen marka meeshaa la tago inay meel xisbiyadu ku yooyootamaan ay noqoto, waxaan kula talinayaa Professor-da jaamacadaha inay ka ilaaliyaan, way ku marti qaadi karaan xisbiyada laakiin dadka waxbarashada ka hadlaya oo kaliya waa inay ka hadlaan” ayuu yidhi Riyaale. Wasiirka wasaarada waxbarashada Xasan X Maxamuud (Xasan Gadh-wayne}ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey qaabka uu u socdo barnamijka tayaynta macalinka ee ay iska kashadeen wasaarada iyo hay’adaha caalamiga ee waxbarashada Somaliland gacanta ka geysta kuwaas oo uu ka xusay SCF, AET, Care, SCF Denmarka, NRC, WFP, UNICEF. Waxa kale oo uu si gaar ah wasiirku farta ugu fiiqay oo uu aad u amaanay mashruuca ay siiso EU-du ee dhinaca waxbarashada. Waxa kale oo iyaguna halka ka hadlay wakiiladii hay’adaha qaar ka mid ah, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada Cali Cabdi odowaa, Gudoomiyaha guddiga Imtixaanadka Daa’uud Axmed Faarax iyo xubno kale oo wasaarada ka mid ah. Dhinaca kalana xafladan ayaa intii aanu iman Madaxweyne Riyaale ka hor waxaa halkaa yimid oo ka soo horeeyey qaar ka mid ah wasiiradiisa, qaar kalana waxay yimaadeen madaxweynaha oo jooga. Wasiiradan ayaa caadaystay marka uu Riyaale meel ka soo hadlayaba ama xaflad ka qaybgalayaba inay xafiisyadooda soo cidleeyaan oo ay hawlihii shaqo soo dayacaan. Wasaaradda Daakhiliga Iyo Maamulka Boorama Oo Isku-Maandhaafay Tirada Goobaha Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Boorama, August 20, 2008 (Haatuf) – Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Sh.C/Laahi Cige, iyo wefti ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo Boorame ku sugnaa laba cisho ayaa shalay ka wada hadlay sidii wasaaradda iyo maamulku uga wada hawlgeli lahaayeen ama u dhaqaajin lahaayeen hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka ee la filayo inay dalka ka qabsoomaan bisha soo socota Wadahadaladan oo ilaa shalay u socday labada dhinac ayaan ilaa imika la ogeyn arrimaha muhiimka ah ee hawshaasi furaha u noqon kara, inkastoo wafdiga wasaaradda arrinaha guduhu isku dayeen inay saxaafadda uga warramaan nuxurka wadahadalkooda haddana arintaasi waxa is hortaagay guddoomiyaha gobolka awdal. Warar ku dhaw wadahadaladii shalay ka socday xarunta maamulka gobolka Awdal ayaa la sheegeyaa inay u badnaayeen arrimaha khuseeya tirada goobaha diiwaangelinta ee gobolkan loogu talo galay iyo hawlaha ay u baahan yihiin arrimahaas oo sida ay sheegeyaan warar aan rasmi ahaan loo xaqiijini ay sheegeen inay labada dhinac isku maandhaafsan yihiin tirada goobaha codbixinta ee gobolkaas, balse waxay wararkaasi xuseen inuu socdo dedaal ku saabsan sidii meel la iskugu iman lahaa, kaddib markii sida la sheegayo xubnaha wefdiga wasaaradda Daakhiligu u soo bandhigeen maamulka gobolka tirada goobaha diiwaangelinta oo 91 goobood ah, balse maamulka gobolka Awdal ku adkaystay in la meelmariyo tirada goob doorasho ee gobolka u qoondaysan, taas oo lagu sheegay inay tahay 121 goobood. Dhinaca kale qaar ka mid ah salaadiinta gobolka oo arimahaasi wax kala socday wadahadalkaasi, balse ka cudurdaartay in la magacaabo, ayaa sheegay in wafdigu ku wargeliyeen oo kale inaan gobolkan Awdal laga bilaabin hawshaasi maadaama hawlihii tijaabada ahaa ee doorashooyinkii hore gobolkan Awdal laga bilaabay, waxayna soo jeediyeen in diiwaangelinta lagu soo horreysiiyo gobolada kale maadaama, ayey yidhaahdeen, hawlihii doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay laga bilaabay gobolkan isla markaana aanay u dhicin sidii la rabay maadaama aanay dadweynaha gobolku waayo aragnimo hore u lahayn hawlaha Doorashooyinka.
Riiggii Shaqaaqadii Hargeysi Ka Dhalatay Oo Ceel-Qodis Ka Bilaabay Degaanka Xumbo-Weyne Hargeysa, August 20, 2008 (Haatuf) – Riiggii ay ka dhalatay shaqaaqadii dhimashada iyo dhaawaca geystay ee bishii hore ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa shalay la geeyay degaanka Xumbo-weyne, halkaas oo la sheegay inuu ka qodi doono ceelal biyood. Riiggan oo ka mid ah mashruuc ay bilaha Cas ee Imaaraadka Carabtu ceelal biyood kaga qodayaan dhulkii laysku odhan jiray Somalia, ayaa in dhawaanle la sheegay inuu ku sugnaa degaano ka mid ah Gabiley iyo Awdal, halkaas oo la geeyay kadib markii lagu guulaystay in la soo afjaro kacdoon dadweyne oo ka dhashay kadib markii si kedis ah riiggaas looga soo kaxeeyey degaanka koonfurta Hargeysa oo uu ceel-biyood ka qodayey, waxaana kaxaynta riiggaas xilligaas lagu sheegay in la geynayo beer qoyska Madaxtooyadu ku leeyahay Boorama si uu ceel uga soo qodo. Hase yeeshee dadka degaanka koonfurta Hargeysa ayaa taas si cadho leh u horistaagay, isla markaana ka sameeyay mudaharaad markii dambe ay xukuumaddu u isticmaashay xoog ciidan oo sababay dhimashada saddex dhallinyaro ah iyo tobanaan dhaawac ah. Riiggan ayaa shalay markii uu gaadhay degaanka Xumbo-weyne waxaa aad u soo dhaweeyay dadweynaha degaankaas oo dhibaato ka haysato dhinaca ceelasha biyaha, waxaanu riiggaasi halkaas ka qodi doonaa ceel biyood. Xaflad lagu soo dhaweynayay riiggan oo lagu qabtay degaanka Xumbo-weyne ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Maayarada Hargeysa iyo Gabiley iyo Xoghayaha fulinta dawladda Hoose ee Hargeysa, Maxamed Aw Aadan iyo Xoghaynta Madaxtooyada Daahir Iid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan degaankaas. Komishanka Doorashooyinka Oo Ku Dhawaaqay Bilowga Wacyigelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha
Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf) – Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay dhaqaajinta Ololaha Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee u qorshaysan in dalka laga hirgeliyo horraanta bisha October ee sannadkan 2008, kaas oo ah barnaamij ballaadhan oo wacyigelin ah oo la doonayo in dadweynaha Somaliland lagaga dhaadhiciyo isla markaana lagu fahamsiiyo muhiimadda uu u leeyahay nidaamka geedi socodka dimuqraadiyadda iyo qabsoomida doorashooyin u dhaca si xor iyo xalaal ah. Xaflad ballaadhan oo shalay lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa ayaa Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil (Kaba-weyne) kaga dhawaaqay in laga bilaabo maalintii shalay ee 19/8/2008 ay dalka ka bilaabeen ololaha wacyi-gelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Xafladdan shalay laga dhawaaqay bilowga barnaamijka wacyi-gelinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen xubnaha Komishanka Doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran, ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda Guddida Komishanka, Wasiiro ka socday Xukuumadda, qaar ka mid ah madaxda xisbiyada mucaaridka, masuuliyiin ka socday Bulshada Rayidka ah, Culimaa’udiin, ururada Saxaafadda iyo marti-sharaf kale, waxaana halkaas khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah masuuliyiintii xafladdaas ka soo qayb-gashay. Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kabaweyne) oo halkaas khudbad dheer ka jeediyay ayaa ka waramay hawsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo baaxadda ay leedahay, iyo weliba baahida loo qabo in dadweynaha la fahamsiiyo qaabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha loo samaynayo, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay in dalka laga bilaabo barnaamij ballaadhan oo wacyigelin ah ka hor intaan la gaadhin wakhtiga diiwaangelinta rasmiga ah. Khudbadda gudoomiyaha Komishanka ayaa waxay u dhignayd sidan: “Waxaanu maanta [shalay] kulankan idiinku yeedhnay inaanu idinku wargelino dhamaystirka shuruudda ugu muhiimsan ee laga rabo doorasho dimuqraadi ah taasi oo ah Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha. Komishanka Doorashooyinka Qaranka wuxuu muddaba ku hawlanaa dhamaystirka qorshaha hawlaha diiwaan gelinta cod-bixiyeyaasha; qorshahaas oo ku salaysan xeerka diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo xeerarka doorashooyinka. KDQ waxa uu samaysan qorshe wakhtiyaysan oo saacad walba, maalin walba iyo bil kasta waxa uu qabanayo ilaa maalinta ku dhawaaqidda natiijada doorashada Madaxtooyada ee ku beegan March 29, 2009 Waxa kale oo Komishanku socdaalo dhowr jeer ugu baxay gobolada iyo degmooyinka dalka si loo soo dhamaystiro wixii ka dhinaa goobaha laga samaynayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha oo ka badan 982 goobood. Waxa iyana xusid mudan in dhawaan la bilaabayo xulashada shaqaalaha ka hawl-gali doona dhamaan goobaha diiwaan-gelinta. Waxa imika dhamaaday xulista afartan xubnood oo ah ToT oo tababaraya shaqaalaha KDQ ee goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay iyana ku howlan tahay soo xulista 720 qof oo shaqaale ah oo hawshoodu tahay sugidda muwaadinimada dadka xaqa u leh in la siiyo kaadhka aqoonisga muwaadinimada iyo diiwaan-gelinta. Sidaas oo kale Maxkamadda Rafcaanku waxay soo diyaarinaysaa 360 qof oo shaqaale ah oo ka mid ah shaqaalaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Waxa kale oo KDQ u samaysan guddiyada diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee heer gobol iyo heer degmo. Wax layaab leh ma aha in dad badan oo reer Somaliland ah ay isweydiiyaan waxa la isugu hawlayo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, sababtoo ah dalkan hore loogama samayn doorasho hore oo dadka coddeynaya la diiwaan- geliyay. Waxa sida la ogsoon yahay marka la doonayo in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto ka hor la sameeyaa diiwaan-gelin codbixyeyaal, sababta oo ah waxay diiwaan-gelintu dawo ka noqotay doorasho la kala boobo oo waraaqo been abuur ah laga buuxiyo sanaadiiqda codbixinta, iyo laba jeer coddayn ama saddex jeer coddayn doorashadaasina ku dhamaato in cid aan xaq u lahayni ku soo baxdo codbixintii. Diiwaangelinta ujeedadeedu waxay tahay in goob kasta oo diiwaan-gelineed tirada muwaadiniinta ee iska diiwaangelisay oo kaliya ka codeeyaan maalinta codaynta. Sidaa awgeed, goob kasta oo cod-bixineed waxa KDQ uu dhigi doonaa waraaqaha codaynta tiro la mid ah tiradii codbixiye ee hore isaga diiwaangeliyay goobtaasi.. Arrintan diiwaan-gelintu waxay noqotay sida kaliya ee doorasho u noqon karto doorasho dimuqraadiya, waana hab dunida dumaqraaddiyadu ka hanaqaaday ee dhidibada dimuqraadiyaddu u aasmeen ka maarmi waayeen. Hawsha kale ee ku lamaan diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaashu waxay tahay sugidda qofka xaqa u leh in la diiwaangeliyo, sida la wada ogsoon yahay dadweynaha reer Somaliland ma haystaan kaadh-ka aqoonsiga muwaadinimada (ID CARD), waana sababtii u fashilisay diiwaan-gelintii la isku dayey sanadkii 2002 ka hor doorashooyinkii golayaasha degaanka iyo madaxtooyada, saddexdii doorasho ee dalku soo marayna midna wax diiwaan-gelin ah lama sameyn. Haddaba, Komishanka Doorashooyinka Qaranku isaga ka oo duulaya xeer lambar 37/2007 si loo qabto doorashso xor iyo xalaal ah waxaa waajib noqotay in dadweynaha la siiyo kaadhka aqoonsiga muwaadinka (ID CARD), si loo diiwaan-geliyo dadka xaqa u leh codeynta. Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu soo diyaariyey aqoontii, farsamadii iyo agabkii in mar kaliya, isku goob kaliya, la wada sameeyo sugida muwaadinka u dhashay Somaliland xaqana u yeeshay in la diiwaangesho isla markaana la siiyo kaadhka aqoonsiga muwaadinka, iyo kaadhka diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha. Sida xaqiiqda ah waa hawl adag oo baaxad weyn oo noqotay mid sinaba looga maarmi waayay, sidaasina waxa inna faraya oo waajib ka dhigay xeerka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha xeer lam.37/2007, kaasi oo ka soo baxay xeer dajinta dalka (BAARLAMAANKA), xukuumadduna ku waafaqday, fulintiisana loo xilsaaray Komishanka Doorashooyinka Qaranka. Soo saaridda xeerkan diiwaan-gelinta iyo dhaqan gelintisiiba waxay jawaab celin u yihiin talo bixintii ay soo jeediyeen goob-joogayaashii (Observers) ka qayb galay Doorashooyinkii hore oo ku taliyey in doorashooyinka dambe ee Somaliland la sameeyo diiwaan-gelin. Xukuumadda Somaliland waxay iyana ballan qaaday 2005 in diiwaan-gelin la sameyn doono ka hor doorashooyinka. Wadamada iyo ururada u ololeeya horumarinta dimuqraadiyaddu waxay iyana ballan qaadeen inay Somaliland ka caawin doonaan sidii loo qaban lahaa diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee doorashooyin dimuqraaadi ah. Komishanka Doorashooyinka Qaranka markuu isla helay sharcigii lagu maamulayey diiwaan-gelinta, saddexda Xisbi qaran oo ku heshiiyey diiwaan-gelin, xukuumadda oo diyaar u ah diiwaangelin, balanqaadyadii dhaqaale ee beesha caalamka la helay, KDQ wuxuu soo diyaarshay sida loo hawl gelayo, waxa lagu howl-gelayo iyo goorta la bilaabayo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Haddaba Komiishanka Doorashooyinka Qaranku isaga oo ka duulaya Xeer Lr. 37/207, Qodobadiisa 12aad faqraddiisa 3aad,4aad,5aad wuxuu aqoonsadey baaxadda hawshani is-xambaarsani leedahay iyo baahida loo qabo in dadweynaha Somaliland la fahamsiiyo qaabka diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha loo sameynayo, waxaa laga maarmaan noqday in Komishanka Doorashooyinka Qaranku isagoo la kaashanaya cid kasta oo gacan ka siineysa in dalka laga bilaabo barnaamij balaadhan oo wacyi gelin ah, ka hor diiwaangelinta rasmiga ah. Sidaa awgeed, maanta oo taariikhdu tahay 19/08/08 waxa Komishanka Doorashooyinka Qaranku dhaqaajinayaa ololaha wacyi gelinta ee Diiwaangelinta Codbixiyeyasha. Ujeedooyinka wacyi-gelintu waxay tahay in dadku uu garto: (1) Waxa looga jeedo diiwaan-gelinta codbixiye; (2) Sugidda Muwaadinimada iyo sida lagu heli karayo kaadhka aqoonsiga muwaadinka (ID Card); (3) Shuruudaha Qofka is diwaangelinaya laga doonayo. Mudanayaal, Komiishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu wacyi-gelintan u adeegsanayaa wax kasta oo suurtogal ah oo uu farimihiisa ugu gudbin karo dadweynaha Somaliland sida: Telefiishanada, Idaacadaha, Wargeysyada iyo Qoraalada Webiste-ka iyo wixii la mid ah. Qalabka warbaahinta waxa laga faafinayaa barnaamijyo ka kooban, Qoraalo, Sawiro, Riwaayado, Suugaan, Doodo iyo wixii la mid ah. Kuwaas oo dhamaan ku saabsan ololaha wacyigelinta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Ololaha wacyi-gelinta waxa ka qayb qaadanaya Dawladda, Asxaabta Qaranka, Ururada Bulshada, NGO’s maxaliga ah iyo muwaadin walba rag iyo haweenba oo gartay qaabka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha. Mudanayaal, wacyi-gelinta baaxadaasi leh waxaanu uga jeedna in qof kasta oo is-diiwaangelinaya uu sii ogaado waxa la weydiin doono ama laga doonayo marka uu tago goobta diiwaan-gelinta. Taas oo wax weyn ka tari doonta in ay wakhti yar qaadato Diiwaan-gelinta muwaadin kasta. Si qof kasta oo da’diisu gaadhay lix iyo toban sano (16) uu fursad u helo in uu is diiwaangeliyo. Arrintani waa howl hawl qaran oo ah waajib Dastuuriya oo la doonayo in muwaadin walba ka qeyb qaato. Si gaar ah, waxa xilka ugu weyni saaran yahay saddexda Xisbi Qaran ee ku tartami doona Doorashooyinka dadka loo sii diiwaan-geliyo inay codeeyaan. Sababta oo ah dadweynaha Somaliland waxay badankoodu ku kala abtirsadaan saddexda Xisbi Qaran. Sidaa darteed, Xisbiyada Siyaasaddu waa inay kaalinta ugu weyn ka qaataan wacy-igelinta ku saabsan diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha. Mudanayaal, waxaa KDQ idinku wargelinayaa inaanay waxba uga hadhin diyaarinta hawlgalka diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, wax walbana lagu dhameynayo waqtigii loo qorsheeyey. Wacyi-gelintan oo ah hordhaca diiwaan-gelinta waxa laga fulinayaa dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka. Hawl-galkan wacyi-gelinta waxa hogaaminaya oo ka masuul ah KDQ. Waxa muhiim ah in wacyi-gelinta Diiwaangelinta lagu daro in dadweynaha lagu baraarujiyo inay ku faro-adeygaan nabadgelyada, sidaas oo kale intiina munaasibadan joogta sida: Xukuumadda, Baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, Ururada Bulshada, Madax dhaqameedyada, Goleyaasha degaanka, iyo muwaadin walba waxaad masuul ka tihiin nabadgelyada dalka, la’aanteedna waxba kama qabsoomayaan Diiwaan-gelin iyo Doorasho midnaba. Sidaa awgeed waa in la ilaashaa nabadgelyada si dalka uga qabsoomaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dimuqraadiyad ah, isla markaana Somaliland u gaadho himilooyinka ay higsanayso. Mudanayaal, ugu dambeyn waxa inoo ballan ah inaga oo isku dan ah, meelna u wada jeedna, iskaashanayna in ololahan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta wada dhaqaajino si aan u sameyno diiwaan-gelin saxan,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Maxamed Ismaaciil Kaba-weyne. Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka waramay dhibaatooyinka horyaal Diiwaan-gelinta soo socota iyo mashaakilaadka ay kala kulmi karaan dadka reer guuraaga ahi, waxaanu xusay inay ka axsaab ahaan diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan arimahaasi Komishanka Doorashooyinka. Muj. Muuse Biixi waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey qiimaha ay leedahay Diiwaangelintu iyo meelaha ay ka kaabayso doorashooyinka, isagoo sheegay inay caddayn u tahay marka hore qofka muwaadinimadiisa marka labaadna ay kaabayso qiimaha iyo shaki la’aanta codadka la dhiibanayo iyo natiijada ka soo baxda codayntaasi iyo ta afraad oo uu sheegay inay tahay adkeynta Nabadgelyada. Waxa kale oo uu Muuse Biixi sheegay inay ka mucaarad ahaan abaal weyn ku qabaan hadii ay sidaa la sheegay wax ku dhacaan maadaama ay shaki ka qabaan inay xukuumaddu wax is daba-mariso, waxaanu yidhi: "Abaal baanu ku qabnaa Diiwaangalinta hadii aanu nahay mucaaradka" Muuse waxa kale oo uu xusay inay suuro-gal tahay inay dadku ka coddayn waayaan meelaha qaarkood xiliyada qaarkood hadii lagu saleeyo Doorashooyinkii hore meelihii la dhigay Sanaaduuqda Codbixiyeyaasha, taas oo uu ku sababeeyey inay dadka reer guuraaga ahi marba meel u guuraan isla markaana aanay lahayn meel toos ah oo loogu soo hagaago oo ay caqabad weyn ku noqon karto hawsha Diiwaangelinta. Hase yeeshee Muj. Muuse Biixi waxa uu walaac ka muujiyey ku kalsoonaanta Wasaaradda Daakhiligu siday dhex ugu noqon karayso axsaabta tartamaya. "Maanta aan bad iska galee wadaadada wax maka sheegaa? Haa. Horta maalinba Awrbaa dhaamiyee maanta waxaa lagu jiraa sanadkii wadaaddada balse wadaaddadu way noocyo badan yihiin oo kan Siyaarada guranayaa waa wadaad, kan marada gaabsanayaana waa wadaad, kan dheeraysanayaana waa wadaad, kan wax qarxinayaana waa wadaad. Markaa anagu [bulshada] waxaanu nahay duul culimo qastay ee bal meel uun isugu hagaaga wadaadoow" ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Muj. Muuse Biixi Cabdi. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Ucid Aadan Maxamed Mire [waqaf] oo ka waramay Diiwaangalinta iyo taariikhdeedii hore cidii soo saartay inay ahayd Ucid, isla markaana ay ku dhawaaqeen inaanay doorashadaba ka qaybgalayn haddii aanay Diiwaagalintu dhicin, waxaanu soo jeediyay inay bulshada oo dhami hareeraha ka taagnaato diiwaan galinta iyo doorashooyinkaba si ay wax fiican meesha uga soo baxaan. Waxaa isna halkaa ka hadlay sarkaal ka socday Xisbiga talada haya ee UDUB oo sheegay inay ka Udub ahaan daacad ka yihiin habsami u socoshada Diiwaangalinta iyo Doorashooyinka ka dambeeyaba. Sidoo kale waxa isna halkaas ka hadlay Wasiiru-Dowlaha arrimaha Gudaha Xasan Axmed Ducaale [Xasan macalin] waxaanu hadal kooban oo u halkaa ka soo jeediyey ku sheegay inay xukuumaddu diyaar u tahay inay Diiwaangalinta iyo doorashooyinka ka dambeeyaba si fiican uga dhacaan dalka oo dhan isla markaana ay af iyo gacanba siin doonaan Komishanka Doorashooyinka. Gebagebadii xafladaasi waxaa ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Doorashooyinka Cali Maxamed Cabdalle [Cali biikalo] waxaaanu sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Komishanka doorashooyinku helaan kalsoonida iyo taageerada dadweynaha reer Somaliland, taasina ay tahay waxa ay ku sii xoogaysanayaan ee kaabaya qiimaha habsami u socoshada hawshooda komishan ahaan, isagoo ugu dambayntii sheegay inay dad badani maanka ku hayaan inay Diiwaan gelintu keenayso kaliya lacag badan iyo kharashaad ay halkaa ka helayaan balse waxa uu xusay inaanay muhiimada dhabta ahi sidaa ahayn waxa loo socdaana ay tahay inay Diiwaan galintu si fiican dalka uga wada dhacdo kadibna ay doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka dambeeyaan, isagoo arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi "Dadka waxaan u sheegayaa inaanay muhiimadu ahayn inay meesha lacag uun ka helayaan balse ay u arkaan waxa loo socdaa inay yihiin sidii ay dalka uga dhici lahaayeen Doorashooyin xalaal ah oo laga hormariyey Diiwaan galin wada gaadhay Gobolada oo dhan." Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Somaliland Oo Faah-Faahin Ka Bixinayey Waayo Aragnimada Shirkada Ay Qandaraaska Kula Galeen Hirgelinta Hawlaha Diiwaangelinta Dalka
Hargeysa, August 19, 2008 (Haatuf)- Guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta Somaliland Ismaaciil Xasan Nuur oo dhowaan ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu u tagay dalka Indiya ayaa faah faahin ka bixiyey waxyaabihii u kala soo kulmay safarkiisaasi u gaadhay indiya oo la xidhiidhay hawlihiisa shaqo iyo heshiiska qandaraasyo uu la soo galay shirkado uu xusay in ay khibrad u leeyihiin hawlaha Diiwaangelinta. Kuwaas oo u sheegay in hawlaha Diiwaangelinta ka hirgalin doonaan somaliland sidaana waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed u guddoomiyuhu shalay soo saaray. Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan: “iyadoo laga duulaayo baahida loo qabo in si joogta ah loo hubiyo habsami u socodka hawlaha Diiwaangelinta ayaa wafti ka socda komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu hogaaminayo komishaneer Ismaaciil Muuse Nuur oo ah guddoomiyaha Guddida Diiwaangelinta ay socdaal shaqo ku tageen dalka India si ay u soo eegaan heerka ay marayso hawsha samaynta qalabka iyo agabka diiwanagelinta (Voter Registration and registration software) ee lagu samaynayo dalka India. Sida laga warqabo waxa dhowaan komishanka Doorashooyinka Qaranku ku siiyey qandaraas shirkaddo isbahaystay (Consortium) inay sameeyaan qalabka iyo agabka Diiwaangelinta ee ku xusnaa tender Dossier: Somaliland NEC2008-01. shirkadahaas oo kala ahaa Copenhegan Elections A/S, Electronic corporation of India limited (ECIL),Krilax and Copenhegan contractors A/S. Dhamaan hawlaha la xidhiidha sameynta Electronic Registration of India limited (ECIL) oo ah shirkad dawli ah (Parastatel), shirkadani oo ah shirkad weyn oo wax soo saarkeeda sanadkii uu yahay laba boqol iyo konton million oo dollar (250,000,000) oo ay ka shaqeeyaan qaybaheeda kala duwan kumaankun oo shaqaale ah ayaa waxay ugu qaabilsan tahay dalka India samaynta iyo soo saarida dhamaan qalabka iyo teknoolajiyada la xidhiidha barnaamijka atomiga iyo isbayska ( Atomic and Space technology). Waxa kale oo ay shirkada ECIL ka hirgelisay dalka Indiya samaynta qalabka iyo teknoolajiyada diiwaangelinta ee ku shaqeeya Electronic registration kits and registration software) Waxa kale oo ay shirkada ECIL dhowaan u samaysay dalka Indiya qalabka codeynta ee electarooniga ah (Electronic voting machines) oo loo isticmaalay 1,200,000 (Milyan iyo laba boqol oo kun) oo goobo cod-bixineed oo dalka Indiya, iyadoo dadweynaha ka dhiibta codkooda xilliga doorashooyinka ee dalka Indiya uu gaadho 600,000,000 ( lix boqol oo milyan) oo cod bixiyeyaal ah. Weftiga ka socday komishanka doorashooyinka Qaranka ee Somaliland waxa si diiran ugu soo dhaweeyey xafiisyada kale duwan ee shirkada madaxda sare ee shirkadaas iyo shaqaale aqoon sare iyo khibrad dheer u leh hawlaha loo igmaday. Waxa xusid mudan in madaxda sare ee dawladda Indiya ilaa heer ku xigeenka ra’iisal wasaaraha Indiya ay si joogto ah ula socdaan ugana war hayaan hadba heerka uu marayo samaynta agabka iyo borogaraamyada kombiyuutarka ee barnaamijka Diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha ee somaliland ee ay wado shirkada ECIL ee laga leeyahay dalka India. Waxa ay weftiga komishanka ku qanceen tayada aqoonta sare iyo khibrada dheer ee ay leedahay shirkada ECIL iyo sida habsamid leh ee ay u wado qaybta kaga aaddan hawsha Diiwaangelinta cod bixiyeyaasha ee Somaliland. Waxa kale ooo dhawrka cisho ee soo socda tagi doona shirkada ECIL xaruntooda dhexe ee magaalada Haydarabaad ee dalka Indiya aqoon yahan aqoon sare iyo khibrad dheer u leh diiwaangelinta electroniga ah oo ka socda shirkada Creative Associated oo ah shirkad laga leeyahay dalka maraykanka oo uu komishanka Doorashooyinka Qaranku u igmaday inay hubiyaan tayada (Quality control and inspection) agabka iyo borogaraamyada kambuutarka ( Electronic Rigestration kitsd and soft ware) ee ay shirkada ECIL u samaynayso barnaamijka Diiwaang-gelinta cod-bixiyeyaasha ee Somaliland. Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa uu xil weyn iska saaray sidii loo heli lahaa qalab iyo borogaraamyo casri ah oo loo adeegsado hirgelinta barnaamijka Diiwaangelinta, haseyeeshee qalab kasta oo casri ah waxaa ku shaqeeya shaqaale loogu tallogelay, haddaba si kasta oo uu u wanaagsan yahay qalabku haddii tayada shaqaalaha ku shaqaynayaa uu liito shaqadu marna u socon mayso sidii loogu tallogalay, waxaanu komishanka doorashooyinku ahmiyad gaar ah siinayaa sidii loo heli lahaa hawlwadeeno aqoon u leh oo loo tababaro ku shaqaynta qalabkan Casriga ah ee Diiwaangelinta. Waxa kale oo KDQ ka codsanayaa muwaadiniinta Somaliland, xisbiyada qaranka, xukuumada, si gaar ahna uga codsanayaa bahda saxaafada inay taageero buuxda iyo dhiirigelin siiyaan ololaha wacyigelinta Diiwaangelinta oo dhawaan bilaabmi doonta. Waxaan ummadda Somaliland xusuusinaynaa in barnaamijka Diiwaangelinta cod-bixiye yaashu uu wax weyn ka tari doono sumcada, horumarka iyo ictiraafka Somaliland, cid gaar u lihina aanay jirin waajib waddaniyana uu yahay In taageero buuxda la siiyo.” Madaxweyne Ii Magacow Badhasaabka Berbera
Mudane Madaxweyne waxaan kaa codsanayaa in aad ii magacawdo kursiga banaan ee badhasaabka gobolka Saaxil, kaas oo dadka reer Berbera u dayaacanyihiin, waxaan filayaa haddii aad heli lahayd cid soo codsata in aad u magacaabi lahayd, Hadaba Madaxweyne adiga oo dareensan rabitaanka dadka reer Berbera iyo guud ahaanba Gobolka Saaxil waxaa lagaga baahan yahay in aad tixgaliso codsigayga, maadaama aan soo codsaday kursi banaan. Xubin Golaha Dhexe UDUB, Rooda Cabdi Muuse, Berbera, Somaliland
Shimbirba Shimbirkiisuu La Dulaa Axmed Aadan Cali (Goodir) Waxa hore loo yidhi Shinbiraha wixii isku nooc ahiba wey wada duulaan, Raggana wixii isku dhaqan iyo balwo ahiba wey is-raacaan, wada fadhiistaan, isu-jiibiyaan oy is-taageeraan, sida hadda Ina Dhabbeeye iyo Buur-madow oo isku noociyad ah. Waxa Rag Allow, la yaab iyo amakaag leh sababta ku kaliftey Ina Dhabbeeye inuu si qaawan oo aan geed loogu soo gabban kula kaco gef iyo aflagaaddo Beesha Habar-jeclo iyo Shirkooda uga socdey GAR-ADAG, kaas oo ahaa mid daakhili ah oo aan cidna wax loogu dhimeynin, sidii horeba loo sharraxay, iyadoo aan looga baran lagana fileynin inay Shirka Beeshaas ka soo baxaan waxyaabo liddi ku noqon kara Qarannimada iyo midnimada Somaliland toonna. Hase yeeshee, waxa is-weydiin mudan hadalada qadafka ah ee aanu Suldaanku u miidaan deyin amase ka fiirsanin ee ah kuwa dhaawacaaya sumacaddiisa iyo xidhiidhka labada Beelood ee walaalaha ah oo aan wax xumaato ahi dhex-oollin, wanaag mooyaane, waxa kaloo wax laga xumaado iyo u qaadan waaba ah, hadalladii la midka ahaa ee isku mar iyo isku-si uga soo wada yeedhay isaga iyo adeerkii Xaaji Cabdi Waraabe. Suldaan Maxamedow Kusriga Saldanada soo jireenka ah ee aad maanta ku fadhido waa mid lahaa taariikh taxane ah, laguna yiqiin sumcad wanaag, sharaf, dhawrsanaan, dhex-dhexaadnimo, gumaysi iyo dulmi nacayb. Awowgaana wuxuu ahaa halyey la wada jeclaa oo afkiisa iyo addinkiisuba miisaanaayeen, laguna soo hirto ee maxaa kaa hortaagan inaad raacdo hab-dhaqankiisii, asluubtiisii ku dayashada mudnayd, maxaa si kaa ah adeer ee kuugu wacan midabaynta iyo is-rog-rogga badan? Miyaanad ogsoonayn inaad tahay Suldaan Guud oo waliba ka soo jeeda Qoys sharrifan ayna kaa reebban tahay wixii aflagaaddo iyo xasarad ah oo dhan ee sumcad xumo u soo jiidi kara shakhsiyaddaada iyo magaca haybta guud ee aad hoggaamiye dhaqameedka u tahay, waxaad tahay kii beelaha Somaliland oo dhan mideyn lahaa, kana dhex-dhalin lahaa nabadgelyo is-afgarad iyo Islaax ee maad ahayn kii Beel ama shakhsi cay ku kici lahaa ee laga eed sheegan lahaa, waxaan keliya oon ku leeyahay Illaahay ha kugu soo hadeeyo wadadda saxda ah ee dhex-dhexaadnimada iyo dhawrsanaanta, iyada oo waajibkaagu yahay inaanad Dadkaaga kala raacin una kala faalin. Cabdi-waraabe, isagu la yaab malaha oo waa caadadiis inuu indho iyo dhago laʼaan iska fuulo habar-jeclo oo uu si xun wax uga sheego goob kasta oo uu ka hadlo, taas oo soo taxnayd tan iyo xilligii Siyaad Barre, iyadoo uu odhan jirey Dalkan waxa rogaaya Habar-jeclo, wuxuuna isagoo si gaar ah u duraaya Siyaasiyiinta Habar-jeclo ee markaas tusaale u soo qaadan jirey gudin yahay badhkay baa kugu jiree imaad goyseen, wuxuuna xaajigu hormood ka ahaa xadhigii Cumar Xarte iyo Ismaciil Cali Abokor, inuu xilligaasba Xaaji Cabdi Habar-jeclo nacayb caan ku ahaa, waxa ka marag kici kara oo la weydiin karaa Suldaan Barre Warsame iyo Ina Dhool-dahable oo goob-joog ahaan jirey xilligaas halganka qadhaadh lagu jirey, shirarkii looga hadli jirey arrimaha dalka ka taagnaa berigaas. - Xaaji-Cabdow, Adeer, khaatumada ku dhimo, Habar-jeclona saamaxaad weydiiso intaad nooshay weli. - Ciidagale weynana waxaan leeyahay, waar Tolow baadidiina ceshada oo sharafta haybta guud iyo wada-jirka Ummadda reer Somaliland ilaaliya, iskana qabta ciddii godob iyo magac-xumo idiin soo jiideysa ee duul-duulka badan leh.
Mujaahidiin Iyo Waxgarad Soo Jeediyey In Xilka Laga Qaado Badhasaabka Togdheer “Anaga oo ah mujaahidiinta, dhalinyarada iyo waxgaradka kale ee hoos ku xusan isla markaana Tixraacayna hadlkii Badhasabka Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame (Biin) uu dharaarihii ina Dhaafay Kasii Daayey Warbaahinta Kuna eedeeyey Labada Halgam ee kamidka ahaa Haldoorkii mujaahuidiintii hormuudka ka ahayd halgankii Hubaysnaa ee wadanka ka xoreeyey Taliskii Hororka ahaa Afweyne, kuwaas oo kala ah Muj. Ibraahin C/laahi Xuseen (Dhegoweyne) iyo Muj. Xasan Guure kuwaas oo uu ku tilmaamay koox shufo ah oo ku sugan Gobolka Togdheer. Hadaba anaga oo aad uga xun hadalka Milgo darada ah ee kazoo baxay Afka Ninka Ku magacaaban Masuuliyada Gobolka Labaad ee Dalka,(Badhasaabka Togdheer) waxa aanu madaxweynaha usoo jeedinayanaa inuu ka xayuubiyo Masuuliyada uu la Heehaabayo ninkaasi taasoo hadii aanu sida ugu dhaqso badan looga abaal marin Gefka iyo meel-kadhaca uu Jaamac kula kacay Ragaasi Mujaahidiinta ah ee maamuuska mudan ay taasi noqoqn doonto mid uu raali kala yahay Madaxweynuhu. wabilaahi Towfiiq
|