Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 1909 | December 11, 2008 | |||||
Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar
Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID
Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia |
Urur-Siyaasadeed QARAN Oo Ku Dhawaaqay Inay Xisbiga KULMIYE Ku Badhi-Taarayaan Sidii Uu Hoggaanka Dalka Ugu Guulaysan Lahaa Iyo Heshiis Dhawr Qodob Ah Oo Meel Fagaare Ah Lagu Kala Saxeexday “Marka Xisbi Gudihiisa Laga Waayo Dimuqraadiyad dalka iyo dadkana uma soo wado, Maanta Xisbiyada Nala Tartamaya…” Axmed Siillaanyo “Dadka la laayay Waa in Maxkamad Lagu Soo Taago Taliyaha Bileyska, Wasiirka Daakhiliga Iyo Madaxweynaha” “Ninka markuu tiisii waayey KULMIYE ka duday, mabda’ii Xisbiga kuma shaqaynayo ee waa ku u gaar ah” Muuse Biixi “Heshiiskayaga Ubucdiisu maaha ururada oo la furo ee waa in Meydka ina dul-yaal la iska qaado” “Axmed Siillaanyo Wuxuu Nagu Yidhi Inkasta oo uu dastuurku leeyahay Saddex Xisbi oo keliya, haddana taasi gar ma aha” Dr. Gaboose Hargeysa, December 11, 2008 (Haatuf) – Hoggaamiyeyaasha urur-siyaasadeedka QARAN ayaa shalay ku dhawaaqay inay doorashada soo socota ee Madaxtooyada taageeri doonaan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, waxayna hoggaamiyeyaasha ururka QARAN sidaa kaga dhawaaqeen munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Munaasibadda ay urur-siyaasadeedka QARAN kaga dhawaaqeen inay la bahoobeen xisbiga KULMIYE waxaa ka soo qayb-galay dad aad u tiro badan, waxaana khudbado kulkulul oo siyaasi ah, dhinacyo badanna taabanaya halkaas isku weydaarsaday hoggaamiyeyaasha labada dhinac, iyadoo ay madaxda labada dhinac munaasibaddaa ku kala saxeexdeen heshiis dhawr qodob ah oo sal looga dhigay isbahaysiga KULMIYE iyo QARAN. Madaxdii munaasibadaas khudbadaha ka jeedisay waxa ka mid ahaa Axmed Xaaji Cali Cadami, wuxuuna yidhi: “Way caddaatay Saaka, waa maalin weyn oo taariikhda Somaliland gelaysa, way ka weyn tahay urur iyo xisbi, waa ummaddii himilada ummaddan metelaysay, waa ururkii siyaasadeed ee firfircoonaa ee dadweynuhu ka duulayeen ee ilaa Xabsi ku mutaystay xaqii ay sheegayeen. Waayo, adduunka waa taariikh soo jireyn ah xaqa iyo baadilku markay tartamayaan way isla daalaa-dhacaan inta badanna waxaa la legdaa oo loo xoog sheegtaa xaqa, baadilkaa firfircoon oo irbado jin baa ku mudan, lacagtana marka lagu daro irbadaha ku mudan bay ka mid tahay. Waxaan leeyahay markaa maanta xisbiga KULMIYE wuu u baahnaa, waana sugayay maalin maalmaha ka mid ah ururkaa firfircoon ee siyaasiga ah ee QARAN wuu soo gurmaday, waa gurmasho taariikh ah oo qoraysa dadkii isbahaysiga sameeyay oo dhan markay arkeen in cidhiidh la geliyay xaqii oo faro baas lagu hayo oo ay hanqalka la soo kaceen, waxay ina leeyihiin annagaa idin barbar taagan (Naxnu hunaa), wax alla waxaad ka baqaysaan, ninkaad jiidhi waydeen, shayaadiintaad u caal-weydeen, annagaa idinla furdaaminayna. Waa al-xamdulilaah iyo guul ummadda xisbiga madax iyo mijaba ay filayeen sida ay u dedaalayeen, Illaahay dedaal bina aadamka ee wanaagsan cidlo kuma xooro, kuwa kalena way soo socdaan oo aan magac lahayn oo qarsoon oo shacbiweynaha ah, hadba oday $50 la siiyay TV-ga lama geeyee, gurmad kan baa la yidhaahdaa. Ururka (QARAN) hadduu yimid waa muftaaxii kheyrka baan leeyahay, nasrigiina wuu ka dambeeyaa.” Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi. “Waxaan marka hore si kal iyo laab ah u soo dhawaynayaa oo aan aad iyo aad ugu faraxsannahay in QARAN oo oodaheedii, guutooyinkeedii cabaadhyaleey iyo xoogeedii wadata maanta garab taagan tahay KULMIYE oo uu KULMIYE helay hiilkii ugu weynaa intii uu ku soo jiray halganka isbedel doonka Somaliland” ayuu Muuse Biixi hadalkiisa ku bilaabay, hase yeeshee Muuse Biixi wuxuu ka hadlay arrimo kale oo siyaasadeed oo xiiso leh. “In badan waxay qolada Saxaafaddu aad u buun-buuninaysay qaarkeed iyo dadka suuquba, Kulmiyaa la ulanayeyoo Kulmiye-na wuu is-khilaafay, Kulmiye khilaafkiisii baa batay. Nin baa yidhi waxa ragga qaarkii amaan u yaqaan baa ragga qaarkiina cay u yaqaanaa, xisbiyada dalka ka furan xisbiga qudha ee murmay ee tartamay ee dadku daawanayay ra’yigiisa iyo waxay isku khilaafsan yihiin KULMIYE ayuu ahaa. Kulmiye markaa wuxuu noqonayaa markaynu afka shirkadaha ku eegno, shirkad nidaam sax ah leh “transparent” oo hawshay wado nin waliba muraayadda ka arkaayo, oo uu aamini karo, saamigiiisa ku darsan karo oo taladeeda dhinaciisa ka qaban karo. Dhanka dawladnimada haddaynu eegno KULMIYE wuxuu noqonayaa haddii shicibku u igmado, dawlad aan warka iyo xogtana ka qarsan, taladana aan la seexan ee ay ka arkaan waxay wado, shaqadeeda iyo doodeeda, oo inta aan la dhaliilin iyadu is-dhaliisha oo ay ka daawadaan dantooda sida wado ee loo halgamaayo. Waxa jira xisbiyo aan weli shirweyne (Congress) qabsan oo laba Cali ku wada hadal, nasiib-darro waxaad arkaysaa dad taas ku ammaanaysa, kula yaabi maayo qofka sidaa ku raacsan oo waa fikradiisa, dadkuna fikradooda waa u xor, markaa ninka aan xisbiga shirkiisa, doodiisa iyo waxa uu wado mid aan la weydiin kuu ammaanaya annagu waanu ka duwannahay haddaanu KULMIYE nahay, taasna waxaanu qabnaa inay tahay ta dadka lagu jebinayo marba haddii taladii la qarsado, markaa taayadu waa banaan yaal nin walibana wuu ka soo qayb-gelayaa. Khilaafka (KULMIYE) dhexdiisa, waxa weeye xisbi waliba marka uu talada doonayo waa inaan yoolka sare ka lumin, waynu arkaynay Maraykanka labadii sannadood ee u dambeeyay xisbiga dimuqraadiga wixii ka dhacayay, labadii isugu kaambaynka kululaa ee mid walba isku yidhi ee dagaalka dhaqaale galay waxay ahaayeen Hillary Clinton iyo Obama, markii ay ku kala calaf-qaadeen xisbiga gudihiisa shaqadii bay wada bilaabeen, guushii bay wada-gaadheen, maantana way wada-shaqaynayaan oo Madaxweyne iyo wasiir bay isku yihiin. Ninka KULMIYE ah ee taas fulin waayay ee markuu tiisa waayey KULMIYE ka duday, mabda’ii KULMIYE kuma shaqaynayo ee waa ku u gaar ah. Ninka xisbigiisa u dul-qaadan waaya ee u tudhi-waaya, ninka danta tan u arki waaya, markaa waxaanu lahayn yool fog ee yool gaaban buu lahaa.” Muj. Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay dimuqraadiyadda iyo kaalinta dadweynuhu ku leeyahay, waxaanu yidhi: “Dawladda Somaliland dimuqraadiyad baa ka jirta, muddo ayaynu qabsanay, kolba cid baynu dooranaa, muddadaas cidda go’aanka iyo awoodda leh ee halkaa ina gaadhsiinaysa waa shacbiga. Beeraleydu waxay tidhaahdaa dhulku kuma dafiro, ee waxaad ku ridato uun buu soo saaraa. Hadaad Tiin beerato, ha filin inay Rumaan iyo Canab kuu soo baxaan aad cunto. Shacbigu maalinta uu gacanta ku hayo codkiisa hadduu Tiin beerto, yaanu Canab sugin. Haddaba in badan baynu maqalnaa oo madaxdu inoogu horseedaa oo qolada Saxaafaddu aad u buunbuuniyaan Shacabka Somaliland waa dad wanaagsan, balse laba isma qabato, madaxdaa xun iyo shacabkaa wanaagsan, waayo madaxda kolba talada joogtaa ma jiraan madax xoog ku qabsata mana jiri doonto oo taas dhiig baynu ku qornay, haddii la yidhi muwaadinka Somaliland adigu soo saar cidda nolosha kuu qaabaynaysa oo waynu u simannahay ciroole iyo carruur, dumar iyo rag, reer magaal iyo reer miyi, haddii aynu awooddaas u simannahay maxaynu u canaanaynaa madaxda aynu soo saarnay, ma marka hore ayeynaan hubsan, ma wax baynaan garanayn, ma cid baa talada inoo haysa. Su’aashaas waa inay isweydiisaa Somaliland. Somalilandeey ninkaad masiirkaaga iyo qarankaaga u dhiibayso ee aad doonayso inuu aayaha fog ka taliyo, miyaad u meel dayi-wayday, mise waxaa ka weyn nin da’duu doono ha ahaadee af-maal ah oo firfircoon oo aqoontiisu tahay ninkii lahaa anigu waan shaqaysanayaa ayaa Somaliland u taliya, muxuu odhanayaa inagu haddaynu nahay reer hebel maanta hebel baynu siinaynaa waayo ninkaasi inaga wuu inoo wanaagsan yahay, odayaashiisana waanu is-naqaanaayoo iyagaa inaga qaban doona, markaa inaga danteena hebel baa inoo fulinaya. Somaliland uma baahna Madaxweyne la doorto oo dan qoys iyo dan reer fuliya’e, waxaa loo baahan yahay Madaxweyne qaranka danta guud ka eega oo mandaqadda iyo caalamka dhibaatooyinka ka jira ka saara. Ma reerka 10 kun oo cod haya uu u gooyo talada nin keli ahi ee uu yidhaahdo reer hebelow codkeena halkaasaynu marinaynaa, ee kii miyiga joogay iyo kii magaalada joogay oo isku dan ahayni codkooda meel wada mariyaan, hadhowtoole madaxdaa ma canaanan kartid, waayo madaxdaa maad dooran ee Aw-hebel baa doortay, Aw-hebelna Land-Cruzer waa loo iibin, kharashna waa la siin, albaabkana horaa looga furi, inankiisana meel dhadhac leh baa la geyn, laakiin tobankiinii kun ee kale biyo-na iyo shaqo toona heli maysaan, inamadiina Jaamacadaha ka soo baxaana gurigay idiin fadhiyi doonaan.” Muuse Biixi waxa kale oo ka hadlay xaaladda nabadgelyo ee dalka iyo hab-dhaqan xukuumadda, wuxuuna yidhi: “Weerarkii maalintii dhawayd inagu dhacay, haddaynu dib u eegno wuxuu inagu bilaabmay maalintii ninka ajnebiga ah lagu dilay Star iyo intii ku xigtay oo dhan, waxaad moodaa inuu inala dagaalamayo cadow fiiro dheer, wixiisa qorshaynaya, inoo tudhayn oo doonaya inuu xididdada inoo siibo. Qaran ahaan waxaan qabaa arrintaas inaynaan siday ahayd u waajihin, qolada xukuumadda waa lagu garab-taagan yahay inay nabadgelyada ilaaliyaan, laakiin su’aal baa imanaysa oo adduunkoo dhan maanta lays weydiinayo, oo ah sidee laysku waafajiyaa in qofka xoriyadiisii iyo horumarka la ilaaliyo iyo in nabadgelyadiisii la ilaaliyo. Arrinta ammaanka laba falsafadood mid uun buu adduunku ama ummadda wax isweydiinaysaa ku dagaal galaan, inaad cadowga meel fog kaga hortagto oo haddaad gaadhi kartid gurigiisa iyo halka uu wax ka soo bilaabayo kaga hortagto, taasna waxa isticmaala Maraykanka iyo Israel oo Maraykanka berigii dhawayd ee Al-Qaacida qarxisay mooyee weligii gurigiisa laguma weerarin ee dalal kale ayuu ku dagaalamaa si uu isagu dalkiisa ula baxsado, marka horaa cadowga halkiisa lagu doontaa, haddaad cadowga sugto oo uu halkaaga kuugu yimaado kaa adkaa, markuu ugu yaryar yahay carruurtaada iyo dumarkaagu isla jiidhayaa, hantidaaduu burburinayaa, argagax baa kugu dhacaaya, waana ta inagu dhacday. Markii wixii dhaceen dhamaanteen waynu gilgilanay, maxaynuse u soo joognay. Saddex tusaale ayaan ka soo qaadanayaa. Haddii ciidamadii ina ilaalinayaan oo shacbigii aan ahay oo ay dawladdu ina ilaalinayso, dee horta waa inuu muwaadinkii iyagii ka nabad-galaa, haddaad i disho adigiiba maxaad cadow iga ilaalinba. Maalintii ugu horeysay waxaynu maqalnay Xildhibaan baa kaantaroolka lagu garaacay, oo teesaradii la soo baxay ee uu yidhi Xildhibaan la doortay baan ahay, kaad ilaalinaysay baan ahay, madaxaa laga feedhay oo waa laga dejiyay. Markaa yaa khaladka leh? Waxa leh dambigaas muwaadinka. Waayo, cidii uu u doortay hoggaanka ee uu yidhi i ilaali, cidii uu doortay inankan yar wixii aan u doortay ma soo bartay, oo ah ilaali oo cadowga ka ilaali. Maya, waxay tidhi wixii haddaan ahayn madaxda i soo eega madaxa ku dhufo. Ta labaad waxay ahayd nin waddadaa Iskuulka Maxamuud Axmed Cali isagoo xaaskiisa gaadhi ku wada la joojiyay oo la yidhi xaga dambe fur oo yidhi ma furanto, kadibna xabbad lagu dhuftay. Habeen hore maxaa dhacay, inan (wiil) 16 jir ah oo gidaar fadhiya oo aan mudaaharaadin ayuu nin Bileys ahi ku yidhi ka kaca meesha, yaa bay yidhaahdeen, dabadeedna wuu ku dhuftay, meydkiisaa laga soo qaaday. Intaas oo dambi ayuu ciidankeenii marayaa ee miyuu ina ilaalinayaa mise wuu ina laynayaa? Madaxweynaha, wasiirka Daakhiliga iyo Taliyaha Bileyska midna laguma canaanan ee waxa la yidhi askariga Aabihii hala soo xidho, qolomuu ahaa, waa reer Qudhac, iyo reer Qudhac weligoodba way inoo jeedeen. Waar reer Qudhac suuqaad weligoodba wada joogteene miyey kuu jeedeen? Inankani waa ina dawladeed, waa ina Bileys, Taliyahaa ka masuul ah, aabihiina waa ninka qoriga u soo dhiibay, isagaana amarka siiyey, shicibku intaasuu garan la’yahay. Markaa haddii la ina weeraray maaha inaynu inagii nafta iska qabano markaynu bil gudaheed saddex iska marayno sannadkii imisay noqonaynaa. Hindiya sideenaa loo weeraray oo waa la qarxiyay, wasiirkii, wasiir ku-xigeenkii iyo Taliyihii intiiba way isbedeleen, dee waa dad damiir leh oo wax bay ka damqanayaan oo way iscasileen. Giriiga inamaa mudaaharaaday, inan mudaaharaadaya ayuu bileyskii dilay, toban cisho ayey mushkiladii socotaa oo la leeyahay sidee Bileysku inanka u dilaa, inagana kii gidaarka fadhiyay yaa ka wada hadlay, aabihii baa inankii bileyska ahaa la soo xidhayaa, ma reerkuu inanku bileys u ahaa oo uu u shaqaynayay. Khaladkaas waxaa leh muwaadinka, waayo waxaynu xalaalaynay inanku hadduu joogo Kastamka inuu lacagta cunno oo inaan ku faaniyo oo aan baryaabaan u xalaalaynay, hadduu bileys yahay waxaan u xalaaleeyay inuu in karbaasho oo kamana murmaayo oo waxaan leeyahay waa taliyihii oo lama xisaabtamayo. Waxaan leeyahay maanta dadkaa la laayay waa in la weydiiyo oo Maxkamad lagu soo taago Taliyaha Bileyska, Wasiirka Daakhiliga iyo Madaxweynaha.” Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mid ah madaxda urur-siyaasadeedka QARAN ayaa isaguna ka hadlay sababta keliftay in ururkoodu iskaashi la galo xisbiga KULMIYE, wuxuuna yidhi: “Dad badani waxay isweydiinayaan ururka QARAN maxaa maanta ku kelifay inay isbahaysi ama iskaashi la galaan xisbiga KULMIYE? Mar walba annaga (QARAN) iyo xisbiga KULMIYE waxaa naga dhexeeyay wada-shaqayn iyo wada-tashi, mar walbana waxaanu ahayn urur iyo xisbi isku dhow, midna waanu qiraynaa xisbiga KULMIYE waa xisbiga mucaaridka ugu weyn, oo dimuqraadi ah marka loo eego xisbiyada Somaliland oo dhammaystay tallaabooyinkii looga baahnaa inuu fuliyo. Waxa kale oo aanu qiraynaa in KULMIYE ay ku jiraan raggii SNM, aqoonyahankii iyo dhallinyaradii ugu firfircoonayd Somaliland. Haddaba may ahayn intaas oo keliya inta na deeqday inaanu iskaashi la galno KULMIYE, balse waxa na deeqday maadaama aanu ahayn urur muddo badan u halgamayey sidii ay xuquuqdooda u heli lahaayeen inuu xisbiga KULMIYE nala qaato in doorashooyinka dawladaha hoose xisbi iyo ururba laga wada-qayb-galo. Waxa kale oo aanu isku af-garanay in dawlad-wanaag la sameeyo marka KULMIYE ku guulaysto talada dalka.” Jamaal Caydiid Ibraahim, gudoomiye ku-xigeenka 2aad ee ururka QARAN ayaa isaguna ka waramay sababaha ururkooda ku kelifay inay iskaashi la galaan xisbiga KULMIYE iyo xaaladda Somaliland maanta ka jirta, wuxuuna yidhi: “Maanta nabadgelyadii waxay maraysaa Madaxweynaheenii inuu waddadii gurigiisa hormaraysay xidhay, dee dadka kale ee inoo martida ahi inagama caqli liitaane wuxuun bay isyidhaahdeen Madaxweynihii waxan uu ogyahay yaanay meesha inoogu soo noqon, dabadeed way inaga yaacday. Madaxweyne ku-xigeenkiina aqal kaluu aqalkiisii ka hordhisay. Dadweynaha intiisii kale, magaaladii, ganacsigii iyo daarihii cid allaale iyo cid ay ku haleeyeen lama garanayo, waxaaban is-idhi dee malaha Illaahay uun bay idinkaga tageen. Ictiraafkiina saaka Illaahay uun baa inoo maqane waxaanu is-nidhi cidii daba geli lahayd KULMIYE ayaa ka kow ah. Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu khudbadiisii Ciidda ku daray oo Jaraa’idka lagu qoray inuu yidhi waalidka carruurtoodii Xamar ku maqan yihiin intaanaan u yeedhin hanoo yimaadaan. Waxaan xusuusin lahaa inuu ku daro oo uu u yeedho ha u waramaane waalidkii 17-ka sannadood carruurtoodii Jaamacadaha ka soo saaray ee Hargeysa iyo Burco ku nool ee badda isku tuuray oo uu yidhaahdo carruurtiinii maxaa badda geliyay. Waxa lays weydiinayaa ururka QARAN muxuu ku doortay KULMIYE. Fole xantii ma moogee, waxaa la yidhaahdaa saddexda xisbi-ba way idiin heshiiyeene maxaad KULMIYE ku doorateen? Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkaad kabo ka tolanayso kabihiisaa la eegaa, waxaanu ku dooranay KULMIYE waxaanu is-nidhi, marxaladda maanta dalku ku jiro ninka aad ku halayn karayso ee halgankii ummadda iyo taariikhdiisa aad ku halayn karayso oo aad ka xisaabin karayso weeyaan. Xisbiga KULMIYE dimuqraadiyadda gudihiisa ka jirta, shirweynahoogii wuxuu noqday shirarkii ugu waaweynaa Afrika, mala kii xisbiga ANC ee Koonfur Afrika ayuun baa ka weynaa, xisbiga gudihiisa dimuqraadiyadda ku dhaqa ayaan dalkana dhiqi kara, maalintii Muuse (Biixi) iyo Keyse (Xoghayaha) la dooranayay waad arkayseen quraankay hoos ka akhriyayeen, tartan qurux badan baa ka dhacay xalaal buu ahaa, waa la helayaa wax badan oo dhiman, laakiin maxaa la qabtay ayaa lays weydiinayaa. Shirkii Burco ee golaha dhexe ayaa loo gudbay, musharaxiintii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ayaa la soo doortay, dil-dilaacii iyo tartankii halkaas ka dhacay waxa ka markhaati furay Madaxweynaha Adduunka oo ah Xoghayaha Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Ban Ki Moon oo yidhi xisbiga KULMIYE madaxweynihiisii iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisii wuu doortay. Intaas oo isku biirtay iyo in kaleba markii aanu eegnay, maadaama ay suurto-geli wayday in ururadii la furo in habka dimuqraadiyadda ka midha-dhalinkarta aanu gacan siino, taageerno annagoo Illaahay la kaashanayna inaanu isku dayno inaanu soo saarno xisbiga KULMIYE.” Jamaal Caydiid waxa uu ugu dambayntii sheegay inuu gudoomiye ku-xigeenkii 1aad ee urur-siyaasadeedka QARAN, Maxamed Xaashi Cilmi hadda Xajka ku maqan yahay, balse Jamaal wuxuu sheegay inuu Maxamed Xaashi arrinta isbahaysiga ay la galeen KULMIYE uu la ogyahay oo uu iyaga u soo wakiishay. Gudoomiyaha urur-siyaasadeed QARAN, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa ku celceliyay inuu xisbiga KULMIYE marwalba ahaa xisbiga qudha ee mar walba garowsanaa inay xaq tahay inaanu dalka u xidhnaan saddex xisbi oo keliya, waxaanu xusay Dr. Gaboose xusay in ubucda heshiiskan dhexmaray KULMIYE iyo QARAN uu yahay sidii hoggaanka dalka looga tuuri lahaa xisbiga UDUB doorashada Madaxtinimada ee qorshaysan inay sannadka dambe ka dhacdo dalka, isla markaana uu xisbiga KULMIYE uu kursiga ugu guulaysan lahaa, wuxuuna yidhi: “Xisbiga KULMIYE waxaa dhextaal mar walba u ahayd oo rag culus oo marwalba xisbiga gudihiisa ka waday dood ah inay xaq tahay inaanu dalka u xidhnaan karin saddex xisbi oo ay ku kalsoonaadaan xisbiga KULMIYE inuu iska celiyo cidkasta oo tartan la gasha oo uu kalsoonidiisa qabay. Weli maanu arag shakhsi qudha oo ka mid ah labada xisbi ee kale (UDUB iyo UCID) oo dood yar ka dhiibtay ururada hala furo. Doodii socotay waa taas kortay ee dimuqraadiyadda xisbiga gudihiisa ka dhalisay, waa taa mindhaheedii maanta dhalisay in xisbiga KULMIYE isagoo awooda inuu xisbinimadiisa xidho danta shakhsiga uu ka hormariyo danta qaran oo uu yidhaahdo waxaan ogolahay tartan. Waxa weeyaan calaamadaha lagu yaqaan hoggaan u danaynaya dalkiisa, waa calaamadaha lagu yaqaano qof aan kursigiisa oo keliya eegayn ee eegaya wax ka sii ballaadhan. Maalmihii dhawayd ee wada-hadaladayadu socdeen ayaa Axmed Siillaanyo wuxuu yidhi inkastoo dastuurku odhanayo saddex xisbi oo qudha ayaa jiraya, haddana qalbigaygu wuxuu leeyahay gar maaha, markaa ereygaas baanu ku raacnay. Hoggaanka waxa laga doonayaa waxa qalbigiisu dareemo inay khaldan yihiin inuu saxo, sidaa ayaanuna u soo galnay inaan xisbiga KULMIYE la kicino hoggaanka inuu ku adkaado. Waxaanu annagu kuugu balanqaadaynaa itaalkayagu meel uu na dhigaba, Nebigii Suubanaa (CSW) ayaa isagoo marxalad adag maraya baa Illaahay gacmaha kor ugu taagay oo yidhi ‘illaahow labada Cumar midkood’ annagu ururada kale ee soo socda waxay qorteen garan maynee waxaan isleenahay malaha Cumarkii loo baahnaa baad tihiin. Ku seexo oo ku soo toos inaanu dadkaagu mar dambe boog madow kuu quudhi doonin. Waxa noo kaa keenay maaha ururada – waa Axmed Iyo Kulmiye’e – ma aha ururadii baad ogolaateen, waayo waaba laga yaabaa inaanu Kulmiye-ba iska galno haddii la furo ururada xuquuqda dadkuun baanu ka rabnaa, laakiin Axmedow waxaanu diidaynaa muwaadin u qalma hoggaanka dalka inuu xaq u yeesho inuu istaagi karo oo aan albaabada laga xidhan. Markaa heshiiskayaga ubucdiisu maaha ururada la furayo ee waa in meyd baa ina dul yaale sidii aan iskaga dul-qaadi lahayn.” Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Siillaanyo waxaana hadaladiisa ka mid ahaa: “Ururka QARAN iyo madaxdiisu waa dad taariikh iyo magac ku leh dalka iyo dadka reer Somaliland, waa dad u soo halgamay qarankan ilaa markii loogu jiray dagaalka xorayntiisa, waa dad u taagan in isbedel dalka ku yimaado, waa dad u taagan in ictiraaf uu dalku gaadho, waa dad u taagan in isbedel dhab ahi uu yimaado, waxaan ka markhaati kacayaa in madaxda ururka QARAN aynu wada ogayn xabsigii ay u soo galeen halgankii ka sakow, xabsi dheer bay u soo galeen, ictiraaf faro badan bay dunida ka haystaan maalin dhaw in axsaabta la furo, laakiin waa wax dimuqraadiyada salkeeda ah in ummaddu ay hesho oo shacbigu uu helo oo dadweynuhu mustaqbalkiisa uu ka arko in ay jirto dhaqaaq iyo balaadhni la balaadhinayo dimuqraadiyada dhabta ah. Marka dalka axsaabtiisa la soo koobo, marka xoriyatul qawlkiisa la soo koobo, marka halgankiisa la soo koobo waxay dhaawac ku noqonaysa horumarka dalka iyo dimuqraadiya dhabta ah iyo xoriyada shacbiga leeyahay ee cid waliba leedahay. Xisbiga kulmiye wuxuu markasta aaminsanaa dabcan dastuurkeena wax buu inoo qorayaa oo qaab baynu u samaysanay, dastuurku wax waxyi soo rogay maaha, kitaab quraan ah maaha ee waa wax aynu inagu dhigaynay, ujeeddaa loogala jeeday, ujeeddada loo lahaa ee laga lahaa maxay ahayd? Waa dan taariikhaha aynu soo marnay ama sida bulshadeenu u samaysan tahay waa lagu fikiray in axsaab iyo qaabkaa iyadoon axsaabtuba jirin in saddex xisbi lagu soo koobo oo tartan loo galay oo saddexdan maanta joogaa ay soo baxeen, laakiin wax waliba way koraan, meel haddii la taagnaa horaa looga sii socdaa, miyey dhici kartaa in lays waydiiyo ma saddex xisbi uun baa waligood jiraya, mise shacbiga iyo jiilasha soo socda fursad ayaa loo siinayaa inay ururo furtaan, dimuqraadiyadda iyo horumarinta qaab kale loo dhigo oo loo farsameeyo. Waxaa inoo muuqata imika sidan ay tahay in xataa shaqaynteedii ay dhibaato ku wada timid, markaa annagu xisbiga KULMIYE haddaanu nahay anagoo wada tashanay ka fikirnay ka doodnay, oo gudahayaga ka muujinay in dimuqraadiyadu tahay mid dalka iyo dadka oo dhan uun uu leeyahay maahee inay xisbiga guddihiisa dimuqraadiyaddi ka muuqato, xisbiga guddihiisa marka ay doodi ka timaado ee aragtiyo kala duwan la yeesho ee damac kala duwan la yeesho, waxay ka mid tahay horumarka iyo dastuurka siyaasadeed ayey ka mid tahay oo gaadhsiisan tahay, marka xisbi ama urur laga waayo dimuqraadiyada laga waayo mid dalka iyo dadka ahna ma soo wado. Maanta xisbiyada nala tartamaya ee leh tartan baan idinla galayaa waa tii walaalahay ka waramayeen weli waan sugaynaa shacbigu way sugayaan ilaa maalintii xisbiga UDUB la abuuray oo xisbiyada ugu horeeyey, ilaa wakhtigaa shirkiisii ma hayno oo golihiisii dhexe mahayno oo iyadoon wakhtiba ka hadhin doorashadii goor alle goor ay qaban doonaan iyo siday ku soo saari doonaan cidiba ma hadal hayso.” Geba-gabadii Xafladaas waxay hoggaamiyeyaasha labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis dhawr qodob ah, waxaana dhinaca xisbiga KULMIYE heshiiskaas u saxeexay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siillaanyo iyo afarta gudoomiye ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud, halka dhinaca urur-siyaasadeed QARAN ay u saxeexay Gudoomiyaha ururkaas Dr. Gaboose iyo Gudoomiye ku-xigeenka 2aad Jamaal Caydiid, waxaanu qoraalka heshiiskaas ay kala saxeexdeen xisbiga KULMIYE iyo urur-siyaasadeed QARAN u qornaa sidan: iyo Urur-siyaasadeedka Qaran arkeen duruufaha adag ee siyaasadeed, Nabadgelyo, Dhaqaale iyo Bulsho eek u gedaaman dalka JAMHUURIYADA SOMALILAND, guud ahaan dunida. - Ka dib markii labada dhinac ku wada qanceen in hoggaanka Maanta dalka ka jiraa uu ummada u horseeday dib u dhac dhinac kasta leh, isla markaana aanu lahayn karti iyo daacadnimo uu dalka kagaga saaro xaaladan cakiran. - Ka dib markii ay u muuqatay in si weyn loogu baahan yahay isbedel siyaasadeed oo la yimaada barnaamij dalka hore loogu marinayo iyo qiyam toosan oo dib u soo noolayn kara rajada Qarankan; Waxay isla qaateen inay ka wada yeeshaan iskaashi, xoojinta hawlaha doorashada musharaxiinta Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE, kuna heshiiyeen qoddobadan; Xisbiga KULMIYE Wuxuu balan qaadayaa: 1. In uu ka dhaqan-gelin doono JAMHUURIYADA SOMALILAND furashada ururada siyaasadeed, laga bilaabo tartanka doorashada dawladaha hoose ee ugu horeysa, iyada oo la waafajinayo xeerarka doorashooyinka qaranka, haddii uu KULMIYE ku guuleysto hoggaaminta dalka (2009). 2. In mabda’a furashada ururada siyaasadeed uu ka mid noqdo rukumada barnaamijka lagu gelayo doorashada Madaxtooyada ee xisbiga KULMIYE. 3. Si loo xoojiyo iskaashiga labada dhinac, xisbiga KULMIYE haddii uu doorashada ku guuleysto waxa uu dhisi doonaa dawlad cusub oo ay qeyb ka yihiin urur-siyaasadeedka QARAN. Urur Siyaasadeedka QARAN Wuxuu Dhiniciisa Balan-qaadayaa; 1. In uu si mug leh oo niyad-sami ku jirto ugu biirin doono cududdiisa iyo codkiisa musharaxiinta xisbiga KULMIYE ee Doorashada Madaxtooyada, si looga midho-dhaliyo rajada isbedel doonka ee ummaddu u baahan tahay. 2. Urur siyaasadeedka QARAN markii uu si qoto dheer u qiimeeyey xaalada siyaasadeed ee dalka JAMHUURIYADA SOMALILAND, waxa uu ku qancay in maanta halka dalka lagu badbaadin karaa ay tahay xisbiga KULMIYE, sidaa darteed wuxuu ururka QARAN ugu baaqayaa taageerayaashiisa iyo ummad-weynta Somaliland in ay cududooda iyo codkoodaba isugu geeyaan sidii uu u guuleysan lahaa xisbiga KULMIYE. Magacyada xubnaha KULMIYE u saxeexay: 1. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) 2. Muuse Biixi Cabdi 3. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir 4. Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle 5. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Seylici 6. Keyse Xasan Magacyada ururka Qaran u saxeexay: 1. Maxamed Cabdi Gaboose 2. Maxamed Xaashi Cilmi 3. Jamaal Caydiid Ibraahim” Qiimaha Raashinka Oo Hoos Uga Dhacay Dunida 30-46% Iyo Saameyn La’aanta Suuqyada Somaliland Hargeysa, December 11, 2008 (Haatuf) – Qiimaha Badeecadaha raashinka daruuriga ah ayaa hoos uga dhacay suuqyada caalamka bilihii u danbeeyey, kadib markii ay dhaqaalaha dunida soo gaadhay mushkiladii ka dhalatay Baanankii Maraykanka ee deynta Guryaha siin jirey dadka, taas oo saamayn weyn ku yeelatay dhamaanba badeecadaha kala duwan iyo nidaamka wax kala iibsiga ee adduunka. Sida uu qoray mid ka mid ah Boggaga Internetka ee Sucuudiga laguna magacaabo “ Saudi Share “ oo ka faalooda arimaha dhaqaalahu qiimaha raashinka asaasiga ah ayaa qiimahiisu hoos uga dhacay dalalka soo saara raashinka sida Australia waxa uu qiimaha raashinku hoos u dhacay qiyaastii 46%, iyada oo sababta hoos u dhacan lagu macneeyey kadib markii uu aad u yaraaday dalabkii xooga lahaa ee lagu hayey raashinka iyo lacag la’aanta ka dhalatay burburka dhaqaalaha adduunka. Dalalka KHALEEJKA Carabta oo ay Somaliland la wadaagto xidhiidh dhinaca ganacsiga ah ayaa iyagana qiimaha badeecadaha raashinka daruuriga ahi uu hoos u dhacay qiyaas dhan 30%, iyada oo hoos u dhaca qiimaha badeecadaha raashinka la filayo inuu hoos u sii socon doono sida ay sheegtay Al Sawt oo laga leeyahay dalka Kuweyt. Wakhtigan xaadirka ah dalalka Khaliijka waxaa ka socda dedaal la doonayo in ganacsatada cadaadis lagu saaro inay qiimaha raashinka hoos u dhigaan iyaga oo la jaanqaadaya hoos u dhaca suuqyada caalamka ku yimid, isla markaana aanay ku marmarsoon raashinka qaaliga ah ee ay soo iibsadeen xilligii uu raashinku qaaliga ahaa iyada oo Tijaarta lagu cadaadinayo inay lacagta kaashka ah ee ay haystaan ku soo iibsadaan raashinka wakhtigan ee jaban. Somaliland oo ka mid ah dalalka aan iyagu soo saarin raashinka ay dadkeedu quutaan, balse ku tiirsan raashinka ay dibadaha ka soo iibsadaan ayaanu wax saamayn ah ku yeelan hoos u dhaca qiimaha badeecadaha raashinka ee caalamku, waxaanay Ganacsatada iibisa raahinku wali ku iibinayaan qiimihii qaaliga ahaa ee markii ay ascaartu ka kacday dunida ay wax ku iibinayeen. Ganacsatada Somaliland ayaa had iyo jeer marka ay ascaarta dunidu kacdaba iyaguna kor u qaada qiimaha badeecadaha iyaga oo aan hoos u dhaca ku yimaada qiimaha badeecadaha dunida aan la jaanqaadin marka danbe, taas oo shayga uu qiimahiisu mar kor u kaco aanu hoos u soo noqon. Qiima dhaca ku yimid badeecadaha raashinka iyo shidaalka suuqyada caalamka dhawrkii bilood ee ugu danbeeyey ayaanay haba yaraatee Somaliland la qabin adduubka iyada oo qiimaha raashinka iyo shidaalku ay taagan yihiin halkii ugu sareysay, mana muuqato inay ganacsatada reer Somaliland ay qiimahaas hoos uga soo degayaan mustaqbalka. dhinaca kale xukuumada Somaliland ee wakhtigan ayaan iyaduna lahayn qorshe iyo istaraatiijiyad kula socoto ama ku kaantaroosho isbedelka qiimaha ascaarta raashinka iyo shidaalka ee dunida, si aanay ganacsatadu u dhiigmiiran dadka danyarta ah ee aan awoodi Karin inay iibsadaan gadbad Bariis ah oo qiimaheedu shan yahay $ 45. Si kastaba ha ahaatee ganacsatada Somaliland waxaa waajib ku ah inay dadkooda u naxariistaan oo ay qiimaha ascaarta ee daruuriga ah ee adduunka ay ka soo iibsadaan hoos uga dhacay ka jabiyaan, balse aanay is odhan ka faa,iida, xukuumadana waxa la gudoon inay talaabo hore u qaado oo ay la socoto hoos u dhaca qiimaha baddeecadaha ee ka dhacay caalamka, kadibna ganacsatada ku dhiiri geliso inay qiimaha maceeshada daruuriga ah hoos u dhigaan oo qiimahaas cusub ay dadka kaga iibiyaan. Qiimaha Baddeecadaha raashinka ayaa suuqyada caalamka kor uga kacay badhtamihii sanadkan, kadib markii uu qiimaha Shidaalku uu gaadhay halkii ugu sareysay dunida, taas oo dhamaan noocyada kale duwan ee badeecaduhu uu cirka isku shareeray, iyada oo dalalka qaarkoodna ay joojiyeen raashinka ay beertaan ee ay iibin jireen, hase yeeshee intii ka dambaysay mushkiladiii dhaqaalaha maraykanka ay wax waliba hoos qiimahoodu u dhacay.
Sheekh Shariif Oo Laba Sanno
Kadib Ku Laabtay Muqdisho Iyo Soo Dhoweyntiisa Oo Aan Loo Kala Hadhin Garoonka Diyaaradaha ee uu ka soo degay sheikh shariif iyo wefdigiisa ayaa waxaa amaankiisa ilaalinayey Ciidamada AMISOM, iyada oo ay halkaas safnaayeen boqolaal ka tirsan taageerayaashiisa iyo Madax ka tirsan dawladda Mbagathi oo ka qaybgalay soo dhoweyntiisa. wafdiga uu hogaaminayey sheikh shariif gaadhayey ilaa labaatan xubnood oo ka tirsan isbahaysiga uu hogaamiyo ayaa ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay inuu qayb ka yahay sidii loo sii wadi lahaa heshiiskii ay labada dhinac ee Mbagathi iyo isbahaysiga uu hogaamiyaa dhawaan kala saxeexdeen. Sheekh shariif oo markii uu yimid hadalo kooban siiyey werbaahinta ayaa sheegay inuu socdaalkiisani daaran yahay sidii ay qaybaha bulshada kulamo ula yeelan lahaayeen, taas oo uu yidhi waxay qayb ka tahay heshiiskii ay dhowaan la gaadheen xukuumada Mbagathi ee Djabouti. Shariifka oo reer galbeedku ay aaminsan yihiin inuu yahay wadaad qunyar socod ah, ayaa waxa uu dhawaan heshiis awood qeybsi ah uu la galay dowladda Mbagathi ee Soomaaliya, inkasta oo ay jirto mucaaradad xoog leh oo ka soo hor jeedaa, taas oo ay kooxo hore uga tirsanaa Golihii Maxaakiimtu ay sheegeen inaanay aqbali doonin heshiiska uu shariifku la gaadhay dawladda Mbagathi, iyada oo ay weli Ciidamada Itoobiya joogaan gudaha dalka Somalia. Tegida Sheekh Shariif ee Muqdisho ayaa waxa soo dhaweeyay Wakiilka QM iu qaabilsan Somalia, kaas oo hadal qoraal ah oo uu soo saaray Axmed Walad Cabdalla, ku sheegay socdaalkaasi mid muhiimad weyn leh, una baahan inay dadka iyo qaybaha iskaga soo horjeeda Somalia inay soo dhoweeyaan. Sheekh shariif ayaa dhowaan socdaalkan oo kale ku tegay Magaalooyin ku yaala Somalia kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Jawhar iyo Beledweyne, kuwaas oo ay isaga iyo wefdigiisu kulamo la yeedheen qaybo ka mid ah dadka deegaanadaas ku dhaqan oo ay ku jiraan Madaxdhaqameedyada, waxgaradka, Siyaasiyiin iyo qaybo ka mid ah kooxaha muqaawamada guddaha dagaalka ka wada, iyada oo lagu tilmaamay socdaalada sheikh shariif ee xilligan kuwo ay ku doonayaan inay taageero ugu helaan heshiiska awood qaybsiga ee ay dhowaan la gaadheen xukuumada Mbagathi, kaas oo ay jiraan dad badan oo iyagu kaga soo horjeeda shariifka arintaasi. Budhcad Badeeda oo damacsan in ay Fadhiisimo Ka Dhigtaaan Xeebta Gobolka Sanaag Ceerigaabo, December 11, 2008, (Haatuf)-budhcad baddeeda Somaliya ayaa qorshaynaya inay fadhiiso ka samaystaan dhulka xeeblayda ah ee Bariga Sanaag gaar ahaan magaalada Laasqoray, waxayna wararka ka imanayaa sheegayaan in budhcadbadeedaasi ku soo qulqulayso dhinaca badda iyo barigaba iyagoo wata gaadiidka bada iy ka barigaba. Sida uu ku soo waramayo waryaha Haatuf uga soo warama Gobolka Sanaag maxamuud Siciid Ducaale ayaa sheegay in ujeeddada ugu wayni ee ay leeyihiin tahay inay fadhiisimo ka dhigtaan degaamada Galbeedka laasqoray ee ay ka mid yihiin Geelwayta iyo Waqdariya . Sababta keentay inay qaarkood ka soo ag-badashaan fadhiisimadoodii hore aayaa waxaa loo malaaynayaa inay tahay gaadiidkii ay ku ugaadhsan jireen badwaynta india ama badda cas oo ka caanbaxay jiidaasi taas oo sababtay in laga digtoonaado ama laga durko, isla markaana taas bedelkeeda ay damacsan yihiin inay u soo aag badashaan jiidahan oo ay ka qafaashaan gadiidka loo yaqaan doonyaha kaluumaysiga si ay ugu ugaadhsadaan ama ugu sahlanaato ugaadhsiga gaadiidka maraya baddaha waaweyn ee aan wax cabsiya ka qabin doonyaha carabta ee kaluumaysiga . Iyadoo la sheegaayo in dagaamadda ay soo gaadheen budhcadbadeedani ay bulshada ku nooli ku kala qaybsan tahay iska caabinta ,taageerida iyo gacansiintoodaba iyo diidmada ama iska caabinta budhcadaaasi. Arintan oo ilaa inta la ogyahay dhowaan koox loo malaynayo budhcad badeedan laba doonyaha kaluumaaysiga carabta ay ka qafaasheen deegaanada magaalada maydh , Doonmahaas oo la sheegay inay ula kaceen dhinaca badwaynta bariga. Waxaa sidoo kale dhowaan magaalada maydh dhinaca bada ka soo weeraray laba doonyaha yaryar oo ay wateen budhcad badeedu halkaas oo uu iyaga iyo ciidamada bada ee degaankaasi dagaaal ku dhexmaray doonyaha yaryarina ay dhinaca badwaynta u fakadeen hase yeeshee illaa hada meel ay ku danbeeyeen aan la ogayn. Shaqaalaha lahaystayaasha ah ee markabka MvFiena oo isku dayey inay ka baxsadaan budhcadbadeeda Somaliya oo fashilmay Budhcad badeeda Soomaalida ee haysta Markabka Hubka xambaarsan ee laga leeyahay Wadanka Ukriane ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe lagu damacsanaa In shaqaalaha markabka la haysto ay kaga baxsan lahaayeen budhcadbadeeda, kaasi oo ay sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha markabkaasi. Mid Kamid ah Budhcad Badeeda haysata markbaka MV Fiena oo Isgaadhsiinta Toroyada Kula Xidhiidhay Wakaalada wararka ee Wadanka France ayaa sheegay in qaar Kamid ah Badmaaxiinta saaran markabkaasi ay damceen Inay Iskacaabiyaan islamarkaana ay waxyeelo gaadhsiiyaan Mid ka mid ah Budhcad badeeda oo ilaalo ka hayay dadkaasi, Ninkan Budhcad badeeda ah oo diiday Inuu magaciisa sheego ayaa Wakaalada wararka ee Wadanka France ayaa u xaqiijiyay arintaas, isaga oo faahfaahinaya shilkan sida uu u dhacay ayaa yidhi “ labo Nin oo ka mid lahaystayaasha saaran markabkaasi ay si lama Filaan ah U soo Weerareen Mid ka mid ah Budhcad baddeeda iyagoo damcay inay ka takhalusaan balse waxaa ka soo gaadhay ragii kale ee Budhcad badeeda ahaa oo halkaasi ka agdhawaa iyagoo fashiliyay falkaasi. Ayuu yidhi ninkaas budhcad badeedda ah ee ka gaabsaday inuu magaciisa sheego. dhanka kale wasiirka Arimaha Dibada Wadanka Ukraine ayaa sheegay in aanay Soo gaadhin warbixin Ku aadan Shilkaasi ka dhacay markabka laga leeyahay Wadanka Ukraine. Kooxda Budhcad badeeda soomaalida ayaa iyaguna sheegay in qaar kamid ah Lahaystayaasha Markabkaasi saaran ay Ku kacaan Falal aan Fiicnayn islamarkaana aan laga aqbalayn hada Wixii ka danbeeya budhcad badeeda ayaa sidoo kale ku hanjabay inay Ciqaabi Doonaan labada Nin ee ka midka ah Lahaystayaasha ee isku dayay inay iska caabiyaan Budhcad bedeeda Soomaalida Falkan ayaa ah kii Ugu horeeyay ee ka dhaca Gudaha markabka MV Fiena tan Iyo intii ay qabsadeen Budhcad badeeda soomaalida 24kii bishii September ee sanadkan. Ma dhabaa in khilaafkii KULMIYE hoos uga sii dhacayo reer Boorama ?Warbixin: Maxamed cumar Sheekh, weriyaha Haatuf ee Boorama. Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyeyba magaalada Boorama ku wado dhaqdhaqaaq uu dadweynaha gobolka kaga raadinayo taageero siyaasadeed haddii ay dalka doorashooyin ka dhacaan. Dhaqdhaqaaqyadan oo ay wadaan xubno ka tirsan siyaasiyiinta inta badan u ololeeya musharaxa mansabka madaxweyne ku xigeenka ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Saylici, kuwaasoo wakhtigan shiishka ku haya sidii ay taageero uga heli lahaayeen beelaha samaroon, gaar ahaan beesha ay ka soo wada jedaan madaxweyne Riyaale iyo Muj:Cabdiraxmaan Aw Cali. Sidoo kale ayaa dhaqdhaqaaqooyinkan lagaga arinsanayo sidii xisbiga UDUB looga soo weecin lahaa siyaasiyiinta waxgaradka soo jeeda beesha maxamed Case oo iyagu u daacad ah xukuumada Riyaale. Dhinaca kale markaad eegto olohan siyaasadeed ee lagu xoojinayo taageerada xisbiga KULMIYE ayaa kusoo beegmay wakhti garabkii xisbigaasi ee ka soo duday shirweynihii xisbigaasi ee Burco hadalhayntiisu yaraatay, sidaa darteedna dad badan oo taageeri jiray siyaasiyiinta ka soo horjeeda shirweynihii Burco go’aamadiisii ay una qaateen in garabkaasi haatan u ka baxay siyaasada, iyadoo dhinaca kalana taageerayaasha xisbigaasi ee taageeray shirweynihii Burco go’aamadiisii aaminsan yihiin inaanu jirin cid musharax Saylici ku haysata musharaxnimada Xisbiga, hadaba mid ka mid ah barnaamijyada hoose ee xisbiga Kulmiye ka wado gobolka Awdal ayaa waxa uu kii u dambeeyey ka dhacay Hoteel la odhan jiray Seven Star oo ku taal Boorama. Kulan ay ka soo qaybgaleen hogaanka xisbiga KULMIYE oo uu wakiil ka ahaa Eng: Saylici, ayaa waxa ka soo qaybgalay siyaasiyiin door ah, dhalinyaro iyo madax dhaqameedyo. Kulankan ayaa si gaar ah looga dhex arkaayey xubno iskugu jira aqoonyahano ka soo jeedda ardaayada J/Yoonis iyo Reer Nuur ee beesha Makaahiil kuwaas oo intii waayadan ahayd-ba si dhuumasho ah uga qaybgali jiray shirarka uu qaban qaabiyo ama uu goobjoog ka yahay musharax Saylici. Shirkan oo ahaa kii u balaadhnaa ee waqtigan ay yeeshaan taageerayaasha xisbigaasi ee gobolka Awdal dhacayna 9-kii bishan, xisbiga KULMIYE ee taabacsan musharax saylici hadalada halkaasi laga jeediyey ayaa dhamaantood ku salaysnaa sida xisbiga KULMIYE iyo musharax saylici aanay haatan uga cabsi qabin cid muran galisa geeddi socodka xisbigaasi ku doonayo inuu talada dalka hogaamin doono haddii ay doorashooyin dhacaan. Sidoo kale kulankan ayaa wali waxaa ka muuqday niyad wanaag uu musharax Saylici u hayo beesha Makaahiil, si meesha ay uga baxdo tuhunka musharaxaasi ay ka qabaan beelaha makaahiil oo ku xanta inuu musharaxaasi aad u neceb yahay qoladaasi, raggii ka qaybgalay shirkaasi ee ka soo jeeday beelaha taageerada xooga leh siiya madaxweyne Riyaale oo shirkaas dabadii aan wax ka waydiiyey dareenkooda ayaa si isku midda u sheegay inay doonayaan inay isbedel siyaasadeed iyo mid hogaamineed uu dalka ka dhaco isla markaana ay taageerayaan cid kastoo, fursad u haysata isbedelkaasi si kastaba ha ahaatee ololahan siyaasadeed ee wakhtigaa Boorama uga socday xisbiga KULMIYE ayaa ah mid ay soo dhawayn doonaan qaybo badan oo ka tirsan beelaha taageerada xooga leh siiya xukuumada, kuwaas oo in muddo ah-ba qarsanayey waxay u arkaan kala daadsanaan ka jirta garabka kale ee xisbigaasi iyo dhaliilo ay sheegi kari la’yihiin oo hadheesay xukuumada ay taageerada siiyaan balse sida wararku sheegayaan waxay siyaasiyiinta iyo dhalinyarada taageeradooda u soo leexisay Cabdiraxmaan Saylici ay wali ka shakisan yihiin doorka ama meeqaamka ay ku yeelan karaan hogaanka xisbiga ee gobolka Awdal, kaas oo beel ahaan ay uga soo horjeedeen intii muddo ahayd, balse maanta ay aaminsan yihiin inuu noqon karo mid keeni kara isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhaqa, waxaana la dareensan yahay sidoo kale in arimaha ugu muhiimsan ee keenay jahada ay u dhaqaaqeen qaar ka mid ah dadweynaha Boorama loo nisbaynayaa dhawr arimood oo ay ka mid yihiin warar kutidhi ku teen ah, oo baryahan-ba Boorama lays kula wareegayey oo sheegayey in garabkii Kulmiye ee diiday go’aamadii shir weynihii KULMIYE ay ku biirayaan xisbiga UDUB, kuwo kalana sheegayaan xisbiga UCID, balse wararkaasi aanay ahayn kuwo xaqiiqadooda la ogyahay haddii ay dhaqdhaqaaqyadan sii socdaan, waxaa la odhan karaa khilaafkii kulmiye ka jiray hoos buu u dhacay Dawlada Itoobiya iyo Jabhada ka soo horjeeda ee ONLF ayaa dagaal iskaga horyimid deegaanka Danood ee kililka Shanaad Danood, December 11,2008 (Haatuf)-Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF, kaas oo ay ku nafwaayeen ilaa toboneeyo qof. Dagaalkan oo ka dhacay Degeenka Danood ee ismaamulka Somalida ee Kililka Shanad ayaa ilaa hadda si rasmiya look ala ogayn khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhacay, iyo labada dhinac dhaawaca iyo dhimashada soo kala gaadhay, inkastoo dad ku sugan goobtaasi ay xaqiijiyeen in toboneeyo uu gaadhayo dhimashada labada dhinacba ah balse si cad looma kala cadayn. Dagaaladan dawlada Itoobiya iyo jabhada mucaaradka ku ah dhexmaray ayaa ah mid soo noqnoqda waana dagaal dhuumaalaysi ah oo kolba meel iskaga horyimaadan, taas oo ay inta badan yartahay in dagaal si ka fool ka fool ah ay isku beegsadaan. Dagaalkan ay isku haleeleen ciidamada Itobiya iyo jabhada ONLF ee ka dhacay Danood oo ah deegaan ku yaala Xuduuda soomaaliya iyo itoobiya ayaa ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay siweyn bulshada uga deyrinayeen waxayna arintani ku soo beegmaysaa xili ay dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii ciidamada itoobiyaanka gebi ahaanba ay joojiyeen raashinkii u soo talaabayay dhanka xuduuda Somalia ay la wadaagto itoobiya. Si kastaba ha ahaatee waxaa uu dagaalkani ku soo beegmay xilli mudooyinkii ugu dambeeyay ay Ciidamo xoogan soo dageen Qaar ka mid ah gobolada Dhexe Ee Dalka Soomaaliya ciidamada Dalka itoobiya isla markaana deegaanada ay ciidamada sida weyn ay u joogaan ay ka mid yihiin deegaanada Balambal oo gaadhaysa Gawaadhida dagaalka xiligan ku sugan ilaa iyo 24 Baabuur Nooca dagaalka . Taageero Suldaanka Cusub Ee Beesha Degmada Boon Taageerayaal Cusub ayaa hambalyeeyay suldaanka cusub ee ay beesha degmada Boon dhawaan dooratay, taageerayaashaas oo ka tirsan degannaada Ceelbaxay, Libaaxlay, Sheekh Aware, Faqi Aadan, Fadhi Xun, iyo badan bad. Magacyada dadka hambalyadan soo saarayna waxay u qornayd sidan:
Dahab Dayacan !!! Maxamuud Jaamac Axmed, Tifaftiraha Wargeyska Al Haatuf Al Carabi Hambalyada Ciida oo aan ugu hambalyaynayo akhristayaasha dabadeed. Waxay tahay wax aad looga murugoodo in uu jiro qof Dahab badan oo qaali ah haysta isaguna uu ka faa’idaysan kari waayay, ha noqoto sababtu isagoo fahmi la’ qiimaha dahabka gacantiisa ku jira, ama isagoo aan ku kalsoonayn-ba inuu wax u tari karo. Dahabka aan halkan u jeeddaana waa Diinta Islaamka ee illaahay u soo dejiyay adoomihiisa, taasoo aan ka xishoonayo in aan ku tilmaamo Dahab, iyadoo aan aaminsanahay inuu aad uga qaalisan yahay, Maqaalkayga maantana waxa uu ku saabsan yahay Qiimaha Diinta Islaamka anigoo ka eegaaya oo qudha dhinaca Ciidda aynu maalmahan ku jirno, taasoo ka hadalka Diinta Islaamku Dhinaca Ciidda aanu qaadayn Maqaalo aad u badan, haddana waxa aan ku dadaalayaa in aan soo koobo, anigoo rajaynaya inuu macnuhu si wanaagsan u gaadho akhristaha. *Maxaynu ka baranaynaa Ciida? 1. in ay farxada iyo rayn-rayntu ay qayb muhiim ah ka tahay diinta Islaamka, iyadoo arrintaasi aynu ka fahmayno soo rogida uu Ilaahay soo rogay Ciidda, iyo isagoo ku amray muslimiinta inay ku farxaan oo ay farxada muujiyaan, taasoo Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa uu suurda AL-Acraaf aayada (32aad ) uu ku sheegay “ dheh ( Nebi Muxamadoow ) yaa xaaraantimeeyay quruxda uu ilaahay adoomihiisa u soo dejiyay iyo risiqa wanaagsan, dheh ( Nebi Muxamadoow ) waxay u sugnaatay ( arrimahaa kor ku xusan ) dadka mu’miniinta ah intay aduunyada joogaan, kootana ay u noqon doonto Maalinta Qiyaamaha”, isagoo tusaaleheena weyn ee ah Nebi Muxamad uu ahaa mid inta badan faraxsan dhoola cadayntuna aanu afkiisa in badan ka maqnaanin, isagoo muslimiintana faray inay dhoola cadaynta badiyaan, isagoo yidhi “ dhoola cadaynta aad walaalkaa u dhoola cadaysid waa sadaqo”, mar kalena waxa uu tilmaamay in acmaasha ugu qaalisan ee qofku qabtaa waxa ka mid ah farxad uu qalbiga walaalkiisa muslimka ah galiyo. Markaa Ciidda waxa aynu sida weyn uga faa’iidaysanaynaa in uu qofku mar walba uu noqdo mid faraxsan oo nolosha mar kasta xaga rajo wanaaga ku eegaya, isagoo nebi Muxamed uu muslimiinta u diiday inay jeclaystaan dhimashada, balse wuxuu faray inay jeclaystaan nolosha ilaahayna weydiistaan cimri dherer, iyadoo Rasuulkuna baray muslimiinta ducooyin ay ku ducaystaan haddii murugo haleesho si uu ilaahay si deg deg ah uga saaro, taasoo aynu ka fahmi karno in murugada badan dayrada, raja la’aantu aanay diinta islaamku aqoon balse, sidaa darteed waxa laynooga baahan yahay In aynu faa’iido ka qaadano ciidda oo aynu nolosheena oo dhan ka dhigno farxad. 2. Sixida Caqiidada Taasoo inooga muuqata Takbiirta la qaado Ciidda taasoo u badan ereyga “ Allaahu Akbar”, taasoo mecneheedu yahay “ Ilaahay baa weyn”, iyadoo uu fahanka macnahaasi uu ka mid yahay tiirarka ugu weyn ee Caqiidada islaamka oo in uu fahmo qofka muslimka ahi in ka abuuray ee arsaaqaya ee ka sarreeya ee xisaabi doona in uu yahay Ilaahay oo uu dareemo in uu amarkiisu wax kasta uu ka weyn yahay. 3. Kor U Qaadida Dareenka Danta Guud Iyo Midinimada Arrimahaasna waxaynu ka dareemaynaa dhawr arrimood oo kala ah:- B) isku imaatinka ay muslimiintu isugu imanayaan fagaarayaasha waaweyn,halkana waxa aan ka soo jeedinayaa in la yareeyo fagaarayaasha ciidda lagu tukado, oo Hargeysa oo kale lagu koobo ugu badnaan toban fagaare, si uu jamacu u bato. T) Takbiirta oo ay muslimiintu si wada jir ah u qaadayaan J) Gawraca ay muslimiintu ku gawracayaan xoolo oo ay qaybo ka mid ah ay u qaybinayaan dadka baahan. Arrimahaasina waxay si waadax ah u muujinayaan in Islaamku uu aad iyo aad uu iskaga xil saaray Midinimada, isagoo ku baraarujiyay muslimiinta inaanay danahooda gaarka ah oo qudha aanay eegin oo ay qayb maalkooda, maskaxdooda, wakhtigooda,xoogooda ay kaga shaqeeyaan hawlaha danta guud, markaa qofka yidhaahdaa “ anigu cibaadaadkayga waan gutaa dadkana waxba igama galin” waa qof aan si wanaagsan u fahmin islaamka, taasoo tusaale waafi ah uu inooga noqonayo xadiiskii Rasuulka calayhi salaatu wa salaam oo uu yidhi “ muslimiintu waxay ka dhigan yihiin dad doon wada fuulay oo qaar ay dabaqa sare fuuleen qaarna dabaqa hoose, kuwa hoose-na markay is yidhaahdaan biyo doonta dabaqa sare ayey soo fuulaan dabadeed biyaha ayey ka soo darsadaan badda, intaa dabadeed kuwii dabaqa hoose degenaa ayaa fikiray oo is yidhi haddii aad doonta xageeda hoose aad jeexataan oo aydaan u baahnaan in aad kolba xaga sare fushaan, haddaba haday kuwa dabaqa sare ay ka qabtaan fulinta arrintaasi way wada badbaadayaan, haddii kalena way wada qaraqmayaan”. * Xisaabinta Nafta Arrimaha ugu muhimsan ee nolosha qofka muslimka ah waxay tahay isagoo gacanta ku haya hogaanka naftiisa, marka aan leeyahay gacanta ku haya ugama jeedo gacanta caadiga ah, laakiin waxa aan uga jeedaa inuu Caqliga ay hogaaminayso Diinta uu gacanta ku hayo Nafta, haddii kale bini’aadamku waxa uu noqonayaa ( Raali ahaada ) sida xoolaha, ee ku socda halka ay naftoodu geyso, sidaa darteed qofku waa inuu xisaab la yeeshaa naftiisa, taasina waxay ka mid tahay arrin kale oo aynu ka faa’iidaysan karno Ciidda, iyadoo soo noqnoqodka Ciiduhu uu qofka ku dhiiri galinayo inuu xisaabtamo, waxa Ciiddan ilaa Ciiddii hore u kordhay iyo waxa ka dhacay, sidaa darteed qofka muslimka ahi waa in uu su’aalaha iyo xisaabinta naftiisa ku badiyaa, sida uu yidhi (RC) Cumar Binu Khadaab “ xisaabiya nafihiina inta aan la idin xisaabin, miisaamana acmaashiina inta aan la idiin miisaamin”, halkanna waxa aan u soo bandhigayaa akhristayaasha tusaale ahaan qaar ka mid ah su’aalaha laynooga baahan yahay in aynu nafaheena waydiino, iyadoo ay muhim tahay jawaabaha uu qofku naftiisa ugu jawaabayo ay noqoto mid run ku salaysan, iyadoo qofku uu si qeexan u ogaado ceebaha naftiisa ay tahay bilawga dhabta ah ee horumarka, haday tahay horumarka qofka iyo qoyskaba iyo dalkaba, su’aalahaana waxa ka mid ah:-
Dabcan ma jiro qof su’aalahaas oo dhan ku jawaabi kara 100%, taasoo aanu dhamaystirayn bini’aadam marnaba u sugmin una sugmayn, iyadoo ay muhim tahay in aynu aamino in aanuu qofna gaadhi karayn 100%, laakiin 99,9% ay bini aadamku gaadhi karaan, su’aalahanna waxay la mid yihiin jihada qofka jihaynaysa ee tusaysa kolba halka uu marayo, sidaa darteed waxa waajib ku ah qof kasta inuu su’aalahan maalin kastaaba isweydiiyo siiba inta aanuu seexan, iyadoo ay muhimsan tahay in aynu markasta xasuusnaano in cadawga ugu weyn ee nolosheena ina soo mara uu yahay nafeheena, jihaadka ugu weyna loo baahan yahay in iyada lala galo, iyadoo guushu iyo guul darradu ay labaduba gacanteeda ku jiraan oo aanay meelo kale ku jirin, halkana waxa aan si diiran uga codsanayaa akhristayaasha in ay markiiba ku dhaqaaqaan arrimahan aan xusayo:-
* Dareemida Qiimaha Diinta Islaamka Mar labaad waxa ina hor yaalla tusaalihii aan ku bilaabay ee ahayd qofkii haystay dahabka haddana aan garanayn qiimihiisa, iyadoo runtii ( anigoo ka xun ) ay tusaalahaasi ka turjumayso halkay kala taagan yihiin muslimiintu iyo diintoodu, iyadoo halkaasi tusaale inooga filan tahay eryegii uu yidhi wadaadkii caanka ahaa Maxamed Cabdo bilawgii qarnigii hore ka dib marka uu ka soo noqday booqasho uu ku soo maray dalalka Yurub, wuxuuna yidhi “ waxa aan halkaa ( Yurub ) ku soo arkay islaam laakiin muslimiin ma soo arag, halkanna ( dalalka Islaamka ) waxa aan ku arkay muslimiin laakiin kuma arag Islaam”, mecnaha eraygaasina waxa uu yahay in qaybo badan oo dhaqankii islaamku uu farayay muslimiinta uu ku soo arkay Yurub iyadoo dadka reer Yururb aanay ahayn dad muslimiin ah, halka uu dalalka islaamka uu ka waayay dhaqamada uu islaamku dadkiisa farayo laakiin uu arkay dad afka ka muslim ah. Waxa xaqiiqo ah waajibna ku ah qof kasta oo muslim ah inuu aamino in horumarku iyo sharaftu iyo sarrayntu iyo raaxada dhabta ahi ay ku jirto diinta Islaamka, isagoo uu Islaamku si weyn uu nidaam ugu dajiyay dhisida:-
Markaa waxa waajib ah in aynu si weyn u aamino arrintaasi, iyadoo ay arrintaasi si weyn inoogu caddaynayo sheekadii ku dhacday Cumar Binu khadaab markii uu qabsanaayay Magaalada barakaysan ee Qudus, kaasoo baqal watay isaga iyo mid u shaqayn jiray isagoo ah madaxweynaha dawlada Islaamka ee ballaadhan oo dhan, iyadoo uu Cumar uu baqasha ay ku kala weydaaranayeen isaga iyo inanka u shaqaynayay, wuxuuna gashanaa Cumar dhar aan u dhaweyn dharka ay madaxdu ku labistaan, markii uu galay magaalada Qudus waxa ka hortagay Abu Cubayda wuxuuna ku yidhi “ maad u soo diyaar garawdid maalintan oo kale oo aad dhar wanaagsan iyo faras wanaagsan soo diyaarsatid”, Cumar waxa uu ugu jawaabay “ waxaynu nahay dad uu ilaahay ku ciseeyay oo sharfay Diinta Islaamka, haddaynu is nidhaahnana cisi iyo sharaf meel kale ka hela ilaahay wuu ina dulaynayaa”, Cumar laftiisuna isagoo fiqiir ahaa mar kale uu yidhi “ haddii ay ogyihiin boqorada gaalada ahi nimcada aynu Islaanimada awgeed ugu jirno way nagula dagaalami lahaayeen”. Sidaa darteed ku kalsoonaw akhriste diintaada Islaamka ah oo ilaali waxay ku farayso, oo aamin in khayrka adoonyada iyo aakhiraduba uu ku jiro raacideeda, adigoo is xasuusinaya in Diintani ay ka timid Boqorka ay wax kastaaba ay u sugnaadeen ( Ilaahay Subxaanahu Wa Tacaalaa). Ilaahoow mahadaa inaad adigu ilaahaayaga tahay Ilaahoow mahadaa inaad noo soo dejisay diinta toosan ee Islaamka Ilaahoow mahadaa inaad noo soo dirtay Nebi Muxamed Calayhi Salaatu Wa Salaam Ilaahoow mahadaa inaad I waafajisay qorista maqaalkan aan isleeyahay wanaag ayuu fidinayaa, adigoo ilaahoow quraanka ku yidhi “ yaa ka Odhaah wanaagsan qofka dadka ilaahay ugu yeedha”, anigoo rajaynaya in jaanisyo kale aynu si faahfaahsan ugu sharaxno qodobadii aynu soo dul maraynay iyo qodobo kale-ba. Waxana ku gabagabaynayaa mid ka mid ah ducooyinka aan jecelahay:- (ربنا علمت وقدرت، فلك القوة والقهر، وبيدك الخلق والامر، فأعنا يارب بالقرب) Taasoo ay mecneheedu tahay “ Ilaahoow garashada iyo awoodu adigay kuu sugan tahay iyo xooga iyo sandulaynta, gacantaadana ayey ku jirtaa abuurku iyo amarku, ee ilaahayoow nagu caawi garab joogaaga”… AAmiin. |