Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1816 Aug.25, 2008

Shirweynaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Doortay Shirgudoon Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay Furitaankiisii

 

Somaliland Forum Oo Xukuumadda Ka Dalbaday In La Sii Daayo Ama Maxkamad La Horkeeno Xirsi Cali X. Xasan Oo Xubin Ka Ah Ururkaas

 

Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Musharraxiinta Mansabka Madaxweyne ku-xigeennimada Xisbiga Kulmiye Ee Reer Awdal

 

Qaar Ka Mid Ah Kooxada Al-Shabaab Oo Hawlgalo Ka Wada Puntland

 

Guurtida Oo Wax Ka Bedelka Xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Dib Ugu Riixday Kalfadhiga Dambe

 

Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Dib-Eegis Ay Ku Samaynayaan Ruqsadaha Sharci Ee Saxaafadda Madaxa Banaan

 

Wasiirka Cusub Ee Dib-U-Dejinta Oo Xillkii La Wareegay

 

Maraakiib Dagaal Oo Lagu Arkay Badda Somaliya.

 

Xoogagii Qabsaday Kismayo Oo Isku Khilaafay Qaybsiga Talada Maamulka Magaalada

 

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Oo Obama Ku Dhaliilay Ninka Uu U Doortay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Shirweynaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Doortay Shirgudoon Iyo Khudbadihii Laga Jeediyay Furitaankiisii

“Qofku Hadduu Doonayo Inuu Wax Bedelo Isagaa Iska Bilaaba Haddii Aanu Ahayn Beenaale Ummadda Ku Qanciya Waxaan Jirin” Muuse Biixi

“Maamulkani Maanta Wuxuu Marayaa Inuu Shilimadii Dibadda Laga Soo Dirayay Markaad Qaadanayso La Yidhaahdo Dhig Halkaa Intii Ina Riyaale” Axmed Siillaanyo

Burco, August 25, 2008 (Haatuf) – Shirweynihii golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ee lagu dooranayey shirgudoonka golaha dhexe iyo musharaxiinta xisbiga uga qaybgalaya doorashada madaxtinimada dalka ka dhici doonta 2009 ayaa shalay si rasmi ah uga furmay hotelka city plaza ee magaalada Burco, waxaana isla shalay shirkaas lagu doortay shirgudoonkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Shirkan oo loogu talo galay in uu socdo muddo laba maalmood ah ayaa waxa ka soo qaybgalay 128 xubnood oo golaha dhexe ee xisbiga ah waxaana ugu horayn cod loo qaaday shir guddoonka golaha dhexe ee xisbiga oo ay isu soo sharaxeen saddex nin oo qudha oo halkaas cod gacantaag ah loogu qaaday, waxaana loo doortay inuu guddoomiye noqdo Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), halka Guddoomiye ku xigeen-na loo doortay Maxamuud Jaamac (Warfaa), Xoghayahana waxa loo doortay Cabdi-risaaq Cumar Ciyaale.

Badhasaabka gobolka Togdheer Jaamac Cabdillaahi Biin oo isagu furitaankii shirkaas ka soo qaybgalay ayaa halkaas ka jeediyay hadal ku saabsan arrimaha nabadgelyada waxaanu yidhi “Waanu soo dhowaynaynaa shirkan anaguna waxa aanu masuul ka nahay nabadgelyada sidaa daraadeed waa in aydin dhawrtaan nabada ilaahayna waxa aanu idiinka baryeynaa inuu shirku guul idiinku dhamaado. Xisbiyadu waxa ay jecel yihiin in lagu soo yaaco saddexda xisbina waa saddexda waaxood ee dalka ka jira haddii mid xumaadana way wada xumanayaan , inkasta oo xisbi waliba jecelyahay in xisbiga kale laga soo yaaco, anaguna waanu idin sugaynaa oo shirweynahaygii wuu soo socdaa”.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isagu halkaas ka jeediyay khudbadii furitaanka shirka waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta halkan waxaan ka odhanayaa hadal kooban oo is-xasuusina waayo wakhti aan fogeyn oo ah 29/3/2008-31/3/2008 ayaa waxa aynu iskugu nimi shirweynihii hore ee xisbiga, halkaasna waxa aynu ku soo bandhignay barnaamijka xisbiga Kulmiye oo koobaya ujeedooyinka xisbiga ee dhinacyada kala duwan, aniga Gudoomiye ahaana waxaan ku soo bandhigay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ah Barnaamijyada Xisbiga iyo higsigiisa. Waxa kale oo aanu ku soo bandhignay dhibaatooyinka dalka ka jira, haday Musuq-maasuq tahay iyo haday cadaalad daro tahayba, iyo sidii loo dhiirigalin lahaa horumarka dalka ee nololeed, siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeedba. Waxa kale oo aynu ku soo bandhignay dhamaan dhibaatooyinkaa uu dalkan gayeysiiyay maamulka hadda talada haya wixii lagaga gudbi lahaa waana aragtida uu maanta xanbaarsan yahay shirkani, oo ah in aynu qorshayno sidii aynu horseedi lahayn dhisida dawladii bedeli lahayd tan. Waxa kale oo maanta soo kordhay dhibaatooyin hor leh iyadoo aynu ognahay dhaca iyo dhibaatooyinka lagu hayo hantida ummadda, ayaa sida aynu ognahay Bulshadeena oo ah reer baadiye kuna dhisan xoolaha nool oo wakhtigan noloshoodu adag tahay laakiin dadkeenu yahay dad mitida oo ad-adag oo waxaas oo duruufa u dulqaata ayaa waxa hadda loogu soo dhigtay neefkii qofka reer miyiga ahaa lahaa oo nin kooto loogu xidhay, arrinaasina dhibaatada ay leedahay waynu ognahay oo qof kaligii meel loo xidhay sida uu doono ayuu yeelaa, waxa ka sii daran taas tii toddobaadkan waxa soo baxay waad ogtihiin nolosha dadkeena qaybo badani waxay ku xidhnaayeen qaybo badan oo dibadda jooga. Toddobaadkan maamulka Riyaale waxa uu soo saaray markuu xoolihii xidhay, shidaalkii xidhay, macdantii gurtay, kalluunkii gurtay, ee uu waxkasta oo ay ummadda lahayd ajnebi gacanta u geliyay in uu shilimadii dibadda laga soo dirayay uu cashuur ku soo rogo oo markaad lacagta qaadanayso la yidhaahdo dhig halkaa intii ina Riyaale. Waad aragtaan ee markaa waa maxay waxa maanta laynooga baahan yahay, maanta dawladdu waa dawlad ku meelgaadh ah iyadaanay masuuliyadi ka saarayd in ay dalka ka hirgeliso doorashooyin, waxa aynu maanta u fadhinaa in ay halkan ka soo baxaan midhihii wacnaa iyo dawladii dadkan iyo dalkan sharaftiisii iyo karaamadiisii u soo celin lahayd ee marin lahayd waddada saxda ah. Inagu waxaynu nahay xisbiga qudha ee ay dhexdiisa ka muuqato dimuqraadiyadi, waxa la yidhaahdaa Kulmiye wuu is hayaa, waanu doodaynaa, dimuqraadiyad ayaa naga muuqata, dabcan rag iyo dumarba waxaanu leenahay dad tartamaya. Xisbigan waxa ku jira iyo kuwa taageeraaba waa dadka hal-doorkoodii. Su’aal aan idin weydiiyo wali miyaad aragteen UDUB meel ay ku shirayso iyo meel ay wax isku dooranayso? Maya. Sababtu waxa weeye dimuqraadiyad daro iyo cadaalad la’aan, maamulka jiraana ma jirto meel qarinaysa dhibaatooyinka uu dalka u horseeday, nasiib daro waxa laga hayaa dawladeenii in ay tidhaahdo dalkayaga waxa jooga Al-Qaacido, taasna macnaheedu waxa weeye in ay dalka ku soo hogaamiso diyaarado duqeeya iyo cadow markaa anagu waxaanu leenahay dalkayaga ma joogto Al-Qaacido ee waxaanu u taagannahay nabadgelyo.

Ugu dambayn waxaan idinkula dardaarmayaa maanta waxa aynu wax ku doonaynaa xabad maaha ee waa cod oo ah kii aynu dalka iyo sharaftiisa ku badbaadin lahayn” ayuu Axmed Siillaanyo hadalkiisa ku soo xidhay.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxaanu hadalkiisa ku bilaabay: “Waxaan shirkan ka raali galinaynaa daahidii aanu shalay shirka ka daahnay. Shirku waxa uu ku soo beegmay xili adag oo dabka geeska Africa ka baxayaa gaadhay meel adag, waxa xisbiga Kulmiye looga magan yahay in uu dabkaa baxaya bakhtiiyo oo uu kulmiyo mujtamaca Somaliland. Waxa dalkeena ka jira abaaro waxa inagu soo qaxay dad ka soo qaxay dhibaatooyinka ka jira dalka Somalia, waxa haddaba xisbiga KULMIYE looga baahan yahay in aynu u diyaar garawno sidii aynu dalka uga saari lahayn dhibaatooyinka uu dalku ku jiro iyo kuwa soo socdaba. Waxa aynu la’nahay citiraaf, nasiib daro waxaynu ka dhaadhicin la’nahay adduunka oo dhan oo xitaa ay ku jiraan kuwii aynu isku diinta ahayn oo ay ku jirto kuwii af-Soomaaliga aynu ku wada hadli jirnay oo ay Djibouti ka mid tahay ee yaynu kale ee aynu wax u sheegi karnaa, taasina waxay u taalaa xisbiga KULMIYE in uu wax ka bedelo waliba masuuliyiintayada qofku haduu doonayo in uu wax bedelo isagaa iskaga bilaaba haddii aanu beenaale ahayn ummadda ku qanciya waxaan jirin. Ninkii xil doonaya ee shirka ka doonaya waxa looga baahan yahay in aynu wax walba saxa ku dhamayno, waliba ragga tartamaya waa in ay ku qancaan codka, kuwa laga helaana waa in ay qancaan oo aynu ka baxnaa inaga oo isku duuban. Annana waxaanu caddaynaynaa in aanaan u kala eexan ragga sharaxan. Waxa kale oo aanu diyaar u nahay in aanu figayno cidii ku qanci wayda,” ayuu Muuse Biixi ku soo geba-gabeeyay hadalkiisii.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Cabdiraxmaan CabdiQaadir.


Somaliland Forum Oo Xukuumadda Ka Dalbaday In La Sii Daayo Ama Maxkamad La Horkeeno Xirsi Cali X. Xasan Oo Xubin Ka Ah Ururkaas

Abidjan, August 25, 2008 (Haatuf) – Ururka ay ku midoobeen Aqoonyahanka iyo Qurba-jooga Somaliland ee la yidhaahdo Somaliland Forum ayaa ka dalbaday xukuumadda Somaliland inay si degdeg ah xoriyadiisa ugu soo celiso ama ay Maxkamad sharci ah u horkeento gudoomiye ku-xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Xirsi Cali X. Xasan oo muddo saddex toddobaad ah ku xidhan xarunta CID-da ee magaalada Hargeysa. 

Sidaasna waxay ururka Somaliland Forum ku sheegeen war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha ururkaas Jamaal Cali Xuseen iyo xubnaha kale ee guddida fulinta, kaas oo u qornaa sidan:

Anagga oo ah bahda ururka Somaliland Forum waxaanu si sharafi ku jirto uga codsanaynaa in tixgelin la siiyo arrinka ku wajahan Mudane Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ah mudane ka tirsan ururkan Somaliland Forum, horena u ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Golaha dooroshooyinka ee Somaliland. Mudane Xirsi wuxuu in muddo ah ku jiray xabsiga iyadoo ilaa hadda aan lagu soo oogin wax dacwad ah. Anagoo tixgelin siinayna hay’adaha garsoorka ee Somaliland waxaa muhiim ah in arrinkan Xirsi dib loo eego oo haddii wax dacwad ah lagu hayo dhakhso loo horgeeyo maxkamadaha dalka ka jira, ama dib loogu soo celiyo xoriyadiisii shakhsi ahaaneed. Taasi waa mid uu xuquuq u leeyahay muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay, waana ta aynu kusoo caano maalnay, oo Somaliland u soo shaac bixisay adduunka xurmeeya Dimoqraadiyada, iyo xoriyada qofka bini aadamka ah. Haddii dadka Xersi uu ka mid yahay aan garsoorka si dhakhso ah loo hor keenin waxay werwer iyo khalkhal ku abuuri kartaa dhamaan shicibka Somaliland ee nabada iyo dumuqraadiyada jecel, iyo dhamaan dawladaha aynu saaxiibka nahay iyo inta daneysa qaddiyada Somaliland Gooni isu taageeda.

Waxaanu dhamaan reer Somaliland shicib, dawlad, mucaarid iyo qof kastaba ugu baaqaynaa in la ilaashado qaranimada Somaliland lana ogaado in ay qaranimadu tahay dan umadda ka wadda dhaxeysa laguna khasban yahay in laga wadda hadlo, laga wadda xaajoodo, la isu tanaasulu, la isu dulqaato, waxaanay intaasiba hormood iyo hogaan adagba u tahay hanaqaadka wadada dumuqraadiyada ee adduunku inagu amaanay, iyo mawqifka ummada Somaliland dooneyso in ay ka midho dhaliso .

Bulshadda Somaliland caado soo jireen ah ayay u lahayd inay wada hadal iyo isu tanaasul ku dhamaysato khilaaf kasta oo ku yimaada dhexdeeda iyada oo aan u baahan in ay qaylo dhaan u dirato cid kale oo Somaliland ka baxsan. Taasina waa Gundhiga ugu weyn ee aasaasiga u ah guulaha maanta ummaddu hadhsanayso ee lagu faani karo.

Waxaanu markaa dawlada iyo hay’adaha garsoorka ee Somaliland si sharaf leh uga codsanaynaa in ay usoo celiyaan xoriyadiisa Mudanaha ka tirsan madashayadan ay ku bahoobeen qurbo joog farabadan oo reer Somaliland ah oo adduunka dacaladiisa kala jooga, ama sharciga la horkeeno haddii wax danbi ah lagu hayo. Sidoo kalena waxaanu ka codsanaynaa in ay dawladu dedejiso maxkamad taagista ama sii daynta dadka xadhiga loo haysto ee imika ku jira Somaliland jeelasheeda. Inta ay xadhiga ku jiraana loola dhaqmo si bini aadamnimadu ku jirto oo ah xuquuqda qofkastaa uu ku leeyahay dastuurka ay dadku u codeeyeen. Aad baan u rajaynaynaa in codsigan ama baaqani uu noqdo mid ay dhagaha u ridaan dhamaan hay’adaha garsoorka iyo dawlada Somaliland.

Waxaanu sidoo kale hambalyo u soo jeedinaynaa dadweynaha reer Somaliland oo dulqaad, nabadgelyo, wadaninimo iyo isku duubni muujiyay xaaladahii kala duwanaa ee waddanku soo maray. Mahadsanidiin.

Wa bilaahi Towfiiq

Guul iyo Gobanimo

Ururka Somaliland Forum waa urur madaxbannaan oo ay isku bahaysteen qurba-joog reer Somaliland ahi. Waxa uu ururkani aaminsan yahay qarannimada, horumarka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxanu iskaashi la sameeyaa jaalliyadaha Somaliland ee dalka dibaddiisa ku dhaqan iyo waliba ciddii kale ee danaysa horumarka Somaliland. Ururkani wuxu rumaysanyahay in dadka reer Somaliland ee dibaduhu ay door ka ciyaari karaan horumarinta dalkooda.

Waxaad kale oo la xidhiidhi kartaa xubnaha Gudiga Fulinta ee Somaliland Forum oo ah:

1. Chairman: Jamal Ali Hussein, - Ivory Coast Chairman@somalilandforum.com

2. Vice Chair: Amina Abdi Jama- Canada, vice@somalilandforum.com

3. Secretary: Lulu Farah, -United Kingdom, secretary@somalilandforum.com

4. Treasurer: Eng. Ali Abdillahi Daahir, -Somaliland, treasurer@somalilandforum.com

5. Member at Large: Eng.Abdisalan Muse Galaal,-Omman xubin@somalilandforum.com

 


Maxay Ku Kala Duwan Yihiin Musharraxiinta Mansabka Madaxweyne ku-xigeennimada Xisbiga Kulmiye Ee Reer Awdal

Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Sida la ogyahay waxa Burco ka socda loollan siyaasadeed oo xisbiga ugu weyn ee KULMIYE u horseedi kara guul iyo guuldarrooyin, farxad iyo naxdin nasiib iyo nasiib darro kale oo ka soo gaadhi kara doorashooyinka soo socda haddii ay dalka ka dhacaan.

Sidoo kale ayaa musharraxiinta mansabyada madaxweyne iyo ku-xigeenkiisuba haddii ay ku soo baxaan doorashooyinkaasi u noqon karaan kuwa la kulmi kara sifooyinka aan hore xisbiga uga soo sheegnay.
Maanta Burco waxay u egtahay caasimad kale oo Somaliland leedahay, laakiin waxa ka soo baxa shirkaasi, waxay mar kale caasimad kasii dhigi karaan magaaladaasi maanta ay ku shirayaan hoggaankii ugu sarreeyey ee xisbigaasi.

Haddaba markaad eegto loollanka siyaasadeed ee xisbiga gudihiisa ka socda, ayaa waxad mooddaa in reer Awdal musharraxiinta ka soo jeedaa yihiin kuwa shirkaasi hadheeyey sidii loo kala reebi lahaa, si xisbigaasi uu uga soo baxo ninkii bedeli lahaa Madaxweyne ku-xigeenka haatan Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo aanu muran badani ka taagnayn mansabka madaxweynimada ee beddeli lahaa Daahir Rayaale.
Haddaba markaad eegto loollanka mansabka madaxweynenimo ku-xigeenka xisbigaasi, oo ku loolamayaan saddex musharrax oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa waxay kala yihiin; Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax, ahaana Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici iyo Prof Ismaaciil Mumin Aare .

Saddexdaa markaad eegto, waxaad dhinaca kale ogaanaysaa inay ku kala duwan yihiin taariikhdooda siyaasadeed, halgan koodii dalka Somaliland, iyo aqoontooda dhinaca cilmiga. aan ku horeyno Muj.C/raxmaan Aw Cali Faarax.

jidka uu u soo maray siyaasaddu waa mid adag oo uu naftiisa u huray isaga oo ah sarkaalka keliya ee reer Borame ah ee ka tirsanaa ciidamada ee ku biiray jabhaddii SNM siddeetameeyadii.

Waa injineer dhinaca diyaaradahah dagaalka ah, wabarashadiisii dugsiga sare waxa uu ku soo qaatay Sheekh ka dibna waxa uu waxbarasho dibadeed oo dhinaca milateriga ah ku tafgay dalkii la odhan jiray midowgii soofiyati.

Waxa C/raxmaan Aw Cali uu ahaa saraakiishii SNM ee doorka weyn ka soo qaadatay dagaalkii lagu xoraynayey dalka Somaliland , iyo dib u heshiisiintii Beelaha Somaliland ee ku colloobay dagaaladii sokeeye taas oo keentay maanta inay si nabadgelyo ah ku wada noolaadaan beelaha Somaliland.

Dhinaca kale C/raxmaan Aw Cali ayaa dedaalkii uu ka galay dibuheshiisiinta Beelaha Somaliland uu ku mutaystay in loo doorto Madaxweyne ku-xigeenkii labaad ee Somaliland. maaha nin maal jecel oo maanta guri la yaqaanno kuma laha Boorama ama shirkado kale oo magac leh oo uu ku shaqysto, mana aha nin kala jecel dadweynaha Somaliland gobol kasta ha ahaadeene, waa nin ku adadag mabda'a dawladnimada, Ictiraaf raadinta iyo horumarinta dalka taas oo lagu bartay intii uu xilka hayey oo magaalada Boorama laga dhisay dhismayashii ugu badnaa ee abid dawladda Somaliland wax ka qabato.

Musharraxa labaad oo ah, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa sidoo kale ah nin haatan u loolamaya musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE. Waa nin dhallinyaro ah, ahna Injineer dhismaha ah. dhinaca kale waa xildhibeen ak tirsan G/degaanka Boorama, oo u sannadkii 2003 xisbigaasi KULMIYE ka soo galay.

Saylici waxa kale oo lagu yaqaanaa maamul wanaag iyo sidii xirfadda lahayd ee uu shirkadda biyaha Boorama uga dhigay shirkadda maanta lagaga daydo nidaamka dawladeed iyo kuwa gaarka maamulkooda, musharrxnimadiisa xisbiga KULMIYE ee maantuna waa tallaabo hore uu uga soo qaaday dhinaca siyaasadda oo ku soo gaadhay rag weligoodba lugta kula jiray siyaasadda Somaliland., tii Somaliya iyo kuwa kaleba dedaalkiisuna ka dhigay siyaasiyiinta heerka koowaad ee gobolka Awdal iyo adduunweynahaba laga bartay.

Musharraxa saddexaad ee reer awdal uga qaygelaya tartanka musharraxnimada Somaliland ee Mansabka Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ah Ismaaciil Muumin Aare.Waa aqoonyahan ka mid ahaa aqoonyahandii Somaliya, iyo Somaliland oo maanta laga bartay. Waxa isugu biiray aqoonyahannimo dhinaca cilmiga ah iyo dhinaca diblomaasiyadda. Waa nin hadal cadcad oo waxa uu dareemo wax ka qabashadiisa an marnaba ka gabban. Waxa uu ka soo jeeda beesha Dila, isaga oo ka mid ahaa siyaasiyiintii, aqoonyahanadii iyo madaxdii xisbiga UDUB usoo jiiday guusha maanta ay haystaan. Inkasta oo shaqadiisu u badnayd dhinaca hay'adaha ajnebiga ah, ku soo biiritaankiisa xisbiga KULMIYE iyo musharaxnimadiisa xisbigaasiba waxay baal cusub u furtay beesha uu ka soo jeedo oo uu tusay in Somaliland dimuqraadi tahay, lagana soo gudbay cahdigii guulwadaynta.

Ismaaciil Muumin Aare ayaa sidoo kale ah nin u badan horumarinta tacliinta Somaliland inta badanna aan danayn jirin siyaasadda dalka, waxase uu siyaasadda galay markii uu ka gilgishay dulmiga iyo xadgudubyada maamulka Rayaale ku hayo dadka Somaliland , taasina waxay u soo jiiday sumcadda maanta uu ku gaadhay inuu isu soo taago mansabka Madaxweyne ku-xigeenka.

 


Qaar Ka Mid Ah Kooxada Al-Shabaab Oo Hawlgalo Ka Wada Puntland

Bosaaso August 25, 2008 (W.Wararka) - Qaar ka mid ah kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta koonfurta Somaaliya ayaa la sheegay inay hawlo milatari ka wado deegaanada maamulka Puntland.

Fu’aad Maxamed Khalaf ( Shongole) oo ka mida hogaamiyeyaasha sare ee Shabaabka Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqya Miletari ka wada gudaha goboladda Puntland sida ay warbaahinta u sheegeen ila wareedyo lagu kalsoon yahay.

Fu’aad Shongole oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Burtinle ayaa duleedka Garowe la sheegay inuu kulan saacado qaatay kula yeeshay dad u dhashay deegaankaasi.

Saraakiil ka mida Al-Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay inuu Fu,aad Maxamed Khalaf ku dhaqanka shareecada Islaamka ka hirgelinayo Puntland sida uu dhigayo heshiiskii Ceelbuur ee hogaamiyeyaasha Al-Shabaab loogu iclaamiyay in masuul kastaaba talis ciidan ka sameysto gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.

Inkastoo aysan maamulka Puntland ka hadlin socdaalka Sheekh Fu’aad hadana waxaa ila xog ogaal ahi tibaaxayaan inuu duleedka boosaaso ku wajahan yahay si uu kulan ula yeesho hogaamiyeyaal ka tirsan kooxdaas oo ku sugan maamulka Puntland.

 


Guurtida Oo Wax Ka Bedelka Xeerka Komishanka Xuquuqda Aadamaha Dib Ugu Riixday Kalfadhiga Dambe

“Nuqulka Wax Ka Bedelka Xeerkan Khaladaad Badan Baa Ku Jira Oo U Baahan In Laga Fiirsado, Nin Mushaharkiisii Uu Marayo 24-Kii Wuu Qaylin” Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,

Hargeysa, August 25, 2008 (Haatuf) – Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa naqdiyey wax ka bedelka iyo kaabida ay guddida arimaha bulshada ee guurtidu ku soo sameeyey qodobadii xeerka komishanka xuquuqal iinsaanka xeer Lr 39/ 2008 oo ay wakiiladu ku soo ansixiyeen kaas oo uu ku tilmaamay inaan ansixintiisa lagu degdegi karayn balse kalfadhiga 37aad ee golaha dib loogu riixo gudda galka doodiisa iyo ansixintiisa.

Fadhiga shalay oo uu gudoominayey Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigaasi mudaneyaasha wax ka bedelka iyo kaabista ay guddida arimaha bulshadu ku soo sameysay habkii ay golaha wakiiladu ku soo ansixiyaan xeerka komishanka xuquuqda aadamaha xeer Lr 39/ 2008 kaas oo goluhu cod u qaado ayaa waxa uu gudoomiyuhu dhaliilay qaabka ay wax ka bedelka ugu soo sameeyeen guddi hoosaadku waxaanu tilmaamay in qaladaad badani ku jiro nuqulka wax ka bedelka golaha loo qaybiyey, sidaa darteedna aan lagu degdegi karin ansixintiisa isagoo gudoomiyuhu ka hadlayey nuqulka wax ka bedelka xeerkaasi waxa uu yidhi “Nuqulka wax ka bedelka xeerka komishanka xuquuqda aadamaha oo xoghayaha guud ii soo gudbiyey waxaa ka muuqda qaladaad badan oo u baahan in si weyn looga fiirsado ansixintiisa ka hor sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in nuqulka wax ka bedelka xeerka ee laydiin qaybiyey aad soo akhrisataan kalfadhiga danbe ee goluhu yeelan doonana aynu wax iska weydiino, ta kale qolooyinka warbaahinta ee yidhi shirgudoonka ayey mudaneyaashu dhaliilo waaweyn u soo jeediyeen oo golihii khilaafbaa ka dhex aloosan waxaan leeyahay wax khilaaf iyo shakiya oo meesha ka dhacay may jirin, laakiinse nin mushaharkii bishii ay marayso 24 dee wuu qaylinayaa oo aamusi maayo, fadhiga maanta wax uu goluhu warbixin ka dhagaysan doonaa guddida dhaqaalaha ntaa ka dibna waxatby sii xidhi doonaa kalfadhigii 36aad goluhuna fasax buu gali doonaa”

Sababaha keenay in ansixinta wax ka bedelka xeerka komishanka xuquuqal iinsaanka dib loogu riixay kalfadhiga 37aad ee danbe ayaa lagu macneeyey in Gudoomiyaha guurtidu shaki weyn ka muujiyey in wax ka bedel ka xeerkaasi lagu sii daro qodobo aanu goluhu ansixin sida wax ka bedelka xeerkii nidaamka garsoorka caruurta oo markii golaha wakiilada dib loogu celiyey lagu arkay qodobo fadeexada oo xoghayaha goluhu C/laahi Dheere ku sii daba daray kuwaas oo golaha wakiiladu markii dambe ka saareen.

Dhinaca kale waxa ay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in sababaha wax ka bedelka xeerkaasi ay shirgudoonka guurtidu uga maageen ansixintiisa ay saamayn ku leedahay khilaafkii adkaa ee guddida shuruucdu iyo arimaha bulshadu ay isku qabsadeen gacan ku haynta xeerkaasi kaas oo ay gudida shuruucdu iyaguna dhinacooda ay ka soo sameeyeen wax ka bedelka xeerkaasi kuna doodeen in guddida arimaha bulshadu aanay xaq u lahayn in loo dhiibo xeerkaasi balse aakhirkii ay guddida arimaha bulshadu ka maroorsatay gacan ku hayntiisa xeerkaasi, taas oo ay tibaaxuhuna sheegayaan in xoghayaha golaha guurtidu C/laahi Dheere uu saamayn ku lahaa wax ka bedelka xeerkan ee goluhu dib ugu laalay kalfadhiga dambe ansixintiisa.

 


Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Dib-Eegis Ay Ku Samaynayaan Ruqsadaha Sharci Ee Saxaafadda Madaxa Banaan

 “Ciddii Wasaarada Warfaafintu Cadayso Ruqsadeeda Sharci Ayuun Baa Shirar Jaraa’id Iyo Warsaxaafadeed Loo Gudbin Doonaa” Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir

Hargeysa, August 25, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo shalay xarunta wasaarada kulan kula yeeshay masuuliyiinta saxaafada madaxa banaan ayaa sheegay in Ruqsadaha sharci ee warbaahinta ay wasaaradu dib u eegid u samayn doonto, isagoo intaas ku daray in ciddii ruqsad haysata ama xeer ilaalinta guud ka diiwaangashan ay u gudbin doonaan wasaarada arrimaha gudaha iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Wasiirka warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo xubno ka mida masuuliyiinta saxaafada kula hadlayey xarunta wasaarada ayaa khudbadiisa oo isagu jirtay hanjabaad iyo amar ayaa ku bilaabay “ Waxaa inagu soo fool leh doorashooyin waxaa jira dad komishanka doorashooyinka u hoos ordaya si ay danahooga khaaska ah uga dhamaystaan oo soo xidhanaya magacyo saxaafadeed oo been abuur ah sidaa darteed si aanu u ilaalino xuquuqda warbaahinta kala duwan ee Tv-yada iyo wargeysyada oo aanay u dhicin in aan la soo dhex gallo,, waxaanu idinku yeedhay in aanu dib u eegis ku samayno ruqsadihiina shaqo ee aad u haysataan Tv-yada iyo Warbaahinta, waxaana waajiba in cidii ruqsad ku haysata wasaarada isla markaana ka diiwaangashan xeer ilaalinta guud ee qaranku loo ogolaan doono, wasaarada warfaafintuna waajibaadkeedu waa inay ilaaliso sharciyada warbaahinta kale duwan, waxaanu idiin soo jeedinayaa inaad Ruqsadihiina sharci u soo gudbisaan wasaarada waxaanu idiinku yeedhnay in intiina sharciga haysataa uun dalka ka shaqaystaan, waxaan idin kula dardaarmayaa in Ruqsadihina sharci iyo Diiwaangelinta xeer ilaalinta guud ka haystaan aad soo gudbisaan maanta waxaanu ka haynaa Ruqsadahoodii sharci Cable TV iyo Wargeyska Maalmaha intiina kalana waxaanu idiinka codsanaynaa inaad soo gudbisaan, waxaan xan ku maqlay in dadka qaarkood la yidhi waxaa laydinka qaadayaa Ruqsada, wax Ruqsad layskaga qaadana meesha ma yaalo, waxaad tidhaahdaan sharcigii saxaafada waa lagu xad gudbayaa hadaba waxaanu idin leeenahay sharciga saxaafada ku dhaqma way ku taaallaa ruqsad iyo diiwaangelintu waxa kaloo aanu doonaynaa inaanu Websit-yadda laftooda sharci u samayno, kuwa aan sharciyad haysan ee wararka ka dira dalka gudihiisa waa la xakamayn doonaa, sida imika dhacda dad aan Somalilander-ba ahayn ayaa ka faa’iidaysta nin kastaaba wuxuu yeeshay Website.

Qolooyinka Website yada iyo cidda ka shaqaysaba isaguna waanu nidaamin markaanu hawshan dhamayno wasaarada warfaafintu waxay bixin doontaa kaadhadhka rasmiga ah oo aanu u gayn doono xeer ilaalinta, maxkamadda, wasaarada Daakhiliga oo aanu leenahay intaas oo wargeys, Radio ama TV ayuun baa ka qaybgeli karta haddii shirar war-saxaafadeedyo la bixinayo nimaan intaa sidan oo haysan wareegtadaa ka soo baxday wasaarada warfaafinta saxaafad u ordi maayo.”

Tallaabadan uu wasiirka Warfaafintu qaaday ayaa daba socota xeer ay dabayaaqadii sannadkii hore xukuumaddu u soo gudbisay golaha Wakiilada, kaas oo ah mid gebi ahaantiiba xad-gudub iyo gef ku ah dastuurka iyo xeerka Saxaafadda Somaliland ee ay golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen isla markaana uu Madaxweyne Riyaale saxeexay dhaqangalkiisa sannadkii 2004, xeerkaas oo ilaa hadda aan golaha Wakiilada la soo hordhigin, ayaa ah mid ay xukuumaddu ka soo dheegatay xeer ay xukuumaddii shuuciga ahayd ee dalka Yemen ku dhaqmi jirtay sannadihii sagaashamaadkiisii, kaas oo hadda aan ka shaqayn dalkaas iyo guud ahaan caalamka toona, waxaanu dhowaan wasiirka Warfaafintu sheegay inay xukuumaddu mar kale baarlamaanka horgeyn doonaan si ay u ansixiyaan, haddii uu Baarlamaanku uu ansixin waayana ay la weydiin doono sababta ay u diidayaan, taas oo macnaheeda loo fasirtay inay xukuumadda ka go’an tahay inay dhaqangelinta xeerkaas.


Wasiirka cusub Ee Dib-u-dejinta Oo Xillkii La Wareegay

Hargeysa, August 25, 2008 (Haatuf) – Wasiirka Cusub ee Wasaarada Dib u Dajinta loo magacaabay Maxamed Yuusuf Cismaan oo si rasmiya xilkii wasaarada ugula wareegay wasiirkii ku-xigeenka C/xakiim Garaad oo isagu si kumeel gaadha xillka wasaaradaas u hayey markii xilka iska casilay wasiirkii hore ee dibu dajinta Abshir Axmed Xasan.

Xaflada uu xilka kula wareegayey wasiirka cusub ee dib u dajinta Maxamed Yuusuf Cismaan oo shalay lagu qabtay xarunta wasaarada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta waaxyaha kala duwan, shaqaalaha wasaaradda, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, madaxdhaqameedyo iyo marti sharafyo kale.

Wasiir ku-xigeenka dib u dajinta C/xakiin Garaad oo isagu xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ayaa isagu xafladaasi hadalo soo dhaweyna uga jeediyey wasiirka cusub ee la soo magacaabay Maxamed Yuusuf Cismaan waxaana uu warbixin kooban ka siiyey qaybaha kala duwan ee ay wasaaradu ka koobantahay iyo tirada guud ee shaqaalaha dib u dejinta ka hawlgala, isagoo halkaa ka sheegay in wasiirka la soo magacaabay ay la shaqayn doonaan.

Wasiirka cusub ee dib u dajinta Maxamed Yuusuf Cismaan oo isaguna xafladaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in xilka wasaarada ee loo soo magacaabay wixii karaankiisa ah uu ka gudan doono, isagoo ka codsaday masuuliyiinta iyo shaqaalaha in ay si wada jir ah ay wax ula wada qabtaan.


Maraakiib Dagaal Oo Lagu Arkay Badda Somaliya.

Somalia August 25 2008 (W.wararka) - Maraakiibta Dagaalka ee dalalka reer galbeedka ayaa lagu arkay xeebaha Somaliya, Badd maaxyo Somaliya ayaa sheegay inay Badda Somaliya ku arkeen Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Jarmalka kaas oo baadi goob ugu jira Maraakiibta ay kooxaha budhcad baddeeda Somalida ahi afduubka ugu haystaan xeebaha Somaliya.

Badd Maaxyo Somaali ah oo ka gaabsaday in magacyadooda la xuso ayaa warbaahinta u sheegay in ay maraakiib dagaal ay ku arkeen badda somaliya kuwaas oo ay tiradoodu gaadhayso Afar markab inta la arkay, waxaa kale oo ay xuseen inay hoowlgalo millateri ku bidhaansanayaan Maraakiibta lagu haysto badda Somaliya.

Ururka Bad Mareenadda Caalamiga ayaa shaaciyay in Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Germany, Canadda, France iyo America ay ku sii jeedaan degaanada budhcad baddeeda Somalidu ku heystaan Maraakiib ay qaarkood ka qabsadeen badda Cadmeed ee dhacda gacanka Djibouti iyo Yemen.
Dowladaha Reer galbeedka Wasaaradahooda Amniga ayaa ku goodiyay inay xeelad Millateri u adeegsanayaan sidii badda Somaliya looga tirtiri lahaa Budhcad baddeeda ugaadhsanaysa Maraakiibta isaga goosha baddweynta Somaliya.

Markab laga leeyahay Dalka Jaban ayaa dirqi kaga baxsaday afduubayaasha Somalida, waxaanay sheegeen inay iska difaacayaan weerarkasta oo xaga badda looga qaado.

Sarkaal u hadlay budhcad Baddeeda Somaliya oo lagu Magacaabo Maxamed Saxaaf lana soo xidhiidhay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa difaacay afduubyada ay kula kacaan Maraakiibta, waxaana uu ku dooday inay dowladaha shisheeye sharci daro kaga kalluumeystaan khayraadka badda Somaliya sidaa darteedna ay iyagu budhcad baddeed u yaqaanaan Maraakiibta ka jalaabata kalluunka degaanadooda.


Xoogagii Qabsaday Kismayo Oo Isku Khilaafay Qaybsiga Talada Maamulka Magaalada

Kismayo August 25, 2008 (W. Wararka) - Xoogaga sedexda garab ee awooda Millateri ku qabsaday Magaalada Kismayo ayaa Maleeshiyooyinkooda kala qaybsameen markii uu khilaaf ka dhashay xilalka awood qeybsiga maamul oo lagu guuldareystay inay ku heshiiyaan.

Hogaamiyeyaasha Al-Shabaab ayaa Jabhada Islaamiga iyo xoogaga Yusuf Indhacadde ee Isbaheysiga dib u xoreynta ugu baaqay in looga dambeeyo awood maamul ee Jubooyinka sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha garabyadaas ee ku sugan Kismayo.

Yusuf Maxamed Siyaad Indhacadde ayaa laalay dalabaadka Al-Shabaab ee uu Iclaamiyay Afhayeen Mukhtaar Rooboow, waxaanu ka digay in kooxda Abuu Maansuur gaar u sheegato gacan ku heynta Magaalo xeebeeda Kismayo.

Saraakiil ka tirsan Jabhadda Islaamiyiinta Somaliyeed oo magacooda loo soo gaabiyey (JIS) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maleeshiyada Al-Shabaab uga qayb gashay dagaalkii lagu qabsaday Kismayo ay %20 ka hooseeyaan halka xoogaga Jabhadu yihiin %55.

Golaha Marjaca garabyada sheegta Islaamiyiinta Somaliya ayaa la hadal hayaa inay fara geliyeen khilaafka hadheeyay seddexda koox ee laga cabsida qabo inuu dhexdooda ka dilaaco dagaal ku saleeysan cidda maamuleysa degaanadda Jubooyinka.


Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga Oo Obama Ku Dhaliilay Ninka Uu U Doortay Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka

DENVER, August 25, 2008 (W. Wararka) – Senator John McCain, Murashaxa jagada Madaxweynenimada ee xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhaliilay Senator Obama in uu Hillary Clinton u dooran waayay murashaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka ee doorashada dalka Maraykanka taas oo uu Obama u xushay ninka la yidhaahdo Senator Joe Biden.

McCain waxa uu Obama ku eedeeyay in uu ka maagay magacaabista Hillary Clinton maadaama ay dhaliilo u soo jeedisay Obama xiligii ay labadoodu ku tartamayeen cida noqonaysa murashaxa Madaxweynaha ee dalka Maraykanka.

McCain waxa uu sheegay in Hillary ay ku haboonayd in uu Obama u magacaabo murashaxa ku xigeenkiisa ah.

Inkasta oo uu McCain, Joe Biden uu ku tilmaamay nin mudakar ah oo karti badan hadana waxa uu bilaabay olole dacaayad ah oo uu ku dhaliilayo Obama u xulasho la’aanta Hillary Clinton murashaxa jagada Madaxweyne ku xigeenka.

Mid ka mid ah dacaayadahaas oo laga sii daayay Telefishanada ayaa waxay odhanaysaa “ Hillary Clinton waxay ku guulaysatay codadka malaayiin dad ah,hadana Obama waxa uu uga tagay runta ay sheegtay”, laakiin dadka u ololaynaya Obama ayaa daadafeeyay dhaliilaha Mc Cain u soo jeediyay murashaxa jagada Madaxweynaha waxayna sheegeen in Obama amaan iyo qadarin weyn u hayo Hillary Clinton isla markaana aaminsan yahay in haweenaydaasi si buuxda u taageeri doonto tartanka Obama ugu jiro madaxtinimada dalka Maraykanka.

 

 

Top