Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1818 Aug.27, 2008

Doorashadii Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka KULMIYE Oo Horseeday Burbur Ku Yimaad Xisbigaas

 

Garab Ka Mid Ah Xisbiga KULMIYE Oo Ku Dhawaaqay Qabashada Shirweyne Golaha Dhexe Ah Oo Lagu Soo Dooranayo Musharax Madaxweyne Iyo Ku-Xigeen


Boorama: Sidee Looga Soo Dhaweeyey Musharaxnimada Mansabka Madaxweyne Ku-Xigeennimada Xisbiga Kulmiye Ee C/Raxmaan Saylci Sideese Looga Xumaaday?

 

“Axmed Siillaanyo In Badan Buu Wada-Tashi Soo Jeedin Jiree Isagu Ha Bilaabo Isu Tanaasulkii Lagu Dhamayn Lahaa Khilaafka Taagan” Eng: Faysal Cali Waraabe

 

Dadka Ku Nool Labada Dal Ee Abkhazia Iyo Koonfurta Ossetia Oo Farxad Iyo Damaashaad Ku Soo Dhaweeyey Aqoonsigii Ay Ka Heleen Ruushka

 

Hargeysa: Tartankii Sheekooyinka Ee La Magac Baxay Sheeko Iyo Shaahid Oo La Soo Geba-Gabeeyay

 

Maayarka Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Dood Qaaday

 

Ururka Suxufiyiinta Soomaliya Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay Inay Shuruud La’aan Ku Sii Dayso Wariyaha Xidhan, Tixgalina Siiso Dalada Suxufiyiinta Somaliland Ee USJ

 

Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Mbagathi Oo Sheegay In Laga Been Sheegay Magacyadooda, Oo Ay Taageersan Yihiin Xukuumadda Nuur Cadde

 

Puntland Oo Mastaafurisay Ganacsade Maxamad Abu Yaasir Oo U Dhashay Dalka Imaaraadka Carabta

 

Hogaamiyeyaasha Somaliya Oo Heshiis Ku Gaadhay Xarunta Midowga Africa Ee Ethopia

 

Kooxo Hubaysan Oo Bambo Gacmeedyo Ku Weeraray Guryo Ay Deganyihiin Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Imbagathi Iyo Cismaan Caato

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Doorashadii Jagada Musharaxa Madaxweyne Ku-Xigeenka KULMIYE Oo Horseeday Burbur Ku Yimaad Xisbigaas

Burco, August 27, 2008 (Haatuf) – Doorashii musharaxiinta jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo lagu waday inay doortaan ergooyinka Golaha Dhexe ee xisbigaas oo shir uga socday magaalada Burco, ayaa shalay sababay burbur ku yimid xisbiga gudihiisa kadib markii sida la sheegay hoggaanka sare ee xisbigu fara-geliyay qaabkii ay doorashada jagadaasi u dhacday, taasina ay keentay in laba musharax oo ka mid ahaa afarta musharax ee u taagnaa tartanka jagadaasi aanay ka soo xaadirin madashii shirkaasi ka socday, kadib markii ay ka biyo-diiday qaabka loo maamulayo shirkaas, iyadoo musharaxii afraadna la sheegay inuu ka tanaasulay.

Khilaafkan aakhirkii keenay burburka ayaa ahaa mid taagnaa tan iyo furitaankii shirkaas, kaas oo shirka ku keenay dhawr jeer dib-u-dhacyo, iyadoo laysku dayay marar badan in xal loo helo khilaafkaas ayaan haddana lagu guulaysan in laga hortago burburka iyo kala-qaybsanaanta soo waajahday xisbigii ugu weynaa mucaaridka Somaliland ee KULMIYE.

Shirka oo shalay oo loo balansanaa in cod loo qaado qodobka laysku hayay ee qaabka loo dooranayo musharaxiinta ayaan laba soo qaadin, waxaanay taasi keentay in aanay madasha shirka soo fadhiisanin laba musharax ee jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka u taagnaa oo kala ahaa; Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo Axmed Xaaji Cali Cadami. Halka Prof. Ismaaciil Muumin Aarre oo ahaa musharaxa afraadna uu ka tanaasulay musharaxnimadiisii. Sidoo kale waxa madasha shirka ee shalay ka maqnaa ergooyin farabadan oo ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Balse dhinaca kale waxaa iyagu madasha shirka shalay soo fadhiistay gudoomiyaha xisbiga Axmed Siillaanyo oo u taagnaa musharaxa Madaxweynaha oo aanay cidi kula loolamayn iyo Cabdiraxmaan Saylici oo isagu u tartamayay jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka, isla markaana uu Axmed Siillaanyo ku dagaalamayey sidii uu u noqon lahaa musharaxa isaga ku-xigeenka u noqonaya ee shirkaas lagu soo doorto.

Furitaanka shirkaas ayaa gudoomiyaha shirweynuhu wuxuu ergadii shirka fadhiday oo tiradooda lagu sheegay 131 ergey cod u weydiiyay Musharaxa Madaxweynaha oo Axmed Siillaanyo isu taagay, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday Axmed Siillaanyo inuu noqdo musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE 129 ergay, halka hal ergay uu ka diidday, mid kalena uu ka aamusay. Sidoo kale waxaa isagana cod loo qaaday musharaxa Madaxweyne ku xigeenka oo ahaa Cabdiraxmaan Saylici oo isagu kelidii ku sugnaa shirkaas shalay, waxaana cod gacan taag ah ku ogolaaday 123 ergey, halka 3 ergey ka diideen 4 ergeyna ka aamuseen.

Waxa kale oo madashaas shirka shalay cod lagu ansixiyey guddida fulinta ee xisbiga oo tiradooda laga dhigay 35 xubnood iyo shan la-taliye, halkii ay markii hore ka ahayd tirada guddida fulintu 25 xubnood.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo doorashadiisa ka dib halkaas khudbad ka jeediyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Marka hore waxaan hambalyo guud u dirayaa shirka, shirkana waxa uu ahaa mid ummaddu sugaysay waxa ka soo baxa qaar badan oo Somaliland u cadow ah iyo kuwa u arka wanaaga KULMIYE in aanay dani ugu jirin ayaa ka naxaya. Waxaana ku farxaya maanta inta danaysa wanaaga KULMIYE, danta dalka waynu malayn karnaa, waana wax dabiici ah shir kastoo ay iskugu yimaadaan in dad walaalo ah oo leh damac siyaasiya ku tartami karo taasina waa ta aynu doonayno inaynu dalka ku hogaamino. Haddii aynu doonayno in dalkeena dimuqraadiyadi ka dhacdo waxa inugu waajiba in ay gudaheena ka muuqato,” ayuu yidhi Axmed Siillaanyo, waxaanu intaas raaciyay “Waynu ogeyn shirweynihii hore ee xisbiga maantana waynagaa qabanay shirweynihii golaha dhexe ee Musharixiintii soo saaray, halkan waxa ka muuqda dimuqraadiyad badan, Dimuqraadiyada macnaheeduna waxa weeye in qof waliba cabiro dareenkiisa oo soo bandhigo damaciisa siyaasadeed laakiin waxa waajib ah in loo maro jidka ay leedahay. Balse ta maanta dhacdayna waa taas, waxa jira xubno xisbiga ka mid ah oo hunguri ka qabay Hogaanka dalka. Qaarkood way soo baxeen qaarna may soo baxin. Anigu waxaan ahay kuwa soo baxay waxaan jecelahay walaalahayga aan soo bixin in aan aad uga xumahay inay u dhici wayday siday jeclaayeen in teena cadhootayna ay raali ahaadaan, inaguna waxaynu ka shaqaynaynaa in aynu soo celino walaalaheen waa isa saamaxaynaa waxaynanu u guntanaynaa in aynu dalkeena daacad ugu shaqayno" ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Siillaanyo.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay C/raxmaan Saylici waxaanu yidhi "Marka Hore waxaa mahad leh Illaaha inoo suurto galiyay wixii aynu halkan iskugu nimi oo ahayd danta ummadda iyo ta xisbiga waxaanan idiinku mahadnaqayaa sharafta iyo Boqornimada aad isaarteen. Waxaan anigu marka hore ahay dadka dalka iyo dadkaba u gurmada oo jecel in aan noqdo nin wax ka bedela dhibaatooyinka ka jira dalka taasna waan u soo tafaxaytay. Waad ogtihiin dhibaatooyinka uu dalka soo gaadhsiiyay xukunkii keligii taliska ahaa, wixii lagaga guulaystayna waxay ahayd qori, taariikhdaa ragii ku suntanaa halkan ayay fadhiyaan intoodii badnayd intii ku shahiidayna Alle haw naxariisto, markaa maadaama lagu guulaystay xorayntaa, waxaan qabaa yoolkii in aanu gaadhin halkii la doonayay, 17 sano kadib wali waxaynu taaganahay halkii oo maynaan gaadhin wixii aynu higsanaynay halkan aynu maanta joognaa waa Burco oo ah halkii lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland. Waxaan leeyahay dayax gacmeedkii ugu horeeyay oo barbarada ayaynu saarayn, waxaan leeyahay maanta taariikhdu waxay qori doontaa dayax gacmeedka danbe in ay Somaliland guul ku gaadho, taasna waxa laga doonaya xisbigan” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Saylici.

Khilaafka hadadda qarxay ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa soo jiitamayay tan iyo badhtamihii sannadkii hore kaas oo marar badan dib-u-dhac ku keenay qabashada shirweynihii xisbigaas, blasé wada-hadalo hoose oo muddo socday ayaa lagu heshiiyay in la qabto shirweynaha, hase yeeshee dib loo dhigo doorashada musharaxiinta, iyadoo lagu heshiiyay in shirka golaha dhexe ee shirweynahaas lagu doortaa ay iyagu soo doortaan musharaxiinta xisbiga KULMIYE uga qayb-gelaysa doorashooyinka guud ee Madaxtooyada. Sidoo kale waxaa wada-hadaladaas hroe lagu gorfeeyay in ka hor shirka golaha dhexe la sii dhameeyo arrimaha khilaafku ka jiro.

Inkastoo lagu guulaystay in jagada musharaxa Madaxweynaha loo baraxo Axmed Siillaanyo haddana waxay doodeedu in badan socotay jagada musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka oo muran ka taagnaa cidda isu taagaysa, iyadoo aakhirkii laysla gartay in loo daayo jagadaas inay ku tartamaan siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha darafyada, sidaasna ay afarta musharax ee hadda u taagnaa ku yimaadeen, kuwaas oo ay ahayd inay si madaxbanaan oo dimuqraadi ah xisbiga dhexdiisa ugu tartamaan. Hase yeeshee waxay arrintani faraha ka baxday markii gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna musharaxa Madaxweynaha oo aan jagadiisa cidi kula loolamayni uu si qaawan u farageliyay tartanka musharaxiinta ku loolamayay jagada musharaxa madaxweyne ku-xigeenka, isagoo Axmed Siillaanyo isku dayaya inuu isagu xusho musharaxa uu doonayo inuu ku-xigeenka u noqdo, taasina ay meesha ka saartay in musharaxa lagu doorto qaab dimuqraadi iyo qof iyo kartidii, arrintu ay noqoto kayga hala’ii doorto, taas oo xisbigii ku keentay kala-qaybsanaantii ugu weynayd iyo burbur hor leh oo ay adag tahay inuu ku loolami karo talada dalka.

 


Garab Ka Mid Ah Xisbiga KULMIYE Oo Ku Dhawaaqay Qabashada Shirweyne Golaha Dhexe Ah Oo Lagu Soo Dooranayo Musharax Madaxweyne Iyo Ku-Xigeen

Waxaana Lagu Dhaqaaqay Wax Anshaxa Bani’aadamnimada, Akhlaaqiyaadka Dimuqraadiyadda Iyo Waqtigan Casriga Ah Sida Wax Loo Maamulo Ka Baxsan” Cadami

 

“Hoggaanka Sare Ee Xisbigu Wuxuu Ku Sameeyay Fara-Galin, Iyadoo Ay Ahayd In Gudoomiyuhu Uu Dhex U Ahaado Musharixiinta Damaca Leh” Cabdiraxmaan Aw Cali

Burco, August 27, 2008 (Haatuf) – Labada Musharax ee ku tartamayay jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE iyo qaar ka mid ah shirgudoonkii shirka golaha dhexe ee xisbigaas uga socday Burco ayaa cambaareeyay qaabkii loo maamulay doorashadii musharaxiinta Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga KULMIYE, kaas oo ay ku tilmaameen inay ahayd mid xaaraan ah isla markaana ka fog nidaamka dimuqraadiyadda ee loogu talo-galay in lagu soo doorto musharaxiinta xisbiga KULMIYE uga qayb-galay doorashooyinka guud ee dalka.

Shirjaraa’id oo ay kooxdani shalay ku qabteen magaalada Burco ayay kaga warameen sababta keentay burburka iyo waxyaabaha ay kaga maageen ka qayb-galka shirka, waxaanay tilmaameen in faro-gelin uu ku sameeyay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed Siillaanyo, ay marin-habaabisay habsami u socodkii doorashada musharaxiinta ee shirkii golaha dhexe.

Ugu horayn shirkaa jaraa’id waxa ka hadalay C/raxmaan Aw Cali oo isagu ka mid ahaa siyaasiyiinta u taagnaa musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE, wuxuuna yidhi: “Shirku maalintii saddexaad ayuu ku jiray waxaana la dhaliilay habsami u socodka taas oo hoggaanka sare ee xisbigu ku sameeyay fara-galin, iyadoo ay ahayd in Gudoomiyuhu uu dhex u ahaado Musharixiinta damaca leh ee wada xisbiga ah taas oo marinkii ka halawday iyo arimo yaryar oo kale oo ah qaabka ay wax u soconayaan, ayaanu ka wada hadlaynay anagoo dhinac ah oo ah rag badan oo laf dhabartii xisbiga ah. Anagoo ka maqan shirkii oo ka wada hadlayna arrimaha xisbiga ayay iska qabsadeen shirkii iyadoon kooramkii buuxsamin oo 107 aanu kaga maqannahay shirka. Tirada meesha laga doonayayna waxay ahayd (Boqol iyo sagaashan iyo dhawr) sidaas daraadeed waxay isku magacaabeen oo ay isku doorteen xaaraan, nasiib daro anagoo halkii fadhina ayaa la yidhi way is-doorteen. Waxaanu u aragnaa xisbigii Kulmiye in ay dhaawac wayn gaadhsiiyeen, iyadoo la sugayay in xisbiga Kulmiye noqdo ka dalka ka saara xaaladan uu ku jiro, dhamaan taageerayaasha xisbiga waanu ka tacsiyadaynaynaa arintaa, waxaananu Illaahay ka baryaynaa talaabooyinkaa aanu imika doonayno in aanu ku saxno waxa dhacay in ay noqdaan kuwo midho dhala oo xisbiga dimuqraadiyadii ku celiya. Waxaananu samaynay gudi qabanqaabo oo sida ugu dhakhsaha badan u qabata shirweyne, waxaanu u magacawnay Hoggaan ku meelgaadha oo xisbiga sii wada." ayuu yidhi C/raxmaan Aw_Cali.

Hase yeeshee mar la weydiiyay Cabdiraxmaan Aw Cali in dhinaca kale ay sheegeen in kooramka shirku u buuxay waxa uu ku jawaabay “Waa waxba kama jiraan, halkan waxaanu ku joognaa Boqol iyo toddoba xubnood ee waxay iskaga gurteen dad kale oo aan ergeda ka tirsanayn.”

C/raxamaan Aw Cali oo la waydiyay su'aal kale oo ahayd “dhinaca kale cid ergo ahi maydinka timid” ayaa waxa uu ku jawaabay: “Haa waxa noo yimid odayaal reer Togdheer ah” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali waxaanu sheegay in ay waxa ay ula yimaadaan qaadanayaan odayaashu hadday saxayaan cidda khaladka leh.

Axmed X. Cali Cadami oo isna ka mid ahaa ragga ku tartamayay musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga KULMIYE, oo arrintan ka hadlay ayaa yidhi “Shirweynihii halkan loo fadhiyey ee la rabay in musharax madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen si xalaal ah loo soo saaro afduub ayaa ka dhacay, shalay galab ayaanu wada fadhinay inta musharaxiinta ah iyo inta xisbiga masuuliyiinta ka ahiba, wixii lagu balamay xalay (habeen hore) ayaa la jebiyey, waxaana lagu dhaqaaqay wax anshaxa bani’aadamnimada iyo akhlaaqiyaadka dimuqraadiyadda iyo waqtigan casriga ah sida wax loo maamulo ka baxsan, afduub ayaa la sameeyey gacan maroojin ayaa dhacday, halkaas ayaa layskugu tagay iyadoon kooramkii buuxsamin oo 107 ergay oo golihii dhexe ah ee rasmiga ahaa ay dibadda fadhiyaan, dad baa dhexdayada socday oo la rabay in ra’yiga meel layskugu keeno, oo awalba lama rabin in cidi iskugu timaadee intii halkaas isku heshay iyo dad foojari ah oo ahayn dadkii shirka ku jiray ayaa kaadhadh been ah halkaas lagu hawl geliyey, isla markaana suuq madow ayaa lagu magacaabay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen, waxaa dhacay anagoo u tudhayna dimuqraadiyada iyo midnimada xisbiga iyo jiritaanka Somaliland waxaanu aad iyo aad uga xunahay falkaas waqtigan casriga ah ka soo horjeeda, sidaas darteed ilaa maanta waanu fadhinay 107 xubnood oo golihii dhexe ah ayaanu ku fadhinaa, waxaanu aaminsanahay in aanu kooramku buuxsamin, bi’idmilaahi kariimna cidda xaqa leh ayaa guuleysanaysa, dariiqa dimuqraadiga ah ee loo maro ayaanu u maraynaa, in ummadaa talada leh ay isku timaado iyadoon meelna lagula dhuuman oo kii ay doonayaan ay la soo baxaan.”

Waxa kale oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Golaha dhexe oo ka mid ahaa gudigii shirka hagayay Maxamuud Jaamac Warfaa, waxaanu canbaareeyay shirkaas oo uu ku tilmaamay mid afduuba oo xaaraan ah, isagoo yidhi "Waxaan halkan u imid in aan iftiimiyo wixii ka dhacay shirkii xisbiga ee ka socday Hotel Plaza iyo wixii aan talo ahaan ku soo jeediyay in aan idiin sheego, waxaan subaxnimadkii hore la kulmay xubno badan oo ahaa ergadii shirka iyo musharixiintii qaar ka mid ah oo taagan dibadda Hoteelka oo qaylinaya, markaa waanu wada hadalay, waxaanay igu yidhaahdeen shirka laysku joojin maayo ee waad garanaysaa waxa jira maxamuudaw. Intaa kadib waxaan la kulmay Gudoomiyaha shirka Jaamac Shabeel, waxaanan ku idhi Jaamacaw ragii laf dhabarta ahaa ee musharixiinta iyo ergoyinkiiba qaar ayaa maqan markaa sidee ayaynu shirka xisbiga ku qaban karaa xisbigii oo kala maqan. Markaa waxa uu igu yidhi Gudoomiyihii, shirka aannaa ka gudoomiye ah waanu bilaabmayaa, sidii baanu ku bilaabay shirkii.”

Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo la weydiiyay su’aal ahayd “shirka waxaad ka ahayd gudoomiye ku xigeen waxaanad sheegtay in ay shirka fadhiyeen Boqol iyo soddon xubnood maxaa is bedelay?”, waxaanu Mr. Maxamuud Jaamac ku jawaabay “Sharciyada shirku ku bilaami karaa waa koramkoo buuxsama, waxaana jiray rag la xaadiriyay oo shirka dibadda uga baxay kuwaas oo la sheegay in ay ergo ugu baxeen dhinacii shirka ka maqnaa, sidaa daraadeed kooramku sax ahaan uma buuxin.” 

Dhinaca kale, waxaa shirka jaraa’id ku wehelinayay Mujaahid Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) iyo Mujaahid Cumar Cilmi Dixood, kuwaas oo iyaguna sheegay inay la mawqif yihiin qolada shirka jaraa’id ka hadashay.


Boorama: Sidee Looga Soo Dhaweeyey Musharaxnimada Mansabka Madaxweyne Ku-Xigeennimada Xisbiga Kulmiye Ee C/Raxmaan Saylci Sideese Looga Xumaaday?

Borama, August 27, 2008 (Haatuf) – Shalay waxay reer Boorama u ahayd maalin farxad iyo naxdin wada xambaarsan. Waxa kale oo ay ahayd shalay maalin kale oo xamaasado ku salaysan waddaninimo, qabyaalad, iyo dabaylo siyaasadeed oo cusubi hadheeyeen taas oo ka dhalatay dhawaaqii ka soo yeedhay shirweynaha xisbiga KULMIYE uga socday magaalada Burco. Dhawaaqaasi oo ay reer Boorama u sugayeen siyaabo kala duwan ayaa la sheegayaa in aakhirataankii uu ku dhamaaday si aanay dadweynaha gobolkani ugu wada farxin ama uga wada nixin.

Waxay dadku maanta iyadoo roob da'ayo u kala horreynayeen meelaha ay yaallaan sameecadaha debedda laga dhegeysto ee Huteelada iyo dukaanada si ay u maqlaan waxa ay idaacadda tashwiishka badan leh, maadaama aanay FM ku lahayn Boorama ay BBCda ka sheegi doonto go'aanka shirweynahaasi muddada la sugayey waxa uu ku dhammaan doono..

Shirweynaha Kulmiye oo ajendishiisa hadheeyeen sidii loo kala reebi lahaa laba musharrax oo reer Boorama, oo xisbigaasi uga tartamaya mansabka madaxweyne ku-xigeenka, kuwaas oo kala ah Mujaahid C/Raxmaan Aw Cali Faarax iyo Inj. Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Saylici).

Inkastoo reer Boorama ay ogaayeen sida uu ku socdo shirkaasi, balse aanay ogeyn waxa ka soo bixi doona, ayaa aaakhirataankii idaacaddaasi u sheegtay in labadii musharrax ee halkaasi ku loolalamayey uu ku adkaaday Injineer Cabdiraxmaan Saylici, halka musharrax Cabdiraxmaan Aw Calina uu shirkaasi ka soo baxay. Warkaasi BBcda ka soo yeedhay ayaa markiiba dareen kala duwan ka dhaliyey Boorama, waxayna markii laga dareeray goobahaasi dadkii dhegaysanayey halkaasi kala tegeen dareenno kala duwan oo xambaarsan farxad iyo naxdin.

Inkastoo aanay ilaa imika cidna si cad u sheegin dareenkooda ku aaddan natiijada shirweynaha Burco, waxase si cad loo maqlayey durbaanka qarsoon ee ka soo yeedhayey kooxaha taageersanaa in C/Raxmaan Saylici noqdo musharrax mansabka madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye, halka kooxaha taageersan in Muj. C/Raxmaan Aw Cali taageersanaa ay halkaasi kala tegeen cadho iyo guux fara badan oo ku salaysnaa arrimo kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee go'aanka ka soo yeedhay Kulmiye ayaa noqon doono mid dalkan ka sameeya isbedel siyaasadeed oo dimuqraadi ah haddii laga gudbo dareenka ka dhashay magacaabista C/raxmaan Saylci loo magacaabay musharrax madaxweyne ku-xigeenka xisbigaasi mucaaradka ah, sababtoo ah waxa durba bilow ah, ama qaybo ka mid ah dadweynaha magaalada laga dareemayaa inuu jiro faraq siyaasadeed oo ah kii ugu xumaa ee weli soo kala dhex mara dadweynaha gobolkan Awdal oo shan sano ama lix sano ku dhawaad ka hor Daahir Rayaale si wadajir ah ugu doortay mansabka madaxweynaha Somaliland ee uu maanta ku fadhiyo inkastoo wakhtigii loo doortay dhammaaday 15kii May.

Reer Boorama, oo durba ay soo waajahayso jawi siyaasadeed oo hor ah isla markaana aan la saadaalin karin waxa ka soo bixi doona ayaa siyaalo kala duwan uga warramaya waxa dhaliyey markii ay maqleen in Mujaahid C/raxmaan Aw Cali lagaga guuleystay tartanka loollankaasi siyaasadeed, waxa markiiba bilowday faallooyin ku saabsan waxa dhaliyey guusha iyo guuldarada labadaa muisharrax kala kulmeen shirweynaha xisbigaasi Kulmiye.

Haddii aan ku horreynno taageerayaasha musharrax Cabdiraxmaan Saylci, waxay guusha la sheegeyo inuu mansabkaasi loo doortay ku hantay ay tahay:

1. Olole xoogle oo sannado ah oo uu kusoo jiray ilaa intii uu xisbigaasi ku biiray wakhtii doorashada golayaasha deegaanka 2002dii, waakhtigaasoo raxan ka mid m usharraxiintii xisbigaasi ee golaha degaanku ku guuleysteen inay kuraas ka helaan golaha degaanka Boorama.

2. Waa tan labaade waxay guushaasi ku sifeeyeen mid uu Cabdiraxmaan Saylici ku helay taageero gudaha iyo debeddaba leh oo uu ka helay tolkii, taageerayaashiisa, isla markaana uu naf iyo maalba ku bixiyey xisbigaasi

3. Waa tan saddexaade isagoo C/Raxmaan Saylci aanay weli iska hor imanin hoggaanka sare ee xisbiga Kulmiye, isla markaana aanu cadow badan ku lahayn hoggaankaasi.

4. Waa tan afraade Cabdiraxmaan Saylici ayaa la sheegeyaa inuu taageeradan ku helay daacadnimadiisa dhinaca mucaaradka, isagoo maamulka Rayaale intii uu ka jiray dalkan uu cadaadis xoog leh ku hayey danihiisa, sumcadiisa iyo taageerayaashiisaba.

5. Waxay sheegeyaan in taageerada Cabdiraxmaan Saylci lagu siiyey Burco ay ahayd iyadoo hoggaanka dalka iyo maamulka gobolkan Awdal uu gacanta ugu jiray beel keliya oo ka tirsan beelaha Awdal, ee ay ka soo wada jeedaan Madaxweyne Rayaale iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali, sidaa darteedna loo baahan yahay in siyaasadda gobolkan ay ku soo biiraan dad cusub oo dhallinyaro ah.

6. Iyadoo dadka qaar aaminsan yihiin in beesha uu ka soo jeedo Cabdiraxmaan Aw Cali aanay taageero siyaasadeed ama codkooda siin doonin madaxweyne ku-xigeen, maadaama ay beeshaasi oo ah beesha J/yoonis, haysato mansabka Madaxweynaha.

Haddii aan u leexanno siyaalaha la sheegeyo inuu musharrax mansabka madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Kulmiye uu ugu soo bixi waayey Muj Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa la sheegeyaa inay sabab u yihiin arrimahan soo socda.

1. Cabdiraxmaan Aw Cali oo hoggaanka sare ee xisbigaasi an xubin ka ahayn, balse musharrax uun ka ahaa

2. Muj.Cabdiraxmaan oo colaad siyaasadeed u dhaxaysay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi, sidaa darteedna ay olole xoogle u galeen inay Cabdiraxmaan Aw Cali ka fogeeyaan saaxadda siyaasadda.

3. Taageerayaasha Cabdiraxmaan Saylici, oo markii horeba sheegay in khaati ka joogaan maamulka beel keliya ahi ay gacanta ku hayso awoodda siyaasadeed ee gobolka Awdal sidaa darteedna loo baahan yahay isbeddel

4. Sifaha C/raxmaan Aw Cali loo dhaafiyey musharraxnimada ayaa iyaduna aha dareen ka dhashay Maamulkii marxuum Cigaal, taas oo uu Axmed Siillaanyo cabsi weyn ka qabay inay isaga iyo C/raxmaan Aw Cali isku qabsadaan maamulka dalka haddii ay guuleystaan.

5. Beelaha dhexe ee Somaliland siyaasiyiintooda oo ay weli ku jiraan qaar cadaawad badan u haya muj. Cabdiraxmaan Aw Cali

6. Dhinaca dhaqaalaha oo aanu Cabdiraxmaan Aw Cali qaadhaan siyaasadeed ka helin tolkii, debed iyo gudaba.

7. Arrimaha kale ee ay ka sheegeyaan go'aaminta shirweynaha xisbigaasi ku doortay C/raxmaan Saylci ayaa iyaduna ah baa la leeyahay laaluush la siiyey shirguddoonka shirkaasi, iyagoo dhinaca kalena ballanqaadyo u samaynayey C/raxmaan Aw Cali inay dhexdhexaad noqon doonaan.

8. Dadka qaarkood, gaar ahaan siyaasiyiinta beelaha dhexe oo aaminsan in C/raxmaan Aw Cali hoosta ka taageero madaxweyne Rayaale, isla markaana aanu dagaal siyaasadeed oo dhab ah la gelin Daahir Rayaale.

Guud ahaan arrimahaasi iyo kuwa kale oo lagu sababayn karo kala saarista labadaa musharrax ee reer Boorama ah, ayaa ay adag tahay in la saadaaliyo waxa ka soo bixi doona marka ay dhaqaaqaan arrimaha doorashooyinka soo socda maadaama weli mugdi badani saaran yahay, ama dadka qaarkii siyaalo kala duwan u sheegeyaan sifaha uu u dhacay shirweynaha xisbigaasi, waxayna noqon doontaa haddii xaaladdu sidaa sii ahaato in awooddii xisbigaasi kaga qaybgelayey doorashooyinka soo socdaa ay wiiqmi doonto haddii aan xal loo helin khilaafka siyaasadeed, kan beeleed iyo kan xisbi ee cirka isku shareeray taas oo keeni karta inay markii ugu horreysay taariikhda reer Awdal ku kala tegaan arrimaha siyaasadda, sidaa darteedna loo baahan yahay dedaal kale oo dhaafsiisan shirka Burco in laga galo haddii la doonayo inuu dalkani ka badbaado maamulka Rayaale, haddii kale cadaawadda Axmed Siilaanyo ka abuuray shirkaa Burco, waa mid jidka u sii xaadhi karta guulo siyaasadeed oo uu dalkan ku sii xukumo Hoggaamiyaha xisbiga UDUB, Daahir Rayaale, sida ay sheegeyaan dadka odayaasha ah ee maanta arrimahan ka faalloonayey..

 


“Axmed Siillaanyo In Badan Buu Wada-Tashi Soo Jeedin Jiree Isagu Ha Bilaabo Isu Tanaasulkii Lagu Dhamayn Lahaa Khilaafka Taagan”

Eng: Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, August 27, 2008 (Haatuf)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in shirweynaha golaha dhexe ee KULMIYE qabsaday ay soo dhaweynayaan balse ugu baaqay in khilaafaadka ka dhashay habkii loo dooranayey musharaxiinta madaxweyne ku xigeenka ay ku dhameeyeen wada hadal iyo isku tanaasul, isagoo dhinaca kalana eedeeyn weyn u soo jeediyey xoghayaha guddida khayraadka dabiiciga ee wakiilada Siciid Maxamed Cilmi oo uu sheegay inuu hadalo hanjabaada kula kacay shirkada Asanta Oil ee sheegtay in hawlo baadhis shidaal ay ka samayn doonto gobolada Somaliland.

Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal oo wargeyska HAATUF xalay waraysi khaasa ku siiyey khadka Telefoonka ayaa sidoo kale faah-faahin ka bixiyey musharixiinta jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID isku soo taagtay waraysigaasi oo dhinacyo badan lahaana waxaa uu u dhacay sidan:

S; Sideed u aragtaa shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye ku qabsaday Burco ee qaabkii musharixiinta jagada madaxweyne ku xigeenka loo doortay uu khilaafweyni ka dhashay ?

J: Horta xisbiga KULMIYE waanu ku hambalyeynaynaa shirweynihiisa goleha dhexe ee uu qabsaday inkastoo aanu si qurux badan u dhicin markii danbe qaabkii dooshada musharixiintu oo aanu aad uga xumahay khilaafka ka dhex dhashay mana rabno inuu xisbiga kulmiye ku burburo ama ku kala tago khilaafkaasi waxaanuse ugu baaqaynaa in khilaafkaasi ay ku xaliyaan isku tanaasul iyo wada tashi Axmed Siillaanyana in badan buu odhan jiray wax kasta wada tashi ha laga yeesha waa inuu wada tashigaasi isugu ka dhabeeyo oo uu ku dhiiraado jawi isku soo dhawaynayana ka dhex abuuro xisbiga.

S: xisbigiina Ucid ilaa hadda muu dooranin musharixii jagada madaxweyne ku xigeenka Isku taagi lahaa maxaa sababay goormaase qabanaysaan shirkii golaha dhexe ?

J: Horta anagu xisbiga ahaan musharaxa jagada madaweyne ku xigeenka shirweyne uma qabanayno balse guddida fulinta ayaa xulaysa oo awood loo siiyey shirweynihiisa xisbigu qabsaday sidaa darteedna musharixiinta jagada madaxweyne ku xigeenka waxaa lagu ansixin doonaa shirweynaha golaha dhexe ee qabsoomi doona horaanta January ee 2009-ka.

S: Ma noo sheegi kartaa tirada musharixiinta ilaa hadda isku soo sharaxay jagada madaxweyne ku xigeenka ?

J: Ilaa hadda saddex musharax oo madaxweyne ku xigeenka raba ayaa guddida fulinta u soo gudbiyey Ergadooda musharaxnimo walina way socotaa oo may xidhmin.

S: Ilaa hadda xisbiga UDUB shirweynihisii ma qabsan,labadiina xisbi mucaarad ma la odhan karaa degdeg baa ku jira arimihiina ?

J: Horta labadayada xisbi mucaarid waa laba xisbi oo qaab dhismeedkoodu dhamaystiran yahay, haseyeeshee UDUB tirada guddidiisa fulinta iyo golihiisa dhexe lama yaqaano doorka Udub-na wasiirada ayaa roolkooda ka ciyaara maxay shirweyne qabsadaan ma isagaa jira xisbi shaqaynayaaba.

S: musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka ma qaab beeleed iyo deegaan gobol baad ku xulanaysaan ?

J: Anagu musharaxa jagada madaxweyne ku xigeenka beel iyo gobol toona lagu dooran maayo balse waxa lagu qiimeyn doonaa laba arrimood oo kale ah, yaa xisbiga taageero badan u keeni kara, yeyna Madaxweynaha wada shaqayn karaan, aqoon, diin iyo wadaninimana waa loo eegi doonaa.

S: Shirkadda Asanti Oil ee dalka Norway ee dhowaan heshiiska baadhista shidaalka lagashay wasaarada macdanta iyo biyaha ee sheegay in gobolo Somaliland ka tirsan ay baadhis ku samayn doonaan sideed u aragtaa ?

J: Horta shirkadaa Asanti Oil ee Norway fikir wanaagsan ayey inoo keeneen balse waxaa loo baahan yahay in xukuumaddu baarlamaanka u gudbiso heshiiska oo la ansixiyo ka dib ayaa hawshaasi la bilaabi karaa, waxaase nasiib daro ah xildhibaanka guddida khayraadka dabiiciga ee golaha Wakiilada Siciid ee intuu u tagay xubnaha shirkadaasi ugu hanjabay inaan wax shiidaala aanay ka qodi karin Somaliland iyo erayo hanjabaad huwan, arrinkaasi oo midowga yurub nagala soo xidhiidhay wasiirka daakhiliguna markii aan wax ka wadiiyey uu qiray, waxaanu leenahay waa in xukuumadu talaabo ka qaado xildhibaanka ka dagaalamay in dalka Shiidaal laga qodo, waxaana xaqiiqa in shakhsigaasi uu cid kale oo ka baxsan qaranka uu u shaqaynayo una adeeegayo.

 


Dadka Ku Nool Labada Dal Ee Abkhazia Iyo Koonfurta Ossetia Oo Farxad Iyo Damaashaad Ku Soo Dhaweeyey Aqoonsigii Ay Ka Heleen Ruushka

Koonfurta Ossetia waxaa ku nool wax aan ka badnayn toddobaatan kun oo qof”

Tskhinvali /Sukhumi, August 27, 2008 (W. Wararka) – Dadweynaha ku nool labada Jamhuuriyadood ee Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia ayaa u dabaal degaya damaashaadna ku soo dhowayanaya aqoonsiga uu dalka Ruushku shalay u fidiyey inay yihiin laba dal oo madaxbanaan.

Labadan dal ee cusub oo ka go’ay dalka Georgia horaantii sagaashanaadkii waxay ilaa waqtigaasi ay baadi-goob ugu jireen ictiraaf ay ka helaan beesha caalamka hase yeeshee taasi umay suurtoobin shalay ka hor.

Tan iyo intii ay Akhbazia iyo Koonfurta Ossetia ku dhawaaqeen madax-banaanidooda waxay marar kala gedisan dagaalo dhex mareen iyaga iyo ciidamada Georgia oo doonayay inay xoog dib ugu qabsadaan waxay arrintaasi kaliftay in Qaramada midoobay ay dhexdhexaadiso Georgia iyo labada gobol ee ka go’ay isla markaana ay keento ciidamo nabad ilaalin ah oo badankoodu Ruush yihiin.

Hadaba bishan horaanteedii Georgia waxay weerar ku soo qaaday dhulka koonfurta Ossetia si ay dib ugu qabsato oo ay hoos keento xukunkeeda inkastoo ay ciidamada Georgia qabsadeen caasimada gobolkaa ee Tskhinvali hadana way u suurtoobi wayday inay sii haystaan wax ka badan 48 saacadood ka dib markii ciidamada Ruushku ay ku soo qaadeen weeraro culus oo Georgia iska caabiyi kari wayday, waxaanu dagaalku ku joogsaday dhexdhexaadin uu sameeyey Madaxweynaha dalka Faransiiska Sarkozy oo keentay in labada dhinac ay ogolaadaan xabad joojin iyo Ruushka oo ciidamadiisa kala soo baxa dhulka uu Georgia ka qabsaday intii uu dagaalku socday ee ka baxsan koonfurta Ossetia.

Dawlada Ruushka ayaa waxay ku eedaysay Georgia in ay xasuuq u geystay dad rayid ah oo ka tirsan shacbiga koonfurta Ossetia, Madaxweynaha Ruushka Dimitry Medvedev oo shalay warbaahinta la hadlayey ayaa waxa uu ku tilmaamay ictiraafka ay dawladiisu ku aqoonsatay Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia inay yihiin laba dal oo madaxbanaan, ayna tahay talaabo daruuri ah oo lagu badbaadinayo labadaas dal Medvedev isagoo arrinataas ka hadlayana waxa uu yidhi “Russia waxay 17-kii sannadood ee u dambeeyey ku dadaalaysay midnimada dhulka Georgia laakiin xaaladii waxa bedelay dagaalkii ay Georgia soo qaaday iyada oo badbaadinta dadka reer Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia ay tahay waajib na saaran maadama ay dadkaasi haystaan Jinsiyada Ruushka, talaabadanina waxay la mid tahay tii ay dalal kale hore u qaadeen ee ay ku aqoonsadeen Kosovo”

Dadka ku nool Abkhazia waxaa lagu qiyaasaa laba boqol iyo kontan kun (250,000) oo qof, waxaana caasimad u ah magaalada Sukhumi, madaxweyneheedana waxaa la yidhaahdaa Sirgei Bagapsh.

Koonfurta Ossetia iyada waxaa ku nool waxaan ka badnayn todobaatan kun (70,000) oo qof, Caasimadeeduna waa Tskhinvali , madaxweynaheeduna waxaa la yidhaahdaa Eduard Kokoity.

Dawladaha reer Galbeedka sida, Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa iyagu cambaareeyey go’aankan uu shalay Ruushku ku aqoonsaday Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia.

 


Hargeysa: Tartankii Sheekooyinka Ee La Magac Baxay Sheeko Iyo Shaahid Oo La Soo Geba-Gabeeyay

 

Hargeysa August 27, 2008 (Haatuf) – Munaasibad balaadhan oo shahaadooyin iyo abaalmarino lagu gudoonsiinayay dhalinyar ku guulaystay tartan dhinaca sheekooyinka ah oo ay soo qaban qaabiyeen Bahda Hidaha iyo Dhaqanka ee Red-sea online ayaa xalay lagu qabtay Hotel Emperial ee magaalada Hargeysa.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira Abwaano, Qoraayo, iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxa ugu horeyn halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay qoraaga caanka ah ee reer Somaliland Jaamac Muuse Jaamac oo ka waramay ujeedada ay tartankan u qabteen waxaanu yidhi “ runtii farxad aad u weyn bay ii tahay in aan ka soo qayb galo xafladan oo ah tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee aanu beryahan qabano, hadii aan idiinka waramo tartankan, runtii waxa aanu ugu talo galnay in ay dhalinyaradeenu ku tababartaan sidii ay deg deg wax ugu qori lahaayeen iyadoo aanu u qabanay wakhti aad u kooban oo ah 15 cisho oo kali ah in uu qof kastaaba ku soo qoro sheeko, barnaamijkan oo la magac baxay sheeko iyo shaahid, waxa si aad u weyn nooga taakuleeyay qabsoomidiisa ururo reer Somaliland ah oo uu ugu horeeyo ururka Somaliland Forum, Article 32, iyo ururo kale, dhinaca dalka gudihiisa waxa si weyn nooga caawiyay shirkada Telesom oo noogu deeqday lacagta aanu abaalmarinta u siinay dadka ku guulaystay saddexda kaalmood ee ugu horeeya tartankan sheekooyinka”.

Intaa ka dib waxa abaalmarino halkaasi lagu gudoonsiiyay dhalinyaradii ku guulaystay kaalmaha hore ee tartankaasi la magac baxay sheeko iyo shaahid, waxa kaalinta koowaad ku guulaystay nin dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Mustafe Aadan Nuur, isaga oo qoray sheekada uu magaceedu yahay, Ninkii Reerka, waxaana kaalinta labaad ku guulaystay C/raxmaan Maxamed Axmed oo qoray sheeko magaceeda la yidhaahdo Geesi Boqra, kaalinta saddexaadna waxa ku guulaysatay Faadumo Aadan Maxamuud oo ah gabadh aad u da’yar, faadumo waxa ay qortay sheeko ay u bixisay Guurka iyo Waayaha Nolosha.

Ugu dambeyntiina waxa madasha sheekooyin xiiso leh ka akhriyay qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale, iyo Mustafe Aadan Nuur oo ah inanka ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka sheekooyinka.

 


Maayarka Iyo Xoghayaha Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Dood Qaaday

Hargeysa, August 27, 2008 (Haatuf) - Maayarka Caasimada Hargeysa Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir iyo hoghayaha dawlada Hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax ayaa xalay daad ku qaaday magaalada Hargeysa.

Maayarka iyo xoghayaha oo watay baabuur gaar ah ayaa daadku ka qaaday dooxa Hargeysa gaar ahaan barta laga talaabo ee bedeshay laamidii awal hore la mari jiray ee u dhow taliska guud.

Hase yeeshee gurmad ay dadkii meesha ka agdhowaa u sameeyeen ayaa lagu badbaadiyey in maayirka iyo xoghayaha iyo baabuurkoodiiba laga soo badaadiyo , waxaana loola soo cararay cisbitalka guud ee magaalada Hargeysa,  hase yeeshee waxaa la sheegay  in aanay dhaawac weyni ka  soo gaadhin labadooba, inkastoo maajirka Jiciir ay ku kala baxday  intii lagu jiray hawsha ka samatabixinta daadka qaaday.

Daadkani ayaa waxaa uu ka dambeeyey roob habeenadii ugu dambeeyey ka da’ ayey magaalada, isagoo ilaa hadda uu go’an yahay biriishki labaad ee magaalada Hargeysa muddo saddex sanadood, taas oo lacag farabadan loo ururiyey dhibna ka haysto dadka ku nool magaalada Hargeysa, waqtiyada roob curtaana ku keentay inay dadweyne badani kala xayirmaan.

Sidoo kale sanadkii hore ayaa isna waxa uu gaadhigii uu watay ka qaatay Suldaan ka mid suldaanada Somaliland oo isaguna dirqi kaga badbaaday isagoo doonaya inuu jidkaas maro.


Ururka Suxufiyiinta Soomaliya Oo Xukuumadda Somaliland Ugu Baaqay Inay Shuruud La’aan Ku Sii Dayso Wariyaha Xidhan

Nairobi, August 27, 2008 (W. Wararka) – Gudoomiyaha Ururka isku taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa (ASOJ) Mr Daahir Cabdule Calasow ayaa ugu baaqay Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Madaxa-banaan ee Jamhuuriyadda Somaliland. Inay sii dayso wariyaha fawso oo xukuumaddu Somaliland ay xidhay, talaabo kastana kala tashato dalada suxufiyiinta somaliland ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan USJ, suxufiyiintuna ay ilaaliyaan dimoqraadiyada dalkooda ka jirta. Waxaana uu yidhi Mr. Calasow “Xukumadda iyo Warfidiyeenadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa inaanay lumin miisaanka dimoqoraadiyadda, oo ay tusaale wanaagsan u qaataan qorshe xumidu heerka ay gaadhsiisay gayiga somalia” waxaa kale oo uu sheegay gudoomiyaha ururka suxufiiynta somaliya in la sameeyo gudiyo kala metelaya Wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo Dallada Midowga Suxufiyiinta Somaliland loo dhisi lahaa si wadajir loogu gorfeeyo arimahooda, wixii sax ah iyo wixii qaldanba.

Mar uu saxaafada somaliland la hadlayana waxa uu yidhi“ Saxaafadda Somaliland waan ugu baaqi lahaa inaysan halis ku noqon horumarka iyo geeddi socodka dimoqoraadiyadda Somaliland, waxaana ay sharciyadu tahay in Xukumadda tixgelin siiso oo talaabo kasta kala tashato Union Of Somaliland Jornalistis (USJ)) si aanay meel ka dhac ugu sameeyn xeer sharafeedka Saxaafadda ka dhigaya awooda afaraad ee Dalka” ayuu Warsaxaafadeedkiisa ku koobay Dahir Abdulle Alasow oo dhinaca kale hambalyo gaara u diray madaxda Dalladda Suxufiyiinta USJ oo uu ku sifeeyay howl-wadeeno sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada lagana sugayo inay dhexda u xidhaan sidii Saxaafadda Somaliland u noqon lahaayeen ul iyo diirkeed.

 


Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Mbagathi Oo Sheegay in Laga Been Sheegay magacyadooda, oo ay taageersan yihiin Xukuumadda Nuur Cadde

Baydhabo, August 27, 2008 (W. Wararka)- Shalay ayey aheyd markii kulan xasaasi ah ay ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Imbagathi ee Soomaaliya ee xaruntoodu tahay magaalada Baydhabo.

kulankaasi oo ahaa mid lagaga doodayay in kalsoonida lagala noqdo Xukuumadda uu hogaamiyo raysal wasaare Nuur Cadde, iyadoo xildhibaanadana loo qeybiyay mooshin ka dhan ah si ay uga soo doodaan muddo 48 saacadood ah, hadaba waxaa soo baxaya Mudanayaal cabasho ka muujiyay magacyada shalay laga hor aqriyay baarlamaanka kuwaasi oo ku qornaa liiskii xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay.
Xildhibaanadan ayaa shir-gudoonka u gudbiyay qoraalo iyo kuwo kale oo sheegaya in laga been abuurtay isla markaana ay doonayaan in maxkamad ay la fuulaan kuwii magacyadooda liiskaasi ku qoray.
Shir-Guddoonka Baarlamaanka ee shalay hoggaanka u hayey shirkaasi Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in ay jiraan tiro Xildhibaano ah oo u soo gudbiyay dacwado isla markaana caddeynaya inaanay ka mid aheyn kuwa ka soo horjeeda in xukuumadda Nuur Cadde, waxayna sheegeen Xildhibaanadaasi in xiligan aysan habooneyn in laga doodo ridista xukuumadda maadaama dalka uu ku jiro marxalad adag.

Xildhibaanada ayaa Prof. Dalxa u gudbiyay dacwadaha ka dhan ah cidii qortay liiskaasi, waxaa ka mid ah Xildhibaanadaasi Bootaan Ciise Caalim, C/rashiid Sagaaro, Cali Axmed Maxamed Faanto, C/qaadir Xaaji Aadan, Xildhibaan Abaadir iyo kuwo kale oo dhamaatood ku doodaya in laga been abuurtay isla markaana ay maxkamad horgeyn doonaan cida ka been sheegtay.

Xildhibaan Cabdi Axmed dhuxulow oo ka mid ah Mudanayaasha ugu cad-cad ee u ololeynaya iney shaqeyo Xukuumadda Nuur Cadde ayaa aaminsan in Xildhibaano gaadhaya 94 aanay awood u laheyn in ay codka kalsooni kala noqoshada ay u qaadaan xukuumadda Imbagaahti maadaama buu yidhi Baarlamaanka ay ku sugan yihiin 230 Mudane, in ka badan 150 Xildhibaana ay doonayaan in xiligan la soo hadal qaadin kalsooni kala noqosho.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa sheegay in Mooshinkaasi uu yahay mid sharci ah laakiin marka loo eego tirada xukuumadda difaaceyso aysan suurtagal aheyn in laga doodo ama xukuumadda kalsoonida lagala laabto, wuxuuna ku taliyay in laga wada shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa Madaxda Dowladda oo aan lagu mashquulin waxyaabo dhalin karo khilaaf hor leh.

 


Puntland Oo Mastaafurisay Ganacsade Maxamad Abu Yaasir Oo U Dhashay Dalka Imaaraadka Carabta

Boosaaso, August 27, 2008(W. Wararka) – Maamul Goboleedka Puntland ayaa shalay deegaankeeda ka masaafurisay ganacsade u dhahsay wadan Imaraadka Carabta kaas oo ay ku eedeeysay in uu sharci daro ku yimid Puntland xilli hore ay ugu digtay inaanu imanin Puntland, waxyaabaha lagu eedeeyeyna ay ka mid yihiin khalkhal ay sheegeen in uu galinayo qorshaha ay wadamo carbeed xoolo kaga qaadanayaan maamul goboleedka Puntland.

Ganacsadahan oo lagu magacaabo Maxamad Abu Yaasir oo leh shirkadda Maxjarka dalka Jabuuti ka dhistay, wuxuuna magaalada Boosaaso uu ku yimid casuumaad ay u fidiyeen qaar ka tirsan ganacsatada Puntland ee Xoolaha dhoofisa, waxaana ujeedadu ay tahay in uu dhameystiro heshiis qabyo ah oo ganacsatadu ay la galeen ninkaasi oo ku saabsan dhoofinta xoolaha iyo maxjar ka madax bannaan dowladda oo laga hirgeliyo Boosaaso kaas oo laga dhinac dhisay maxjarka ay dowladda iyo shirkadda Sacuudiyaanka ay dhiseen.

Wasaiirka ganacsiga maamul Goboledka Puntlan C/Samad Maxamed Yuusuf (Abwaan) ayaa saxaafadda u sheegay in maamulka Puntland ay masaafurisay ninkaasi isla markaana fasax la'aan uu dalka soo galay, sidoo kalena uu ninkani ka danbeeyay xayiraadii lagu soo rogay sanadihii u danbeeyay dhoofka xoolaha Puntland.

Arintan ayaa cirka ku sii shareertay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Ganacsatada Puntland iyo maamulkaasi, kaas oo la xidhiidha qaabka dhoofinta xoolaha gobolada Puntland, waxaanay ganacsatada ay ku eedeeyeen xukuumadda in ay faragelin ku heyso ganacsiga xorta ah.

 


Hogaamiyeyaasha Somaliya Oo Heshiis Ku Gaadhay Xarunta Midowga Africa Ee Ethiopia

Addis Ababa, August 27, 2008 (W. Wararka) Wararka ka imanaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Imbagahti . Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ay gaadheen Heshiis buuxa kaas oo la filayo in maanta ay ku kala saxeexdaan xaflad ka dhici doonta xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in xaflad si heer sare loo soo agaasimay in ay ka dhaceyso xarunta Midowga Afrika taas oo ay ka soo qeybgeli doonaan Madax kala duwan oo ka socoto dalalka Afrika, Midowga Afrika, Madaxda Itoobiya oo iyadu ku howlaneed dhexdhexaadinta labada dhinac, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sh. Aadan Madoobe iyo madax kale oo goob joog ka ahaan doona saxiixa heshiiska Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.
Marka heshiiskan ay kala saxiixdan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha kadib ayaa la filayaa in ay gaaraan xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Baydhabo halkaasi oo ay kula hadli doonaan Xubnaha Baarlamaanka si ay ugu faah faahiyaan waxyaabihii ay isla gaareen labada dhinac iyadoo ay qaboojin doonaan xiisadda cusub ee xubno ka tirsan Baarlamaanka ay ku doonayaan in ay xukuumadda Nuur Cadde codka kalsoonida u qaadaan taasoo aan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto.
Aqristaasheena sharafta leh waxaan u ballan qaadeynaa in wixii ku soo kordha wararkeena danbe ay kaga boggan doonaan haduu Allaha Awood leh ogolaado.

 


Kooxo Hubaysan Oo Bambo Gacmeedyo Ku Weeraray Guryo Ay Deganyihiin Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Imbagathi Iyo Cismaan Caato


Baydhabo, August 27, 2008, (W. Wararka)-kooxaha ka soo hor jeeda dawlada imbagathi ayaa xalay fiidkii weeraro ku qaaday guryo ay degen yihiin gudoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Dalxa iyo xildhibaan dalxa, weeraradan oo loo adeegsaday bamka gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu qaaday guryo ay magaalada Baydhabo ka degan yihiin Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Xildhibaan Cusmaan Xasan Cali "Caato".

Labadan Mas'uul ayaa markii uu qaraxa bamku dhacay ka dib shalay u waramay warbaahinta iyagoo labada guri ee ay kala daganyihiinla ay aad iskugu dhawyihiin waxaanay sheegeen in weeraarkaasi uu ahaa mid fuleynimo oo ay ka danbeeyaan kooxo aan dooneyn xasiloonida dalka Somalia.

Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in weerarkaasi uusan wax khasaare ah soo gaarsiin ciidamadiisa iyo dadkii ku sugnaa guriga, sidoo kale Cusmaan Caato ayaa isna ka hadlay qaraxaasi isagoo sheegay in uu kaga dhaawacmay hal askari oo dhaawac aan halis aheyn ka soo gaaray.

Weerarkaasi ayaa ahaa mid bam gacmeed loo adeegsaday iyadoo markii qaraxa uu dhacay kadib magaalada Baydhabo laga maqlayey rasaas xoogan oo ay ridayeen ilaalada labada guri oo isku dhegan, mana la oga in rasaastaasi ay aheyd mid hoos iyo mid sare loo ridayey. ma ahan markii ugu horeysay ee weerar noocaan oo kale ah lagu qaado mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo.

 

 

Top