|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 1813 | Aug.21, 2008 | |||
|
Wefti Ka Socda Jaaliyadda Muslimka Ah Ee Ku Nool Britain Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland Loolanka Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE Ee Sii Xoogeysanay Oo Indhaha Aad Loogu Hayo Iyo Dareenada Laga Bixiyey Riyaale Oo Wasiir Cusub U Magacaabay Wasaaradda Dib-U-Dejinta Munaasabado Isugu Jiray Qalinjabinta Dufcaddii 7aad Iyo Tobanguuradii Aasaaska Jaamacadda Cammuud Oo Lagu Qabtay Xarunta Jaamacaddaasi Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Hor Yimid In Saxaafadu Goob-Joog Ka Noqoto Kulan Guddida Dhaqaaluhu La Yeesheen Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ganacsatada Xoolaha Oo Sheegtay Inay Ka Dhursugayaan Shirgudoonada Labada Gole Baarlamaan Ka Hor Intaanay Go’aan Qaadan “Shirgudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Ayaanu Ilaa Hada Ka Warsugaynaa, Go’aankayaga Xoolo Dhaadhicintuna..”Gudoomiyaha Ganacsatada Xoolaha C/Laahi Awal-Bari Hawlgalka Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Amisom Oo Muddada Loo Kordhiyay Budhcad Baddeed Somaliyeed Oo Afduubtay Markab Sidday Saliid Qaydhiin oo marayey xeebahaasi Ruushka Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qaraar Qabyo Ah Oo La Soo Hor Dhigay Qaramada Midoobay Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqday Dalka Afghanistan Dagaal Culus Oo Shalay Ku Dhex Maray Ciidamada Amisom Iyo Kooxo Hubaysan Kilo Mitir Afar Ee Magaalada Muqdisho Kenya Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xadka Ay La Wadaagto Somalia
|
Wefti Ka Socda Jaaliyadda Muslimka Ah Ee Ku Nool Britain Oo Booqasho Ku Jooga Somaliland “In Muslimka Ku Nool UK Ay Waajibaadkooda Diineed U Gudan Karaan Si Xor Ah Waxa U Daliil Ah Soomaalida Yurubta Kale Kaga Soo Qulqulaysa” Sheekh Axmed Baabikir
Hargeysa, August 21, 2008 (Haatuf) – Wefti metelaya Jaaliyadaha Muslimka ah ee ku nool dalka Britain ayaa maanta gelinka dambe soo gebagebaynaya booqasho 3 maalmood ah oo ay ku joogeen dalka Somaliland. Weftigan oo ka kooban 4 xubnood waxay dalka soo gaadheen Salaasadii dorraad, waxaanay ujeedada socdaalkooda ku sheegeen inay tahay sidii dadka Muslimka ah ee reer Somaliland ay uga warami lahaayeen kaalinta dhabta ah ee ay Jaaliyadaha Muslimka ahi kaga jiraan mujtamaca UK iyo sida aanay dalka Britain uga jirin wax cabudhin ah oo lagu hayo Islaamka. Xubnaha weftigu waxa kale oo ay sheegeen inay danaynayaan sidii ay Somaliland iskaashi ugala yeelan lahaayeen dhinacyo kala duwan oo ay faa’iido ugu jirto bulshada Somaliland sida waxbarashada gaar ahaan malcaamado quraanka. Booqashadan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK waxa ka horeeyay socdaalo kale oo ay wufuud metelayey Jaaliyadaha Muslimka ah ee UK ay ugu gaala-baxeen dalalka Muslimka ah ee dunida, taas oo ay ku soo bandhigayeen xaaladaha dhabta ah ee Muslimka UK ay ku noolyihiin. Xubnaha weftiga ka socda Muslimiinta reer Britain waxa ka mid ah Sabiin Maalik oo ah haweenay la shaqaysa carruurta iyo dumarka Soomaalida ah ee qaxootinimada ku tegay dalka Britain. Sabiin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan waxay sheegtay inay booqashada ay Somaliland ku yimaadeen ay tahay fursad fiican oo u saamaxaysa labada dhinaca ee kala ah Somaliland iyo Britain inay iska kaashadaan mashaariic waxtar u yeelata dadka reer Somaliland ee dalka gudihiisa ku nool iyo kuwa ku nool dalka UK-ba. Sabiin Maalik waxay tidhi: “Imaatinkayagu wuxuu muujinayaa sida ay dawladda Britain u aqoonsan tahay xidhiidhka soo jireenka ah ee ay la leedahay Somaliland, waana in laga faa’iidaysto albaabkaasi furmay”. Sheekh Axmed Babikir oo ah wadaad diinta Islaamka ku xeel dheer ayaa waxa uu sheegay in uu dalka UK tegay 30 sannadood ka hor, isaga oo ka haajiray dalka Suudaan ee uu asal ahaan ka soo jeedo. Sheekhu waxa uu yidhi: “Britain waxa aanu kala kulanay soo dhaweyntii iyo naxariistii aanu ka weynay dalalkii aanu ka soo qaxnay. Anigu Suudaan baan ku dhashay, dalalkii Carabta ahaa ee noogu dhawaa sida Masar iyo Sucuudiguba albaabka ayey naga xidheen. Sidaas darteed waxay dani i badday inaan nafta ula cararo dalka Britain. Sidii Nebigeena Sala waatu laahi Caleehi uu Nagaashi u soo dhaweeyey ayey Ingiriisku noo qaabileen. In aan abaal-laawe noqdo oo aan dalkii I magan-geliyay xumeeyo waxay nusqaan ku noqonaysaa diintayda iyo qofnimadayda. In Muslimka ku nool dalka UK ay waajibaadkooda diineed u gudan karaan si xor ah waxa u daliil ah oo ka marag kacaya Soomaalida dalalka Yurubta kale kaga soo qulqulaya dalka Britain.” Weftigani intii ay Somaliland joogeen waxay la kulmeen Saraakiil ka tirsan Xukuumadda, Culimaa’udiin iyo ururada sama-falka iyo kuwo bulshada, waxaanay aad uga mahadnaqeen sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyay Somaliland. Waxa kale oo ay u mahadnaqeen Safaaradda UK ku leedahay Addis Ababa oo iyadu ka shaqaysay socdaalkooda Somaliland iyo mid ka horeeyay oo ay Itoobiya ku soo mareen. Weftiga waxa booqashadoodan Somaliland ku wehelinayay Xoghayaha labaad ee Safaaradda UK u fadhida Addis Ababa, Colin Leeman Ugu dambeyntii xubnaha weftiga Muslimiinta UK waxay ka hadleen laba nin oo u shaqayn jiray Qaramada Midoobay oo bishii April lagu afduubay meel u dhow Bu’aale oo ku taalla Somalia, waxaanay afduubayaasha ugu baaqeen inay sii daayaan Murray Watson oo u dhashay dalka Britain iyo Patrick Amukhuma oo ah nin reer Kenya ah. “Annaga oo ku hadlayna magaca dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Britain, waxaanu walaalayaal idinka codsanaynaa inaad labadaas nin ee aan waxba galabsan xoriyadoodii u soo celisaan oo aad afduubka ka sii daysaan” ayey yidhaahdeen. Loolanka Murashaxiinta Xisbiga KULMIYE Ee Sii Xoogeysanay Oo Indhaha Aad Loogu Hayo Iyo Dareenada Laga Bixiyey Hargeysa, August 21, 2008, (Haatuf) – Loollan adag oo xisbiga KULMIYE gudihiisa ka socda ayaa maalmahan ugu dambeeyay gaadhay heerkii ugu sareeyay, iyadoo ay olole ballaadhan wadaan musharaxiinta u tartamaysa jagooyinka sare ee Musharaxnimada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyada oo dhawaan la filayo in golaha dhexe ee xisbigaasi dooran doonaan, xubnaha u metelaya xisbiga KULMIYE doorashooyinka madaxtinimada dalka ee horaanta sanadka dambe lagu wado inay ka qabsoonto Somaliland. Musharaxiinta u tartamaya jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee xisbiga Kulmiye ayaa tiradoodu tahay lix musharax oo ay afar ka mid ahi ay u taagan yihiin mansabka murashaxa Madaxweyne ku xigeenka, halka ay labada murashax ee kale ay isku herdiyi doonaan jagada Madaxweyne-nimada, taas oo shir uu golaha dhexe ee kulmiye ku qabsanayo 23 bishan magaalada Burco ay ka soo bixi doonaan labada musharax ee ku guuleysta jagooyinkaas. Haddaba toddobaadkan ayaa waxa si weyn looga dareemayey magaalada Hargeysa dhaq-dhaqaaqyo Siyaasadeed oo loogu ololaynayo musharaxiinta u tartamaysa jagooyinkaasi, kuwaas oo si isdaba joog ah u qabanayey shirar iyo martiqaadyo ay ku kala jiidanayaan ergooyinka golaha dhexe ee iyaga codkoodu uu yahay ka ay tartamayaashu ku kala hadhi doonaan. Musharaxiinta maalmihii u dambeeyey uu dhaq-dhaqaaqoodu aadka uga muuqday magaalada waxa ka mid ahaa Muj: Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo aan iyagu hore saaxada ololaha siyaasadeed uga dhex muuqan, kuwaas oo kor u qaaday xamaasada iyo kala jiidashada ergooyinka, isla markaana fadhiga ka kiciyey musharaxiin hore ololahoodu ugu socday waxaana mar kaliya la iskugu soo galay hoteelada waaweyn iyadoo ergooyinka shirkaas ka qaybgelayana laysku waydaaranayo si uu murashax waliba u kasbado codkooda. Qaar ka mid ah ergooyinka Kulmiye ee golaha dhexe oo codsadey inaan la magacaabin oo aanu wax ka waydiinay aragtidooda waxa ay ka qabaan loollankan ba’an ee loogu jiro murashaxnimada xubnaha xisbigaasi u matali doona jagooyinka madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa sheegay inaanay xisbi ahaan u fiicnayn tirada badan ee musharaxiinta ah ee u taagan jagooyinkaasi, waayo waxay taasi carqalad ku noqonaysaa bay yidhaahdeen Xisbiga KULMIYE doorashada guud ee Somaliland ee uu xisbigu isu diyaarinayo inuu ka qayb-galo, waxaanay xuseen inay dhici karto sidii shan sano horteed dhacday inay qaar ka mid ah raggan musharaxiinta ahi haddii ay waayaan jagooyinka ay u loollamayaan marka tartanku dhamaado ay ka baxaan xisbigaba . Ergooyinkaasi waxay intaas ku dareen “Haddaba si aanay taasi u dhicin waxay ahayd in hogaanka sare ee xisbiga iyo Guddidiisa fulintuba ay isku dayaan inay banaanka waxbadan ku sii dhameeyaan, oo shir weynaha lala yimaado musharaxiin kooban, si xisbigu uga badbaado burbur arintani ay sababto.” Dad kale oo iyaguna ka mid ah ergooyinka golaha dhexe ee KULMIYE oo arintaasi ka hadlay ayaa sheegay in arintan ay u arkaan mid Dimuqraadiyadi ku jirto oo xisbiga Kulmiye dheer yahay labada xisbi ee kale, waxaanay taasi u daliishadeen shirweynihii xisbigaasi uu dhowaan ku doortay Guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa iyo golihiisa dhexe, sidaas darteedna waxay tanna ku tilmaameen mid la mid ah taas hore oo kale. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqda loollan adag oo xisbiga dhexdiisa ka socda kaas oo aad dareemayso rag badan oo saaxiibo ah, muddo dheer-na siyaasada ku soo wada jiray oo hadda ku kala tegay, kuwaas oo dhinacyo iska soo horjeeda u kala ololaynaya, waxaaanay taasi ku dhalisay dad badan oo ka mid ah taageerayaasha xisbigaasi walaac iyo baqdin ay ka qabaan in doorashada uu xisbigaasi ku dooranayo cidda uga qaybgalaysa xisbiga KULMIYE tartanka doorashada madaxtinimada dalku ay sababto kala fogaansho siyaasiyiinta xisbiga gudihiisa, taas oo saameyn ku yeelan karta midnimadii iyo wadajirkii xisbiga tartanka doorashada guud ee ay asxaabtu ugu tartami donaan hogaanka dalka. hase yeeshee marka la raaco nidaamka dimuqraadiga ah ee ay Somaliland qaadatay, waxaa la odhan karaa xisbiga KULMIYE waa ka ugu dhow ee dhexdiisa uu ka jiro loollan dimuqraadi ah, iyadoo aan marnaba laga maarmi karin gorgortan hoose oo keeni kara isu soo dhowaansho iyo isu tanaasul mararka qaarkood. Riyaale Oo Wasiir Cusub U Magacaabay Wasaaradda Dib-U-Dejinta
Hargeysa, August 21, 2008 (Haatuf) – Hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee UDUB, Daahir Riyaale Kaahin ayaa shalay wasiir cusub u magacaabay wasaaradda Dib-u-Dejinta oo uu hore iskaga casiley Abshir Axmed Xasan, waxaanu Riyaale xilka wasiirkaas u magacaabay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed Yuusuf Cismaan. Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu soo diray e-mail, kaas oo u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu maanta u magacaabay Wasiir cusub Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland. Madaxweynuhu , isaga oo tix raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka Somaliland , faqradiisa labaad , isla markaana tix gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada Dib u Dejintu u leedahay dhismaha Qaranka waxa uu u magacaabay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan . Madaxweynuhu isaga oo ku qanacsan kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo ee uu leeyahay Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu ku amray in sida ugu dhakhsaha badan uu ula wareego xilka loo igmaday. Alla Mahad leh” Sidoo kale waxay Madaxtooyadu soo raacisay war-saxaafadeed lagu magacaabay wasiirkan cusub, qoraal ka waramaya aqoonta iyo khibradda ninkan loo magacaabay wasiirka, kaas oo ahaa wax ku cusub qoraalada ka soo baxa Madaxtooyada ee lagu magacaabo wasiirada, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan: Waa Kuma Wasiirka cusub ee Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland? Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa cidda uu yahay Wasiirka cusub ee Wasaarada Dib u Dejinta Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, kaasi oo Madaxweyne Rayaale Magacaabay. Haddaba, Mohamed Yusuf Osman wuxuu 1996 shahaadada sare ee Master ka qaatay Institute of Independent Business London. Sanadii 1992 wuxuu Shahaadada first degree ka qaatay Jaamacadda South Bank University ee London isagoo ku takhasusay CIVIL Engineering. Sanadii 1986 wuxuu shahaadada Degreega sidoo kale ka qaatay Jaamacadii National University of Somalia ee muqdisho isagoo ku takhasus Civil/Building. Sanadii 1983 wuxuu shahaado Diploma ah ka qaatay Hargeysa Technical Institute. Khibrada Shaqo: Mudane Mohamed Yusuf Osman wuxuu ka tirsan yahay khubarada la talinta gacansi ee Institute ka Independent Business – London. Sanadkan 2008 da wuxuu Mohamed Yusuf Osman la taliye u ahaa qaybaha dawlada, LNGOs iyo shirkada gaarka ah qaarkood. 2006 dii wuxuu la taliye u aha London Borough of Ealing. 2006 wuxuu la taliye u noqday ardyada Jaamacadda Hammersmith and west London College. 2000 Wuxuu Mudane Mohamed Yusuf Osman, Barre sare ka noqday Ealing Tertiary College, London Sannadii 1993 wuxuu ahaa shaqaale dhinaca horumarinta qaxoontiga ah, Community Center, Acton London W3 1990 – Wuxuu ahaa National Officer UNHCR Muqdisho Somalia. Munaasabado Isugu Jiray Qalinjabinta Dufcaddii 7aad Iyo Tobanguuradii Aasaaska Jaamacadda Cammuud Oo Lagu Qabtay Xarunta Jaamacaddaasi Boorama, August 21, 2008 (Haatuf) – Munaasabado lagu maamusayey toban-guuradii ka soo wareegtay aasaaska Jaamacadda Cammuud iyo qalinjabinta dufcaddii toddobaad ee jaamacaddaasi ka baxda ayaa shalay lagu qabtay xarunta jaamacadaasi ee Cammuud. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, xaflad loo qabtay labadaa arrimood ayaa waxa kasoo qaybgalay raxan wasiirro ah oo ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada Somaliland, xasan Gadhweyne, wasiirka beeraha, wasiirka cafimaaka, wasiirudawlaha waxbarahada, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, faysal Cali waraabe, masuuliyiinta jaamacadda Burco, Akademiyada nabadda, iyo Jaamacadda Camuud, macallimiinta, ardayda jaamacadaasi, iyo martisharaf kale oo ka kala timi magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama. Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud oo munaasabaddan ka jeediyey warbixin ku saabsan heerarkii kala duwanaa ee ay jaamacadaasi Cammuud soo martay tobankii sannadood ee ay jirtay, ayaa sheegay inay jid dheer u soo mareen aasaaskeedii, iyadoo ay ka qayb qaateen cid kastoo garanaysay qiimaha waxbarashdu u leedahay dadweynaha iyo dawladda. Professor Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa sidoo uga mahadceliyey munaasabaddaasi cid kastoo kasoo qaybqaadatay aasaaskeedii toban sano kudhawaad oo ay maanta jiilka cusubi guranayaan dedaaklkii waalidiintoodii ka qayb qaadatay dhismaha jaamacadda oo lagu tilmaami karo inay tahay hooyada jaamacadaha Somaliland.
Wasiirka waxbarashada Somaliland, Xasan
Gadhweyne oo isna halkaasi ka hadlay ayaa salaan uu sheegay inuu ka
siday hoggaanka dalka u soo gudbiyey dadkii isugu yimi xafladdaasi,
isagoo dhinaca kalena wasiirku ka hadlay doorkii ay wasaaradda
waxbarashada Somaliland ka qaadatay dhismaha iyo hirgelinta Jaamacadda
Cammuud, waxana uu sheegay inay wasaaraddiisu ka mid ahayd laamihii
dawladda ee usoo jiiday cid kastoo wax tari karaysay aasaaskeeda. Xasan
Gadhweyne ayaa sidoo waxa uu ballanqaaday inay wasaaraddiisu dhinaca
kale faaiidooyin badan ka heshay jaamacadda, halkaasoo lagu tabababary
macallimiinta ugu tayada wanaagsan dhinaca waxbarashada Somaliland. Wasiirka Caafimaadka, Cabdi Haybe oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddiisu l shaqaale u qaadatay lixdii arday ee ugu horreysay ee ka qalinjabisay kulliyadda caafimaadka jaamacadda Cammuud, waxana uu sheegay in wasaaraddiisu ka dhursugayso kuwa kale ee jaamacadda kasoo qalinjabiya inay iyagana u qaadan doonto shaqaale caafimaad.
Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali
waraabe oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa ka warramay sida uu isagu
mar walba uga soo qaybgalo munaasabadaha Jaamacadda Cammuud, maadaama
sida u sheegay ay isaga iyo xisbigiisuba olole ugu jiraan kor u qaadidda
aqoonta dhallinyarada dalka oo horumarin gaadhsiin karta, isagoo intaa
ku daray in haddii xisbgiisu ku guuleysto doorashooyinka soo socda uu
20% Axmed Xasan Cawke, kana mid weriyayaasha idaacadda BBCda oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay sida uu ugu faraxsanyahay inuu maanta ka qaybgalo xaflad lagu qabtay xaruntii uu wax ka baran dhawr soddon sano ka hor, wakhtigaas oo ay xaruntani ahayd buu yidhi dugsigii Sare ee Cammuud maantana ay ka sii dalacday oo ay noqotay Jaamacaddii ugu horreysay dalka, waxanan aad u xusuustaa ayuu yidhi wakhtigaas oo xitaa dugsigaasi sare aan loo haynin macallimiin Soomaali ah, balse ay wax noo dhigi jireen ayuu yidhi macallimiin ajnebi ahayd oo u badnayd kuwa laga keeni jiray dalalka, Ruushka iyo meelo kaleba. Gebogebadii munaasabaddan ayaa wasiirka waxbarashadu shahaadooyin aqoonsi guddoonsiiyey ardaydii ka qalinjabisay ku dhawaad lix kulliyadood oo Jaamacaddaasi hoos yimaadda, sida beeraha, maamulka iyo maareynta waxbarashada, tiradooduna gaadhayso ilaa 138 arday. Xildhibaano Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Hor Yimid In Saxaafadu Goob-Joog Ka Noqoto Kulan Guddida Dhaqaaluhu La Yeesheen Gudoomiyaha Baanka Dhexe Buux iyo Rayaale mukhalisiinta madaxtooyada oo badhi furay awaamiirtii gudoomiyaha guurtidu faray guddi hoosaadyada Hargeysa, August 21, 2008 (Haatuf) – Guddida dhaqaalaha golaha guurtida oo kulan xog waraysiya oo la xidhiidha arimaha dhaqaalaha la yeeshay gudoomiyaha baanka dhexe C/raxmaan Ducaale Maxamed oo ku qabsoomay maalintii shalay xarunta guud ee Baanka dhexe ayaa kulankaasi oo saxaafadu goobjoog ka ahaan lahayd ayaa waxaa ka hor yimid in saxaafadu ka qayb gasho xildhibaan Ibraahim Ciise Buux iyo Xildhibaan Nuur Riyaale Khayre oo ka mid ah xildhibaanada golaha guurtida kaga jira gobolka Awdal ee jifada Daahir Rayaale ka soo jeeda. Kuwaas oo ilo xogogaal ahi sheegeen in dalab ka yimid gudoomiyaha guddida dhaqaalaha Md. Siciid C/laahi Yasir oo ku jihaysnaa in saxaafadu goob-joog kala noqoto kulankaasi ayaa la sheegay in xildhibaanadaasi oo ku waheliyey kulankaasi ay gaashaanka ku dhifteen in saxaafada loo furo, taas oo ay tibaaxuhuna sheegeen in labadaasi xildhibaan oo lagu tilmaamo xubnaha mukhalisiinta qasriga madaxtooyada uga adeega golaha guurtida ay gudoomiyaha guddida dhaqaalaha u soo jeediyeen in haddii saxaafadu raacdo aanay ka qayb gali doonin kulankaasi gudoomiyaha baanka la yeelanayeen, taas oo ay sida ilo xogogaal ahi noo sheegeen ay mudane Yasir ku duduuceen in kulankaasi ahaado kulan xidhan isla markaana aanay wax saxaafada kaxaysan, waxaana aakhirkii kulan albaabadu u xidhanyihiin ay guddida dhaqaaluhu xarunta guud ee Baanka dhexe ay kula kulmeen gudoomiyaha taas oo sida la sheegayna ay xubnaha gudidaasi khaqaaluhu masuuliyiinta Baanka kala hadleen arimo ku saabsan lacagaha cusub ee la soo daabaco iyo arimaha la xidhiidha xeerka Baanka dawladu ku shaqeeyo. Gudoomiyaha golaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa fadhigii todobaadkii hore ee goluhu yeeshay guddi hoosaadyada golaha ku amray in kulanada xog waraysi ee ay la yeelanayaan masuuliyiinta hay’adaha dawlada ay saxaafada ka qayb galiyaan isla markaana ay goob joog ka noqoto balse marka la eego gudoomiyaha guddida dhaqaalaha oo isagu ogolaa in saxaafadu goob joog ka ahaato kulankii masuuliyiinta baanku la yeesheen ayaa hadana waxaa badhi furay xildhibaanada khusuusiga ah ee jifada Riyaale gaar ahaana xildhibaan Ibraahim Ciise Buux iyo Nuur Riyaale oo iyagu ah xubnaha sida weyn ugu ololeeya siyaasadaha iyo danaha madaxtooyadu ay ka leedahay golaha guurtida dhexdiisa ilaa haddana si rasmiya looma oga waxyaalaha ay xildhibaanadaasi khusuusiga madaxtooyadu ay saxaafada uga gubteen iyo fulin la’aanta awaamiirtii shirgudoonku faray guddi hoosaadyada golaha guurtida, kulan kaasi ka dib oo uu wargeyska Haatuf wax ka weydiiyey gudoomiyaha dhaqaalaha guurtida mudane Yasir waxyaalaha ay kulankaasi kaga wada hadleen masuuliyiinta baanka baanka ayaa noo sheegay in kulankaasi uu ku saabsanaa xogwaraysi la xidhiidha arimaha dhaqaalaha iyo guud ahaanba waajibaadka baanku u hayo ummadda waxaanu tilmaamay inuu warbixintaa natiijadeeda u gudbin doono fadhiyada todobaadka soo socda ee gole weynuhu yeelan doono, isagoo dhinaca kalena ka gaabasaday in wax tafaasiila ka bixiyo mawqifkii adkaa ee labadaasi xildhibaan ay kaga hor yimaadeen in saxaafadu goobjoog kala ahaato kulankaasi ay la yeesheen masuuliyiinta baanka dhexe. Ganacsatada Xoolaha Oo Sheegtay Inay Ka Dhursugayaan Shirgudoonada Labada Gole Baarlamaan Ka Hor Intaanay Go’aan Qaadan “Shirgudoonada Labada Gole Ee Baarlamaanka Ayaanu Ilaa Hada Ka Warsugaynaa, Go’aankayaga Xoolo Dhaadhicintuna..”Gudoomiyaha Ganacsatada Xoolaha C/Laahi Awal-Bari Hargeysa, August 21, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha ganacsatada xoolaha koota diidka C/laahi Maxamed C/raxmaan Awal-bari ayaa sheegay in ilaa hadda ay ka warsugayaan shirgudoonada labada gole Baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada isla markaana tilamaamay in haddii wax laga qaban waayo cabashadooda ku saabsan dhoofinta xoolaha ay tala danbe gala danbe ganacsatado ahaan iskugu iman doonaan. Gudoomiyaha ganacsatada xoolaha ee ka soo hor jeeda heshiiska xukuumaddu dhoofinta xoolaha kootada ugu xidhay Al-jaabiri oo aanu wax ka weydiinay waxyaalaha uga qorshaysan digreetada uu Rayaale ka soo saaray in xoolo danbe ay keenaan magaalada Berbera isagoo Mr. Awal-bari arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “xoolihii naga joogay Berbera waa tii aanu rarnay, intaa ka dibna waxaanu la kulanay shirgudoonka labada gole ee guurtida iyo wakiilada, golaha wakiiladuna waa kuwii aanu u xogwaranay sidaa darteed waxaanu ka warsugeynaa labada shirgudoon ee Baarlamaanka oo na yidhi naga war suga, waxaananu filaynaa in maanta labada shirgudoon ee Baarlamaanak iyo Rugta ganacsiga aanu u tagno oo aanu weydiino waxa ay nooga hayaan wax ka qabadkii cabashadii aanu ugudbinay marka aanu is aragno shirgudoonada Baarlamaanka iyo Rugta ganacsiga ayaanu go’aan kayaga sheegi doonaa”. Mar aanu weydiinay haddii ay labada shirgudoon wax natiijo ah ay keeni waayaan waxa ay yeeli doonaan iyo in Adhi kale u soo dhaadhicin donaan Berbera waxa uu yidhi “haddii aanu quus kala soo laabano shirgudoon ganacsato ahaan talo danbe ayaanu iskugu noqon doonaa inta aanaan xoolo soo rarin go’aankayaga waxa uu ka warsugayaa” Hawlgalka Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Amisom Oo Muddada Loo Kordhiyay New York, August 21, 2008 (W. Wararka) Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhi ka yeeshay arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxa ay wakhti dheer ugu dareen hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ee dalka Soomaaliya, Muddo lix bilood ah oo dheeraad ah ayuu Golaha Ammaanku ugu daray ciidamada Amisom inay wadaan hawlgalka nabad ilaalinta. Hase yeeshee waxaa kaloo barbar socday qaraar kale oo si aqlabiyad leh ay xubnaha Golaha Ammaanku uga codsadeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay inuu la shaqeeyo Midowga Afrika sidii Qaramada Midoobay u horumarin lahayd dhinacyada siyaasadda iyo Farasmada oo la gaadhsiiyo hawlgalka Midowga Afrika heerka hawlgallada Qaramada Midoobay. Midowga Afrika waxa uu u qorsheeyay in hawlgalka nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya ay fuliyaan 8,000 oo askari, balse 2,600 oo askari ayaa Soomaaliya soo gaadhay oo ay soo direen dalalka Uganda iyo Burundi. Nigeria oo ka mid ah dalalkii Afrikaanka ee u ballan qaaday Soomaaliya inay ciidamo ugu yaboohi doonaan, hase yeeshee aan fulin ballantooda, inkasta oo ay Nigeria todobaadkii hore sheegtay in todobaadyada soo socda ay u soo direyso Soomaaliya ciidan hal Batalyan ah oo ka kooban 850 saraakiil iyo askar iskugu jira. Nigeria ayaa iyadu tibaaxday in ciidamadaasi ay ku biiri doonaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Amisom. Ciidamada Amisom waxay todobaad ka hor ugu baaqeen Qaramada Midoobay inay kala wareegto hawlgalka nabad ilaalinta ee dalka Soomaaliya, ka dib markii ay ku cawdeen inuu ka sii dhammaanayo dhaqaalihii iyo saadkii ciidamada. Hawlgalka Amisom ee hadda Golaha Ammaanku wakhtiga ugu daray waxa uu ka socdaa magaalada Muqdisho oo keliya gaar ahaan Airabootka, Madaxtooyada, Dekeda, Km4 iyo Jaamacaddii Ummadda. Inkasta oo ay weeraro kala kulmaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda Imbagathi haddana goobaha ay gacanta ku hayaan waxaa lagu tilmaamay inay ka nabad-gelyo badanyihiin goobaha kale ee Muqdisho kuwaas oo aanay wali gaadhin. Budhcad Baddeed Somaliyeed Oo Afduubtay Markab Sidday Saliid Qaydhiin oo marayey xeebahaasi Kula Lumpur August 21, 2008 (W. Wararka) -Kooxo budhcad baddeed Somaliyeed ayaa waxa ay xeebaha gacanka cadan ku afduubeen markab laga leeyahay dalka Malaysia, Markabkan la afduubtay ayaa la sheegay inuu yahay kuwa shidaalka qaada, waxaana la xaqiijiyay inay la socdaan shaqaale tiradoodu ay gaadhayso 20. Shirkadda markabkaa iska leh oo fadhigeedu yahay magaalada Kuala Lumpur ayaa sheegtay in markabka uu sido saliid qaydhin , isla markaana shaqaalaha la socda ay isugu jiraan Maleysian iyo Filibiin, waxaa kale oo ay shirkadani sheegtay inaan wali xidhiidhkii ay la sameeyeen aanu u soorto galin inay helaan kabtankii markabkaasi, balse ay ruamysanyihiin in uu markabkaasi baroosinka dhigtay filayaana in budhcad baddeed afduubtay dalbandoonaana lacag madaxfurasho ah. Laanta badaha adduunka ee IMB waxay sheegtay in in afduubkan uu yahay kii afaraad ee labo todobaad gudohood gaadiid baddeed loogu geysto xeebaha gacanka cadmeed. Afduubkii ugu dambeeyay waxaa loo geystay markab laga leeyahay dalka Thailand oo ay la socdaan shaqaale tiradooda lagu sheegay 28 oo u dhashay dhammaantood dalka Thailand. Xeebaha Soomaaliya ayaa noqday meelaha ugu khatarta badan marka la barbar dhigo dambiyada ka dhaca baddaha Adduunka. Ruushka Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Qaraar Qabyo Ah Oo La Soo Hor Dhigay Qaramada Midoobay New York, August 21, 2008 (W. Wararka) – dawlada Ruush-ka ayaa qaadacday qaraar qabyo ah oo la soo hor dhigay golaha amaanka ee Qaramada midoobay kaas oo dalka Ruush-ka ka dalbanaya inay si buuxda ugu hogaansamaan xabad joojinta iyo inay ciidamadeeda kala baxdo goobihii ay hore dagaalada ugaga qabsatay dalka Georgia. safiirka Ruush-ka u fadhiya golaha amaanka ee qaramada midoobay Vitaly Churkin ayaa gaashaanka u daruuray qaraarkaas isagoo sheegay inuu diidan yahay luuqada loo adeegsaday qoraalkan oo ah in Ruush-ku dhowro sharafta iyo karaamada dhul ahaaneed ee Georgia, waxaana uu safiirku sheegay in gobolada South Ossetia iyo Abkhazia aanay dooneyn inay qayb ka noqdaan dalka Georgia. Dowlada Ruush-ka ayaa waxaa ay ku andacoonaysaa in heshiiska xabad joojinta uu u ogolaanayo in ciidamadiisu ay sii joogaan deegaanka Xuduuda ee dhinaca xuduuda dalka Georgia uu la wadaago gobolka South Ossetia. xukuumada Moscow ayaa goor sii horaysay qaadacday digniino uga Yimid NATO taas oo NATO ay ku sheegayso in xidhiidhkii dalalka NATO ay la lahaayeen Ruush-ka aanay macquul ahayn inay sii socdaan inta Ruush-ka ciidamadiisu ay joogaan dalka Georgia. Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqday Dalka Afghanistan Sarkozy “Dagaalka aan kula jirno argagixisada waan sii wadi doonnaa” Paris, August 21, 2008 (W. Wararka) - Madaxweynaha dalka Faransiiska Nicolas Zarkory ayaa la filayaa inuu u ambabixi doono dalka Afgaanistaan si uu taageero ugu muujiyo ciidamada Faransiiska ee ka dagaalamaya halkaasi kuwaas oo weerar kii ugu dhiiga badnaa loogu geystay duleedka magaalada Kabul. 10 askari ayaa lagaga dilay 21 kalena waa lagaga dhaawacay weerar gaadmo ah oo lagu soo qaaday ciidamada Faransiiska. Madaxweyne Sarkozy ayaa wacad ku maray in ciidamada Faransiisku ay sii wadi doonaan hawlgalkooda isla markaana ay kusii taagnaan doonaan dagaalka ay kula jiraan waxa ay ugu yeedhaan argagixisada. Dalka Faransiiska ayaa lagu wadaa inuu dabayaaqada sanadkan u diro Afqaanistaan 700 oo Askari, taas oo tirada ciidankooda ku sugan Aqanaistaan ka dhigi doona 2,600 oo askari. Dagaal Culus Oo Shalay Ku Dhex Maray Ciidamada Amisom Iyo Kooxo Hubaysan Kilo Mitir Afar Ee Magaalada Muqdisho Dagaalka wuxuu qarxay ka dib markii kooxaha hubeysan ay weerareen ciidamada Amisom Muqdisho, August 21, 2008 (W. Wararka) Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu dagaal culusi ku dhex maray kilo mitir afar ee magaalada muqdisho ciidamada midowga africa iyo kooxaha hubaysan ee ka dagaalama wadanka somaliya. Weli lama xaqiijin khasaaraha uu sababay dagaalkaasi la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamada Amisom iyo kooxaha hubeysan. Balse waxa ay wararku intaa ku darayaan in uu dagaalkani sababay hakad galay isku socodka waddooyinka waaweyn ah kuwo muhiim u ah isku xidhka magaalada. Deegaanka KM4 waxay ka mid tahay deegaanada ay ku badan yihiin dugsiyada waxbarashada aasaasiga iyo Jaamacaduhu. Waxaa kale oo halkaasi ku yaalla goobo ganacsi oo iyaguna la sheegay inay albaabada u xidhmeen intii ay dagaaladu socdeen. Dagaalkan shalay qarxay waxa uu daba socdaa dagaal kale oo doraad ka qarxay agagaarka Suuqa Bakaaraha taas oo keentay in madaafiic ay ku soo dhacaan suuqaasi. Balse xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa caadi ku soo noqotay iyadoo dhaq dhaqaaqii ganacsiguna la sheegay inuu dib u soo laabtay. Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa la yaaban dagaaladan qarxay maalmo ka dib iyadoo rajo laga muujiyay in khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan xal laga gaadhi doono, ka dib markii ay guddiyo farsamo oo hirgeliya heshiisyada siyaasadda iyo Ammaanka ay dhisteen dowladda Imbagathi iyo Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya. Kenya Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xadka Ay La Wadaagto Somalia
Dhoobley, August 21, 2008 (W. Wararka) - Wararka ka imanaya degmada Dhooble ee gobolka Jubbada Hoose ee wadanka Somalia ayaa sheegaya in dawladda Kenya ay soo dhoobtay xadka ay la wadaagto gobollada Jubbooyinka ee Somalia ciidamo wata gaadiid fara badan. Ciidamadaasi ayaa la sheegay inay isku fidiyeen dhulka xadka ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca koonfureed ee gobollada Jubbooyinka. Ujeedada ay Kenya ciidankaasi u soo dhoobtay xadka waxaa lagu tilmaamay in ay kaga hortegayso dadka soo galootiga ah ee gobollada Soomaaliya ka qaxaya ee ka gudbaya xuduudeeda u dhaxaysa labada dal. Somali badan oo ka qaxay deegaamadooda ayaa la sheegay in todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka gudbeen xadka Kenya iyaga oo xadhiisin ka dhigtay duleedka xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla dalkaasi Kenya. Waxaa kale oo la sheegay inay Keniya ku kaliftay inay ciidamadeeda soo dhoobta xadka si ay u ilaaliso in dadka hubeysani ay u tallaabaan dhinaca Kenya dilalna ka geystaan gudaha wadankaasi. Todobaadyo ka hor kooxo hubeysan oo ka tallaabay dhinaca xadka Kenya ayaa gaadiid ka soo dhacay dalkaasi iyaga oo ula soo gudbay dhinaca dalka Soomaaliya.
|