Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1929  january 04,2009

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia

 “Madaxweyne Berri Tegaya Masiirkayaga Iyo Ka Caruurtayada U Iibin Mayno, Dadkayaguna Doorasho Gellimaayaan Waananu Gubaynaa Waraaqaha Diiwaangelinta Laftooda”

Xuseen Cawaale Warfaa Oo Ka Mid Ah Odayaasha Reer Boorama

Boorama, January 4, 2009 (Haatuf) - Xuseen Cawaale Warfaa oo ka mid ah Odayaasha iyo Waxgaradka Reer Boorama horena mar uga ahaan jiray Maayer magaaladaasi, ka hor doorashooyinkii dawladdaha Hoose, ayaa sheegay inay wax garadka, Odayaasha iyo Aqoon yahanka Boorama ay ka arin sanayaan, isla markaana ay bayaan dhakhso ah ka soo saari doonaan natiijada diiwaangelinta gobolada, taas oo uu sheegay inay gobolka Awdal diiwaangelintu ka ahayd diiwaangelin,  halka gobolada kalena uu ku tilmaamay inay ka ahayd Tiro Koob, taas oo uu sheegay in Caruurtii yar yarayd xataa la Diiwaangeliyey.

Xuseen Cawaale Warfaa oo u waramayey Idaacada Radio Horyaal ayaa si weyn uga soo hor jeedsaday Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota Somaliland, taas oo uu sheegay inaanay u dhicin si caddaalad ah, isla markaana haddii wax laga qaban waayo aanay aqoonsanayn diiwaangelinta, gobolka Awdalna aanay ka dhici doonin wax doorasho ahi, waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gubi doonaan waraaqihii diiwaangelinta ee ay qaateen.

Waraysigaasina waxa uu u dhacay isaga oo dhamays tiran sidan:-

Ma jirtaa inaad Qaadacaysaan Natiijada diiwaangelinta ee gobolka Awdal?

J: “Haa way jirtaa imikaan shirkeedii ku socdaa waxa weeyi arinta diiwaangelintii waxa loo badalay tira koob anaga waxay nagu soo martay wax la yidhaahdo diiwaangelintu 18 jir wixii ka hooseeya la diiwaangelin maayo waliba waxa weeyi dhibaatada naga soo martay Boqolaal jeerbaa sanaaduuqdii la bedalay oo haddii aan tusaale kuu soo qaato kii Abu-qays waxa la geeyey meel la yidhaa magaceedii baa iga baxsadaye lixda sanduuqba mid walba meeshiisii laga bedalay. Laba maalmood baan diiwaangelinta galay oo kaliya markay naga tagtayna dadkayagii waxaa is diiwaangeliyey 50%, 50na way hadheen, dabadeed markay naga tagtay ee ay Hargeysa tagtay waxaa loo bedelay tira koob caruurta gambadho lagu fadhiisiyey dadkii tirinayey baa goobjoog ka ahaa iyo hay’addihii taa waxaa ka masuul ah ciddii xilkaa loo dhiibay” 

S: waxaad sheegtay in arinta tira koob loo bedalay, waxaad la socotay diiwaangelinta gobolbaa idinka horeeyey gobolka Saaxil buu ahaa oo diiwaangelin laga soo sameeyey gobolkii labaad baad ahaydeene Kumpuyuutarada is weydaartay iyo arimahan aad ka cabanaysaana gobol walba bilawga hawshaasi way ka dhacaysay waamaxay dareenka imika keenay arintaasi markii goboladii oo dhan diiwaangelintii oo gobolkii ugu dambeeyey uu maanta socdo sababta aad areenkan u keenteen?

J: “waxa keenay waxa weeyi diiwaangelin bay ahayd tira koob markay noqotay nin leh baa goosanaya waxa weeyaan sida aanu anaguna u noqonay 100. Burcana 400 u noqotay, Hargeysana Hal Milyan u noqotay dad kayagu ma ma dhalaysbaa adeer anagu mise goor walba cidhiidhi iyo cadaadis uun baanu ku jiraynaa waxa weeyi waan ka baxnay waxaad sheegaysaba, waanu ka baxaynaa arintan haddii wax laga badali waayaba”.

S: gobolada oo dhan diiwaangelin isku mid ah ayaa laga sameeyey ta kale cidan aad ku eedaynayso oo aad leedahay ciddii lahayd baa u tashatay madaxweynaha Somaliland waa nin ka soo jeeda gobolka Awdal waa masuulka ugu sareeya ee qaranka isaga ayaanay diiwaangelintu ka timid isagii illaa imika waa uu ku qanacsan yahay wixii ka soo baxay markaa miyaan la odhan Karin wixii aad shalay doonayseen baad maanta diidaysaan?

J: “anigu Somaliland ma diidanin horena waan u doonayey inaan doonayeyna adaa ogoo meel walba waan u maray Somaliland jiritaankeeda laakiin ma ogoli in Somaliland lagu baabiiyo masiirka iyo aayaha ubadkayga iyo aniga kayga in lagu baabiiyo marabo oo dad dan lihi ay ku baabiiyaan madaxweynahana ubadka reer Awdal u iibin mayno barituu xilka ka degayaa waxa weeyi nalagu beerlaxawsan maayo oo arintu waa sidaasi haddii wax laga badeli waayo yeeli mayno haddaaban ku leeyahay”.

S: Madane xuseen waxaad sheegtay in 50%   dadka reer awdal is diiwaangeliyeen gobolada kalena waxaaba la leeyahay 30% iyo 40% baa is diiwaangeliyey markaa meesha 50% is diiwaangeliyeen najax bay u muuqanaysaa Sababata aad imika u diidantihiina waxaad tidhi tirooyinkan gobolada ay soo baxeen ayaa walaaca keenay miyaan la odhan Karin markaa idinka ayaa arintaa ku degdegay?.

J: kumaanaan degdegin oo waxaa la yidhi haddaan ciyaarta maxaygaa loo lahayn habeenkii maxaa loo tumanayaa gambadho iyo kuraas baa la dul saarayey caruurta yaryar waxaana weeyi caddaaladda is diiwaangelintuna sidaa maahee 18 jir wixii ka sareeya ayaa is diiwaangeliya markaa waxaan ku idhi anaga dumarkayagu madhalays maaha. Illaa 1969-kii waxaa halkan waxaa halkan ka footaysay 34,000, Hargeysana sidaa si leeg bay ahayd anagu Somaliland waxaanu nahay organ-ka kaliya ee u daacada ayaanu nahay, balse waxa weeyi tartan siin qabiil qaran laguma noqdo, haddii wax laga badali waayo waanu ka baxaynaa somalilandna Jiri mayso haddaan ku leeyahay”.

S: Xuseen waxaad sheegtay hore in Togdheer iyo Hargeysa aad uga badanaydeen markaa dadku waa ay isyaqaanaan xuseen markaa miyaad aaminsantahay in tirada ka soo baxaday hargeysa iyo Togdheer aad ka badanaydeen haddaad reer Awdal Tihiin?

J:  Maya ma aamin sanin inaanu ka badanahay, xaqiiqda ayaanu ka dulaynaa kama badnine way naga badan yihiin, laakiin waxa weeyi xaq inta ay leeyihiin ha qaataan anaguna intayada aanu qaadano waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa anagu”.

S: Xuseenoow goboladan dhexe haddii ay ka dhacday da’da la diiwaangelinayo in ka yar la diiwaangeliyey waxa la inoo sheegay oo uu komishanku inoo sheegay in servarka marka dadka la geliyo uu kala saarayo cidii markaa aan ku haboonayn intii loo qorsheeyey uu ka saari doono taa miyaad ku qanci ladihiin?.

J: Anuu ma maqal waxaa aad sheegayso naloomana sheegin waxa weeyi marka hore maxaa loogu ogolaaday ayaa meesha taala doqon waxaa la yidhi waana la siraa waana la sababaa waana lagaga baxaa waxa weeyi anagu inta aanay waxaasi dhamaan, haddii Conclution hagaagsan aan helno oo caddaalad ah waxba kama qabno Somaliland waanu nahay anaguun nalagu dili maayee waan diidnay dadkayaguna doorasho galimaayaan waananu gubaynaa waraaqaha laftoodaba”.

S; Arintan maad ka wada socotaan masuuliyiintiina dawladda ku jirta iyo shacabkaba miyay ku wada socdaan wasiiradii xukuumadda  ee gobolka ka soo jeeday miyay kula socdaan?.

J: “Wasiiro ma rabno wasiiradu waa daba dhilifyo ma rabno madaxweynuhuna isagu jiritaankiisuu ka hadlayaa anaguna eedayn mayno laakiin waxa weeyi wixii waday diiwaangelinta ayaa xadkii ka leexday namana khuseeyaan”.

S: Waxaad ii sheegtay inaad ku socoto shir maxaa idiin go’aana ee idiin meel yaala hawsha diiwaanglintu waa gebogabo waxaana la gelayaa doorasho?

J: waxaa noo go’aan ah degdeg baan baaq u soo saaraynaa, Saylac ilaa  lughaya ilaa iyo waxa gobolka Awdal jooga ma galayaan doorasho haddii wax laga bedeli waayo qabiil ma kala adka”

S: Xuseenoow dadku waa dad isku mid ah waa dad Somaliland ah gobolo uun baa la kala degan yahay dad kala maarmaya oo meel kala tagaya maaha waxaa dad badani is weydiinayaan sababta xiligan keentay inay tahay maadaama ay doorashadii soo dhaw dahay oo arintaa madaxweynaha soo bixitaankiisa dambe ay aad uga dayrinayaan ayaa arintan keentay oo jirto qiiq isku qarin wayni taas miyaan la odhan Karin?   

J: Ma anaga? Anagu Qiiq isku qarin mayno waxa weeyi wixii cadaalad ahna diidi mayno madaxweynuhuna waa gobolka Awdal, Madaxweynaha Masiirkayaga iyo masiirka caruurtayada u iibin mayno waa sidaas oo baruu baxayaa waxa weeyi cadaalad baanu rabnaa.

Arintan ayaa ah mid ay inta badan dadka ku nool gobolka Awdal ay aamin san yihiin in diiwaangelintu gobolada kale lagu shubtay, taas oo ka dhalatay kadib natiijooyinkii diiwaangelinta ee gobolka Togdheer oo ay ka soo baxday tiro xukuumadda Rayaale aanay filanaynin, taas oo ku kaliftay xukuumaddu inay gobolka Sool iyo Sanaag oo aan qorshaha diiwaangelinta hore ugu jirin ay ogolaato inay bixiso kharashka ku baxaya hawl wadeenada diiwaangelinta si ay halkaa uga soo baxaan codad lagu dheeli tiro tirooyinka ka soo baxay Togdheer iyo Hargeysa.


Laba Sarkaal Oo Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Lagu Diley Degmada Widhwidh Iyo Caqabadah Ka Horyimi Diiwaangelinta Gobolka Sool

Widhwidh, January 4, 2009 (Haatuf) – Laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shalay lagu dilay Tuulada Widhwidh oo ka tirsan degmada Buuhoodle, kadib markii ay koox hubaysani ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Sida ay sheegeen wararka aanu ka helnay degaanka shilkaasi ka dhacay labadan Sarkaal ee dhintay ayaa waxay hogaaminayeen kooxihii diiwaangelinta ee loogu talo-galay inay ka hawl-galaan tuulada Widhwidh, hase yeeshee markii ay gaadheen Kaantaroolka magaaladaas ayay koox hubaysan oo halkaas ku sugnayd  ay rasaas huwiyeen, taas oo ay ku geeriyoodeen labada sarkaal ee ciidanka Qaranka ka tirsanaa.

Labada Sarkaal ee geeriyooday aya magacyadoodu kala ahaayeen Yuusuf Maxamed Yuusuf (Ruush) iyo Shiine Galaal.

Wararku waxa ay intaasi ku dareen in Ciidamada Qaranka Somaliland ay baacsadeen kooxdii dilka gaystay oo uu hogaaminayay nin lagu magacaabo Kayse Cabdi Yuusuf, kuwaasi oo u baxsaday tuulada lagu magacaabo Bali-cad oo ku taala dhinaca xadka dalka Itoobiya.

Waxa kale oo ay wararku sheegeen in hawl-wadeenadii diwaangelinta codbixiyayaashu ay dib ugu noqdeen Laascaanood, kadib markii shilku dhacay. Goobaha diwaangelinta ee deegaanka Widhwidh ayaa ka mid ah 12 goobood ee degmada Buhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer loo qoondeeyey inay ka dhacdo diiwaangelinta codbixiyeyaashu, kuwaasi oo ka mid ah 90 goobood oo dhawaan xukuumadda iyo Komishanku ku heshiiyeen in lagu kordhiyo goobaha diiwaangelinta gobolka Sool, si loo gaadhsiiyo diiwaangelinta deegaanadii gobolkaas ee aanay hore doorashooyinku uga dhicin, iyada oo xukuumaddu bixinayso kharashka ku baxaya.

Gobolka Sool oo diiwaangelinta codbixiyayaashu ka bilaabmeen Jimcihii doraad ayaa la xaqiijiyey in ilaa iyo hadda ay diiwaangelintu ka socoto deegaamada cusub ee la kordhiyey: gudaha magaalada Laascaanood oo 34 goobood ah, degmada cusub ee Kalabaydh iyo tuulooyinka Saalax-dheer iyo Dharkayn-geyo, Sidoo kale, waxay diiwaangelintu si caadi ah uga socotaa degmooyinka Caynaba iyo Yagoori, hase yeeshee waxa aanay ilaa shalay ka bilaabmin degmooyinka Xuddun, Taleex, Boocame iyo Buuhoodle.

Degmada Xuddun oo iyaduna ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegay in hawlwadeenada diiwaangelinta oo habeen hore halkaas gaadhay la dejiyey Iskuul duleedka magaaladaas ku yaal, halkaas oo ay ciidamada qaranku ku ilaalinayaan, kuwaas oo sida la sheegay aan geli karin gudaha magaalada Xudun.

Qaar ka mid ah hawl-wadeenada ka hawl-gelaya diiwaangelinta degmada Xuddun ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka degmada Xuddun ay aad uga soo horjeedaan diiwaangelinta, sidaa darteed aanay dhexgeli karin oo ay ka baqayaan in dumarka iyo caruurtu dhagax tuuraan. Hase yeeshee, waxa la sheegay inaanay deegaanadaasi joogin maleeshiyaad Puntland ah, iyadoo sida la sheegayo maalin ka hor laga saaray magaaladaas kooxo Puntland taageersan oo halkaa iska abaabulay si ay u horjoogsadaan diiwaangelinta.

Diiwaangelinta deegaamadaas ee ay xukuumaddu maalgelinayso – sidii bariga gobolka Sanaag – waxa horkacaya wasiiro iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ka tirsan, kuwaas oo aan kalsooni ku lahayn dadka deegaanka, horena aan u tegi jirin, iyada oo degmooyinkaasi aanu ka dhisnayn wax maamul ah oo Somaliland ah.

Sidoo kale boqolaal ka mid ah dadka deegaankaas u dhashay oo ciidanka qaranka ugu qoran inay ka joogaan deegaanadaas ayaa la ogeyn meel ay hadda ku sugan yihiin, waxaana loo malaynayaa inay boqolaalkaasi ka mid yihiin uun waxa loogu yeedho caaglayaasha.


Maamulka Gobolka Awdal Iyo Qaybo Ka Mid Ah Dadweynaha Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyey Warar Ay Warbaahinta Qaarkood Baahiyeen

Boorama, January 4, 2009 (Haatuf) - Qaybo ka mid dadweynaha Boorama iyo masuulyiinta maamulka dawladda ee gobolka Awdal ayaa shalay dareen cadho leh ka muujiyey, isla markaana cambaareeyey  qoraal shalay lagu baahiyey wargeyska saxansaxo, kaas oo sida la sheegaya baahiyey warar ku saabsan in  qaybo ka mid ah  dadka reer Awdal doonayaa inay shaki geliyaan qaranimada Somaliland.

Dareenkan oo sida la sheegay ka dhashay wararka ku saabsan  natiijada diiwaangeliintii gobolka ka dhacday sanadkii hore  dhamaadkiisii iyo arimo kale oo wargeyska saxansaxo laga soo xigtay inay yihiin kuwa ku saabsan  saluugga saamiga reer Awdal ee golayaasha ayaa qaar badan oo ka mid ah qaybaha dadweynaha  ku nool Boorama ka diideen nuxurkiisa, isla markaana u qaatay inay yihiin warar  dhaawac ku ah sumcadda reer Boorama  ee dhinaca dawladnimada Somaliland.

Haddaba markaad eegto guuxa magaalada ku jira  ee arrintaasi iyo  wararka lagu daabacay wargeyska Saxansaxo ayaa dad badani ku tilmaameen inay yihiin kuwa xaqiiqada ka fog isla markaana iska horkeenaya shacbiga Somaliland iyo reer Awdal oo maanta haya madaxtinnimada dalka, sidaa darteedna arrimahaasi aanay ahayn kuwo is qabta  sidaa darteedna wargeyska saxansaxo  u badheedhay  caddayntiisana looga fadhiyo.

Dareenka ku saabsan wararkan ayaa sidoo kale  Hargeysa kasoo dhaqaajiyey  xubno ka tirsan masuulyiinta reer Awdal kaga jira Golayaasha wasiirada, baarlamaanka, guurtida, hay'adaha nabadgelyada kuwaas oo ka argagaxay  waxa laga soo sheegayo dadkii ama gobolkii ay u metalayeen dawladda Somaliland, kuwaas oo  sugayey bayaan arimahaasi ku saabsan oo sida wargeyska laga soo xigtay maanta Boorama laga soo saari lahaa, balse ilaa imika aan la ogeyn meeshuu ku dambeeyey oo cidda soo saaraysayba.

Inkastoo shalay qaar ka mid ah madaxdhaqameedyada gobolka Awdal doonayeen inay arrinta diiwaangelinta rayigooda ka dhiibtaan, balse dhinaca kale waxa hadalkoodaasi qariyey  ama ka aamusiiyey guuxa ku saabsan qoraalka wargeyska laga soo xigtay ee magaalada dhex wareegaya, kaas oo ay u arkeen in waxay doonayeen inay ka hadlaan iyo warka laga sheegayo gobolku yihiin kuwa kala fog siina xumayn kara xaaladda  iyo tuhunka  lagu sheegay in dadweynaha gobolku ka tashanayaan ka mid ahaanshaha Somaliland, midnimada iyo qarannimada Somaliland, iyagoo dhinaca kalena qaar ka mid ah madaxdhaqameedyadaasi  eedeymo kulul usoo jeediyey qurba joogga reer Awdal oo waayadan dambe  buunbuuninayey arrintaasi, iyagoo ku tilmaamay kuwa aan waxba ka ogeyn aasaaskii qaranimada Somaliland  ee Reer Awdal aqbaleen soona dhaweeyeen, kuwas oo ay ku tilmaameen  inay doonayaan inay dab kala dhexdhigaan  dadweynahah reer Awdal iyo reer Somaliland.

Dhinaca kale  dareenka maamulka dawladdu ka muujiyey  arintaasi ayaa sidoo kale loo arkayey inuu ahaa mid cadho leh iyagoo masuulyiinta wargeyska Saxansaxo ku tilmaamay  kuwa ka shaqaynaya iskudirka shicib dalka, iyadoo dhinaca kalena  ku ballanqaaday inay tallaabo sharciga la xidhiidha ka qaadi doonaan ciddii ka dambaysay faafinta wararkaasi iyagoo u qaatay in wararkani yihiin  kuwa la xidhiidha  arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah dawladda iyo dadweynahaba.

inkastoo ay beryahanba iska jirtay cabashooyinka reer awdal ee diiwaangelintu, balse dadka qaarkii ayaa ku doodaya in arrinta ku saabsan diiwaangelinta aan lagu xidhin qaranimada dalka, reer Somalilandna la kala dhexdhigo tafaraaruq.

dadka hadlayey arrintaasi, isla markaana wararkaasi wargeyska lagasoo xigtay  markii hore moodayey Haatuf, magaca wargeyska Saxansaxana ku adkaaday ama aanay aragba waxa uu qoray ayaa  siyaalo kala duwan cadhadooda u cabbiray.

C/laahi Xuseen oo ganacsade ah ayaa yidhi "maantana  ma  waxaad tidhaahdeen reer Booramaa Somaliland ka baxay, xaggey tagayaan kuwa sidaa lihi, miyaanay ogeyn dhibtii naga soo gaadhay dawladd la'aantii, arrintu maanta ma joogto dalade waxay joogtaa sideen tiro sugan u hellaa ''

Maxmuud Jaamac oo shaqaale ah ayaa yidhi “horta waa kala labo waxa laga hadlayo ee laga cabanayo iyo dawladdu wixii ka khaldan  waa la ogaanayaa, wixii kalese waxaan u arkaa uun  xaalad abuuris, Arrinta diiwaangelinta gobol kastaa wuu ka cabanayaa, laakiin aakhirataanka bahalka layidhaa Serverka uunbaa ugu dambeeya  tiro sheegista"

Axmed C/laahi ayaa isna yidhi  "haddanna nahay reer Boorama waxan taageernay diiwaangelintii ,daldalool ha lahaatee waa wax dadku wada sheegayo,mase aha in arrimaha qaar lagu qaldo diiwaangelinta arrinta saaka la sheegeyaayi way dhaafsantahay waddaniunimada"

Aadan   Maxamuud  ayaa isna yidhi 'arrimaha qaar waa laga badbadinayaa ,waana innagu ceeb in maanta oo an soomaaliland madaxdeedii nahay  waxaasoo kale la innagu xanto ,ciddii waaxse qortayna waa in maxkamad la geeyaa "

Si kastab ha ahaatee in kastoo hadalkan lagasoo xigtay Saxanaxo arennada laga bixiyey bilow ahaayeen ,balse waxa laga yaabaa inay saamaynta wrakaasi  uu  kicin doono dedal xukuumadda iyo shicibka gobolkuba ka  galaan sidii  dhegxumadiisa loo tirtiri lahaa ,iyadoo laga yaabo in maamulka wargeyska Saxansaxo  uu markii u horreysay  ee reer Awdal farta isugu fiiqaan.


“Jaamacad Ayaanu Ka Dhigaynaa Dugsiga Sare Ee Qalax, Dadka Iska Diiwaangeliyey Gebiley Qof Laba Jeer La Diiwaangeliyey Ma Jiro

Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Cabdi Xabiib, Waraysi

Hargeysa, January 4,2009 (Haatuf)- Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Axmed Cabdi Xabiib ayaa sheegay in xarunta dugsiga sare ee Qalax ay ka hirgelin doonaan jaamacad cusub oo la yidhaahdo timacade University, isagoo intaa ku daray in jidka cusub ee laamida ah ee laga bilaabay gudaha magaalada ay ku bixi doonto lacag dhan $65,000, isago intaa ku daray in dad kii iska diiwaangeliyey gobolka Gabilay aany jirin qof laba goor la diiwaangeiyey balse uu tilmaamay in dad badan mudadii diiwaangelintu ka dhacday oo waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay magaalda Hargeysa, taas oo uu kaga hadlay arimo ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya gobolka iyo gobolada dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka gabiley oo ka waramaya wixii u qabsoomay sanadkii hore ee 2008, waxaa yidhi “ gobolkani waxa uu ahaa goboladii cusub ee la magacaabay march 2008 ee sanadkii hore ka horna waxa uu darajadiisu u dhigmayey darajada A ee goboladii hore oo la odhan jiray lixda gobol iyo gabiley.

20 kii bishii July 2008 ayaa la dhisay maamulka gobolka oo loo magacaabay guddoomiye, guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye.

28 kii july 2007-dii ayaanu xilka la wareegnay waxaanu markiiba hawshii ugu horaysay dhidibada u taagnay xarunta maamulka gobolka oo aanu qalabaynay intaa ka bacdi waxaanu kulano la yeelanay cuqaasha iyo bulshada reer gabiley oo aanu tusaalaynay doorkooda waxqabadka ee kaga beegan horumarinta gobolka, runtii waxyaalaha noo qabsoomay mudadaa kooban waxaa ka mid ah dardargelinta hay’adaha dawlada oo isku bedelay heer gobol taas oo wada tashi iyo kulano aanu hay’adaha dawlada oo hore u sii magacawnaa waxa kale oo noo suuragalay inaanu jaamaad timacade university ka aasaasno gobolka labadii sano ee ugu dambeeey qoysas gaadhaya 350 qoys ayaa ka soo guuray gabiley oo u soo wareegay Hargeysa iyo boorama kuwaas oo ardaydii dugsiyada sare ka baxday intii dhaqaale haysatayna ay jaamacadaha camuud iyo hargeysa galeen ardaydii kale ee duruufta dhaqaale u saamixi waydayna markii ay waayeen ay halkaasi ku waxbarasho waayeen qaar kalana ay tahriib u galeen xeebaha shisheeye, taas darteedna markii aanu aragnay in hadii aan jaamacad loo helin gobolka ay dhalinyaradeedu noloshoodu khatar ku jirto taasina waxay keentay in waxgaradkii cuqaashii iyo xildhibaanadii gobolku aanu madaxweynaha ula tango codsi jaamcadeed madaxweynuhu wuu naga aqblay waxaanu laysku raacay in jaamacadaasi xarun ay u noqoto dugsiga sare ee qalax oo hada la yidhaahdo Tima cade, wakhtigan xaadirka ah oo ay wax ku dhigtaan ardayda dugsiyada sare balse wuxuu jira dugsi sare oo magaalada koonfurteeda laga dhisay oo ka kooban afar galaas iyo laba xafiis oo markii ardayda uu qaadi waayey dugsiyada qalax laysugu keenay hay’adii sare ayaananu ka codsanay in dugsiyada sare ee hore ay afar gilaas noogu darto dhismahaaasi galaasyada cusub oo anau rajaynayno bilaha January iyo February la dhamaystiro oo aanu dugsiga cusub ardayda usoo wareejino xarunta jaamacaduna noqoto dusiga tima cade waxa kale oo  suura gashay inaanu magacawno gudida horumarinta gobolka oo isugu jira ganacsato aqoonyahano iyo waxgarad shuruucdoodiina waanu samaynay, hawlgaladoodiina way bilaabeen, waana guddi ka madax banaan siyaasad oo dhaqaale horumarineed isku soo duba riday waxa kale oo noo suurtagalay inaanu bilawno dhismaha wadadii farasmagaalaha oo muddo dheer dayacnayd waxaa kle oo aanu doonaynaa inaanu ku darno birish loo sameeyo dugsiga Tima cade iyo magaalada dhexdeeda oo marka ay roobabku da’aan daadka ka soo rogmada dooxaa ay ardayda dugsiga ka soo talaabi kari waayaan dooxa, dhismaha biriishkana waxaanu doonaynaa inaanu wadada ka dib bilawno waxaana noo qorshaysan tirad ardayda dugsiyada gabiley wax ka barataa oo gaadhiysa 6500 oo arday in intii qaadhaan dhaqaale bixin karta ardayda laga soo uruuriyo biriishkaana dhaqaajino ayaanu ku rajo waynahay, dhinaca biyaha sanadkiii 2007 waxaa ceel biyood laga sameeyey deegaanka botor sanadkii 2008 waxaa laga qoday laba ceel oo biyo macaan oo aanu rabno in loo kala weeciyo ceelashaasi gabiley iyo wajaale si bulshadu u hesho biyo macaan oo ku filan waxaa kale oo ay hay’ada oxfarm noo dayac tirtay ceelashii geed balaadh iyo dameero bob oo ay xoolihu jilaalkii ka cabi jireen kawaas oo loo sameeyey meelihii ay xooluhu ka cabayaan iyo meelihi laga dhaaminayey xaga biyahana runtii horumar waxa ku oola ayuu gobolku ka sameeyey dhinaca kale cisbitaalkii degmada oo u baahan dhisma balaadhan waxaa qaadhaankiisii ku guda jira gudidaasi dawladuna inta kaga beegan dhaqaalaha dhismaha cusbitaalka way bixinaysaa horana way u balan qaaday, insha alaahu waxaanu cusbi taalku noo bilawdo 2009ka waxa kale oo aan safaro ugu baxnay dalalka UK, Sweden, Norway oo aanu kala soo hadalnay jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalkaasi ku dhaqan hawlaha arin qaran iyo sidii ay wax ugu soo qaban la haayeen gobolka gabiley oo muddo 50 sano ah heer gobl sugaayey waxaana jaaliyadahaasi reer Somaliland  ka mid ah jaaliyada Finland oo kale waxay iyagu soo dirayeen gaadhigi maamulka jaamacada, jaaliyada Sweden waxay  soo dirayeen Bus kii Jaaliyada UK, iyagana waxaanu kala hadalnay in muddo sadex sano ah ay naga caawiyaan xaga macalimiinta iyo dhismaha jaamacada, jaaliyada Norway iyaguna waxay balan qaadeen in $50,000 oo dolar ay jaamacada ugu soo deeqayaan iyo cusbitaalka laftiisa wixii ay ku soo tarayaan runtiina waxaanu u rajo waynahay in 2009 ka ay hirgelinta dhismayaasha wadooyinka cusbitaalka iyo jaamcaduba noo dhamaan doonaan.

Waxaa kale oo aanu maamul gobol ahaan door muhiima ka qaadanay wacyigelintii diiwaangelinta codbixiyaasha oo bulshada iska diiwaangelisa tiradeeda guud ay saaman ku yeelan karto bulshada ku nool gobolka anagoo ku dadaalaynay inaanu la tartano tirade dadka ku dhaqan goboladii hore runtii riyadayadii waxbadan ayaa nooga rumoobay bulshada reer Gabileyna waan ku muujiyeen diiwaangelinta ta kale golaha deegaanka gabiley oo ahaa golaha khilaafka golayaasha deegaanka dalka ee uu wiiqay khilaafaadku intii heerka gobol khilaaf khaasi waanu xalinay shirar baanuna ka wada galnay dhinaca wada shaqaynta gobol ahaan iyo degmo ahaanba taasina waa ta suura galisay in mudadii ka soo wareegtay magacaabida gobolnimo ay wax badani iska bedeleen golihii deegaanka gabiley”

Waxaa uu intaas ku daray badhaasbku waxa u qorshaysan mustaqbalka dhaw “ waxaa kale oo noo qorshaysan in biyo galin lagu sameeyo magaalooyinka gabiley kale baydh iyo wajaale, in gobolka laga hirgeliyo iskaa wax u qabso, dhalinyaradana loo sameeyo garoomo ay ku badaha kale duwan ku ciyaaraan laguna wacyi geliyo mushkilada tahriibka iyo dhaqan xumaada sidaa darteed waxaan halkan baaq uga jeedinayaa jaaliyadaha reer Somaliland ee dalalka  dibadaha ku kala dhaqan gaar ahaan bulshada reer gabiley inay dalkooda horumarintiisa doorkood ka soo qaataan oo wixii dib u dhiska qaranka khuseeya anaay ku kala aragti duwanaanin oo ay mawqif midayan ka istaagaan arimaha danta qaranka ayaan ugu baaqayaa”

S: goormaa laga yaaba in jaamacada cusub ee gobolku ay furanto ?

J: jaamacada dhismaheeda Hay’ada DRC ayaa balan qaaday hadana waxay ku jiraan dhismayaashii dugsiyada gobolada bariga oo ay hada bilaabeen waxaana ii sheegeen in qandaraskii ay bixiyeen oo ay marxaladii ugu dambeysay marayso waxaana rajaynayaa in bisha February 2009 ay hirgelin doonto.

S: jidkan cusub ee lamida wadada farasmagaalaha ee hada bilawdeen yaa maalgelintiisa kharashka dayac tirka bixiyey kharashka ku baxaya qiyaastiistay leegtahay  ma noo sheegi kartaa iyo masaafada laamida laga dhigayo ?

J: kharashkan hordhaca ah ee lagu bilaabay waxa bixisay dawlada hoose qandaraaskaabana lagu bixiyey lacag dhawr iyo lixdan kun oo dolar gaadhaysa ayaana ku baxaysa taas oo waliba ay dawlada hoose daamurkii lagu samaynayey soo iibsatay, haseyeeshee ilaa 1 KM ayaa la dhigayaa laamida waxaananu rajaynaynaa inaanu ilaa dugsiga qalax jidkaasi sii wadno, balse maalgalinta kharashka ku baxaya jidka intiisa kala waxaanu u bandigayna in bulshadu ay doorkeeda ka qaadato kharashka ku baxaya jidkaa intiisa kale.

S:kharashkii lagu dhisi lahaa cusbitaalka gabiley waxaa lagu daray miisaaniyadihii 2007-dii iyo 2008 ee golaha wakiiladu ansixiyeen arinkaasi maxaa ka hirgalay halkaysa ku dambaysay ?

J: lacagtaasi miisaaniayda way ku jirtay madaxweynuhuna wuu amray in cusbitaalka la dhiso, wasaarada maaliyadana waa la faray waxaanan rajaynayaa in dhawaan ay lacag taasi xaga dawlada ka timaado si loo bilaabo dhismaha cusbitaalka.

S: waxaa jiray dhawaan gaadiid Somaliland ah oo xadka dalka Itoobiya  ee dhinaca wajaale ay dawlada Itoobiya ku xayirtay arinkaasi gobol xidhiidhkase idinka dhexeeya gobol ahaan sidee buu yahay ?

J: xidhiidhku runtii meel fiican ayuu marayaa, waxaa dhawaan jiray gaadhi ay koox budhcad ahi ka afduubtay alaybaday oo lala tagay Harta sheekha waysoo celiyeen waanuna ka wada hadalnay intii ka dambeysay markii qaraxda argagixiso ka dhaceen caasimada 29 kii October 2008, kaantarool adag bay ku sameeyeen dhinaca xuduuda laakiin maamulada tog-wajaale iyo awbare  labada dal si  fiican ayey u wada shaqayeen, degmooyinka alaybaday iyo qabri bayax si fiican ayey u wada shaqeeyaan, masuuliyiinta dhinaca itoobiya xidhiidh fiican ayaa naga dhexeeya gobol ahaan.

S:gobolka waxaa iska diiwaangeliyey dad aad u badan maxaa suurta galiyey dadka intaa leeg inay is diiwaangeliyaan ?

J: horta gobolka gabiley waxay dadku xidhidhsan yihiin oo aanad arkayn meel aad lugta ku martaba waxaan ku sheegayaa in ila afartii subaxnimo ay dadweynuhu safafka ku jireen Wajaale, Allaybaday, geed balaadh iyo goobo ka mida Gabilay  taas oo aanay dadku u haysan inay dib u soo noqonayso diiwaangelintu.

Waxaana aaminsanahay in dadka iska diiwaangeliyey gabiley aanu jirin qof kaliya oo laba jeer isdiiwaangeliyey balse intii joogtayba uu wakhtigii ka dhacay iyagoon is diiwaangelin.

S; mudada 15-ka maalmood ee gobolkasta loo qoondeeyey in goobo cayiman lagu diiwaangeliyo dadkii hadhsanaa maxaad isleedahay dad intee leeg ayaa iska diiwaangelin doona, gabilay ?

J: horta sanaaduuq da la geeyey goobaha iyo dadku way kala badnaayeen oo goobaha ayey sanaaduuqdu ku yareeyeen degmada wajaale oo dad tiro badan ku nool yihiin waxa la geeyey 7 sanduuq oo kaliya, sidaa daraadeed inkastoo ay goobuhu xadiidnaan doonaan hadana waxaan rajaynaynaa in dad tiro badana mudadaa kooban iska diiwaangelin doonaan gobolka gabilay


Maamulka Gobolka Awdal Iyo Qaybo Ka Mid Ah Dadweynaha Oo Dareen Cadho Leh Ka Muujiyey Warar Ay Warbaahinta Qaarkood Baahiyeen

Boorama, January 4, 2009 (Haatuf) - Qaybo ka mid dadweynaha Boorama iyo masuulyiinta maamulka dawladda ee gobolka Awdal ayaa shalay dareen cadho leh ka muujiyey, isla markaana cambaareeyey  qoraal shalay lagu baahiyey wargeyska saxansaxo, kaas oo sida la sheegaya baahiyey warar ku saabsan in  qaybo ka mid ah  dadka reer Awdal doonayaa inay shaki geliyaan qaranimada Somaliland.

Dareenkan oo sida la sheegay ka dhashay wararka ku saabsan  natiijada diiwaangeliintii gobolka ka dhacday sanadkii hore  dhamaadkiisii iyo arimo kale oo wargeyska saxansaxo laga soo xigtay inay yihiin kuwa ku saabsan  saluugga saamiga reer Awdal ee golayaasha ayaa qaar badan oo ka mid ah qaybaha dadweynaha  ku nool Boorama ka diideen nuxurkiisa, isla markaana u qaatay inay yihiin warar  dhaawac ku ah sumcadda reer Boorama  ee dhinaca dawladnimada Somaliland.

Haddaba markaad eegto guuxa magaalada ku jira  ee arrintaasi iyo  wararka lagu daabacay wargeyska Saxansaxo ayaa dad badani ku tilmaameen inay yihiin kuwa xaqiiqada ka fog isla markaana iska horkeenaya shacbiga Somaliland iyo reer Awdal oo maanta haya madaxtinnimada dalka, sidaa darteedna arrimahaasi aanay ahayn kuwo is qabta  sidaa darteedna wargeyska saxansaxo  u badheedhay  caddayntiisana looga fadhiyo.

Dareenka ku saabsan wararkan ayaa sidoo kale  Hargeysa kasoo dhaqaajiyey  xubno ka tirsan masuulyiinta reer Awdal kaga jira Golayaasha wasiirada, baarlamaanka, guurtida, hay'adaha nabadgelyada kuwaas oo ka argagaxay  waxa laga soo sheegayo dadkii ama gobolkii ay u metalayeen dawladda Somaliland, kuwaas oo  sugayey bayaan arimahaasi ku saabsan oo sida wargeyska laga soo xigtay maanta Boorama laga soo saari lahaa, balse ilaa imika aan la ogeyn meeshuu ku dambeeyey oo cidda soo saaraysayba.

Inkastoo shalay qaar ka mid ah madaxdhaqameedyada gobolka Awdal doonayeen inay arrinta diiwaangelinta rayigooda ka dhiibtaan, balse dhinaca kale waxa hadalkoodaasi qariyey  ama ka aamusiiyey guuxa ku saabsan qoraalka wargeyska laga soo xigtay ee magaalada dhex wareegaya, kaas oo ay u arkeen in waxay doonayeen inay ka hadlaan iyo warka laga sheegayo gobolku yihiin kuwa kala fog siina xumayn kara xaaladda  iyo tuhunka  lagu sheegay in dadweynaha gobolku ka tashanayaan ka mid ahaanshaha Somaliland, midnimada iyo qarannimada Somaliland, iyagoo dhinaca kalena qaar ka mid ah madaxdhaqameedyadaasi  eedeymo kulul usoo jeediyey qurba joogga reer Awdal oo waayadan dambe  buunbuuninayey arrintaasi, iyagoo ku tilmaamay kuwa aan waxba ka ogeyn aasaaskii qaranimada Somaliland  ee Reer Awdal aqbaleen soona dhaweeyeen, kuwas oo ay ku tilmaameen  inay doonayaan inay dab kala dhexdhigaan  dadweynahah reer Awdal iyo reer Somaliland.

Dhinaca kale  dareenka maamulka dawladdu ka muujiyey  arintaasi ayaa sidoo kale loo arkayey inuu ahaa mid cadho leh iyagoo masuulyiinta wargeyska Saxansaxo ku tilmaamay  kuwa ka shaqaynaya iskudirka shicib dalka, iyadoo dhinaca kalena  ku ballanqaaday inay tallaabo sharciga la xidhiidha ka qaadi doonaan ciddii ka dambaysay faafinta wararkaasi iyagoo u qaatay in wararkani yihiin  kuwa la xidhiidha  arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah dawladda iyo dadweynahaba.

inkastoo ay beryahanba iska jirtay cabashooyinka reer awdal ee diiwaangelintu, balse dadka qaarkii ayaa ku doodaya in arrinta ku saabsan diiwaangelinta aan lagu xidhin qaranimada dalka, reer Somalilandna la kala dhexdhigo tafaraaruq.

dadka hadlayey arrintaasi, isla markaana wararkaasi wargeyska lagasoo xigtay  markii hore moodayey Haatuf, magaca wargeyska Saxansaxana ku adkaaday ama aanay aragba waxa uu qoray ayaa  siyaalo kala duwan cadhadooda u cabbiray.

C/laahi Xuseen oo ganacsade ah ayaa yidhi "maantana  ma  waxaad tidhaahdeen reer Booramaa Somaliland ka baxay, xaggey tagayaan kuwa sidaa lihi, miyaanay ogeyn dhibtii naga soo gaadhay dawladd la'aantii, arrintu maanta ma joogto dalade waxay joogtaa sideen tiro sugan u hellaa ''

Maxmuud Jaamac oo shaqaale ah ayaa yidhi “horta waa kala labo waxa laga hadlayo ee laga cabanayo iyo dawladdu wixii ka khaldan  waa la ogaanayaa, wixii kalese waxaan u arkaa uun  xaalad abuuris, Arrinta diiwaangelinta gobol kastaa wuu ka cabanayaa, laakiin aakhirataanka bahalka layidhaa Serverka uunbaa ugu dambeeya  tiro sheegista"

Axmed C/laahi ayaa isna yidhi  "haddanna nahay reer Boorama waxan taageernay diiwaangelintii ,daldalool ha lahaatee waa wax dadku wada sheegayo,mase aha in arrimaha qaar lagu qaldo diiwaangelinta arrinta saaka la sheegeyaayi way dhaafsantahay waddaniunimada"

Aadan   Maxamuud  ayaa isna yidhi 'arrimaha qaar waa laga badbadinayaa ,waana innagu ceeb in maanta oo an soomaaliland madaxdeedii nahay  waxaasoo kale la innagu xanto ,ciddii waaxse qortayna waa in maxkamad la geeyaa "

Si kastab ha ahaatee in kastoo hadalkan lagasoo xigtay Saxanaxo arennada laga bixiyey bilow ahaayeen ,balse waxa laga yaabaa inay saamaynta wrakaasi  uu  kicin doono dedal xukuumadda iyo shicibka gobolkuba ka  galaan sidii  dhegxumadiisa loo tirtiri lahaa ,iyadoo laga yaabo in maamulka wargeyska Saxansaxo  uu markii u horreysay  ee reer Awdal farta isugu fiiqaan.


Bixitaanka Itoobiya Iyo Maxkamadaha Islaamiga Oo La Wareegay Fadhiisimo Ay Ka Guureen

Muqdiho, January 4, 2009 (W.Wararka) - Maxkamadaha islaamiga ayaa la wareegay amaanka saddex goobood oo ka mid ah saldhigyada ku yaala gudaha magaalada muqdisho, kuwaas oo sheegay inay tageen goobtaasi oo aanay joogin wax ciidan ah oo ka taliya halkaasi sida uu warbaahinta u xaqiijiyey afhayeenka hawlgalada ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Cadoow oo u waramayay warbaahinta halkaasi.

Goobahan ay Fadhiisimada ka samaysteen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga degamada Huriwaa, Hodon iyo Howlwadaag, kuwaasi oo ahaa kuwa cidlo ah islamarkaana aanay jirin wax ciidan ah oo maamulayay goobtaasi ka hor inta aanay tagin halkaasi ciidamado ka tirsan Maxaakiimta.

Sheikh C/raxiin ciise Cawdoow waxaa kale oo uu sheegay in saldhigydaasi ay u tageen ammaanka shacbiga gaar ahaan kuwa fara ku tiriska ah ee ku hadhay xaafadaha ay ku yaalaan saldhigyadaasi, isagoo intaasi raaciyay inay ka hortagayaan waxii dhib u keenaya Bulshada soomaaliya.

Hadalka Afhayeenka dhinaca howlagada ciidamada Maxkamadaha islaamiga sheikh C/raxiin Ciise Cadoow ayaa ku soo beegmaya xili uu taagan yahay Guux fara badan oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Itoobiya qeybaha ay ka daganyihiin magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qorshaynaya inay baneeyaan goobahaasi, taas oo la filayo in ciidamaada Maxkamadaha islaamiga ay la wareegaan goobtaasi marka ay ka baxaan ciidamada Itoobiya.

Goobaha ay haatan fadhsiimaha ka samaysteen ciidamada Maxkamadaha islaamiga ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo fara badan oo watta hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo aan saxaafadda u ogallaan inay wax sawir ah ka qaadaan.

Balse mar ay saxaafadu wax ka weydiisay afhayeenka hawlgalada ciidamada maxaakiibta haddii ay ciidamada Itoobiya wada baxaan magaalada muqdisho ay gacan ku haynteeda la wada wareegi doonaan iyo in kale ayaa ka gaabsaday su,aashaasi inuu ka jawaabo.

Dhinaca kale afhayeenka maxkamadaha islaamka dhinaca milatariga ah ayaa carabka kusii adkeeyey inay sii wadi doonaan sugidda amaanka caasimada muqdisho iyagoo kaashanaya shacabka ku dhaqan gobolka banaadir islamrkaana meesha ka saaray inay cidna kasoo horjeedaan, tilmaamayna inay culimo’udiinka soomaaliyeed looga baahan yahay inay xaliyaan khilaafka ka dhex jira culumo’udiinka.

Waxaana uu yidhi isaga oo arintaasi ka hadlaya "waxaan jeclahay in dhamaan Mujaahidiintu ay midoobaan maadama ay ka guulaysteen cadowgooda". ayuu yidhi Sh, Cabdiraxiin Caddoow

Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa shalay laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo milatari oo ay ku talaabsadeen ciidamada mucaaridka dhinaca sheikh  Shariif,  taasoo ay dadka badankiisu soo dhoweeyeen waloow ay dadyow kalena qabaan inay keeni karaan khilaaf siyaasadeed oo kale oo ka dhex abuurma xoogaga islaamiyiinta.


Madaxwayne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku SooMaray Goobaha Diiwaangelintu Ka Socoto Ee Gobolka Laascaanood

Laascaanood, January 4, 2009 (W.Wararka) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa kormeer ku soo maray goobaha diiwaangelintu ka socoto ee gobolka laascaanood, kaas oo goobihii uu soo maray dadweynihii iska diiwaangelinayey ku booriyey inay si habsami leh ay u gutaan diiwaangelinta illaaliyaana babad gelyada.

Kormeerkan indho indhaynta ah ee uu madaxweyne ku-xigeenku ku soo kala bixiyey goobaha diiwaangelintu ka socoto ee gobolka Sool ayaa waxaa hor kacayey goddoomiyaha gobolka Sool Cali Maxamuud Axmed iyo guddoomiyaha ku-xigeenka Sool Maxamed Faarax Maxamuud.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa goobihii uu tagay waxa uu ka dhagaystay qaabka diiwaangelintu u socoto iyo waxa cilad ahi inay ku yimaadeen iyo waliba dhanka amniga, taas oo uu u hadlayey goobtaasi Gudoomiyaha goobtaasi iyagoo si wayn uga war bixinyey qaabka ay diiwaangelintu u socoto.

Mar uu ka hadlayay Gudoomiyaha Goobta Diiwaangelinta kasoo horjeedka Masjidul Hudda ee koonfurta magaalada ayaa waxa uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay qaabka uu hawshiisa uu u wato iyada oo aanay jirin wax cilad ah oo ku timi iyo waliba isagoo si weyn u amaanay dhanka amaanka oo uu sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay amiga magaalada oo aad u sareeya.

Hadaba madaxwayanaha ayaa waxa uu dhamaanba ka dhagaystay goobihii uu tagay qaabka iyo sida ay hawshu usocoto iyagoo dhamaanba goobahaasi ay xusayeen inay si wanaagsan hawshoodii u wateen, taas oo ugu danbanytii uu madaxwaynuhu uu kusoo laabtay hoygii uu ka daganaa magaalada Laascaanood.


Dab Khasaare U Geystay Guri Ku Yaal Xaafada ShacabkaIyo Caasimadda Oo Ay Dhibaato Ka Haysato Qalabka Dabdamiska

Hargeysa, January 04,2008 (Haatuf)- abaaro 5:20 daqiiqo saacadu markay ahayd ayaa guri daar ah oo ku yaal xaafada shacabka una dhaw macradka baabuurta ee Shaybe ee magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaan-ba gubtay ka dib markii  xadhkaha laydhka ee guriga gudihiisu Shoodh ka dhashay, taas oo keentay in dab ka dhasho isla markaana uu waxyeelo wayn gaadhsiiyey, taas oo agabkii guriga yaalay uu  dhamaantiiba shufbeelay.

Gurigan oo ahaa guri dhagax ah ayaan qof-na wax ku noqon oo caruurtii iyo haweenkiiba ka samatabexeen ka dib markii dadkii jaarka la ahaa iyo dadweynihii u soo gurmadeen, iyagoo ay halkaas iskugu yimaadeen dadweyne faro badan, kuwaas oo si degdega u bilaabay bakhtiinta dabka iyagoo isticmaalayey ciida iyo biyaha oo ay wadeen booyado shicib oo ah kuwa biyaha dhaamiya.

Sida uu Haatuf u xaqiijiyey guddoomiyaha wargeyska Jamhuuriya Faysal Cali Sheekh oo guriga lahaa isla markaana ay qoyskiisu daganaayeen ayaa isagoo ka waramay sababta keentay gubashada guriga ayaa waxa uu yidhi “ laydhka guriga gudihiisa ku jira ayaa shoodh yeeshay ka dib waan bakhtiiyey, dabadeedna waxaan u doonay qof dabka laydhka yaqaan si loo hagaajiyo, intii aan ku maqnaa ayey caruurtu laydhkii sii shideen taas oo shoodhkii bilaabmay ayaana keentay sababta gubashada guriga”

Ma jirin gurmad dhinaca xukuumada ka socda oo ka soo qaybgalay bakhtiinta dabka guriga qabsaday, waxaa iyagu goobtaas ka muuqday dhawr askari oo dadka kala celinayey, aakhiritaankii 7:15 daqiiqadood ayey ku guuleysteen dadweynihii oo adeegsanaya dhawr booyadood oo kuwa biyaha dhaamiya ah inay bakhtiiyaan dhamaan dabkii ka holcayey guriga, iyadoo ay halkaasi mardambe oo dabkii dhamaaday ay soo gaadhay booyad yar oo nooca dab damiska ah oo ay leedahay shirkada Dahabshiil, taas oo dib usoo laabatay ka dib markii dabkii horteed la bakhtiiyey.

Ugu dambeyntii wax masuul ah oo dawlada ka tirsan waxaa yimid taliyaha ciidanka Bileyska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad oo hortii hawlihii gurmadka dabka la soo gebogabeeey taas oo guud ahaan gurigii halkaa ku shuf beelay.

Guud ahaan xukuumada Somaliland ayaan lahayn gaadiidka dab dabdamiska ee gurmadka meelaha gubta, taas oo sanadahan u dambeeyey marka guri ama meel kale dab ka dhasho ay sidaas ku baaba’aan taas oo dadweynaha ku kaliftay inay iyagu gacmahooda ku bakhtiiyaan intii ay kari karaan.


Suuq Ku Yaala Xaafadda Islii Ee Somalidu Ka Degto Nairobi Oo Dab Qabsaday

Nairobi, January 4, 2009 W.Wararka) – Suuqa ku yaala xaafada ay somalidu ka degto magaalada Nairobi ee la yidhaa Islii ayaa habeen hore uu dab qabsaday, kaas oo khasaare wayn u geystay dukaamada suuqaasi iyadoo ay wararku sheegayaan inuu dhaawac ka soo gaadhay hal qof.

Suuq yar oo ka mid ah suuqyada ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa dabka ka kacay waxaa uu geystay qasaare aan illaa iyo hada laga war heyn isla marknaa si dhab ah looma oga ilaa iyo hadda waxa dhaliyay dabkaasi.

Dabkani oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa la tilmaamay inuu dhaawaca fudud ka soo gaadhay hal qof oo ku howlanaa daminta dabkaasi.

Dadweyne aad u farabadan ayaa waxaa ay shalay isugu soo bexeen halka uu habeen hore  dabka ka kacay waxana uu dabkani biloowday Xalay fiidkii kaasi oo ay damintiisa habeen hore saqdii dhexe ku guuleeysteen ciidamada la dagaalanka dabka ee Dab damisyada dalka Kenya.

Dabkani ayaa waxaa uu noqonayaa Sanadkani kii ugu horeeyay ee ka kaca Suuqa Islii ee magaalada Nairobi ee ay Soomaalida u badan tahay, waxana uu dab sidan oo kale ahi ka  kacay suuqaasi dabayaaqadii sanadkii tagtay ee 2008-dii.


Ma Anigaa Saan-Caddaale Ah, Mise Waa Layla Qabaa!“Xusuusta Nus-Qarnigii Daadduunka Iyo Daranyada Qaxoontinimada.”

 Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar.

Waa ku-sinnaan 1964-kii iyo ammin uu socdo dagaalkii u dhaxeeyey dawladihii Soomaalida iyo Xabashida. Saansaan colaadeed oo cufan ayaa ka aloosan dhammaan jiidaha dirirtu ka oogan tahay. War san iyo weedh saallooniba way ku deysay. Kaaga daran’e, dhiilloda iyo qaylo-dhaanta ayaa kob kasta oo nafley ka dhowdahayba laga tebayaa. Deegaannada keynta ah iyo bananka ciirsi-waagu ka jiro, sanqadhaha dabayshu keenayso ee dhirta iyo oohinta fiinta ayaa dareen mudan. Eebada iyo warmahuba way afaysan yihiin, qoryaha darandoorriga u dhacaana waa kuwo yeedhaya. Waqtigu waa habeen, gudcur magan-gooye ahina wuu jiraa. Gudgude ayaa hooraya. Dhibco waaweynaa! Waaba mahiigaan. Il-bidhiqsiyo gudahood ayuu dhul iyo dhadhaab-ba biyo dhigay. Daadka ayaa meel kastaba mulaclaynaya. Waa gegi cidla’ ah oon dad iyo duunyoba lagu ogayn. Gariirka onkodka ayaa xusuus gaar ah lahaa. Hillaaca oo indho-daraandar dihanayay ayaa isaguna gocashadiisa lahaa. Xaaladdaas oo taagan ayuu dagaalkuna barbar socday. Deyaanka iyo sanqadhaha hubabka iska daba-dhacaya ayaa dhegaha ku goosanayay.

Jinow waa hooyo ka soo baro-kacday hagardaamooyinkii uu dagaalku ku hayay deegaannada agagaarka Wajaale oo ay hore ugu xasilnayd, haatanna badhtamaha u taagan humaagyadaas aynu kor ku xusnay. Waa xaamilo sidkeedii dhadhaw yahay. Naxdinta iyo anfariirka riddada hubabka lidka ku ah nolosha aadamaha iyo cabsida jawiga argaggaxa leh ee goobaraha iyo geriyaatka xilli mugdoon gudguduhu ku asqeeyay, ayaa sababay inay fool-qaaddo, ilmahay siddayna ka hor dhasho sidkii u go’naa. Hadda garo’ oo waaba toddoba-ku-dhalow. Dar-xumo iyo daranyo daba-dheeratay ka-dib, Jinow iyo inankeedii oo ay ugu wan-qashay Aadan way ka hayaantay foromihii ay ku sugnayd. Taagga, waxay ku tashanaysaa inay u baqoosho madal iyo malko ka shiddo iyo sharaarad yar tan sida bagagidii indhuhu ka naxayaan, iyada iyo cunuggeeduna ka heli karaan nolol meeqaam dhaanta ta ay hadda gundhada u fadhiyaan. Socdaal dheer oo waayihiisa iyo duruufihiisuba ku mataanaysan yihiin ayay run ahaan digo-rogashadaasi u hor-seedday. Daalaa-dhac daba-dheeraaday haddii ay mutaysteen, waxay daadduunkii sifo qaxoontinimo ku tageen magaalada Diridhabe. Muddo iyo muddooyin ayay halkaas ku negaayeen, Jinowna ay juhdi iyo jihaad ugu jirtay tabcashada iyo taransashada nolol-maalmeedka iyada iyo ma-yeedhaha ay tafta ku haysato. Runtii inkasta oo noloshaasi ahayd mid ay kaga reysay tii qallafsanayd ee raadka ma-hadhaha noqday ku reebay xiskeeda iyo xusuusteedaba, hadana rafaad iyo kuma yarayn. Aadan wuu koray, muruq ahaan iyo maskax ahaanna wuu kobcay. Weli ma qaan-gaadhin, laakiin wuu ka adag yahay adeegyada fud-fudud ee guriga iyo goobta ay hooyadii xoogsashada u tagtaba. Jinow, marka doc taban laga halacsado, waxaabay dareemaysaa neecaw qabow oo hanka iyo hiyigaba u qoysay; waa daalacashada natiijada safarkii kacaa-kufka lahaa iyo dardhadii ay dugsanaysay dharaarihii madoobaa. Ged-geddoonka midabbada maalmaha iyo saacadaha adduunku waa iska dabiici. Haddii waqti wanaagsan oo niyadda iyo naftaba u roon aad dhex muquuranaysay, waa iska caado dunida loo og yahay, in rogaalkeedu curan karo/curto. Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle) oo ka mid ahaa foolaadka hal-abuurka iyo hiboolayda Soomaalida ee casrigii tagay ayaa laga hayaa:

 “Adigoo daar adag dhistaybaa,

Ilaahani kaa dunshaa!

Danayso adoo lahaa,

Marbaad dacar qooshataayood,

Dhunkaal ku durduurataa.

Waqtigu ways daba socdaa,

Adigoo degganaa abaar,

Marbuu dirir ku da’aayoo,

Daruuruhu ku curtaanood,

Xareed ku dabbaalataa!”

Haddii ay Jinow ku reemaysay reynreyn iyo ka soo reyn, may noqon, kumanay waarin xaaladdii ay ku noolayd. Taariikhdu way isa soo celisaa (History repeats it self). 1977-kii ayaa mar kale dirir hubaysayn oo quwad xooggani dhex martay maamulladii Soomaaliya iyo Itoobiya. Diridhabe waagaas waxay ahayd hormoodka jiidaha dagaalku saamaynta tooska ah ku lahaa. Maatadii iyo danyartii moogganayd asbaabaha iyo danaha laysku hayo ayaa mar labaad lagu kellifay inay daadduumaan, dhaxantana dugsadaan. Milicda ayaa mar kale la hadhsaday, mugdigana waa la ifsaday. Silic, saxariir, saran-seer, soommal-haad iyo surbacaad ayaa loo digo-rogtay. Saxal guuray ayaa soo rogaal-celiyay, saymo colaadeed iyo saawe-saawana waa la waajahay. Waqtigii ayaa mar kale sababay in la sinbiriirixdo, sallaankii la hayayna si sahlan looga dhaco. Qaraxa baaruudda, qaaca madaafiicda iyo qiiqa hubabka bur-burka hor-seeda ayaa qariyay guud ahaan atomsfeerkii ku gedmanaa jiidahaas dirirtu ka ibo-furatay. Xasilloonidii iyo deggenaanshihii ayaa la waayay, guud ahaan nolosha aadamaha ku dhaqan aagaggaasina waxay noqotay mid minjaheedii madax noqdaan (Up side down). Sabo iyo baro nolol dhaanta tan ay hadda ku sugan yihiin ayay dantu sababtay in  mar labaad Jinow iyo intii duruuf-wadaagta la ahaydba ka fekeraan. Jinow waxa iyada tan u dheer;  in hayaankani aanuu ahayn mid madiyaysan, uu se yahay mid lammaan oo ku labaysan kii ay Wajaale kaga timid. Nolosha fitraddii u dhaxaysay labadaas taariikhood oo ahayd mid aad u qallafsan iyo musiibadan furdaaminta-la’ ee iyana xadhkaha goosatay ayay Jinow, qaddarka Alle ka sokow, u arkaysay ayaan-xumo iyo nasiib-darro xadkeedii dhaaftay oo ku habsatay. Jinow, hadda sii-joog uma yaallo, waxayna door-bidaysa inay nafteeda iyo ta cunuggeedaba samata-bixiso. Qorshe sugan oo uga yaalla barta masiirkeedu yahay ma jiro, waxayse u badan tahay inay kob saalloon ay u jarmaaddo.

Wax ay arrin iyo aragti rog-rogtaba, aakhirkii waxay casiimad ku qaadatay inay Hargeysa aaddo. Maalmo iyo habeenno door ah oo ay ku qaadatay jidkii qarfada iyo qaxarka kulansaday, daalaa-dhac iyo daranyo badanna ay sii mudatay, waxay gaadhay rugtii iyo raaskii ay raagsanaysay gaadhiddeeda, safarkeedana soo dhaweysanaysay; Hargeysa. Xigto, xigaal iyo xididba halkaas way u sii joogeen, xeer iyo xaagaan wixii Soomaalida martida uga yaallayna waa la mariyay. Waa sooryo inta ugu badan malahuna aanuu ka fogaani karin. Degsiimo dhacda xarriiq iyo lool Istaraataji ah ayaa loo ebyay. Taakulo iyo taageero sokeeye wixii la tahli karayay ayaa loo taray. Hiil iyo hoo-ba waa loogu yaboohay. Garab iyo gaashaan feer-taagan ayaa la tusiyay. Hiyigii gabalkiisu dhacay ayaa loo nooleeyay. Tabantaabo iyo tabaabusheba waa laysugu daray. Cagaha ayaa loo subkay, waxaana layska kaashaday sidii looga tiri lahaa raadka doogtii (hayaankii) damqashada badnayd ee haleeshay. Xaglo fidsan ayaa xoolo keenee, Jinow waxay mar kale u ban-baxday xoogsi iyo kasbasho. Maadaama ay saygeedii ku kala baadeen qardoofooyinkii qaxoontinimada, 15 sanno-na meel uu ku danbeeyay la sheegi waayay, si ay u suurto-gashayba waxay ballaysintay jacayl cusub oo ugub ah. Xiggii  ay u tagi jirtay tabcashada ayay isku baranayaan nin da’-dhexaad ah, (Jinow waa Garoob, ninkuna waxa uu soo furay gabadh hore, sidaas darteed labadooduba waxay haystaan waayo-aragnimo ku filan) waxayna isla meel dhigayaan inay nolol aayatiin iyo raandhiis baaqi yeesha ay unkaan. Guri ayay wada yagleelayaan, waxayna isku af-garanayaan si lama-maleeyaan ah. Jinow halkaasay xaas ku tahay, xannaanada ubadkeeda iyo u-xoogsigoodana ugu jilan tahay. Sidaas oo ay tahay, hadana hillimadii dhaadheeraa ee ay cagta saartay dharaarihii ay ka ordaysay xabbadda iyo rasaasta, ayaa ku reebay jug-maskaxeed (Trauma).

Wax waqtigu is guraba, sannaddani waa 1988-kii, bishuna waa May. Xoogaggii ciidamadii xaq-u-dirirka ahaa ee S.N.M ayaa daba-yaaqadii bishaas go’aan xaraj ahaa oo geesinnimo ugu soo galaya gudaha waddanka. Magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Cadaadley ayay bar-tilmaameedka 1-aad (1st strategy) ka dhiganayaan. 31-kii bishaas ayay Hargaysa ka hillaacayaan, dagaal lagu hoobtayna ku hor-tagayaan ciidamadii Gaaska 26-aad ee Taliskii dhiigya-cabka ahaa ee MSBarre. Burbur kabashadiisu qaadatay rubuc-qarni ayaa habeenkaas iyo habeennadii xigay dhacaya. Maati iyo biri-ma-geydo badan ayaa dhegta dhiigga loo darayaa. Sanqadhaha dabaysha iyo fiinta ayaa laga didayaa. Soodhka ayaa dalandalaya. Meydka ayaa duurka iyo derimahaba ka fara badanaya. Hangashta iyo dhaba-jebinta ayaa jabaysa oo liicaysa. Xaqa ayaa liibaanaya, baaddilkana waa la loodinayaa. Dallacaadda iyo shaashka darajada ayaa hal mar noqonaya kuwo laga naxo. Saadaashii iyo kuhaankii hibadu dalaysay ee Abwaan M.I.W. (Hadraawi), maansadiisii Daallaley ayaa docda sammada laga ajiibayaa, muuqaalladii sannad-jirsaday ee ku ragcanaana si toos ah loo arkayaa:

 “Dacfalaanka mahaddiyo,

Dar-darsiga barwaaqada,

Iyo doosha subagga leh,

Haddaan lays-su dacarayn,

Haddaan deebta gumucdiyo,

Lagu guban dabkaan shido,

Inta daran, intaw daran,

Haddaan duulal lagu falin,

Alleylehe docdaydii,

Ha goblamo dadweynuhu!”

Danyartii iyo badiba bulshadii caadiga ahayd ayaa daadduun la kowsanaya. Jinow waaba jabkeeda. Oo ma qax uunbay ku jiraysaa? Oo ma u qul-qul uunbaa? Goormay heerka negaanshaha gaadhasysaa? Iyada lafteeda, weydiimahaas ayaa hor imanaya. Mararka qaar ayaabay ku tashanaysaa, illeen silic uun kuu ahaani mayso, naftuna laba-jeer ma baxdee, doorkan ha u dhaqaaqin! Haye. Bal adba ka warran akhriste. Wax ay iyadu ku fekertaba, aakhirka Jinow way qaxaysaa, waxaanay u kicitimaysaa xeryihii qaxoontiga ee Dul-cad. Haatan ninkeedii oo isna dirqi kaga badbaaday xasuuqyadii ay geysanayeen ciidamada Faqashtu ayaa la socda. Laakiin nasiib-darro, waxba kama qaban karo mushkiladda oogan. Isagaaba tiisii la il-daran. Carruur ay dharaarihii Hargaysa dhashay oo marka laga reebo Aadan saddex ah ayaa iyana ku mataanaysan. Maalmo iyo maalmo qadhaadh ayay hadana Jinow gudo-galaysaa. Badanaa ayaamuhu, misna kala duduwanaa! Kacaa-kuf iyo kadeed ayay hadana kaalmaheedii nololeed ku saddexaysanaysaa. Marar bay asqoobaysaa oo dadkii ay bidhaansanaysay ay kala lumayaan. Cir iyo dhul muuqaal aan ahayn ayay waayaysaa. Ninkeeda laftiisa ayay isa-seegayaan oo laba hillin oo kala qallooca ay ku kala hagaagayaan. Cabsi iyo baqaba wuu ku curanayaa. Bahalaha dugaag ee goobahaas ku uumman ayaana ta ugu weyn keenaysa. Aakhirka, Jinow waxay gaadhaysaa xeradii qaxoontiga ee Dul-cad, halkaasaanay ka bilaabaysaa la-qabsiga nolosha qamandiga ku qotonta. Makaankaas ayay degaysaa, iyada oo niyadda ay u hayso nolosha ifkuba iska yar tahay. Kolal bay denbaabaysaa oo ay nafteeda ku canaanaysaa qaddarrada aan nafleba baajin karin. Kolal kale ayaabay markaas ka sii daraysaa oo ay ku hammiyaysaa in nolosheedaba geeridu dhaanto. Haddii door-nololeed oo deeddan iyo daadduun dhaama la waayay, Jinow waxay talo ku soo gebo-gabaynaysaa, nafteeda iyo nafihii daymada naxariista leh ay ka arkaysayna ku war-gelinaysaa inay u baahan tahay ka digo-rogashada nolosha Qaaradda Afrika iyo tan Geeskaba. Ka dar oo dibi dhal. Hadda xilliga uu hammigaas quwooni ku dhalanayo, cirka ayaabay far iyo suul iskaga haysaa! Dhaxal awoowyaasheed u tabceen oo u yaalla iyo hanti sifo kale ku soo gashay midna meelna kuma oga. Cidi uma maqna, ceelna uma qodna, qalinka iyo risiqa Raxmaankuna waa halkiisa. Laakiin iyadu waxay go’aankaas ku dhaqaaqaysaa tiiyoo talo-saaratay Ilaahay, calool-adayg hufanna la timid.

Sug-sugiba mayso wax kale’e waxay rumaynaysaa riyadaas hammiga uun ku kooban. Iyada oo carruurteediina ku lammaan yihiin, balse aanu saygeedii wehelin ayay amba-baxayaan. Saad iyo sahay midna faraha uguma jiraan, waxayse ku niyad-san tahay inay Alle taladeeda u dhiibtay. Socdaal waayihiisu qallafsan yahay, umal-taah, urugo iyo uur-ku-taallana ku labaysan tahay ayay hollanaysaa. Si la dayeba waxay food-saaraysaa marxalad aad u daran. Gaadiidka dad-weynaha ayay qaarkood is odhanaysaa raac, markaasaa isaguna (gaadiidku) jabayaa oo fadhiisanayaa. Roob la mataanaysan kii helay dharaarihii ay daadduunka Wajaale ku jirtay ayaa ku guud furaya. Shuban-biyood daba-dillaac ah ayaa carruurteeda qaarkood haleelaya, markaasay ammuuruhu isku cayd iyo beyd go’ayaan. Maalmo badan oo mugdi gaashaysan ah ayay jidka sii haynaysaa. Qarfo dheer kadib, waxay galaysaa magaaladii uu socodkeedu ku sinnaa. Waa Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya. Haa. Miyaad yara asqowdeen. Ha yaabina, hana iga hadhina. Jabba wuu danbeeyaa. Oo waa maxay Dimuqraaddigani? Miyaanuu ahayn kii Af-weyne ee gabbalkiisu dhacay. Oo dee innagu waqtigaynu hadal haynaa waa goorma? Waa 1990-kii. Hadda ayay malaa wax kala cad yihiin. Haddii ay Jinow ku degtay mid ka mid ah xaafadihii dadka sokeeyaheeda ahi degganaayeen, waxay waajahday xaalad kale. Meeshu waa magaalo, waliba waa caasimad oo sida loola qabsadaa ma sakhirna. Reer bay martiday, kashana waxay ka ogsoon tahay inaanay martidu waqti badan lahayn, ayse ku qurux badan tahay in ay xilli kooban joogto, haddii kale karaahiyo imanayso. Taasi waa mid. Inta kale ee ku xeeran ee duruuf-uun ku abtirsata ayaa ka daran. Wax yar haddii ay joogto, galangal aan yaraynna ay ka samaysay ula-jeeddadii hayaankeedu ahaa (Arrintii dhoofka iyo hir-gelinteedii) ayaa dagaal lagu-hoobte ahi ka holcayaa caasimaddii Soomaaliya. Waa dagaalkii dalka lagaga saaray Keli-taliye Maxamed Siyaad Barre. Saamayn xooggan iyo raad mucjiso ah ayuu dagaalkaasi ku reebay xasuusteeda. Haddana waa u Qax iyo Qaxoontinimo. Aadan waa nin weyn hadda, waxaanuu jiraa 30-gu’ in ku dhow. Waa gaashaan-qaad, waa se gaashaan-qaad ku gaashaan-qaaday; saranseer, saxariir, deeddan iyo daadduun. Haye. Jinow waaba u yaabkeeda. Illeen iyada oo qax-ka-carar ah ayay magaaladan timid’e, tiinna ma Qax bay uga tagtay. Allaahu mustacaan. Xaggay haddaba qabataa. Meel kastaa way olalaysaa, digo-rogasho iyo u jeedsi sabo roonina ma suurta geli karo. Waa geddii uu Hadraawi ku lahaa jiiftadiisii Gol-janno:

“Halkan gaban yar baa yaal,

Halkan gaari baa wadhan,

Halkan geesi baa quban,

Dhankan culimo gaariyo,

Gadhcas iyo wadaaddiyo,

Golfof iyo raq baa quban,

Waxa geeddi lagu yahay,

Godadkiyo xabaalaha,

Dhulka hoose loo guur!”

Meydka ayaa meel la dayoba wadhan. Wayska xaal adduun. Xilligan waxay Jinow u qaxaysaa mid ka mid ah xeryaha Qaxoontiga ee dalka Kenya. Halkaasay in muddo ah ku sugnaanaysaa, Allaheedana ku sugaysaa. Badhtamihii 1990-nnadii ayay hadana mar kale ku soo noqonaysaa Muqdisho. Mar labaad ayay ka baro-kacaysaa. Waxay u jeedsanaysaa dhanka xeryihii Qaxoontiga ee Keenyaatiga. Haddana hoos-jooggiisii ayay taag iyo tamar-ba u waayaysaa, bohol-yaw, dal-tabyo iyo hilow baaxad lihina wuu ku dhalanayaa. Xamar ayay haddana u soo guuraysaa, halkaas oo dagaalkii cufnaa ee dhex maray xoogagga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo ciidamada Xabashida, 2007-dii ay kaga quusanayso, dib-u-eeggeedana ku daynayso. Ta yaabka badan lihi waxa weeye, isla sannadkaas waxay u baqoolayaan magaalada Addis-ababa, si ay u soo xereeyaan waraaqo ay dhoof eheliyaddoodu u soo qal-qaalisay ugu tagaan. Safaaraddii ayaa u aqoonsan waayaysaba Qaxoonti. Hadda Jinow nus-qarni bay Qaxoonti ahayd, Aadan-na jiraalkiiba nolol aan qax iyo qaxoonti ahayn indhaha ma saarin. Yaab.


Somaliland Iyo Dhacdooyinkii Ugu Waaweynaa Sanadkii 2008

Bishii MARCH 2008

1-dii March 

- Faysal Cali Waraabe ayaa saxaafadda u sheegay inaanu Rayaale ka tegayn raad aan maamul-xumo iyo musuqmaasuq ahayn

- Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in hawlihii ay u tegeen gobolada Bari ku dhammaadeen Guul

2-dii March

- Reer Saaxil iyo komishanka doorashooyinka ayaa foodda isku daray wada-halalo.

- Iskaraab yaallay idaacadda ayaa la iibiyey

- Sicir babar ayaa ku yimid ascaarta maceeshadda

3-dii March

- Fanaaniin reer Boorama ah ayaa loo diiday inay maadeys ka dhigaan Gabiley iyo Wajaale .

4-tii March

-Madaxweyne kuxigeenka ayaa booqasho ku tegay magaalada Berbera

- Wasiirka daakhiliga ayaa diiday inuu hor yimaaddo Golaha Guurtida.

- Sucuudiga ayaa la sheegay inuu wax ka beddelay siyaasadiisa ku aadan Somaliland

5tii March

- Caqbado ka hor yimi magacaabista Komishanka doorashooyinka

- Ardayda wax ka barata dugsiga Dayib Guray ayaa dhigay bannaanbaxyo rabshado watay.

6dii March

- Somaliland ayaa loo oggolaaday inay xubin goobjooge ah ku yeelato shirkii ururka Barwaaqo-sooranka (Commonwealth-ka)

- Madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha Kulmiye ayaa ka qaybgalay duco roobdoon ah

9kii March

- Xukuumadda ayaa la sheegay inay soo faragelisay magacaabista Komishanka Awdal

- Guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha Golaha Wakiilada, Maxamed Maxamuud Cumar-Xaashi ayaa sheegay inay Somaliland tahay dalka keliya ee bilaa miisaaniyad shaqeeya, dalkana uu ka socdo jahli xun.

- Komishanka ayaa sheegay inay xubin ka mid ah Komishankooda u maaro waayeen madaxweynahana u gudbin doonaan.

- Maamulka Biyaha Boorama ayaa sheegay inay biyo yaraani soo food saartay magaalada.

10kii March

- Hoggaamiyayaasha Kulmiye iyo Ucid ayaa diiday xulista guddiyada doorashooyinka ee gobolada galbeed

- Xildhibaanno ka tirsan golayaasha oo cambaareeyey sida dawladdu ula dhaqantay xubinta Komishanka kaga jirta xisbiga UCID

- Rayaale ayaa qodob keliya ku celiyey xeerkii garsoorka

11-kii March

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa sheegtay inay Somaliland xukunto dhulkii ingiriisku uga tegay.

- Taliyaha ciidanka qaranka ayaa gaadhay Laascaanood

- Huteel Joome ayaa Hargeysa laga furay

- Xisbiga Kulmiye ayaa cambaareeyey falkii dawladdu ku xidhay xubin xisigaasi ka mid ah.

- Madaxweyne ku-xigeenka oo dhagaxdhigay dugsi wax lagu baro dhegoolayaasha.

12-kii March

- Dawladda UK ayaa martiqaad u fidisay masuuliyiinta urur-siyaasadeedka Qaran.

13-kii March

- Gaashandhigga Maraykanka ayaa sheegay inay Somaliland fursadi uga bannaan tahay.

- Komishanka iyo xisbiyada mucaaradka ayaa heshiis ka gaadhay magacaabista guddiyada diiwaangelinta

- Cuqaal reer buuhoodle ah ayaa Hargeysa soo gaadhay .

- Ganacsato reer Boorama ayaa maamulka dekedda Berbera ku eedeeyey inuu iska horkeenayo iyaga iyo Dawladda

15-kii March

Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa ayaa la jabsaday waxaana falkaas loo qabqabtay masuulyiin wasaaraddaas ka tirsan.

- Idaacad cusub oo Raadyow Hargeysa leedahay ayaa la sheegay in la tijaabiyey balse markii dambe fashilantay

- Beesha madigaan ee degaanka Gabiley oo kalsoonidii kala noqday UDUB

- Waxa la sheegay in lacag malaayiin doolar ah lagu qaatay shidaal ku jira dhulka Somaliland.

- Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Lughaya ayaa cambaareeyey magacaabistii komishanka diiwaangelinta

16-kii March

- Khilaaf ka dhashay shir ay dawladdu la yeelatay reer Boohuudle .

- Dadweynaha reer Laascaanood oo ka cawday waxqabad la'aanta dawladda .

- Maraykanka oo la sheegay inuu qorshihii xoolaha lagaga wareejiyey Berbera, Djibouti-na lagu geynayey lug ku lahaa

-Wasiirka Awqaafta ayaa ku baaqay in saddex cisho oo roobdoon ah la tukado.

17-kii March

Nin ka tirsan golaha wakiilada ayaa sheegay in gobolada bari laga dhigay Kurdiyiin.

18-kii March

- Xukuumadda ayaa Gabiley gobol u magacawday

- 700 oo xubnood oo ka tirsan isbeddeldoonka reer Gabiley oo Kulmiye ku biiray.

- Mujaahid Jaamac Cali Cilmi oo geeriyooday.

22kii March

- Rayaale oo magacaabay lix gobol iyo 16 degmo

- Gaaadiid loo diiday inay maraan meesha la yidhaahdo Wadada Cad

- Kabaweyne oo loo doortay gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka.

23-kii March

- Xoghayaha Guurtida oo wax ka beddelay xeerka garsoorka carruurta, xiisadna ka dhex abuurtay Guurtida.

- Wasaaradda Caddaaladda iyo Golaha Guurtida oo isku qabsaday guddiyada nabadgelyada.

24-kii March

- Xisbiga UCID oo sheegay in magacaabista gobolada cusub uu Rayaale ku doonayo ku shubasho

25-kii March

- Shan qof oo lagu tuhmay budhcad badeed oo Wajaale lagu qabtay.

- Shirkadda Al Jaabiri oo loo fasaxay inay Lawyacaddo geel uga iibgeyso Djibouti.

- Cafis loo fidiyey maxaabiis reer Puntland ah .

26-kii March

- Haweenay biyo la'aan ugu dhimatay Hargeysa

- Qaar ka tirsan saamileydii shirkadda laydhka Berbera oo xabsiga loo taxaabay.

- Aadan Maxmuud Hoorri oo ka tanaasulay musharraxnimada mansabka Madaxweyne ku-xigeenka Kulmiye

29kii March

- Shirweynihii Labaad ee xisbiga Kulmiye oo Hargeysa ka bilowday.