Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1814 Aug.22, 2008

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Xukuumad Malafsanaysa Oo Dadkeeda Baadhanaysa

 

Xukuumadda Riyaale Oo Cashuuro Cusub Ku Soo Rogaysa Adeegyada Ganacsi Ee Ay Shirkadaha Xawaaladaha Iyo Isgaadhsiintu U Qabtaan Dadweynaha

 

Gudoomiyaha Shirkadda Asante Oil Oo Sheegay Inay Batrool-Baadhis Ka Bilaabayaan Jiidda U Dhaxaysa Burco Iyo Laas-caanood

 

Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Bil Mushaharkiisa Ugu Deeqay Dugsi Loo Dhisaayo Carruurta Naafada Ah

 

Doorashooyin Iyo Diiwaangelin Wasaaradda Daakhiligu Majaraha U Qabataa Dalkan Guul Siyaasadeed Ma Gaadhsiin Karaan? Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Boorama/Haatuf

 

Budhcad-baddeeda Somalia Oo 48-kii Saacadood U Dambeeyay Qafaashay Saddex Markab

 

Burco: Shirkadda Telecom Oo Macaamiisheeda U Soo Bandhigtay Abaalmarino

 

Shirkadda Asante Oil Ee Xukuumadda La Gashay Heshiiska Batrool Baadhista Oo Deeq Sports Gudoonsiisay Wasaaradda Ciyaaraha

 

Bayaan Beeleed

 

 

 

 

 

 

 

 

 


BADHEEDHAHA WARGEYSKA

Xukuumad Malafsanaysa Oo Dadkeeda Baadhanaysa

Kadib markii uu Mr. Riyaale dhawaan guddi wasiiro ah u xilsaaray inay soo dersaan arrinta dakhliga miisaaniyadda dawladda ee sida la sheegayo hoos-u-dhaca weyni ku yimid, isla markaana ay guddidaasi ka soo tala-bixiso sidii wax looga qaban lahaa mushkiladdaasi, ayaa waxa markiiba meelaha ay dadweynuhu isugu yimaadaan ka bilaabmay doodo lagu falanqaynayo siyaasadaha dhaqaale iyo maamul ee xukuumadda la gudboon inay ku talaabsato.

Laakiin markasta oo arrintan la rog-rogo isla markaana la miisaamo aqoonta, kartida iyo hab-dhaqanka maamulka Riyaale waxay dooddu isugu biyo shubanaysay in talada keliya ee ka soo bixi karta sagaalka wasiir ee meesha la isugu ururiyey ay tahay afarta Taajir ee dalku leeyahay intay isugu yeedhaan una caga-jugleeyaan dabeetana amar ku siiyaan inay cashuur cusub u dul saaraan adeegyada ganacsi ee ay dadweynaha u qabtaan.

Sidii baanay u dhacday oo waa tii Dahabshiil iyo Telesom ay shalay u yeedheen si ay ugu khasbaan in xukuumaddu cashuurato Xawaaladaha dadka loo soo diro iyo Kaadhadhka telefoonada ee dadweynaha laga iibiyo.

Waxa tan ku xigi doonta tujaarta raashinka oo intay iyagana u yeedhaan ay ka dalbadaan in gadbadii Bariiska ama Sonkorta ahaydba ay wax u saaraan.

Hadda ogow oo musuq-maasuqii iyo boobkii lagu hayey cashuurta laga ururiyo danyartu halkii buu ka sii soconayaa oo tallooyinka wasiirada kuma jirto in arrintaas wax laga qabto.

Dabcan wasiiradu kuma dhacaan inay ka hadlaan ama soo jeediyaan in la soo koobo tirada wasaaradaha iyo xubnaha golaha wasiirada ee burburin mooyaane aanu jiritaankoodu macno allaale macne uu sameynayaa aanu jirin, iyada oo cid waliba ka dheregsan tahay in dalkan ay ka shaqeeyaan dhawr wasaaradood oo keliya oo haba sii kala liiteene haddana hawl-gudashadooda wax laga dareemi karo sida Waxbarashada, Gudaha, Caafimaadka iyo Qorsheynta.

Dabcan lagama filayn koox wasiiro ah oo aan midkoodna aqoon u lahayn dhaqaalaha inay soo jeediyaan tallooyin lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka si ay u korodho cashuurta dawladdu, loogamana fadhiyin nimankani inay keenaan siyaasado (policies) lagu dhiiri-gelinayo wax-soo-saarka iyo ganacsiga dalka gudo iyo dibadba.

Dabcan dawlad kastaa waxay ku shaqaysaa cashuurta ay dadka ka qaado taas oo ay dadka wax ugu qabato. Laakiin Riyaale iyo wasiiradiisu gaar ahaan Cawil sidaas wax uma arkaane waxay cashuurta u haystaan baad ay dadka ku leeyihiin oo ay waajib tahay inay markasta bixiyaan.

Maamulkan Riyaale ee malafsanayaa malaha maba ogga inay maamul-xumadoodii iyo xilkas la’aantoodii ay curyaamisay dhaqaalihii dalka oo maceeshadii ay meel cidhiidhi ah gashay oo ay dadku ka soo taagan yihiin inay bixiyaan cashuur aan wax loogu qabaneyn oo jeebadaha lagu shubanayo.

Waxaana hubaal ah in sida kaliya ee Riyaale iyo colkiisu ay wax ku qaadan karaan ay tahay iyadoo ay dadku giriifaan oo ay diidaan cashuurta baadda ah ee xukuumaddu caadaysatay inay ka urursato waxna aanay ugu qaban.


Xukuumadda Riyaale Oo Cashuuro Cusub Ku Soo Rogaysa Adeegyada Ganacsi Ee Ay Shirkadaha Xawaaladaha Iyo Isgaadhsiintu U Qabtaan Dadweynaha

 “Telesom waxaanu ku nidhi Kaadhadhka Telefoonada Lagu shubto maxaad cashuur ka ogoshihiin, Dahab-shiil-na Lacagta Xawaaladda Ayaanu Cashuur Ka Doonaynaa” Wasiir Cawil

Hargeysa, August 22, 2008, (Haatuf) – Xukuumadda Riyaale ayaa ku hawlan sidii ay cashuuro cusub ugu soo rogi lahayd shirkadaha Xawaaladaha, Telefoonada iyo Shirkadaha kale ee ganacsigaba, kuwaas oo laga qaadi cashuuro hor leh adeegyada ganacsiga ee ay dadweynaha u qabtaan.

Arrintan ayaa ka dambaysay kadib markii la sheegay in xukuumadda Riyaale ay musalaftay oo uu hoos aad ugu dhacay dakhligii ka soo geli jiray dhinaca cashuuraha isla markaana la sheegay inay haawanayso khasnadii dawladdu.

Riyaale ayaa laba toddobaad ka hor u magacaabay guddi wasiiro ah oo ka kooban 9 wasiir inay deraasad ku soo sameeyaan meelaha laga kordhin karo cashuuraha ay qaado xukuumaddu, sidii loo heli lahaa ilo cashuureed oo cusub, kuwaas oo aan hore loo qaadi jirin ama ku lumi jiray gacmaha masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda iyo saraakiisha dhinaca cashuuraha u qaabilsan.

Guddidan oo hawlaheeda si rasmi aan loo ogeyn ilaa hadda ayaa labadii toddobaad ee u dambeysay waxa ay shirar ku yeelanayeen xafiisyo kala duwan oo ka mid ah wasaaradda dawladda, iyagoo halkaas kula kulmay masuuliyiin ka kala socota wasaaradaha iyo wakaaladaha dakhligu uu ka soo baxo iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo la sheegay inay talooyin iyo meelaha wax laga kordhin karo wax laga weydiinayey.

Guddidan ayaa shalay u yeedhay Mulkiilaha shirkadda Xawaaladda ee Dahabshiil Maxamed Siciid Ducaale, kaas oo ay kulan dheer oo saacado qaatay ay kula yeesheen guddidaasi xarunta wasaaradda Beeraha ee magaalada Hargeysa, waxaanay la sheegay in ujeedada loogu yeedhay Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil ay ahayd sidii uu cashuur uga bixin lahaa lacagta khidmadda ah ee ay ka qaado adeega xawaaladda ee ay u qabato dadweynaha.

Sidoo kale, shirkadda Isgaadhsiinta Telefoonada ee Telesom ayay guddidani u yeedhay una sheegtay in cashuur cusub laga doonayo adeega kaadhadh lagu shubto telefoonada gacanta ee Mobile-ka iyo lacagta ay shirkaddu ka qaado kirada laymanka telefoonada ee guryaha.

Hase yeeshee guddida wasiirada ah iyo shirkadaha ay ilaa hadda la kulmeen ma jiro wax natiijo ah oo ay isla gaadheen, balse waxa la sheegay inay kulamo dambe isugu iman doonaan si meel laysula dhigo cashuuraha cusub ee ay xukuumaddu ka doonayso inay ka qaado.

Kulankan shalay oo aan saxaafadda loo ogolaan inay ka qayb-gasho, ayaa markii uu dhamaaday waxay weriyeyaal ka socday Haatuf wax ka weydiiyeen wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo guddida ka mid ah iyo Mulkiilaha Dahabshiil.

Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo la weydiiyey ujeedada ay ugu yeedheen Mulkiilaha Shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay inay ujeedada ay ugu yeedhaan tahay inay wada tashi kala yeeshaan sidii xukuumaddu u heli lahayd cashuur oo ku tilmaamay mid looga baahan yahay in ay ka bixiyaan dakhliga soo galla, waxaanu yidhi: “Shirkadaha isgaadhsiinta waxaa aanu ugu horeysiinay shirkadda Telesom oo aanu hadda u yeedhnay, waxaanuna ku nidhi masallan Dakhliga ka soo gala kaadhadhka $1 ee telefoonka lagu shubto iyo $10 ee laga qaado telefoonka Line-ka ee guryaha la gashado bal maxaad ka ogoshihiin in aad cashuur ka bixisaan, taas-na waanu ka doodnay wada tashigiina weli wuu noo socdaa. Shirkadaha xawaaladahana waxaanu ugu horeysiinay oo aanu u yeedhnay Dahab-shiil, runtii Shirkada Dahabshiil waa shirkad 100% muwaadinad Somalilander ah, waayo shirkadaha kale 20% ayaa laga yaabaa inaynu ku leenahay oo 80% kale waxaa leh dad kale, sidaas darteed inaanu ka wada tashano sidii cashuurta dawladda ay uga bixin lahaayeen Dakhliga ka soo gala lacagta xawilaan, wadatashigiina weli wuu socdaa labada shirkadoodba, waxaanu u balanay kulan dambe oo maalinta Axada ah aanu isugu soo noqono” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Shirkadda Dahab-shiil Maxamed Siciid Ducaale oo aanu isagana wax ka weydiinay waxyaabaha ay xukuumadu ugu yeedhay iyo arimihii ay guddida wasiiraddu kala hadleen ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax jawaab ah ka bixiyo, isagoo ku cudurdaartay inaanu hadda wax war ah bixinayn.

Sida ay sheegeen warar xog-ogaal ah oo ku dhowdhow guddidan wasiirada ah, kuma koobna shirkaddaha la doonayo in cashuuro cusub lagu soo rogo labadan shirkadood ee Dahabshiil iyo Telesom, balse waxay arrintani saameynaysaa dhammaan shirkaddaha Xawaaladaha iyo Isgaadhsiinta, iyadoo ay ku xigi doonaan shirkadaha iyo ganacsatada raashinka iyo bagaashka keena, kuwaas oo la filayo in iyagana lagu soo rogo cashuuro cusub oo la mid ah kuwa ay hadda damacsan tahay xukuumaddu inay ka qaado shirkadaha xawaaladaha iyo isgaadhsiinta.

Ilaa hadda xukuumaddu ma sheegin sababta keentay hoos-u-dhaca dakhiligii laga filayay inuu ku soo xeroodo khasnadda dawladda iyo hawsha ay guddidani wasiiradda ahi wadaan, balse waxaa la rumaysan yahay inay xukuumadda Riyaale soo foodsaartay hoos u dhac dakhli oo ka dhashay kootada ay xukuumaddu ashkhaasta ugu xidhay ganacsigii shidaalka iyo xoolaha, iyo tacriifadda ay ku kordhisay qaar ka mid badeecadaha iyo adeegga dekedda Berbera, taas oo sababtay in ganacsato badani ay ka wareegaan dekedda. Waxa kale oo isna qayb ka ah hoos-u-dhaca dakhliga dawladda musuqmaasuq baahsan oo ka jira hay’adaha dakhli ururinta iyo Hanti-dhawrkii Qaranka oo gebi ahaantiisuba hawl-gab ah, isla markaana aan dhawrkii sannadood ee u dambeeyay wax xisaab-xidh ah oo uu Hanti-dhawrku u soo gudbiyay golaha Wakiiladu aanu jirin.


Gudoomiyaha Shirkadda Asante Oil Oo Sheegay Inay Batrool-Baadhis Ka Bilaabayaan Jiidda U Dhaxaysa Burco Iyo Laas-caanood

“Halkii Aanu Xaqal-Qallin Ka Bixin Lahayn Waxaanu Ku Bedelnay Riig Biyood Wasaaradda La Siiyo” Jarand Rystad, Gudd. Asante Oil

Hargeysa, August 22, 2008 (Haatuf) – Masuuliyiinta shirkad magaceeda la yidhaahdo Asante Oil oo laga leeyahay dalka Norway ayaa shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa shaaca kaga qaaday inay bishii June 2008 heshiis Batrool-Baadhis ah la galeen wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland.

Gudoomiyaha Asante Oil Jarand Ristad oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa waxa uu sheegay in ay dhawaan Hargeysa ka furan doonaan xafiis uu maamulo Injineer ka soo jeeda Somaliland oo la yidhaahdo Ibraahim Maxamed Xasan si ay ugu diyaar-garoobaan hawlaha baadhitaanka Batroolka (exploration), kuwaas oo la filaayo inay ka bilaabmaan jiidda u dhaxaysa Burco ilaa Laas-caanood ugu badnaan lix bilood ka bacdi.

Mar ay Haatuf weydiisay inay lacag xaqal-qalin ah maamulka Somaliland siiyeen markii ay heshiiska la saxeexdeen, masuuliyiinta Asante Oil waxay ku jawaabeen inaanay haba yaraatee bixin wax lacag ah oo ay siiyeen wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ay la saxeexdeen heshiiska, Mr. Jarand Risted oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Halkii aanu xaqal-qalin ka bixin lahayn waxaanu ku bedelnay Riig biyood wasaaradda la siiyo.”

Mr. Jarand oo hadalkiisa sii wataana waxa uu intaas raaciyay “Shirkadayadu waxay u hogaansan tahay oo ay ku dhaqantaa mabaa’dii laga aaminsan yahay dalka Norway laguna hago isticmaalka dhaqaalaha ka soo baxa Batroolka la soo saaro, waxaana u sal ah in si sinaan iyo cadaaladi ku jirto ay bulshadu uga faa’iidaysato khayraadkaas. Ku camal-falka mabaa’diidaasi marka Afrika waliba la joogo waxa naga sii saaran xil dheeraad ah maadaama dalal badan oo Afrikaan ah uu cuqubo ku noqday Batroolkii ay soo saarayeen.”

Dhinaca kale wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Qaasim Sh. Yuusuf oo isaguna dhinaca Somaliland uga qayb-galay shirkii Jaraa’id ee shalay ayaa mar kale muujiyey in aanu diyaar u ahayn maamulka Daahir Riyaale inuu Baarlamaanka Somaliland horkeeno heshiisyada Batroolka iyo macdan baadhista ah ee xukuumaddu la gasho shirkadaha ajnebiga ah.

Mar ay Haatuf weydiisay inuu “Haa” ama “Maya” kaga jawaabo inuu ogolyahay iyo in kale heshiisyada uu shirkadaha ajnebiga ah la saxeexdo in la horgeeyo Baarlamaanka, Qaasim wuxuu ka warwareegay inuu su’aasha sidii ay ahayd uga jawaabo waxaanu ku meeraystay wixii sharciya ayaa la raaci doonaa taas oo laga dhadhasan karo in wasiirka Macdanta iyo Biyuhu uu weli ku dhegan yahay isla markaana aaminsan yahay in golaha Wakiiladu aanu xaq ugu lahayn inuu eego heshiisyada ay xukuumaddu la gasho shirkadaha shisheeyaha ah.

Shirkii jaraa’id ee Asante Oil iyo Madanta iyo Biyuhu wada-jirka u qabteen waxa lagu soo bandhigay Khariirad muujinaysa qaab cusub oo loo qaybiyey dhulka Somaliland ee Batroolka laga baadhayo, iyada oo laga dhigay 24 buqcadood (Blocks) halkii ay awal ka ahaan jireen 12 Buqcadood, waxaana la sheegay in wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Daahir Riyaale ay ku talo-jiraan sidii ay u faasixi lahaayeen laba iyo tobanka buqcadood ee cusub ee kuwii hore laga jaray.

Sida uu shalay daboolka ka qaaday maamulaha Asante Oil, Mr. Tor B Lund, wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu waxay shirkaddan u qoondaysay buqcadaha lambar 13 iyo 14.

Dhinaca kale Mr. Christian F. Eidem oo ka mid ah aasaasayaasha shirkadda ayaa waxa uu sheegay in Asante Oil Batrool-baadhista ka sokow ay ku dedaali doonto inay gacan ka geysato hawlaha loogu adeegayo daryeelka iyo horumarka.

Dhinaca kale, Xaflad casho ah oo ay xalay shirkadda Asante Oil iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu ku casuumeen dad tiradooda lagu qiyaasay 40 qof, oo ay ku soo bandhigayeen qorshahooda Batrool-baadhiseed ee ay Somaliland ka samaynayaan iyo heshiiska ay xukuumadda kula jiraan, ayaa waxay ku soo geba-gebowday buuq kadib markii ay masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu carqaladeeyeen xog-waran dhexmaray gudoomiyaha shirkadda Asante Oil iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, iyagoo isku deyaya inay joojiyaan iswareysiga xildhibaankan oo ka mid ah guddida kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada Somaliland iyo masuulka shirkadda Asante Oil.

Badi dadka xafladdan lagu casuumay oo u badnaa haween iyo dad aan xog badan ka hayn hawlaha kheyraadka dabiiciga ah iyo macdanta, ayaa keentay in wax su’aalo ah aan lagu weydiin kooxda reer Norway ee shirkaddan ka socda, kuwaas oo sheegay in heshiiska ay xukuumadda Somaliland kula jiraan uu yahay Production sharing Agreement (PSA).

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka waramaya wixii sababay buuqa xafladdaasi ku dhammaatay ayaa yidhi: “Markii bandhigoodii ay dhammaysteen kooxda reer Norway ayaan ninka hoggaaminayay kooxdan la hadlay si aan ugu tilmaamo waxan ay sheeganayaan in aanu heshiis ahayn ilaa uu soo maro baarlamaanka, balse aanu soo dhawaynayno cid kasta oo maalgashanaysa dalka. Waxaan u sheegay in maadaama shirkadoodu tahay shirkad reer Yurub ah inay tahay inaanu ka wada-shaqayno dhammaantayo ka hortegida musuq-maasuqa iyo heshiisyada lahayn tilmaamaha dastuurka Somaliland iyo xeerka dalka.”

Hase yeeshee Xildhibaan Siciid waxa uu sheegay in markii uu hadalku halkaas u marayay isaga iyo ninka ka madaxda u ah kooxda ka socotay shirkadda Asante Oil uu Agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu si ka baxsan nidaamka masuulnimo ula hadlay Xildhibaanka, isagoo isku dayaya inuu horjoogsado faahfaahinta ay kala qaadanayeen masuulka shirkaddaas Asante Oil. “Waxa iiga muuqatay waxyaabihii ay halkaas kooxdan reer Norway ku soo bandhigeen in aan loo tilmaamin qoraalkan ay kala qaateen xukuumadda Somaliland inaanu ilaa iyo hadda sharciyeysnayn, heshiisna aanu ahayn” ayuu raaciyay Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi, waxaanu Xildhibaanku xusay in faragelintii Agaasimaha Guud sheekadoodii soo faro-geliyay ay goobtii ka abuurtay buuq, kulankiina ku dhammaado buuq iyo dood kulul oo laga galay in qoraalka heshiiska labada dhinac dhexmaray uu yahay sharci iyo inaanu aanu ahayn sharci, iyadoo ay doodaas dhinacood ka qaateen wasiiro xukuumadda ka tirsan oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Duulista Hawada, Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Cali Maxamed Warancadde.


Wasiirka Arimaha Dibadda Oo Bil Mushaharkiisa Ugu Deeqay Dugsi Loo Dhisaayo Carruurta Naafada Ah

Hargeysa, August 22, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Arimaha Dibadda Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa bil mushaharkiisa ah ugu deeqay Dugsiga qabyada ah ee ardayda naafada ah ee reer Somaliland loogu dhisaayo magaalada Hargeysa, taas oo ay Haatuf u xaqiijisay Guddoomiyaha Mashruuca Rajada (Project Hope) oo ah ururka Dugsigan dhisaya Suhuur Xasan Abiib mar aanu arintaas wax ka waydiinay waxay tidhi “ wuxuu wasiirku ii sheegay inuu isagu shakhsiyan ugu tabarucay bil mushaharkiisa ah oo ka madaxbanaan wixii wasaarada arimaha Dibedu ugu deeqayso wasaarad ahaan”

Hadab arrintan wasiirku ugu deeqay bisha mashuharkiisa ayaa waxa daba socotay xaflad qaadhaan loogu ururinayey dugsigaa oo habeenkii axadii ee todobaadkan ka dhacay magaalada Hargeysa oo lagu marti qaaday shirkadaha waa weyn ee ganacsata iyo wasiiro ku jiraan.

Si kastaba ha ahaatee wasiirka arrimah dibeda waxa uu noqonayaa qofkii labaad ee wax ugu deeqay dugsiga iyadoo hore ay shirkada MSG ay goobtii kaga balan qaaday inay bixinayaan $5000 ( shankun oo dollar) halka aanay kaba soo qayb gelin shirkadaha Dahab-shiil, Qaran, Telesom iyo Telco oo ka mid ahaa dadkii lagu so marti qaaday ee kaadhadhka marti qaadka loo geeyey.

Ugu danbeyn dugsigan oo ay xukuumada Somaliland siisay dhulka laga dhisaayo hawshiisu wali waa qabyo waxa ka dhisan dayrkii lagu wareejiyey oo kaliya waxaan wasiirada ganacsiga, ganacsatada, iyo dadweynaha reer Somaliland ba looga fadhiyaa inay dhamystirka Dugsigan loo dhisaayo arday yar yar ee naafada ka ah maskax ahaan iyo muuqaal ahaanba.


Doorashooyin Iyo Diiwaangelin Wasaaradda Daakhiligu Majaraha U Qabataa Dalkan Guul Siyaasadeed Ma Gaadhsiin Karaan?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh, Boorama/Haatuf

Wakhtiyada qaarkood ayaad is odhanaysaa shacbiga Somaliland waa carruur ku istareexda sasabaha, wax yar oo macmacaan oo loo iibiyana waxay ku illoobaan cadhada ay qabeen cid kasta oo wax yeelaysay ama karbaashtay kana oohisay.

Sidaas oo kale ayaa la odhan karaa mar kasta oo dhibaato badani ka soo marto xagga nolosha, xuquuqdooda, xorriyadooda iyo dhaqaalahoodaba ayaa marka la isyidhaahdo ka badbaadiya, waxa soo baxa dad loo soo wakiisho inay karaar jebiyaan dagaal kasta oo ka dhan ah cid kasta oo shacbiga ka qaylisiisay.

Waxaan ognahay jidkii loo soo maray sidii hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee UDUB, uu ku yimid kursiga dalka ugu sarreeya ee laga hoggaamiyo siyaasadda dalka, horumarintiisa, ictiraafkiisa, iyo dimuqraadiyaddiisa, nolosha dadweynaha, iyadoo shacbiga Somaliland u badheedhay inuu meelmariyo dimuqraadiyad aanu hore u arag, ama ay maqleen uun iyadoo tijaabada dimuqraadiyadda Somaliland lagu tijaabiyey Daahir Rayaale ay reer Somaliland maanta meel xun la marayso.

Doorashooyinkii waagaa, ama lix sano ku dhawaad ka hor ayaan xusuustaa sidii indhaha looga qabsanayey musumaasuqii, wax isdaba-marintii, laaluushkii iyo awood sheegashadii wasaaradaha dawladdu ku sanduleeyeen shicibka inay doorataan Madaxweyne aanay hore aqoon ugu lahayn oo reer Boorama ah, taasina ay sababtay guuldarada siyaasadeed ee maanta reer Somaliland ku kasbadeen shaqo la'aanta, sicir bararka, xayiraadaha ganacsiga iyo weliba ku xadgudubka xuquuqda shacbigii shalay la lahaa Daahir Rayaale doorta, SNM ma ahayn, waa daacad waa reer Booramihii lagu yaqaananay aqoonta iyo iidhehyo kale oo aanu Daahir Rayaale lahaan jirin.

Mar kale ayaa la hadalhayaa wasaaraddii masuulka ka ahayd guuldarrooyinka maamul ee Somaliland dawladdeedu u keentay dalka iyo dadkaba. Waana wasaaradda daakhiliga iyo ciidamdeeda kala duwan ee sidata shaadhka dawladda Rayaale.

Waxay shicibka reer Somaliland xusuusan yihiin sidii lix sano ama saddex sano ku dhawaad ka hor wasaaraddiisu u maamulanaysay doorashooyinkii Baarlamaanka cusub ee lagaga adkaaday, iyo tii Daahir Rayaale ee mucaaradku hadyadda u siiyeen, maadaama doorashadaasi ay ahayd mid aan caalamka ka dhicin, oo mucaaradku iska siiyeen UDUB codad aanay shaqaysan, ayaa la arkayaa abaal la'aanta ka dambaysay taanaasulkii, niyad wanaagii, baryadii, sasabihii mucaaradka lagu khiyaameeyey.

Waxa la xusuustaa wixii ka dhacayey codbixinta doorashadaa ee wasaaradda daakhiliga, ciidamadeeda iyo shaqaalaheedu albaabada ugu laabayeen meesha ay ka dareemaan in lagaga taageero badan yahay. Waxa kale oo la ogaa sidii badheedhka ahayd ee ciidamada iyo saraakiisha dawladdu u xidhanayeen goobaha ay sanaadiiqda codbixinta lagu ururinayey, waxay doonaanna ku samaynayeen sanaadiiqdaasi marka ay axsaabta iyo shicibkaba ku horjoogsadaan qori caaradii.

Waxa kale oo la ogaa sidii shaqaalaha iyo wakiilada axsaabta mucaaradka ah cidlada loogaga daadinayey gaadiidka ay saarraayeen ee siday sanaadiiqda codbixinta ee dhulka baadiyaha lala tegayey. Waxa kale oo la ogaa sidii wasaaradda daakhiligu had iyo jeer ula macaamilaysay komishankii qaranka ee wakhtigiisu dhaammaaday, kaas oo inta ay qaarkood hoosta kala hadlaan laga saxeexayey natiijooyin been abuur ahaa.

Waxaas oo dhan iyadoo la ogyahay ayaa haddana waxaan maqlayey in wasaaraddaasi oo ay ku sii bateen ama lagu sii xoojiyey ciidammo kala duwan, sida dharcadka, booliska, nabadsugidda, gurmadka iyo kuwa hor leh oo malaha la maqli doono dhawaan ay wasaaraddaasi la qabanqaabinayaan hawlaha doorashooyinka soo socda haddii ay dhacaan iyo kuwa diiwaangelinta ee durba wakhtiga yari ka hadhay.

Dadka qaarkii way xusuusan yihiin in xitaa wasaaraddaasi daakhiligu duufsatay shaqaalihii qaarkood khaa’imiinta ahaayeen ee ku shaqaysanayey magaca axsaabta mucaaradka, kuwaas oo markii dambe la ogaaday inay ahaayeen ciidamada wasaaradda daakhiliga hoos yimaadda.

Si kastaba ha ahaatee ciyaartii waagaasi ayaa laga yaabaa inay la soo noqoto wasaaradda daakhiliga ee waxana loo baahan yahay in hawlaha doorashada ama diiwaangelinta gacanta loo geliyo guddi ka madax bannaan wasaaraddaasi ama hawshaasi gacanta loo geliyo dad ajnebi ah oo aan ahayn wasaaraddaasi iyo axsaabta mucaaradka, ama saddexdaa oo la isku daro, haddii kale waxa dhici doonta maalin kale oo shacbigu gacantiisa iyo codkiisa eersado.


Budhcad-baddeeda Somalia Oo 48-kii Saacadood U Dambeeyay Qafaashay Saddex Markab

Nairobi, August 22, 2008 (Haatuf) - Budh-cad badheeda xeebaha Somalia ayaa toddobaadkan laban laabay hawlihii ay maraakiibta ku soo qafaalan jireen xeebaha Somalia, iyadoo la sheegay inay budhcadaasi baddaha Somalia ka afduubeen 48 kii saacadood ee ina dhaafay tiraba saddex markab, kuwaas oo ay wararku sheegeen inay kala leeyihiin dalalka Iiraan, Japan iyo Maleeshiya, isla markaana dhamaantood laga soo qabsaday iyaga oo maraya meelo aad uga fog xeebaha Somalia.

Maraakiibtan ay maleeshiyaadka budhcadda ahi ay afduubeen ayaan la garanayn halka ay hadda ku sugan yihiin, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay budhcada maraakiibtan afduubtey ay la tageen xeebaha maamulka Puntland oo noqotay meel ay budhcada badduhu hoy ka dhigteen.

Budhcad baddeeda ayaa maraakiibta ay afduubaan waxay lacago madax-furasho ah kaga qaataan shirkadaha iyo dalalka iska leh maraakiibta ama ay sitaan calankooda, waxayna taasi ka dhigtay budhcad baddeeda Somaliya kuwo uu dhaqaale badani ka soo galo isla markaana ay ku sii xoogeystaan kooxaha afduubka ka sameeya baddaha Somaliya.

Maamul goboleedka Puntland ayaa iyagu marar badan ku celceliyey inaanay iyagu awood u lahayn inay maamul ahaan wax ka qabtaan dhibaatada ay kooxaha budhcada ahi ka sameeyaan badda ee ay xarumaha uga samaysteen xeebaha Puntland.

Wasiirka maamulka Puntland u qaabilsan badda iyo Dekkaddaha Axmed Aw Nuur ayaa werbaahinta u sheegay inay iyagu maamul ahaan la yaaban yihiin sababta ay maraakiibta Dagaalka ee xulafada uu Maraykanku arrinta wax laga qaban waayeen dhibaatada ay budh-cada Somalidu ku hayaan Maraakiibta isaga gooshaya dunida ee waxyeelada soo gaadhsiiyaan budhcad baddeedu.

Marinka badda ee Gacanka cadmeed ayaa hadda qarka u saaran inuu xidhmo, ka dib xaalada amni ee sii xumaanaysa, waxaanu marinkani yahay midka isku xidha Yurub, carabta iyo dalalka Asia.

Muddo haatan laga joogo saddex bilood ayaa golaha Amaanka ee qaramada Midoobay uu soo saaray qaraar u ogolaanaya maraakiibta dagaalka ee dalalka xooga badani inay budhcada caadaysatay afduubka maraakiibta haseyeeshee arintaasi may noqonin mid wax ka tarta dhibaatada maraakiibta loogu geysto xeebaha Somalia.


Burco: Shirkadda Telecom Oo Macaamiisheeda U Soo Bandhigtay Abaalmarino

Burco, August 22, 2008 (Haatuf) – Shirkada Telecom ayaa abaalmarin ay ugu talagashay Macaamisheeda oo ay ku bixinaysay alaabooyin kala duwan ku soo bandhigtay shalay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Huteel City Plaza ee magaalada Burco.

Munaasibad balaadhan ooloogu talagalay abaalmarinta macaamiisha Telecom ayaa waxa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Gobolka, M/xigeenka Burco, Maareeye, Masuuliyiinta Sare ee Telecom, Macaamiisheeda Shan Gobol iyo Martisharaf kale oo badan

Maamulaha Shirkada Telecom ee G/togdheer,Mr.Muuse Cabdi Ismaaciil oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa sheegay in Shirkadu maanta ay bixinayso Abaal marin ay ugu talagaleen Macaamiisheeda Gobolada Togdheer, Saaxil, Sool, Sanaag Iyo Buuhoodle, Iyadoo hore u soo bixisay Abaalmarinta Gobolada kale ee galbeedka.

 Mr. Muuse Isagoo Iftiiminya muhiimada ugu weyn ee Abaalmarinta shirkadu bixinayso waxa uu yidhi “Shirkadu faa’iidadii ay ka heshay Macaamiisheeda ayay garatay in badh ahaan u celiso, balse dhanka kalena kama tagana tartan shirkadeed” ayuu Yidhi.

Waxa muuse intaa raaciyay in abaalmarinata ay shirkadu bixinayso ay ka mid yihiin B/buur, Tv-yo, Talaajad, Mobile, kambayuutar, Telifoomo iyo wax badan oo kale.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/llaahi Biin oo isagu soo saaray warqadii lagu helay Baabuurka ayaa sheegay in wax wanaagsan tahay mar hadii ay shirkadu garato inay macaamiisheeda u wax u celiso, haseyeeshee waxa looga baahan yahay inay gacan ka gaystaan hawlaha horumarinta ee adeega bulshada.

Waxa Mr. Biin munaasibadaa kaga dhawaaqay in dhibaatada ugu weyn ee Burco xiligan ka jirtaa ay tahay Xaaladda Biyaha oo ceelashii oo dhami taagan yihiin sidaa darteed aanu hada ku hawlan nahay sidii dhaqaale wax laga qabto loo helilahaa, isagoo sheegay in ay qorsheeyeen in dhaqaalahaasi ay bixiyaan Dawlada, Hay’addaha iyo Ganacstada iyo shirkadaha, “Sidaas darteed Shirkada Telecom waa inay noqotaa tii u horeysay ee bixisa qaandhaanka lacaageed”Ayuu yidhi.

Waxa ugu dambeyntii u mahadceliyay Masuuliyiinta Telecom oo uu sheegay inay muujiyeen xidhiidhka wanaagsan ee ay laleeyihiin macaamisheeda.

Maareeye ku xigeenka guud ee shirkada Telecom Maxamed Ibraahin X. Muuse ayaa isagu Munaasibadaa ka cadeeyay inaanay arintani ahayn bakhtiyaanasiib ee ay tahay Abaal marin shirkadu ug talagashay macaamiisheeda “Waxaan leeyahay haw qaadina bakhtiyaanasiib ee waa abaalmarin” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray Mr.Maxamed in martisharaftan iyo masuuliyiintan kala duwan ee ka soo qaybgalay munaasibada,sababta aanu ugu yeedhnay ay tahay inay markhaati ka ahaadaan inay si cadaalad ah u dhacaday qaabkii iyo nidaamkii loo maamulay Abaalmarinta shirkadau siinayso macaamiisheeda.

Waxa kale oo iyaguna goobtaa ka hadlay Maayir ku xigeenka Degmada Burco, Madaxa suuqgaynta Telecom, Khadar Cabdi Xuseen iyo martisharaf kale.

Abaalmarintan telecom ayaa waxa ku guulaystay lixdan xubnood oo ka mid macaamiisheeda ku kala nool gobolada Togdheer, Saaxil, sanaag, sool iyo Buuhoodle. Hase yeeshee waxa Gaadhigii iyo alaabooyinkii muhiimka ahaa intooda badan ku guulaystay macaamiisha shirkadda ee magaalada Berbera.

Munaasibadan ayaa ku dhamaatay si wanaagsan oo nabadgelyo.

Hadaba magacyadii ku guulaystay abaal marintaasi ka akhriso halkan.

Liiska Alaabta La Helayo.

Sr

Items

Magaca Macmiilka

Tel .No

Coupon No.

  1.  

Head-set

C/raxmaan Cali dalmar (Berbera

5446848

004499

  1.  

Head-set

Ibco Spare Parts (Berbera)

538108

00404

  1.  

Head-set

Total Berbera

330602

1223

  1.  

Head-set

Sancad Store( Laascaanood)

372050

8449

  1.  

Head-set

Mahdi Jaamac Xirsi (Berbera)

5436427

1036

  1.  

Head-set

Xasan Jaamac Cilmi (Burco)

 

2152

  1.  

Head-set

Caynaan Maxamed Cisman (Berbera)

330611

537461

  1.  

Head-set

Maxamed Cali Xandule (Burco)

5610567

4481

  1.  

Head-set

Ardo Nuur Diiriye (Laascanod)

372294

9386

  1.  

Head-set

Maxamed Maxamud C/laahi (Burco)

5320987

2374

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Xamse Axmed Khaliil (Burco)

5432987

3696

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Al-barako ( Berbera)

5446779

37055

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Muuse Yuusuf Diiriye (Burco)

341523

3513

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Caynaan Maxamed Cismaan Berbera

330611

1959

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Cismaan C/laahi ( Bank Berbera)

5445047

19

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Cibaado Xasan Xaaji (Laascaanood)

372097

9629

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Sales Total Berbera

330375

20746

  1.  

Sim Card $5+$80 local

C/Xafiid Axmed Jaamac (Lascanod)

5711615

9962

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Caynaan Maxamed Cismaan Berbera

5411770

37438

  1.  

Sim Card $5+$80 local

Caynaan Maxamed Cismaan (Berbera)

5411770

834

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Faadumo Jaamac (Ceerigaabo)

5801537

11330

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Hodan Cumar Axmed (Berbera)

5445211

305

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Caynaan Maxamed Cismaan (Berbera)

330611

1973

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Caynaan Maxamed Cismaan(Berbera)

330611

1276

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Cali Xasan Muxumed (Berbera)

330022

1407

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Total Berbera

330111

112

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Kalabaydh Substation (Lascanod)

373434

9152

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Cabdi Cismaan Araweelo (Burco )

341774

2300

  1.  

Sim Card $10+$60 local

Mustafe X. Gadhyare ( Lascanod)

372067

9675

  1.  

Sim Card $10+$60 local

C/casiis Maxamuud X Ducaale (Cerigabo)

5802039

10211

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Muuna Jaamac Cismaan (Ceerigaabo)

5800861

10025

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Deeqa Candhafe Widhwidh

379035

7136

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Xasan Cali Xirsi (Burco)

5437688

3948

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Yaasiin Barre Berbera

5446779

37011

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Caynaan Berbera

330611

1256

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Saleebaan Yuusuf Burco

5603302

4756

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Caynaan Maxame Cismaan (Berbera)

5411770

7

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Maxamed Aadam Cali Burco

5376219

3914

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Yoonis Sh MAxamed (Buhoodle)

5431453

7021

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Maxamed Aadam X. Cilmi Burco

340798

4595

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Yaasiin Muxumed ( Burco)

5436027

3392

  1.  

Sim Card $20+$40 local

C/rashiid Maxamed X.Yuusuf (Sheekh)

5446899

1756

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Bashiir Maxamed Cali (Berbera)

5446734

1070

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Khadar Faarax Xuseen (Berbera)

5448000

913

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Barwaaqo Store (Laascaanood)

372041

8218

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Cismaan Ismaaciil Maxamed Burco

5376183

3078

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Maxamuud X. Cabdillahi (Ceerigaabo)

65458663

10759

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Barako Substation (Burco)

342714

4705

  1.  

Sim Card $20+$40 local

Caynaan Dekadda (Berbera)

5411770

61

  1.  

Sim Card $20+$40 local

C/raxmaan Jibriil (Berbera)

5446080

20802

  1.  

CD Player

Maxamed Jaamac Dhunkaal (Cerigaabo

5802412

10875

  1.  

Hoover

Saalax Nuur Xasan (Ceerigaabo)

5800329

10580

  1.  

Mobile Laba Kaadhle

Caynaan (Berbera)

330611

1293

  1.  

Mobile Laba Kaadhle

Cabdalla (Berbera)

5446779

37377

  1.  

Mobile Laba Kaadhle

Mustafa Cabdi Cawad (Burco )

340222

3177

  1.  

TV

Cumar Cali Ducaale (Berbera)

5385200

947

  1.  

Talaagad

Mustafe Cabdi Cawad ( Burco )

5376003

2480

  1.  

Qasaalad

Cismaan X. Cali ( Laascaanood )

372567

8650

  1.  

Computer Desktop

Axmed Jaamac Cali (Berbera)

5431807

37187

  1.  

Gaadhi

Caynaan Maxamed Cismaan (Berbera)

330611

01317

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Shirkadda Asante Oil Ee Xukuumadda La Gashay Heshiiska Batrool Baadhista Oo Deeq Sports Gudoonsiisay Wasaaradda Ciyaaraha

Hargeysa, August 22, 2008 (Haatuf) – Masuul ka tirsan Shirkada Asante Oil oo dhawaan heshiis Batrool baadhis ah la gashay xukuumada Somaliland ayaa shalay wasiirka ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed gudoonsiiyey saddex koob iyo Kubad loogu talo galay tartanka ciyaaraha Somaliland, taas oo ka dhacday Hotel Maansoor

Masuulkaasi ayaa ku tilmaamay koobkan mid hor dhac u noqonaya taageero ay shirkadiisa Asante Oil ay siin doonto hawlaha ciyaaraha iyo ciyaartoyda Somaliland taas oo uu xusay inay tahay bud-dhigii taageero ballaadhan oo ay shirkadiisu ku talo jirto inay u fidiso ciyaaraha Somaliland gaar ahaan dhinaca orodyahanada iyo dayactirka garoomada ciyaaraha si loo diyaariyo orodyahano ka qayb gala saaxada caalamiga ah ee ciyaartoydu isugu yimaadaan.

Wasiirka oo shalay halkaas ka hadlay waxa ka mid ahaa hadalkiisa: “Somaliland bulshadeedu 65% ayaa dhalinyaro ah dhalinyaradaasi maanta waxaa haysta shaqo la’aan, Maararow la’aan oo Sports-ka facilities-kiisii ayaa aad iyo aad ugu yar sida Garoomada oo kuwii hore u jirayna qaarkood way dumeen qaarna way sii dumayaan inta kalena markooda horeba aad bay ugu yaraayeen. Waxa ay u baahan yihiin Dhalinyaradu Garoomadii oo la kordhiyo, waxay u baahan yihiin si fir-fir-cooni leh in wax loogu qabto Isboortigii, sidaa darteed shirkadan waxay maanta nooga sanqadhisay bushaaradii ugu qiimaha badnayd ee ay dhegahayagu maqlaan aad iyo aad ayaanu ugu hambalyeynaynaa oo gacmo furan baanu ku soo dhaweyneynaa, marka intaa laga yimaado waxaanu balan qaadaynaa in wixii xagooda inooga yimaada inaanu si daacadnimo ah meeshii loogu talo galay aanu ku fulino, waxaa kale oo aanu balan qaadaynaa inaanu garab istaagno shirkadan oo hawsha kale ee Qaran ee dalkan ay u qabanayaan kala qayb galno, markaa waxaanu leenahay saaxiibo iyo walaalo noo soo kordhay ayaad tihiin.”


Bayaan Beeleed

Xubno Qaar lHadddaanu nahay Beesha Gaashaanbuur Abokor Cumar iyo Alamagan iyo Bah-cibraan, shir aanu ku yeelanay magaalada Burco maanta oo taariikhdu tahay 21/08/2008, oo ay ka soo qayb galeen ilaa 250 xubnood oo ka tirsan, oo isugu jira aqoon yahano, odayaal, culimaa`u-diin iyo waxgarad kale oo aanu kaga arrinsanay arin ku soo korodhay Beesha oo ah is sharaxaadda Maxamed Cali Xirsi, waxaanu ka soo saaray bayaankan soo socda:

Haddaanu nahay beelahaas kor ku magacaaban waxaanu halkan ku caddaynaynaa in Musharaxa Maxamed Ali Xirsi oo Beeshayada ka dhashay aanaan wax lug ah ku lahayn musharaxnimadiisa hore Iyo danbaysaba.

Annaga waxaa naga go`an in aanu taageero go`aamadii beelaha H/jeclo ee Gar-adag iyo midnimada H/jeclo.

Waxaanu u aragnaa inay ka danbeeyaan cid burburinaysa midnimada H/jeclo.

Sidaas daraadeed inankaasi kama socdo Beesha uu ka dhashay, mana teegaarsanin, si adagna waanu uga soo horjeednaa.

Cid kasta oo taageerta ninkaas isa soo sharaxay oo ka mida beeshayada waxaanu u aragnaa cid ka soo horjeeda go`aankii Beelaha H/jeclo.

Go`aankan waxaa isku raacsan dhamaan saddexda reer oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa xubnaha bayaankan saxeexay waxay kala yihiin.

 ) Jaamac Diiriye Raan Guddoomiyaha beesha

2) Faarax Xasan Jagac

3) Jaamac Warsame Xirsi

4) Ibraahim Maxamed Bile (Jaaquur)

5) Jaamac Faarax Cigaal

6) Cali Maxamed Jibriil

7) Dr. Cabdi Yaasiin

8) Ismaaciil Maxamed Axmed

9) Maxamed Cismaan Faarax

10) Cismaan Axmed Nuur

11) Maxamed Xasan Nuur

12) Faarax Axmed Nuur

13) Cali Cabdi Faarax

14) Cabdi Axmed Maxamuud

15) Axmed Maxamuud Cabdilaahi

16) Maxamed Xasan Jaamac

17) Faarax Cali Cabdi

18) Keyse Xasan Jaamac

19) Cabdi Maxamuud Hurre

20 Axmed Cabdi Jaamac

21) Xasan Maxamuud Faarax

22) Cali Cabdi Cali

24) Maxamed Jaamac Cabdi

25) Khadar Ismaaciil Cabdillaahi

26) Cali Xasan Cali

27) Maxamed Cabdillaahi Aadan

23) Iimaan Cawil Xuseen

28) Ibraahim Xuseen Xasan

29) Maxamed Ibraahim Xuseen

30) Cali Cawil Xuseen

31) Cabdillaahi Cawil Xuseen

32) Cabd Cismaan Axmed

33) Xuseen Maxamuud Xayd

34) Maxamed Ismaaciil Cabdillaahi

35) Axmed Maxamed Axmed

36) Maxamed Muuse Yuusuf

37) Maxamed Xasan Kaarshe

38) Axmed Xuseen Axmed

39) Xirsi Cismaan Axmed

40) Siciid Cabdi Faarax

41) Cumar Cabdi Faarax

42) Ibraahim Jaamac Cabdi

43) Bashiir Jaamac Cabdi

44) Siciid Jaamac Cabdi

46) Cawil Jaamac Dhiif

47) Xasan Cabdi Ismaaciil

48) Maxamuud Jaamac Diiriye

49) Siciid Cawed Nuur

50) Aadan X. Cali X. Maxamed

51) Faarax Axmed Xasan

52) Cabdi Ibraahim Maxamed

53) Axmed Ibraahim Maxamed

54) Maxamuud Jaamac Axmed

55) Jaamac Ibraahim Cismaan

56) Jaamac Axmed Xasan

57) Maxamed Ibraahim Xuseen Sanyare

58) Axmed X. Faarax Oday

59) Maxamed Cawed Nuur

60) Ibraahim Jaamac Nuur

61) Cabdi Maxamed Cabdillaahi

62) Maxamuud Maxamed Cabdillaahi

63) Maxamed Jaamac Cali

64) Ibraahim Jaamac Cali

65) Axmed Jaamac Cali

66) Deeq Xuseen Ibraahim

67) Maxamuud Xuseen Ibraahim

68) Yuusuf Jaamac Danaaki

69) Maxamed Jaamac Cabdillaahi

70) Axmed Maxamed Jaamac

71) Maxamuud Maxamed Jaamac

72) C/qani Maxamed Jaamac

73) Nuux Maxamed Jaamac

74) Cumar Cali Cismaan

75) Deeq X. Aadan Xadhkaale

76) Maxamed Cali Geelle

77) Khadar Jaamac Garbiye

78) Maxamed Jaamac Garbiye

79) Jaamac Ibraahim Xuseen

80) Axmed Faarax Daahir

81) Cabdi Baashe Faarax

82) Cabdi Baashe Xasan

83) Ibraahim Xuseen Axmed

84) Jaamac Xuseen Axmed

85) Cali Jaamac Axmed

86) Axmed Cismaan Axmed

87) Mahad Cawil Xuseen

88) Yuusuf Calas Cismaan

89) Amed Yuusuf Calas

90) Cali Abokor Calas

91) Maxamed Yaasiin Carab

92) Muuse Cumar Gamuute

93) Axmed Xasan Cabdilaahi

94) Maxamuud Maxamed Xasan

95) Faarax Maxamed Xasan

96) Cumar Maxamuud Maxamed

97) Cabdi Muuse Cumar

98) Sagal Cabdi Maxamuud

99) Aadan Maxamuud Cawaale

100)Saleebaan Aaan Maxamuud

101) Khadar Baashe Faarax

102) Khadar Yaasiin Daahir

103) Faarax Guyuc Axmed

104) Aadan Maxamed Axmed

105) Khalif Maxamed Axmed

106) Maxamed Cali Cabdi

107) Siciid Cabdillaahi Fiish

108) Khadar Xasan Cali

109) Nuur Cismaan Axmed

110) Xuseen Axmed Nuur

111) Cabdi Xasan Kaarshe

112) Cabdi Jaamac Fly

113) Cabdillaahi Jaamac Warsame

114) Khadar Yaasiin Daahir

115) Saxardiid Yaasiin Daahir

116) Siciid Yaasiin Daahir

117) Garaad Cawed Nuur

118) Khadar Xasan Jagac

119) Cabdi Ibraahim Yool

120) Maxamed X. Aadan Xadhkaale

121) Siciid Cabdi Jaamac

122) Aadan Cali Yaasiin

123) Cabdi Maxamed Aroos

124) Axmed Xasan Camale

 QURBA-JOOGGA

1) Xaaji Xasan Xaaji Cabdillaahi

2) Yuusuf Ismaaciil Cali

3) X. Siciid Maxamuud Geelle

4) Cismaan Aadan Hawd(Badawi)

5)Yaasiin Cawad Shabeel

6) Xasan Cismaan Guud Cade

7)Eng Faarax Xuseen Axmed

8) Maxamuud Cabdi Jamaac

9) Cilmi Aadan Jaamac

10) Siciid Jaamac Cumar

11) Cali Xiiray Carab

12) Xuseen Garbiye

13) Yaasiin Maxamed Kali

14) Ibraahin Cabdilaahi Aaadan

15)Jaamac Maxamed Kali

16) Cabdi casiis Cabdiramaan Cismaan

 

Top