Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1857 October 12, 2008


Hargeysa: Tahriibka Dhalinyarada Oo Gaadhay Heerkii Ugu Sareysay Toddobaadyadii U Dambeeyey

Kol Haddii Aanan Walaalidkii Igu Tabcay Koobka Shaaha U Shubi Karin Sow Maaha Inaan Culayskayga Uun Ka Dul Qaado

Waxaanu Ku Jirnaa Nolol Tii Ugu Xumayd Ee Qof Bani’adam Ahi Ku Jiro, Oo Waad Aragtaa Ardaydii Jaamacadaha Ka Qalin Jabiyey Inay Suuqa Wada Fadhiyaan”Qaar ka mid ah dadka u xadhko xidhay tahriibka

 


Maxaa Baajiyey Weftigii KULMIYE Ee Laga Filayey Inay Boorama Ka Sameeyaan Shaandhaynta Maamulka Gobolka Ee Xisbigaas?

Warbixin – Maxamed Cumar, Weriyaha Haatuf


“Diiwaangelin Iyo Doorasho Ka Qabsoomaysa Deegaanada Miyiga Ee Abaaruhu Ku Habsadeen Ma Jirto, Komishankana Maaha Kii Inaga Gudbin Lahaa Marxaladan”Xildh: Dheeg Maxamed Yaasiin, Golaha Guurtida,re


Qoysas Hindi Ah Oo Ka Mudaharaaday Dad Ay Qaraabo Yihiin Oo Afduub Loogu Haysto Xeebaha Somalia


Wasiirka Khaarajiga Kenya Oo Baaqay In Xoog Loo Adeegsado Budhcad Baddeeda

Waa In Xoog Loo Adeegsadaa Budhcad Baddeeda” Wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dalka Kenya Mousa Wetangula,


Qaylo-dhaan Biyo La'aaneed Oo Ka Soo Yeedhay Degaanka Lughaya Kadib Markii Ceelkii Riigga Ahaa Fadhiistay Iyo Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Diiwaangelinta


Dildilaaca Komishanka Doorashooyinka, Dayrada Diiwaangelinta Iyo Findhicilashada Guurtida

Faallo: Maxamed Saga


Somaliland Door Intee Le’eg Ayay Ka Ciyaari Kartaa Ololaha Lagula Dagaalamayo Budhcad Baddeeda Somalia

Faallo – Axmed A. Cige


Xaflad Loo Sameeyey Dugsiga Cusub oo Laga Furay Magaalada Burco


 

 


Amarka Naloogu Diiday Gebiley Wuxuu Ahaa Mid  Madaxtooyada Ka Yimid Oo Majaro Habowsan, Wixii

Sharciga  Iyo Distoorku Noo Ogol Yahayna Cidna Uga Habran Mayno.

“Arrintaasina Waxay Ahayd Jowrfal Ay Ku Kaceen Masuuliyiinta Sare Ee Dawladu Oo Xaalad Abuur Ah”

Guddoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Xisbiga UCID Aadan Muxumed Mire (Waqaf) Waraysi Khaas Ah.

Wajaale, October 12,2008 (Haatuf)- Hogaamiyeyaasha sare ee xisbiga UCID ayaa xukuumada Riyaale ku eedeeyey in safar ay shalay ugu anbabaxeen magaalo madaxda gobolka Gabiley ay ciidamo Boolis ah madaxtooyadu u dhigtay Kaantaroolka magaalada, sidaa darteedna ay dib uga soo celiyeen ciidamadaasi taasi oo ay sheegeen in amarkaasi uu madaxweyne Riyaale ka soo baxay iyagoo intaas ku daray in marka hore masuuliyiinta sare ee wasaarada Daakhiligu ay u ogolaadeen xaflad dhalinyarada xisbiga UCID ee gabiley ay ku qabsanayeen hoteelka Xaaji Askar ee magaaladaasi, arrintaas ay ku tilmaameen mid qayral sharci ahayd isla markaana Distoorka ka soo hor jeeday meel ka dhacna ku ahayd karaamada shacbiga reer Gabiley, iyagoo xusayna inaanay wixii sharcigu u baneeyey aanay xukuumada uga daba fadhiisan doonin.

Weftigan xisbiga UCID ee shalay laga hor istaagay galitaanka degmada Gabiley oo uu hogaaminayey guddoomiyaha xisbigaasi Eng; Faysal Cali Waraabe, xubnana ay ka ahaayeen guddoomiye ku xigeenka kowaad Aadan Maxamed Mire Waqaf, Xoghayaha guud Maxamed Xasan Baashe, Afhayeenka Xasan Xuseen Maxamed, Masuuliyiinta maamulka gobolka Maroodi jeex ee xisbiga UCID iyo taageerayaal door ah oo ka tirsan xisbiga UCID ee gobolka Hargeysa.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo wargeyska Haatuf xog waran khaas ah kala yeeshay ujeedada ay Xukuumadu uga hor istaagtay safarka gobolka Gebiley ay shalay ugu anbabaxeen iyo qaabkii ciidamadu ula dhaqmeen-ba waxaa uu yidhi “ xaflad maamul daadajina oo dhalinyarada xisbiga UCID ee Gebiley ay ku qabsanaysay hotel ka xaaji askar ee degmadaasi oo xarunta guud ee xisbigana cid laga casuumay ayaa naloo sheegay in maamulka degmada, dabeeto wuxuu yidhi soo xisbiga Ucid ma tihidin amar waxaanu ku qabnaa inaydaan magaalada gelin iyadoo amarkaasi la siiyey ciidanku uu ahaa arin qaldan hadana waxaanu ixtiraamnay ilaalinta wada jirka Somaliland intaa ka dibna geed hoostii ayaa aanu shirk jaraa’id ku qabanay waxaana ka hadalnay aniga iyo guddoomiyaha iyadoo hawl maalmeedki xisbiga laga hor istaagay  in banaan bax iyo dhoolatus laga sameeyaana aanay naga guuroobin, balse ay la mid ahayd xafladaha kale ee xisbiyadu ku qabsadeen caasimada waxaadse moodaa in arrinkii laga dhigayo in meeshu cid gaara u xidhan tahay, balse dadweynaha ku dhaqan gebile ay karaamadoodii meel ku dhac ku tahay in la yidhaahdo cid bay u xidhan tahay, waayo saddexda ka hor yimid qabsoomida xafladaa dhalinyarada ka dib na markii aanu wasaarada arrimaha gudaha la xidhiidhnay ayaa waxay nagu ydhaahdeen waanu idiin ogolnahaye hawshiina wata, anagoo sidaa ku hawlgalnay shalay Shalay subax oo hoteelkii nagu maqaalo ah in xalay qasriga Madaxtooyada amar laga soo bixiyey oo la leeyahay qoladaasi xafladaasi kuma qabsan karaan qolada xarunta ka imanaysaaana soo ma gali karaan gobolka, dabeeto anagu hogaan ahaan waxaanu u ambabaxnay maanta (shalay) in aanu hawshaa ka qaybgalno, dabeetana markii aanu gaadhnay kaantaroolka magaalada ayaa waxa nagu horjoogsaday taliye ku xigeenka qaybta booliska ee gobolka Gebiley iyo ciidan fara badan oo uu wato xisbiga way ku jiraan dadweynaha reer Gabiley, amarkaasi waxaa uu ahaa amar Madaxtooyada ka yimid oo aanu u arkaynay mid majaro habowsan cidii ku hagaysay iyo cidii ku kacaysay intaba, aanu u aragnana in Distoorku xisbiyada u ogolnahay in dhaqdhaqaaqyo uu sameyn karo laakiin aan banaan baxyo iyo kambayn aan wali la gaadhin, balse laga hor yimid in xisbigu hawlihiisa kala wadan karo taasina ay keenayso in marmarsiiyo laga dhigto xaalad abuur oo laga yaabo in dangaara laga leeyahay”

S: waxaa la sheegay in markii hore wasiirka iyo wasiiru dawlaha arrimaha guduhu fasax idiin siiyeen xaflada iyo socdaalka gebiley balse madaxweyne Riyaale uu xalay amar uu ku burinayo markaa wasiirada uu soo saaray, sidaa darteed ay keentay in laydinka xayiro safarkiina arrimahaasi maxaa ka jira?

J: haa sidaasi ayey ahayd waayo tobankii iyo badhkii ayaa xalay nalala soo hadlay, maantana waxaanu u socdaalnay inaanu ogaano in waxani dhab yihiin iyo in kale.

S: masuuliyiinta wasaarada Daakhiligu ma idinku soo wargeliyeen markii dambe  amarka uu madaxweyne Riyaale ka soo saaray safarkiinaa Gabiley?

J: Haa waynagu soo wargeliyeen.

S; mar haddii amarkaasi madaxweyne Riyaale ku horjoogsaday safarkiina maxaa hadana keenay in aad safarkaasi ku dhaqaaqdaan?

J: anaga nalama odhan Gebiley ma tagi kartaan balse waxaa uu yidhi xafladi ma qabsan krtaan ayaa la yidhi, sidaa darteed anaga ujeedadayadu waxay ahayd in arinkaasi aanu soo xaqiijino oo soo taabano siday wax uga jiraan tiina si toos ah yaanu u aragnay.

S: amarka hore ee laydinku ogolaaday iyo kan dambe ee la idinku hor istaagay ma wasiirka  mise wasiirudawlaha ayaa saamayn ku lahaa marka hore /

J: anagu odhan maayo wasiir hebel balse waxa arrinkaasi ka soo baxay masuuliyiinta sare ee wasaarada Daakhiliga.

S; maadaama xisbigii UDUB idinka xayirayo socdaalada gobolada iyo degmooyinka sidee ula gali kartaan tartan doorasho ?

J:Horta tartanka waxaa xisbiyada kala saarayaa waa dadweynaha dadweynuhuna way arkayaan dulmiga iyo joorfalka meesha ka jira, arrinkayaguna waxa uu ahaa hawl maalmeed xisbigi ee ma ahayn kaambeyn iy dhoolatus.

S; maadaama gobolada kale ee dalkaba socdaalo ugu baxdaan maxaa xaaraantimeeyey socdaalada gobolka Gabiley muxuuse kaga duwan yahay dalka intiisa kale ?

J: Waxaa ugu dambaysay todobaadkii hore xaflad haweenka iyo dhalinyaradu ku qabsadeen magaalada Laascaanood, meel layska xidho Awdal bay gaar u ahayd waxaad imikana moodaa in gebilay ku darsantay waxaanad moodaa in joorfal ay ku kacayaan maamulka inta ugu saraysaa iska hortaagaysa waajibaadkiisa.

S: Qorshaha ma idinku jirtaa in mar dambe safar ugu ugu baxdaan Gebilay ?

J:Way noo qorshaysan tahay kana daali mayno wixii sharciga iyo Distoorku noo fasaxayana cidna uga daba fadhiisan mayno anagoo ilaa linayna nabadgelyada iyo xasiloonida dalka waanu tagaynaa.


Dadweynaha  Degmada Wajaale Oo Mudaharaad Kala Hor Yimid Maamulka Cusub Ee Dhawaanta Loo Magacaabay Deegaankaas

Wajaale, October 12,2008 (Haatuf)-  Kumanaan ka tirsan dadweynaha ku nool degmada wajaale ayaa mudaharaad salmi ah isugu soo baxay maalintii shalay Garoonka  weyn ee Kubadda Cagta ee magaaladaas,  Mudaharaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii dhawaan la bedelay maamulkii hore degmada wajaale gudoomiyihii, ku xigeenkiisii iyo xoghayahii oo isaga la sheegay in xabsiga loo taxaabay bil iyo dheeraad ka hor.

Mudaharaadayaasha ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin maamulka cusub ee dhowaantan loo magacaabay degmada Wajaale, kuwaas oo xubnaha maamulka Cusub ku sheegay inay yihiin kuwo xaafad kaliya ka soo jeeda Maamulkii cusbaa ee wasiirka Arrimaha Gudduhu Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro) uu toddobaadkii hore u magacaabay  degmada Wajaale ee gobolka Gabiley ka dib markii uu xilka ka qaaaday guddoomiyihii degmadaasi Qawrax Muuse Cabdilaah, Guddoomiye ku xigeenkii Cabdilaahi Cali Xaddi, xoghayihii fulinta Maxamed Cabdi Cali ayaa si rasmi ah xilkii ugu wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee degmadaasi loo magacaabay Cumar Aadan Qaasaali, guddoomiye ku xigeenka Maxamed Xuseen Kaahiye, xogyaha fulinta Fu’aad Badh- ingiriis, kuwaas oo labada maamul uu xilka u kala wareejiyey agaasimaha waaxda gobolada iyo degmooyinka ee wasaarada Daakhiliga Xasan Raage.

Haseyeeshee waxaa maamulkaasi cusub ee wasaarada Daakhiligu soo magacaabay gaashaanka ku dhuftay Odayaasha beesha reer Cumar ee deegaanka gobolka Gabiley oo iyagu ku dooday inaan maamulkaas cusub iyaga wax saami ah laga siinin, isla markaana sheegay inaanay la shaqayn doonin maamulka cusub ee wasaarada Daakhiligu soo magacowday.

Munaasibadan ay maamulka cusub xilka kula wareegeen oo shalay lagu qabtay xarunta maamulka degmada wajaale ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyihi hore ee degmada wajaale Qowrax Muuse Cabdilaahi oo xilka degmadaasi loo magacaabay 4-tii bishii Apriil 2006-dii, waxaanu halkaasi ka sheegay in xilka laga bedelay uu ku qanacsan yahay isla markaana uu soo dhawaynayo maamulka cusub ee degmada loo soo magacaabay, waxaanu yidhi “ runtii xilkan oo lay magacaabay bishii April 2006-dii waxaanu muddadasi degmada ka qabanay hawlo wax ku oola oo ay ka mid yihiin, adeegyada bulshada, waxbarashada nabadgelyada, jidad magaalada oo wada xidhnaa oo intooda badan aanu furnay, waxaana maanta Ii sharaf ah wajaale oo heer degmo noqotay inaan xilkeeda wareejiyo, halkii aan xilkeeda kula wareegay maqaam tuulo, sidaa darteed xilkan nalaga bedelay waanu ku qanacsanahay waanan soo  dhawaynayaa maamulkan cusub ee loo soo magacaabay degmada waxaanan balan qaadaynaa in aanu la shaqayn doono”

Intaa ka dib waxaa isna hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha cusub ee degmada loo soo magacaabay Cumar Aadan Qaasaali oo sheegay in uu aad ugu mahad naqayo qaabka wanaagsan ee uu maamulkii hore xilka ugu wareejiyey, isla markaana sheegay in wixii karaamkiisa ah uu ka qaban doono xilka loo soo magacaabay, isla markaana waxa uu bulshada ku dhaqan deegaanka Wajaale ka codsaday in isaga iyo maamulkiisaba ay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale Duqayda beesha reer Cumar ee deegaanka wajaale oo ay ka mid ahaayeen Cismaan Miigane Suldaan, Maxamed Warsame Axmed, Xuseen Daa’uud warsame ayaa iyagu maamulka cusub ee wasaarada daakhiligu  u soo magacowday degmada Wajaale ku tilmaamay mid aan saamigii beeshoodu ku lahayd deegaanka Tog-wajaale aan laga siinin xubnaha maamulka cusub ee la soo magacaabay, waxaanay sheegeen in aanay maamulkaa cusub la shaqayn doonin, ilaa inta laga xusayo beeshooda oo ay ku tilmaameen in deegaanka Tog-wajaale ay miisaan balaadhan ku leeyihiin isla markaana doorashadii golaha Wakiiladana ay codad badan beeshoodu ka soo hoysay.

Dhinaca kale waxa dadweynaha degmada Wajaale ay dareemo guux leh ka muujiyeen guddoomiye ku xigeenka cusub ee degmada wajaale loo soo magacaabay Maxamed Xuseen Kaahiye oo isagu ka soo jeedda beesha Degmada Dilla, taas oo ay dadweynaha ku dhaqan deegaanka Wajaale ay gadood weyn ka muujiyeen magacaabista xubintaasi guddoomiye ku xigeenka ee wasaarada Daakhiligu ay soo magacawday kuna tilmaameen mid ka soo horjeedda qaabka maamulada degmooyinka lagu saleeyo oo inta badan maamulada degmooyinka loo magacaabayaa ay ku salaysan yihiin dadka deegaankaasi u dhashay.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo isagu ka mid ah mudanayaasha golaha Wakiilada ee laga soo doorta gobolka Gabiley ayaa isagu cambaareen kulul u soo jeediyey qaabka ay wasaarada Daakhiligu ugu magacowday guddoomiye ku xigeenka degmadaasi Wajaale oo uu sheegay in arrintaasi ay ka soo horjeedo xeerka gobolada iyo Degmooyinka, tilmaamayna in sharci daro ay tahay in xubin aan u dhalan deegaankaasi loo magacaabo degmada Wajaale, waxaanu wasaarada u soo jeediyey in arrintaasi ay dib uga noqoto

Ma dhabaa Axmed Siillaanyo inuu  Yidhi Awdal Iyo Saaxil Cod Kama Rabo?

Warbixin Maxamed Cumar/ Weriyaha Haatuf Ee Boorama

Boorama, October 12, 2008 (Haatuf) -  Somaliland weli waxaa ka jira khilaaf dhinaca siyaasadda oo u dhexeeya xisbigii lagu waday inuu dalkan dimuqraadiyad ka wanaagsan tan Madaxweyne Rayaale uu ku soo dabbaali doono  marka uu ku guuleysto doorashooyinka soo socda siduu aaminsan yahay Xisbigaasi oo ah Kulmiye, wali waxaa ka dhex oogan kala qaybsanaan, loo maaro layahay  sidii loo mideyn lahaa, taas oo ka dhalatay go'aamadii la isku maandhaafay ee shirweynihii  xisbigaasi ku yeeshay Burco.

Waxaa kale  oo qaybo ka mid ah xisbigaasi mucaaridka ah ay aaminsanyihiin inay guuli usoo dhawaatay oo ay samayn doonaan dawladd mala awaal ah oo leh  xitaa ra’iisal wasaare xoog badan  oo uu hoggaamin doono Guddoomiyihii hore ee komishanka Qaranka Cadami.

Waxa kale oo qaybaha raacsan go'aamadii shirkii Burco  durba u xayteen sidii ay meelaha muhiimka ah ee doorashada ka shaqayn doona uu jeebka ugu ridan lahaa sida Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta oo durba xisbigaasi  inta raacsan shirkii Burco u qabtay dhawr tababar  oo ay ka maqan yihiin qaybaha  aan raacsanayn go'aamadii shirkii Burco.

Sidoo kale ayaa hoggaamiyeyaasha xisbigaasi ee Go'aamada Burco raacsani isa siiyeen guul  aan la ogeyn inay heli doonaan iyo inkale iyadoo durba qolyahaasi iska indho tiraya  inaanu xisbigaasi  guulaysan doonin ilaa  Siyaasiga u dambeeya ee diiddani ku qancaayo   ujeeddooyinkooda.

Haddaba markaad eegto waxyaalaha ay niyadda ku hayaan qolyahaasi  Axmed Siillaanyo dhabarka ka taabtay iyo waxa  ku iman kara  ayaad moodaa inay yihiin arrimo kale oo  u baahan in la xasuusnaado.

Qofka Ilaahay  Jidka toosan ka hallaynayaa ma dhageysto waanada iyo waxa illaahay farayo, waxana u muuqda oo keliya waxa shaydaanku   kula talinayo, sidaas oo kale ayaan haddaba qolyahan taabacsan shirweynihii kulmiye ee Burco aanay u maqlayn wax kastoo guuldaro u keenaya.

Sidoo kale ayaa garabka ka soo horjeeda ee u hoggaminayo C/Raxmaan Aw Cali ay u haystaan inay yihiin dhawr qof oo aan waxba ka qaadi karin isla markaana goboladooda iyo tuuulooyinkoodu aanay wax cod ahba uga baahnayn marka laga reebo deegaanada Gebilay, Hargeysa iyo Togdheer  iyo wixii illaahay ka siiyo  gobolada bariga Sool iyo Sanaag.

Arrimahaasi  ay aaminsayihiin  ayaa la sheegayaa inay ka soo xigteen hoggaamiyaha xisbigaasi Kulmiye Axmed Siillaanyo isaga oo leh Awdal iyo Saaxil  wax cod ah ugama baahni, sababtoo ah waa labada gobol ee kala haysta Madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dalka, sidaa darteedna waa wada UDUB oo ima anfacayaan.

Dad badan baa isweydiin kara hadalkaasi  sida uu Axmed Siillaanyo u yidhi? anigu shakhsi ahaan waxaan odhan karaa hadalkaasi maaha mid dan u ah mana odhan karo, laakiin marka ay  noqoto  in odaygaasi been siyaasadeed laga sheegayo waxa la odhan  karaa waa suurtagal in laga sameeyo.

Sida wararku sheegayaan waxa Axmed Siillaanyo uu hadalkaasi  u sheegay koox ka tirsan taageerayaashiisa  mar uu fadhi  qado ah kula yeeshay Hargeysa, halkaas oo ay goob joog ka ahaayeen taageerayaasha iyo hoggaanka xisbigaasi ee raacay siyaasaddiisa.

waxa kale oo uu ku soo daray  in  hoggaamiyeyaasha ka tirsan xisbiga Kulmiye ee ka soo jeeda labadaa gobol la arki doono iyagoo dhawaan ku biiray xisbiga UDUB, taas oo ilaa imika aan dhicin.

Waxa kale oo guddoomiyaha kulmiye uu hadalkaasi siyaalo hoose ugu sheegay xubno kula talinayey inuu ka noqdo go'aanka uu ku magacaabay C/Raxmaan Saylici, Inkastoo aan ilaa imika war  la hubo oo ku saabsan aammuurtaasi aan la haynin, waxaase la sheegayaa in rag siyaasiyiin ah  oo caan ka ah deegaanka Gabiley  ay arintaasi ama hadalkaasi ku raaceen, iyagoo u ballanqaaday inay iyagu buuxin doonaan codadka galbeedka Somaliland uu ka heli doono Axmed Siillaanyo iyo Saylici, loona baahnayn in la baryo kooxaha ka soo horjeeda.

Si kastaba ha ahaatee cidina ma rumaysan karto  in Axmed Siillaanyo ka maarmo labadaa gobol, haddii uu quus ka taagan yahayna aanu magacaabeen Saylici, balse hadalkani waxa uu shaki gelin karaa cid kasta oo ka tirsan goboladaasi oo u heelan inay taageeraan xisbgiisa muranku ka taagan yahay, balse la ogaan doonee inuu Axmed Siillaanyo codadka Somaliland  ka heli doono Burco iyo Hargeysa iyo inuu  u baahdo gobol kasta iyo tuulo kasta oo dalka ka tirsan, waxaanan kula talin lahaa in haddii uu yidhi hadalkaasi uu ka istaakhfurulaysto.


Isbadelka Ay Somaliland U Baahan Tahay

 Ma Yahay mid  xisbiyada mucaaradku ay  Samayn Karaan?

Haatuf Staff

Somaliland oo madaxbanaanideeda la soo noqotay muddo haatan laga joogo 17 sano ayaa waxay soo martay marxalado kala duwan, kuwaas oo lahaa marxalado dib u heshiisiineed kuwo hubka dhigis ahaa, iyo kuwo dib u dhis haykalkii dawladeed eek u burburay dagaalkii adkaa ee dib u xoraynta dalka, kuwaas oo la odhan karo way ku guulaysatay Somaliland.

Tobankii sanadood ee u dambeeyey ayaa waxay gashay Somaliland marxald cusub oo lagu tilmaami karo tii isbedalka iyo horumarka, waxaana la sameeyey dastuur ay leedahay Somaliland oo ay dadweynuhu 97% ugu codeeyeen, kaas oo tilmaamaya in hanaanka siyaasadeed ee dalku uu noqon doono mid ku dhisan nidaamka xisbiyada badan.

Horaantii labada kun ayay ahayd markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqay in la ogol yahay ururada siyaasada, xiligaas oo ay is diwaangeliyeen lix urur oo iyagu ku tartamay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacay bishii December ee sanadkii 2002-dii, taas oo ay ka soo baxeen saddexda xisbi ee maanta ka jira Somaliland, kadib markii ay ku guulaysteen doorashooyinkii deegaanka.

Saddexdan xisbi ee kala ah UDUB, UCID iyo Kulmiye ayaa iyagu doorashadii madaxtinimada ee dalka ku tartamay sanadkii 2003-dii bishii March, taas oo uu ku tuulaystay xisbiga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Xisbiga UDUB oo hogaaminayey dalka muddo ku dhow lix sano ayaan haba yaraatee wax muuqda oo la taaban karo ka qabanin dhibaatooyinka wax ka qabashada u baahan ee ka jirta dalka oo ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada iyo hirgalinta hanaanka dimuqraadiyada curdinka ah, waxaana muddadii lixda sano ahayd ee uu Rayaale hayey xilka ayaa dadka ku dhaqan Somaliland ay intooda badani u arkaan inaanay xukuumadda Rayeele waxba ku soo kordhin dalka iyada oo xukuumadda talada haysaa noqotay mid fadhiid ah isla markaana ay ragaadiyeen musuqmaasuq iyo karti daro iyo dhaqaale urursi, iyada oo shacbiga ay la soo darseen sicir barar, shaqo la’aan baahday iyo rajo la’aan soo ffood saartay dhalinyarada da’ada yare e reer Somaliland, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi ay naftoodii ku waayeen badaha ka dib markii ay miciinsadeen inay u tahriibaan dhinaca dalalka Yurub.

Xukuumadda uu hogaamiyo xisbiga UDUB ayaa ah mid aanay intaa wax ka badan aanay dadku qaadi Karin, isla markaana waxaa hubaal ah in dalka looga baahan yahay xilligan Isbedel Dhinaca Hogaanka Ahi Inuu Yimaado, Hasa Yeeshee isbedelka loo baahan yahay waa mid caynkaa ah mase yahay mid ay samayn karaan xisbiyada mucaaridka ee wakhtigan diyaarka u ah inay bedelaan xukuumadda maanta jirta ee riyaale madaxda ka yahay? Su’aalahan iyo kuwo kaleba waxa ay ka mid yihiin kuwo ay isweydiinayaan dad badan oo iyagu ka mid ah dadka isbedel doonka ah ee reer Somaliland.

Haddaba sida ay qabaan dadka u dhuun daloola dimoqraadiyada iyo nidaamka Asxaabta ka dhisan Somaliland ayaa aaminsan in isbedelka looga baahan yahay maanta dalka Somaliland uu yahay mid aanay xisbiyada mucaaridka ah ee ka jira dalku aanay samayn Karin, haddiiba uu midkood ku guulaysto doorashada la filayo inay ka dhacdo Somaliland horaanta sanadka fooda inagu haya ee 2009-ka, waxaanay dadka sidaas qabaa u daliishanayaan aragtidooda inaanay xisbiyada mucaaridka ahi aanay lahayn barnaamij iyo siyaasad cad oo ay kaga duwan yihiin xisbiga talada haya ee UDUB iilo ay u soo jeediyaan xukuumadda Rayaale, balse aanay lahayn waxa ay ku bedelayaan dhaliisha ay leedahay xukuumadda maanta jirtaa oo ay ka mid yihiin musuqmaasuq, cadaalad daro, ku tumashada shuruucda dalka iyo kali talisnimo, taas oo la odhan karo asxaabta mucaaridka laftooda ayay ka muuqdaan astaamaha ragaadiyey xukuumadda uu hogaaminayo Rayaale.

Si kastaba ha ahaatee marka aynu eegno isbedalka uu dalku u baahan yahay waxaynu odhan karnaa maaha mid ay awoodi karaan xisbiyada mucaaridka ahi, waxaana hubaal ah inaanay wax sidaa u weyn ka bedeli doonin haddii uu midkood kaga adkaado doorashada xisbiga UDUB.


C/laahi yuusuf oo beesha caalamku ka dalbatay inuu baneeyo kurisga madaxwaynaha

 Madaxweynaha Dawladda Mbagathi C/llaahi Yusuf ayaa la sheegay hindise ay beesha caalamku u soo jeedisay inuu xulka Madaxweynaha ee Dawladda Mbagathi uu ka digo inta ka horeysa dabayaaqada bishan October oo la sheegay in Baaelamaanka Mbagathi iyo Xukuumaduba ay dib ugu noqon doonaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ahayd halkii ay afar sano ka hor ay beesha Caalamku ugu soo cumaamaday C/laahi Yusuf Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Mbagathi ayaa la sheegay inuu si weyn uga fiirsanayo dalabka uga yimid beesha caalamka,isaga oo la sheegay inuu la tashiyo la samaynayo dhinacyada taageersan isaga ee Dawladda Mbagathi waxii ay ka yeeli lahaayeen.

‘Beesha Caalamku  xaq uma laha inay Madaxweynaha ku cadaadiso ka degista kursiga,isaguna wuu ka fiirsanayaa,oo waxaa u socda wadatashiyo ku saleysan jawaabta laga bixin karo codsigaas ka hor 26 October ee sanadkan” sidaas waxa yidhi mid ka mida la taliyeyaasha Cabdulaahi Yusuf oo la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Soomaaliya.

La taliyaha Madaxweynaha Mbagathi waxa kale oo uu xusay inay beesha Caalamku ay dabada ka  riixeeyso isbedelo lagu balaadhinayo Baarlamaanka si ay uga mid noqdaan kooxaha Mucaaradka Somalia, kaas oo dhawaan la filayo inay xuliimada iyo Baarlamaanka Mbagathi ee Soomaaliya ay tegi doonaan magaalada Nairobi halkaas oo la sheegay inay dawladaha IGAD ugu yeedheen, balse aan ilaa hadda la ogeyn qorshaha ay dalalka IGAD iyo beesha caalamku ay ka leeyihiin dib u guurista Nairobi.

“ Dib u heshiisiinta waa muhiim,dabcan dowladaha IGAD waxay ku hoowlan yihiin in la xaqiijiyo amaanka gobolka geeska Afrika” sidaasna waxaa laga hayaa diblomaasi  arrimaha siyaasada kala taliya Korneyl C/laahi Yusuf Yusuf.

Dowladaha reer galbeedka,gaar ahaan Dawladda Maraykanka  iyo Itoobiya  ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin sidii Somaaliya looga dhisi lahaa Dawlad Salbalaadhan oo ay ka mid yihiin kooxaha Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Xukuumada Mbagathi.

Xildhibaano ku dhisan hab beeleedka 4.5 una badaa  qabqablayaashii  dagaalka ee Somalia iyo taageerayaashooda ayaa 10 October 2004 u doortay C/laahi Yusuf Madaxweynaha Somalia.


Bilayska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dad La Sheegay Inay Ka Mid Yihiin Budhcad Baddeeda  Reer Puntland

Hargeysa October 12, 2008-(Haatuf)-Ciidamada bilayska ee somaliland ayaa  maalintii doraad magaalada Hargeysa waxa ay  gacanta ku dhigeen dad la sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka mid yihiin   budhcad baddeeda reer Puntland, kuwaas oo la sheegay inay siteen   lacag farabadan.  

Dadkan la qabtay oo ka koobnaa laba xubnood ayaa isla doraadba loo taxaabay xabsiga dhexe ee Hargeysa iyadoo lagu eedeeyay  in ay ka mid yihiin budhcad baddeeda reer Puntland ee afduubka u gaysta maraakiibta ka gooshta gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya,  kuwaas oo sida la sheegay ay ciidamada ammaanku ku qabteen lacag fara badan oo aan ilaa hadda cadadkeeda la hayn, iyagoo somaliland ka soo galay xaga barriga.

Ilo xogogaal ah ayaa Haatuf u sheegay in ciidamada sirdoonku ay ku raad joogeen ilaa markii ay ka soo talaabeen xadka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

 Ma jiraan wax warar ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay qabashada dadkan lagu eedaynayo budhcad baddeednimada, Saldhiga dhexe oo ay imika ku xidhan yihiin ayaa mar aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno taliyaha saldhigaasi  aanay noo suurto gelin.dhinaca kale taliyaha guud ee bilayska Somaliland Maxamed Saqadhi dubbad oo aanu isagana khadka tilifoonka kula xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino arrintan ayaa isagana aanu khadka tilifoonka ku waynay.

Dhinaca kale ilo xogogaal ah ayaa sheegaya  in labadan xubnood ee hadda la qabtay mooyaane ay jiraan kuwo kale oo bilaysku ku daba joogaan hase yeeshee waxa ilaa imika si rasmi ah loo ogyahay gacan ku haynta labadan xubnood oo ay bilaysku ku qabteen lacag  qayrul caadi ah taas oo la sheegay in lacagtaasi ay ka heleen maraakiibtii ay afduubeen oo  madax furasho  laga siiyay.

Ma aha markii koowaad ee ay xukuumadda Somaliland sheegto inay qabteen kooxo ka tirsan budhcad baddeeda Puntland oo lacag badan sita,Waxa ay ahayd badhtamihii sanadkan markii budhcad badeed reer Puntland ah lagu qabtay magaalada Wajaale kuwaas oo muddo dhowr bilood ah ku jiray saldhiga dhexe ee Hargeysa ugu dambayntiina lagu sii daayay cafis Madaxweyne iyadoon Maxkamad la soo taagin.


Mid ka mid ah Raga u sharaxan madaxtinimada Puntland oo sheegay inuu soo celin doono Deegaanada ka maqan.

Hargeysa October 10,2008 (Haatuf)- Musharax Cabdisalaan Warsame Xasan oo Mid ka mid ah Raga u sharaxan madaxtinimada Puntland ayaa sheegay inuu soo celin doono Deegaanada Puntland ka maqan.

Musharaxan oo ah aqoonyahanada isla markaana u xeel dheer siyaasada Geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya oo raga ugu miisaanka culus ee isku soo sharaxan jagadan madaxtinimda maamul goboleedka Puntland ee dhawaanta la filaayo inay ka dhacdo.

Cabdisalaan Warsame ayaa dhawaan tagay dalka Itoobiya si uu kulamo ula yeesho masuuliyiinta xukuumada Itoobiya ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey shacabweynaha reer Puntland ee jooga magaalada Addis-ababa ee wadanka Itoobiya.

Sharaxan oo la hadlayey dadkii sida weyn usoo dhaweeyey ayaa aad ugu mahadnaqay soo dhawayntaa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbi weynaha reer Puntland meelkasta oo ay joogaan, waxaanan rajaynayaa in aad I dooran doontaan, anoo si weyn shacabkayga u og kuna kalsoon”

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in uu u mahadnaqayo dawlada Mbagathi ee xilka haysa

 


Shirkadda Dollar Store Oo Koobkii Ugu Weynaa Somaliland Guddoonsiisay Kooxdii Ku Guulaysatay Tartankii Bisha Ramadaan Ee Hargeysa Stadium

 Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay shirkadda Dollar Store koobkii bisha Ramadaan ku guddoonsiinaysay kooxda Yogol Construction ayaa xalay lagu qabtay hotel Crown ee magaalada Hargeysa

Hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay Guddoomiyaha shirkadda Dollar Store Axmed Cumar Cali (Shiine) ayaa waxa ka mid ahaa “ ujeedada aanu koobkan u dhignay waxay ahayd inaanu dhalinyarada ku dhiiri gelino ciyaaraha, nagama aha inaanu xayaysiis ka doonayno, dar ilaahay ayay naga tahay, dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalkeena ee berito sidaa darteed waa waajib saaran qof kasta oo ganacsade ahi inuu intii awoodiisa ah ka qayb qaato dhiiri gelinta dhalinyarada, hadii aan idiinka waramo tartankii bisha ramadaan ee ka socday garoonka Hargeysa Stadium ee aanu maal gelinay waxa ka qayb qaatay 16 kooxood, ugu dambayntiina waxa ku guulaysatay kooxda Yogol Construction oo aan leeyahay hambalyo, intaa hadii aan ka gudbo shirkadayadu waxa ay balan qaadaysaa inaanu intii awoodayada ah caawin doono dhalinyarada. Waxa  aan dhalinyarada kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan waxa loo yaqaano Tahriibka, waayo naftooda ayaa ku haligmaysa, waxa aan odhan lahaa qofkii boqol Dollar helaa ha ku samaysto ganacsi ee yaanu tahriibin. Marka garoomada la joogo waa in dhalinyaradu ay akhlaaq wanaagsan la soo galaan oo ay iska ilaaliyaan dagaalka iyo wixii sumcad darro ku keenaya, ganacsatada waxa aan mar labaad ugu baaqayaa inay  wax la qabtaan dhalinyarada”.

 Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubbada cagta JSL C/rashiid Caydiid Yaasiin waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ ugu horayn waxa aan u mahad naqayaa shirkadda Dollar Store oo xidhiidh wanaagsan la leh dhalinyarada iyo xidhiidhka kubbada JSl iyo wasaaradda ciyaarahaba, intaa ka dib waxa aan xukuumada ugu baaqi lahaa inay dhiiri geliso ciyaaraha isla markaana ay dastuurkeena qayb weyn laga siiyo ciyaaraha waayo faqrad keli ah ayaa xusaysa in la dhiiri geliyo ciyaaraha iskuulada”.

Dadkii kale ee iyaguna xafladaasi ka soo qayb galay waxa ka mid ahaa wasiirka duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade, xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Mr.Xaliim iyo guddoomiyaha dalada SONYO Maxamed culimo, waxaanay dhamaantood ku dhiiri geliyeen dhalinyarada ciyaaraha iyagoo isla markaana uga digay Tahriibka.

Ugu dambayntii waxa halkaasi abaal marino lagu guddoonsiiyay kooxda Yogol Consturction oo koobkii ku guulaysatay, kooxda Dollar Store oo noqotay kooxdii ugu wanaagsanayd tartanka, waxa kale oo koob la guddoonsiiyay guddoomiyaha shirkadda Dollar Store Axmed Cumar(Shiine) oo lagu abaal mariyay sidii wanaagsan ee wadaninimada leh ee ugu qayb qaato dhiiri gelinta dahalinyarada iyo ciyaaraha dalka,Maxamed Cabdi Xasan (Goofiindhe) oo dhaliyay goolashii ugu badnaa, Iid Jibriil oo noqday tababarihii ugu wanaagsanaa tartanka,Khadiija Cumar Maxamed oo noqotay gabadha keli ah ee la shaqaysa xidhiidhka kubbada cagta.