Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 1958 February 08, 2009                  safar13,1430H

Qaramada Midoobay OoMar Kale Golaha Amniga Hordhigtay QorsheAy Ciidamo Ku Geynayso Somaliland Iyo Somalia

Burcadd Badeeda Haysata Markabka Sacuudiga Oo Dalbatay $25 Millyan Dollar

 

Ciidamadii Amniga Boorama  Oo Dib Ugu Soo Laabtay Saldhigoodii Ka Dib Markii Ay Muddo Ku Maqanaayeen Hargeysa

Xoghayihii Hore Ee Xisbiga UDUB Oo Ku Biiray UCID

ALSHABAAB OO KENYA UGU HANJABAY INAY GUDAHA DALKAAS KU WEERARI DOONAAN HADII AY CIIDAMO U SOO DIRAAN SOMALIA 

 

Shirkadda Range Resource Oo Lagu Eedeeyey Inay Ku Lug Leedahay Budhcad Baddeeda Somalia

 

Xukuumaddu Weli Ma Qiimaysay Khasaaraha Ka Soo Gaadhay Weeraradii Argagixsadu Ku Qaadeen Goobo Ku Yaalla Hargeysa?

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh Weriyaha Haatuf ee Boorama

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay Inay Xoog Ku Soo Furan Doonto Markabka Lagaga Haysto Xeebaha Somalia

Maraakiibta Kaluumaysiga Ee Shisheeyaha Oo Faro Baas Ku Haya Xeebaha Somaliland Khasaarena Soo Gaadhsiiyey Kalluumaysatada Wadaniga Ah

Maraakiibtan Ajnabiga Ahi Xaalufka Ay Ku Hayaan Kalluunka Ka Sakow Waxa Ay Khasaare Weyn U Geysteen Kalluumaysatadda Wadaniga Ah” Guddoomiyaha Iskashatada Kalluumaysiga

Berbera, February 8, 2009 (Haatuf) -  Maraakiibta shisheeyaha ah ee kalluumaysiga ayaa la sheegay inay faro baas ku hayaan kalluunka ku jira biyaha badda ee Somaliland, kuwaas oo si araxan daro ah oo aanay u aabo yeelin sida ay doonaan uga kalluumaysta, isla markaana khasaare weyn u geysta shabaabta kalluumaysatada yar yar ee wadaniyiinta ah.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil Axmed Aadan Dheere “Raxan Maraakiibta kaluumaysiga ah oo lagu qiyaasay illaa 10 markab oo ay xukuumaddu ruqsad u siisay inay ka kaluumaystaan xeebta dhinaca galbeed inta u dhaxaysa Bula-xaar illaa Saylac ayaa maalmihii u dambeeyey usoo talaabay dhinaca bariga magaalada Berbera, kuwaas oo khasaare weyn soo gaadhsiiyey qalabka ay ku kaluumaystaan iskaashatooyinka wadaniga ah ee gobolka saaxil iyaga oo ka burburiyey shabaabta ay dhigtaan badda.

Maraakiibtan oo laga leeyahay dalka Masar isla markaana ay ka wakiil tahay shirkad wadani ah oo la yidhaahdo Almis, ayaa waxa ay ugaadhsadaan noocyada kalluunka deegaanka ah (kalluun goobeedka) afka qalaadna lagu yidhaahdo Grouper, sida Qardabada, Suubaan, Gaxashka, Shiribis-ka, Aar goosatada iyo Qaw-qab, kuwaas oo gebi ahaanba ay ka cidhib tireen deegaanka badda ee Somaliland muddadii ay jirtay xukuumadda Rayaale oo ay maraakiibtaasi si joogto ah ugu jireen biyaha somaliland.

Kalluumaysato wadani ah ayaa si weyn uga qayliyey maraakiibta shisheeyaha ah ee sida ba’an u xaalufinaya khayraadkla badda, isla markaana khasaare weyn soo gaadhsiiyey qalabka ay u isticmaalaam kalluumaysiga, kuwaas oo aan wax magdhaw ahna ka bixinin qalabka ay ka burburiyaan kaluumaysatadaa.

Guddoomiyaha Berbera Fishing Cooperation Yuusuf Maxamuud Maxamed (Yuusuf Canbar) ayaa Haatuf u sheegay inay maraakiibtaa shisheeyuhu khasaaraha ay soo gaadhsiiyaan badda iyo kalluunka ka sokow ay dhibaato xoogleh ku hayaan kaluumaysatada wadaniga ah, kuwaas oo ka jiidha shabaabta ay ku kalluumaysanayaan inta u dhaxaysa Saylac iyo Berbera, iyada oo maraakiibtan ajnabiga ahi ay kasoo baxaan deegaanada loo qoondeeyey inay ka kalluumaystaan, kuwaas oo wax yar usoo jirsada bariga iyada oo ay mamnuuc ka tahay in meelahaa laga kalluumaysto.

Maraakiibtan oo tiradooda lagu sheegay 10 markab ayaa waxa rugsad loo siiyey inay ka kalluumaystaan deegaanka xeebta galbeed ee u dhexeeya Bula-xaar iyo Saylac, hasa yeeshee sida uu sheegay guddoomiyaha iskaashatada kalluumaysatadu waxa ay maraakiibtaasi xiliyada habeenkii ay gaadhaan illaa xeebta Karin ee bariga magaaalada Berbera iyaga oo kusoo dhawaada biyo gaabta berriga oo ay kaluumaysatada yaryar ee wadaniga ahi dhigtaan shabaabta kalluunka ay ku dabtaan.

guddoomiyaha iskaashatada Berbera Fishing Cooperation Yuusuf Maxamuud (Yuusuf Canbar) waxa uu yidhi “maraakiibtani waxa ay si axmaqnimo ah ay uga kalluumaystaan xeebta Somaliland iyaga oo aan u miidaamdayin sida ay u kaluumaysanayaan, waxaanay todobaadyadii u dambeeyey ay bilaabeen inay usoo gudbaan deegaanada bula-xaar iyo wixii bari ka xiga, maraakiibtan oo ay tiradoodu tahay 10 markab oo nooca waaweyn ah khasaaraha ay u geystaan kalluunka ka sokow waxa ay dhibaato xoogleh ku hayaan kalluumaysatada wadaniga ah kuwaas oo ay ka burburiyeen qalabka ay ku kalluumaystaan sida shabaabta, waxaana uu ugu baaqay xukuumadda in si degdeg ah wax looga qabto, waxa kale oo uu sheegay guddoomiyuhu inay tahay arintani wixii ay ka dhalatay budhcad baddeedu Somalia”

Markaabiibtan ayaa sanadihii 2004 ilaa 2007 si joogto ah uga kalluumaysanayey xeebaha Somaliland, kuwaas oo xaalufiyey noocyo badan oo kalluunka ka mid ah, iyagoo ruqsad ka haysta wasaaradda Kalluumaysiga, hasa yeeshee sanadkii u dambeeyey ayaan maraakiibtan lagu arag badda Somaliland, waxa ay se dib usoo rogaal celiyeen bilihii u dambeeyey ee sanadkan.

Maraakiibtan ayaa la rumaysanayey inay joojiyeen kalluumaysigii ay ka wadeen badda Somaliland muddadii ay sii xoogaysatay budhcad baddeeda Somalia ee maraakiibta ka afduuba gacanka cadmeed, waxaana ay dib usoo noqdeen muddooyinkan ay ciidamada shisheeyuhu ay ku sugnaayeen badda u dhaxaysa Somaliland iyo Yemen.


Soo Dhawaynta Shariif Ee Muqdisho, Hanjabaada Kooxda Xisbul Islaam Iyo Hoobiyeyaasha Lala Beegsaday Vila Somalia

Muqdisho, February 8, 2009 (Haatuf) – Madaxweynaha dhawaan Jabuuti loogu cumaamaday Somalia Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa shalay arooryadii hore ka dagay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, halkaas oo la sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey weftiga uu hogaaminayey Sheekh Shariif, isaga oo ay safarkiisa ku wehelinayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dhawaanta la’isku daray ee Jabuuti ku doortay Shariif-ka.

Sheikh shariif iyo weftigiisa ayaa kusoo dhaweeyey ciidamo hor isaga soo hor jeeday, isla markaana uu dagaal u dhexeeyey oo aan is arki kari jirin, kuwaas oo kala ahaa Maleeshiyaadka Maxkamadaha, kuwo ka tirsanaa maleeshiyaadkii C/laahi Yuusuf iyo ciidamada Amisom ee midawga Afrika, kuwaas oo si wada jir ah uga qayb aatay soo dhawaynta madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia dhawaan loo doortay Sheekh Shariif oo saxaafadda kula hadlayey madaarka muqdisho ayaa waxa dhiniciisa ka muuqday Taliyaha ciidamada Bileyska Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM iyo mas'uuliyiin ka tirsanaa hoggaanka gudaha ee midowgii maxaakiimta Islaamka garabka Sheekh Shariif taabacsan ee uu hoggaamiyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Midowga Maxkamadaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo sidoo kale mas'uuliyiin ka tirsan Kooxaha Muqaawamada Soomaaliya ee la dhacsan Sheekh Shariif iyo madaxtinimadiisa.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyey xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, wuxuuna madaxweynuhu markiiba tegay xarunta madaxtooyada oo uu kulamo kula yeeshay madaxda maxkamadaha Islaamka ee gudaha Soomaaliya, Siyaasiyiin, Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka beelaha Muqdisho.

Hase yeeshee caweysinkii xalay ayaa la sheegay in madaafiicda Hoobiyaha lagu garaacay Xarunta Madaxtooyada ee u degan yahay Sheekh Shariif, iyadoo ay wararku sheegayaan in dhowr madfac oo nooca Hoobiyaha ahi ay si goos-goos ah ugu dhaceen xarunta Villa Somalia oo uu ku sugnaa Sheekh Shariif, balse lama sheegin cid wax ku noqotay weerarkaas lagu qaaday Madaxtooyada Muqdisho.

Weerarkan Hoobiyeyaasha, ayaan sidii caaddadu ahaan jirtay xilligii Cabdillaahi Yuusuf Madaxda ka ahaa dawladda Mbagathi loogu jawaabin Madaafiic.

Dhinaca kale kooxaha la baxay Xisbul Islaami ee uu hogaamiyo Cumar Iimaan ayaa si cad u sheegay inay dagaal ka xigaan oo aanu uga sokayn xukuumaddii uu madaxda ka ahaa C/laahi Yuusuf ee ay dagaalka kula jireen, kooxaha islaamiyiintu.

Dr. Cumar Iimaan Abubakar oo ka mid ah garabka Asmara ee maxaakiimta ee uu hogaamiyo Xasan Daahir Aways, ayaa sheegay mar uu shalay ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaas oo uu ku sheegay inaanu marnaba aqabalayin xukumad ay taageerayaan dawladdihii aanu dagaalka kula jirnay ee soo weeraray Somalia isaga  oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi "Anagu ma aqbalayno in dastuur dalka Soomaaliya lagu dhaqo, ilaa Shareecada Islaamka dalka oo dhan lagu maamulayana dagaalka waanu sii wadaynaa" ayuu yidhi Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar.

"Go'aankii aan hore uga qaadanay dawladdii hore ee Cabdillaahi Yuusuf ayaanu weli ku taaganahay, dawladdan cusub ee Shariifku uu wadaana waxay la mid tahay tii hore ee Cabdillaahi Yuusuf, waana iyadii oo shaadhka soo bedelatay, wax ay ku kala duwan yihiina ma jirto" ayuu yidhi Dr. Cumar Iimaan.

"Dhibaatadii ay dawladdii hore u geysatay shacabka Soomaaliyeed weli lama iloobin, dawladdan uu Shariifku soo xambaartayna waa tii hore oo la soo dhoodhoobay" ayuu yidhi Dr. Cumar Imaan Abuubakar.

Mar wax laga weydiiyey qaabkii loo soo dhaweeyay Sheekh Shariif, isla markaana caleemo qoyan lagu soo dhaweeyay shalay markii uu Garoonka diyaaradaha Muqdisho ka degay, dadkuna ay rabaan madaxtinimadiisa, waxa uu Dr. Cumar Iimaan yidhi "Wax macno ah ma sameynayso in Shariifka caleemo qoyan lagu soo dhaweeyo, waayo ciidamadii cadowga ee Itoobiyaba dad baa caleemo qoyan ku soo dhaweeyay markay imanayeen, waanuna la dagaalamaynaa."

Inkasta oo si weyn loogu soo dhaweeyey sheikh shariif iyo weftiga uu hogaaminayey, inta badan kooxaha muqaawamada guduhuna ay taageero u muujiyeen madxweynaha cusub sheikh Shariif, haddana wali waxa muuqata inay jiraan kooxo dhawr ah oo ka mid ahaan jiray maxaakiimtii islaamiga balse hadda kasoo hor jeeda oo garabyo u kala jajabay, kuwaas oo qaarkood hadda isku diyaarinaya inay si weyn uga soo hor jeedsadaaan dawladda uu madaxda ka yahay sheikh shariif, iyada oo ay taasi astaan u tahay hoobiyeyaasha lagu weeraray goobtii uu ku degay ee villa Somalia haddana waxa ay dad badani oo arimaha Somalia u kuur galaa saadaalinayaan in kooxaha ka soo hor jeeda dawladda Jabuuti lagu soo doortay qaarkood ay dagaal isku waajihi doonaan kuwa taageersan dhiniciisa, lama’se oga muddada ay kooxahani dagaalkoodu uu sii socon karayo, maadaama oo intooda badani ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dawladda nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Somalia.

kuwaas oo inta badan ku dhici jiray guryaha dadka rayidka ahi degan yihiin, waxaanay wararku sheegayaan in Sheekh Shariif amar ku siiyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda uu hadda madaxda ka yahayba inaanay wax madaafiic ah kaga jawaabin duqentaas.

Ilaa iyo hadda ma jiraan cid sheegatay weerarkan duqeynta ah ee loo geystay xarunta Madaxtooyada oo uu habeenkii ugu horeeyay Sheekh Shariif u hoyday isagoo Madaxweyne loogu soo doortay dalka Soamlia, iyadoo ay jiraan xooggag Islaamiyiinta mayal-ka adag oo sheegay inay dagaal la gelayaan Sheekh Shariif iyo dawladiisa lagu soo dhisay Djibouti.

Shacabka ku dhaqan Muqdisho ayay cabsi weyn ku reebeen Madaafiicdii xalay lagu duqeeyay Xarunta madaxtooyda, kuwaas oo ka cabsi qabay inay dhinaca ciidamada AMISOM iyo kuwo Sheekh Shariif-ba ay ka timaado jawaab duqeyn ah.


Halkuu Ku Dambeeyey Xidhiidhkii Wacnaa Ee UDhexeeyey Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweyne Rayaale

Faallo: Weriyaha Haatuf Ee Boorama Maxmamed C. Sheekh

Wasiirka warfaafinta Somaliland  Axmed Xaaji Daahir kana mid ah wasiiradii la kawsaday xukuumadda Rayaale  ayaan indhawaaleba lagu arag saaxadda  siyaasadda   iyo meelaha maxfalada ah ee lagu taageerayo  xukuumadda Rayaale.

Axmed Xaaji Daahir kana mid ah wasiirada beelaha reer Awdal u metela golaha wasiirada, isagoo beesha maxamed Case ee ardaayada beelaha Samarroonka u metela golahaasi.

Axmed Xaaji Daahir ayaa sidoo kale lagu yaqaanay ama lagu bartay sidii  tolnimada lahayd ee uu madaxweyne Rayaale uga daafacayey  mucaaradka iyo beelaha kale ee taageeri jiray SNM, kuwaas oo in muddo  ahba uu dagaal siyaasadeed la hortaagnaa.

Axmed Xaaji Daahir ayaa sidoo kale lagu bartay sidii indhola'aanta ahayd ee uu u daafici jiray siyaasadda warbaahinta Somaliland, isagoo Axmed Xaaji Daahir xitaa soo jeediyey in albaabada loo xidho  dhammaan  shirkadaha warbaahinta ee madax bannaan, weriyeyaasha u shaqeeyana lagu soo rogo liisan si meesha looga saaro dhaliilaha  iyo wax uu u arko aflagaadooyinka warbaahinta  madax bannaani usoo jeedinayaan Madaxweynaha, isla markaana waxa qudh ee la dhagaytaa uu noqdo  raadiyaha Hargeysa oo aan Halaya dhaafin iyo telefishanka madaxtooyada laga hago ee laga daawado guulwadaynta, sacabka iyo beenta ama runta  dawladdu ku sheeganayso waxqabadkeeda.

Axmed Xaaji Daahir ayaa sidoo kale laga hayaa halhays beryo dhan warbaahinta madax bannani qorayeen sanadihii  aan soo dhaafnay oo ahayd 'haddii Rayaale ama UDUB laga guulaysto waxa ii fiican in kiniin sun ah aan liqo'', hadaladaasi iyo kuwa kale  oo lagasoo xigtay Wasiirka warfaafintu waxay  shacabka Somaliland u iftiimiyeen sida Axmed Xaaji Daahir iskugu dayey inuu qariyo ceebaha bannaanka yaal ee xukuumadda, dalkana uga dhigi lahaa mid ku xidhan warbaahintiisa qabyada ah, isla markaana uu  usoo saari lahaa maamulwanaagii  iyo aqoontii  Soomaalida kale ku xaman jirtay  reer Awdal, balse maanta la ogaaday.

Sidaan hore usoo sheegnay Axmed Xaaji Daahir oo Rayaale beel ahaan iyo gobol ahaanba uga difaaci jiray  beelaha kale ee Somaliland, Mucaarad iyo muxaafidba ayaan in dhaweyd lagu arag  isagoo ka hadlaya ka qaybgelaya ama u doodaya maamaulka Rayaale.

Tan iyo markii uu Aabihii Xaaji Daahir xanuunsaday, dalkana ay soo waajaheen duufaano siyaasadeed oo aan la ogeyn halkay saldhigi doonaan ayaa waxa la filayey in la gaadhay wakhtigii uu wasiirka warfaafintu ka qaybgeli lahaa daafac loogu jiro kursiga Rayaale ee madaxtooyada.

Sida ay sheegayaan warar ku dhaw-dhaw madaxtooyadu Axmed Xaaji Daahir kuma jiro ragga haatan lagu  arko agagaarka Rayaale kadib markii ay isaga iyo Rayaale soo kala dhexgaleen  arimo siyaasadeed, kuwa shakhsi iyo kuwa beeleedba.

Saddexdii bilood ee uu Axmed Xaaji Daahir la tacaalayey xanuunka Aabihii, isla markaana uu daaweyn u geeyey dalka Qadar ayaa markii uu kasoo laabtay dalkaasi  waxa soo raacay niman saaxiibadii ah oo carab u dhalatay dalkaasi ah, kuwaas oo sida ay sheegeen ilo ku dhaw wasiirku, wasaaraddiisa ka caawin lahaa  Idaacadda  Somaliland ee meella gaadhi la', waxana sida la sheegay  carabtaasi ay taraasmittar keeni lahaayeen Hargeysa, qalabkaas oo qayb ka mid ah uu tusaale ahaan Axmed Xaaji Daahir ugu geyn lahaa madaxweynah.

Intii aanu tegin madaxtooyada ayaa warar la xidhiidha carabta la socotay soo baxayeen, kuwaas oo lagu sheegayey inay ahaayeen ugaadhsatada shimbiraha oo Somaliland u yimaadeen inay shimbirahaasi ka ugaadhsadaan kadibna Carabtaasi loo diray ciidan dalka ka saara, sidaa dalka lagaga dhoofiyo iyagoo qalabkii yaraa ee Axmed Xaaji Daahir tusi lahaa madaxweynahana meel la iskaga tuuray.

Inkastoon wararkaasi ilaa hadda aanay cidi xaqiijin, balse waxa caddaan ah sida Madaxweyne Rayaale iyo wasiirka warfaafintu  iskugu maandhaafeen arimo aan ilaa hadda la ogeyn kuwaas oo  keenay in xitaa shirweynihii UDUB  ee Hargeys ka dhacay laba cisho ka hor aan lagu arag wasiirka oo xagga hore fadhiya ama Rayaale agtiisa fadhiya haddii aanu kaba soo xaadirinba.

Si kastaba ha ahaatee arimaha ugu waaweyn ee wasiirka iyo Rayaale isku seegan yihiin ayaa la sheegayaa inay kuwa siyaasadeed, kuwa dhaqaale iyo kuwa qarsoonba ay yihiin.

Dhinaca dhaqaalaha ayaa la sheegayaa in Axmed Xaaji Daahir ka cadhooday taageero dhaqaale oo wasiirku Aabihii kusoo daweeyn lahaa oo loo diiday iyo wasiirka oo Rayaale kaga cadhaysanyahay sida ay Beesha Axmned Daahir  kasoo jeedo ee maxamed Case  uga soo  horjeesteen siyaaddda Rayaale isla markaana musharaxiin ka tirsan beeshaasi iska soo sharaxeen xisbiga KULMIYE, Sidoo kale ayaa la sheegayaa in Axmed Xaaji Daahir ku guulaysan waayey inuu beesha maxamed Case ka leexiyo nidaamka Mucaaradka kuna dabafayliyo Beelaha makaahiil ee taageerada xooga siiya madaxweynaha, arimahaas oo inkastoo uu isku dayey Axmed Xaaji Daahir  dhawr jeer oo uu Boorama yimi uu fara madhnaan kala tegey.

Sidoo kale axmed Xaaji Daahir  ayaa kursigiisa  oo Rayaale isku dayey sida waraka qaar sheegayaan inuu kursiga ka tuuro uu candhuuftiisa dib u liqaay markii Xaaji Daahir Aw Cilmi oo wakhtigaa caafimaad qabay uu sutida u qabtay  inaan Rayaale kursiga inankiisa u dhawaan karin, arimaha maxamed casena ay tahay inuu madaxweynaha laftiisu  soo jiito oo aanay ahayn inuu inankiisa ku eedeeyo.

Si kastab ha ahaatee arimahaasi iyo kuwa kale oo aan la ogeyn ayaa la odhan karaa inay maanta sabab u yihiin hoos u dhaca  xidhiidhkii ka dhaxayn jiray Wasiirka warfaafinta iyo Daahir Rayaale, lamana oga meel uu xidhiidhkaasi saldhigan doono wakhtigan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayso meel aan la saadaalin karin waxa ka iman kara.


“Haddii Aad Ka Dhiidhiyi-Waydaan Waxaad Ogaataan Inuu Berri Boqor Idinku Noqonayo”

Muj. Cabdillaahi Darawal – Shir Jaraa'id

Hargeysa, February 8, 2009 (Haatuf) - Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan [Darawal] oo ka mid ahaa musharixiintii hore shaaca uga qaaday inay u tartamayaan jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB, ayaa sheegay inay weli mawqif ahaan halkoodii ka taagan yihiin oo ay cambaareynayaan shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB, isagoo xukuumadda ku eedeeyay inay shirkii ay ku qabsatay Maansoor keensatay dad shaqaale dawladeed ah oo qaarkood ay ilaaliyeyaal ka yihiin wasaaradaha dalka.

Mujaahid Darawal oo shalay shir jaraa'id ku qabtay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, wuxuu ku celceliyay inaanu sharci ahayn gebi ahaan wixii ka dhacay shirkii Maansoor, isagoo dadkii shirkaas ka qayb-galayna sheegay inay u arkayeen baaqigii ka hadhay dadkii hanuunimaha ka qaylin jiray ee durbaanada iyo qaylada khabiirada ku ahaa.

"Shirkan meesha ka dhacay ee garabka dawlada ee UDUB ay sameeyeena mowqifkayagii ayaanu ka taagan nahay oo uma arkayno wax sharci ah, wax nidaam ah iyo wax ay dadnimaba ku jirto, dadka meesha iskugu tagayna waxaanu u aragnaa baaqigii ka hadhay dadkii hanuunnaha ka qeylin jirtay ee durbaanada iyo qeylada khabiirka ku ahaa.waxaa kale oo layaab leh oo meesha ka dhacay wax runtii aad moodo haddii aan dhakhso wax looga qaban ama aan halkaasi lagu joojin keeni karta cawaaqib xumo mustaqbalka oo wax allaale iyo wixii lagu soo tabcayay baabi’in karta. Xisbiga UDUB xeer buu lahaa oo waad ogaydeen oo xisbiga UDUB waxaa shir ugu dambeeyay shirkii lagu aasaasay 30-kii June ee 2001-kii illaa 2-dii July ee sanadkii 2001-kii shirkaas wax ka dambeeyay oo la qabtay ma jirto, kaasna waxaa lagu doortay Madaxweynihii geeriyooday iyo Daahir Rayaale oo ku xigeen loo magacaabay, shirweynahana waxaa lagu doortaa Hoggaanka xisbiga illaa maalintaa hoggaan xisbi muu lahayn xisbigu, iyaguna waxay yidhaahdeen uun waanu dhaxalay oo ay iska fadhiyaan, mid kaliya oo xisbigu si sharci ah u doortay ma jiro isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka, sababta ay u seexinayeen ee ay u ragaadiyeen xisbiguna waxaa weeyaan inay khiyaamooyinkaasi imika dhacay ay soo wateen," ayuu yidhi Mujaahid Darawal.

Cabdilaahi Xuseen Iimaan, oo ka hadlayay ergadii ka qeyb gashay shirweynihii xisbiga UDUB, wuxuu yidhi: "Shirka ay ku qabsadeen Maansoor, oo loogu yeedhay dadkii dawladda u shaqaynayay, oo meelaha qaarkood aanu hubno xataa ilaaliyeyaashii [Watch-men] xafiisyada in la keenay iyo dad aan waxba qorin waxbana akhriyin oo tuulooyinka laga keensaday, dadka moodaya in maamulkani ugu maqan yahay shaqo ee dantooda ugu maqan yahay, bal TV-gooda iyo idaacadooda dhegayso Habeen dhawayd waxaan ku arkayay saddex ilaa afar nin oo meel fadhiya oo warka laga dhigay kii ugu sareeyay nimankaa meesha ka hadlayay cid ay la socdaan oo ay la guruub yihiin walaahi iyo bilaahi inaanan garanayn, oo maanta aanan sheegi karin xisbi ay yihiin, waxaana habeenkii oo dhan warka lagu celcelinayay niman ka soo baxay garabkii Darawal iyo Sandoon, haddaba nimanka meesha innoo jooga ee aynu mooddayno inay dano dad u joogaan waa nimankaasi, waana la idin mashquulinayaa dadweynaha haddii aad tihiin."

Cabdillaahi Darawal wuxuu dadweynaha, qurba jooga, madax-dhaqameedyada iyo ururada bulshada Somaliland u soo jeediyay inay ka hadlaan dulmiga ay wadaan dawladdu, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi: "Qeybaha kala duwan ee bulshada, qurba jooga, Madaxdhaqameedyada iyo ururada bulshada cid allaale iyo cid ka hadlaysaa ma jirto Darawal iyo ina Sandoon oo loo diiday inay is sharaxaan uun baa ka hadlaya."

Cabdilaahi wuxuu sheegay in aanay Rayaale uga baxayn xisbiga UDUB oo ay ku jirayaan isla markaana aanay ka yeelayn wax ka baxsan sharciga xisbigooda.

Cabdillaahi Darawal waxa uu shacbiga reer Somaliland iyo ciddii caqli leh ee danaynaysa dalka, ugu baaqay inay eegaan cawaaqib-xumida ka iman karta tallaabooyinka foosha xun ee ay ku dhiiranayaan Madaxwayne Riyaale iyo kooxdiisu, kuwaasi oo uu ku tilmaamay niman wakhtigoodii dhamaaday oo sharci darro ku jooga.

“Ku-dhaca iyo dhiirrannaanta intaa le’eg ee uu ku beddelay Xeerkii Xisbiga, Reer Somalilandnow haddii aad ka dhiidhiyi-waydaan oo arrinkaa halkiisa lagu qabanwaayo, waxaad ogaataan in uu berri boqor idinku noqonayo, dastuurkana la bedelayo,” ayuu yidhi Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi “Xaaladda maanta dalku marayo waa heerkii ay maraysay sannadkii 1980-kii, haddii aan la badbaadina khatar buu galayaa.”

Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) waxa uu tilmaamay in tallaabada Madaxweyne Rayaalle ku maroorsaday talada Xisbiga UDUB, kuna bedellay xeerka xisbiga in ay tahay mid uu ku doonayo sidii uu weligii kursiga uga fadhiyi lahaa.

“Tallaabadan ta xigtaa waa distoorka oo uu bedelo oo uu yidhaahdo weligay kursiga ka degi maayo” ayuu yidhi Cabdillaahi Darawal.

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ugu danbayntii waxa uu ugu baaqay beesha caalamka, deeq bixiyayaasha iyo wadamada daneeya Somaliland inay soo faro geliyaan arrintan iyo khilaafka Xisbiga UDUB ee ka dhashay shirweynihi 2aad ee Xisbiga UDUB.

Cabdillaahi Darawal shirkiisa jaraa'id oo aanay saxaafaddu wax su'aalo ah weydiinin, waxaa dhinac fadhiyay Wasiirkii hore arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan [Ismaaciil Yare] iyo Mudane Maxamed Nuur Carraale [Duur] oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland.


“Wuxuu Waajibku Ahaa Xilkii Iyo Awoodihii Guddidii Diiwaangelinta Ururada Siyaasiga Ah Ee La Kala Diray Lagu Wareejiyo Komishanka Doorashooyinka”

By A.A.A. Goodir, Hargeysa

Markii la kala diray Guddidii Qaranka ee Arrimaha Diwaan-gelinta Ururada Siyaasiga ah iyo ansixinta asxaabta ku guulaysatey doorashadii ugu horreysey ee Goleyaasha deegaannada, waxay ahayd in xilkoodii lagu wareejiyo Komishanka Doorashooyinka, laguna kordhiyo awoodahooda qodobadan hoos ku sheegan, maadaama sharciyada ansixinta axsaabta 14/2000 iyo kan doorashooyinka 20/2001, ay yihiin kuwo mar kastaba la koraaya, lana socda baahida iyo isbedelka dhaqanka Bulshada:-

1.      Inay Diiwaan-gelin karaan, ansixinna karaan ururo/ Axsaab cusub markii loo baahdo, sida sharciga waafaqsan.

2.      Inay la socon karaan hab-dhaqanka Siyaasadeed iyo Dimuqraadiyadeed ee Axsaabta gudahooda, una kuur-geli karaan sida loogu dhaqmo, loona dhawro xeerka iyo barnaamijka Xisbiyada, iyagoo goob-joog ka noqon doona shirarka wax lagu dooranaayo, si aanu u dhicin afduub doorasho.

3.      Inay xallin karaan khilaafaadka ka dhasha axsaabta dhexdooda, isuna soo jiidi karaan, si ay uga dhex-dhaliyaan is-afgarad iyo wada shaqayn ka tisqaada dhexdooda.

4.      Inay ka qaadi karaan tallaabo anshax marin ah Xisbigii u hoggaansami waaya taabbo-gelinta jedwelka barnaamijka doorashooyinka loo dejiyo ee ku kaca carqaladeyn badheedh ah.

5.      Inay mas’uul uga yihiin Qaranka in Doorasho kastaaba ku qabsoonto xilligii iyo taariikhdeedii ku-talo-galkeedu ahaa.

6.      Inay talo iyo tusaale ka siin karaan Axsaabta iyo sharci-dejinta qodobada xeerka doorashada ee u baahan wax ka bedelid ama wax ku kordhin, iyagoo ka duulaaya waaya aragnimada lagala kulmo.

7.      Inay joogtayn karaan hawsha diwaangelinta cod-bixiyayaasha, sida ku sheegan faqrada 9aad ee qodobka 14aad ee awoodaha Komishanka (Xeer 20/2001).

8.      Natiijada ku-meel gaadhka ah ee lagaga dhawaaqo xarunta dhexe ee Komishanka waa inay ahaadaan kuwo hore loogaga soo dhawaaqay goobaha cod-bixinta Degmooyinka iyo Gobollada Dalka, Axsaabtuna goob-joog ka yihiin hawl-gal kasta iyo tallaabo kasta oo loo qaado xagga doorashada (Mar kasta).

9.      Inuu komishanku wax kastaba la tashi kala yeesho Axsaabta, si looga fogaado kalsooni darro iyo is-aamin la’aan ka dhex-dhalata, komishanka iyo Axsaabta dhexdooda.

Haddii qodobadaas kor ku sheegan la garto in lagu kordhiyo awoodaha Komishanka ee ku xusan xeerka Doorashooyinka, lana adkeeyo xidhiidhka Komishanka iyo Axsaabta dhexdooda, oo uu Komishanku wax kastaba kala tashado wakiillada idman ee Axsaabta, waxa hubaal ah inay wax kastaaba u dhacaan sida saxa ah, doorashooyinkuna ku qabsoomi doonaan hab iyo qaab xor iyo xalaal ah, waana waajibaadka goleyaasha sharci-dejinta in la xoojiyo waajibaadka Komishanka, lana caddeeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee Axsaabta iyo Komishanku yeelan karaan, lagana saaro debecsanaanta iyo mugdiga ku jira qodobada qaarkood.

ALLAA MAHAD LEH


Xisbiyada Ku Heshiin WaayeTartankiiMusharaxnimadaGudahoodaNatiijadaDoorashada Ma Ku HeshiinDoonaan,  Xeer Lr:20 Marka Horeba Ururada Siyaasada Wuu Fasaxayey,”

Cabdiraxmaan Maxamed Axmed

Hargeysa, February 08,2009 (Haatuf)- Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cabdiraxman dheere) oo hore shaaca uga qaaday in uu u taagan yahay musharax madaxbanaan ee jagada madaxweynaha Somaliland  ayaa sheegay in shirguddoonka golaha wakiiladu aanu wax jawaaba ka soo siinin codsi ay uga gudbiyeen sharciyada musharaxnimada madaxa banaan, iyadoo sido kalana sheegay in xeerka doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyada xeer Lr20, 2001 aanu ka hor imanaynin xuquuqda musharaxnimada badaxabanaan, waxaanu saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira ku eedeeyey inay ka baydheen habkii dimuqraadiga ahaa ee loogu tartami lahaa xisbiyada gudahooda waxaanu shirweynihii 2aad ee xisbiga UDUB dhawaan ku doortay musharaxiinta madaxweyneha iyo ku xigeenka ku tilmaamay arin qaldan oo ka baxsan hanaanka dimuqraadiyada.

Waxaanu Cabdiraxmaan Dheere sidaasi ku sheegay shirjaraa’id o uu shalay ku qabtay hoteelka Deeq alla ee magaalada Hargeysa, taas oo uu sidoo kale kaga hadlay arimo ku saabsan biriishka labaad ee dunsan.

Isagoo Cabdiraxmaan Dheere arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ anagoo ahayn musharaxiintii sida madaxa banaan isugu soo sharaxday madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka 31/May/08 dii saddexdii xisbi ee dalka ka jiray kulmiye, UDUB, UCID waxay mar 2aad hadana soo sharaxeen saddexdii nin ee hore ugu tartamay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay  2003 dii, waxaana muuqata in sadexda xisbiba ay ka baydheen nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee loogu tartami lahaa musharaxnimada xisbiga guddahooda waxaan iswaydiin leh, xisbiyada musharaxnimadii shirweynayaasha ay ku soo saarayeen isku khilaafay siday hadhoow ugu heshiin karaan natiijooyinka ka soo baxay doorashada madaxtooyada ee loo cayimay inay qabsoonto 29 ka, March, 2009 ka, waxaana hubaala in saddexda xisbi ay heshiisku yihiin inaanay cid kale kula tartamin xisbiyada guddahooda taasina waa ta keentay in lawaayo musharax waji cusuba oo ka soo baxa xisbiyada.

dalku wuxuu u baahan yahay dawlad cusub iyo musharixiin waji cusuba waxaana baahi weyn loo qaba  isbedel maamul ku yimaada tartanka xalaala hadaad eegto biriishka 2aad ee magaalada ee mudada  5-ta sano ah dunsan waxa uu madaxtooyada u  jiraa 20 mitir dhaliishaana waxa iska leh maayirka caasimada Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir oo xitaa awoodii waayey inuu sameeyo biriish si ku meel gaadha gaadiidku iyo dadku u sii isticmaalaan inta dhismaha bariiishku socda waliba wiil uu dhalay ayaa dirqi kaga fakaday daad ka soo rogmaday bogcada u dhaw halku biriishku ka dumay”

Inta aka dib su’aalihii la waydiiyey iyo jawaabahoodii waxay u dhaceen sidan:

S: la taliyaha sharciga ee golaha wakiilada oo ay shirgudoonka u jeediyeen in uu talabixin sharci ka keeno codsigiinii mushaxnimada madaxabanaan, waxa u sheegay  la taliyaha sharciga in qodobka 35aad ee xeerka doorashada goleyaasha deegaanka iyo madaxtooyada ee xeer Lr:20 2001 uu sheegayo in musharax ka soo bixi karo urur diiwaangashan iyo xisbi ansaxsan sidaa darteedna aanu sharcigu ogolayn musharax madaxbanaan mar haddii sharcigu sidaa sheegayo maxaa qiil u haysaan idinku ?

J: xeerkaasi markii aanu isa sharaxanaynay ba ururada siyaasada wuu fasaxayey balse xeerku muu odhan musharax madax banaani ma jiro sidaa darteed waxa ay ka hor imanaysaa qod 22aad ee distoorka ee muwaadinka u ogolaaday inuu wax doorto iyo in la doorto sidaadarteed ta la bixin sharci looma baahna wax distoorku banaynayo.

s: sideed u aragta khilaafka ka dhashay shirweynihii 2aad ee UDUB ?

J: arinkaasi waxaanu u arkaa arin qaldanaa oo sharciyada ka baxsan waana waxyaalaha afrika burburiyey.

S: codsigii aad u gudbiseen shirgudoonka wakiilada ma idinka soo jawaabeen ?

J: ilaa hadda wax jawaaba kama hayno shirgudoonka wakiilada ee waanu ka sugaynaa.


Warbaahintu Waa Inay Saxdo Shirkii UDUB Eemaansoor Ereyga Doorasho Aan Dhicin

Dr. Cali Cabdi Muxumed

Waxaan aad u bogaadinayaa dedaalka da'yarta saxaafaddeenna Curdinka ahi ay ugu jiraan sida ay xaqaa'iqa dhacdooyinka maalin-laha ah ee Dalka iyo Dibaddaba Bulsho-weynta Somaliland ay ugu gaadhsiin lahaayeen. Waxaynu wada ognahay, hadimooyinka, xadhigga aan sharciga ahayn iyo cagajugleynta haysata dhallinta haddii sida jujuubka ah ee uu Maamulku wax u doonayo aan loo yeelin, taasi oo toos uga hortimaadda meheradda saxaafadda iyo waajibaadka ma guuraanka iyo lama garaacaanka ah ee Saxaafadda.

Dal waxa toosiya shuruucdiisana dheelli-tirkeeda miisaaneed ah Saxaafadda. Maamullada garanaya hoggaanku, waxay aqoonsan yihiin in ay saxaafaddu tahay ifiyaha koowaad ee khaladaadkeeda, una aqoonsadaan, saaxiibkooda koowaad iyo tilmaamahooda, halkanse Somaliland, waxay nagaga filan xadhiggii jeelka hoostiisa xorriyadda saxaafadda lagu buquujiyey ee Madaxda Haatuf, Kuwii Jamhuuriya, iyo Inqilaabkii Hay'adda xuquuqda Aadanaha ee Somaliland "Shura-net"!!

Macneheedu maaha, da'yartu in ay uga warwareegto xaqiiqada cagajugleyn, ama ay qorto waxaan jirin si ay uga bedebaaddo carqalado maamul. Saxaafaddu waa Risaalad waddani ah oo uu gudanayo saxafigu, haddii lagu carqaladeeyo gudashada xilkiisana maamuus iyo aqoonsi aanu si yar ku gaadheen ayuu ku gaadhaa!! Haddaba, Ururka Saxaafadda SOMALIAND"Solja" waxa aanu ka codsaneynaa in ay nala saxdo, qoraallada warbaahinta qaar ku sheegeen inuu Hotel Mansoor ka dhacay shirweynihii UDUB oo lagu doortey Musharraxii jagada Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa ee Xisbiga uga qayb geli lahaa Doorashada soo socota ee 29ka March 2009!!

Ururro iyo sharikado warbaahineed khalad caynkan qalin loogu xado lama shirtagaane, sheekadu wey noo xidhmi weydey halka ay ka socotey. Doorasho Xisbi qaran oo weliba isagu kii talada Dalka hayey ah, Golihiisa Dhexe 850 kor u dhaafey, Guddiggiisa Fulineed 270 ka badan yahay, Waxa keliya ee isugu yeedhi karaa sida Distoorka Xisbigu qorayo, waa Xoghayaha Guud. Guddiga Fulintu Geeridii Alle ha u naxariistee Marxuum Bullaale, inay degdeg isugu yimaaddaan ayey ahayd oo la magacaabo Xoghaye Guud, kaddibna loo dhiibo arrintan ahmiyadda weyn leh ee tartan Xisbiga gudihiisa Waajibisey manay dhicin!! Waxa ku Xigtey in Madaxweyne-Ku-Xigeenkii Riyaale noqdo Guddoomiyaha qabanqaabada Shirka, isaga oo isla markaana u tartamaya Jagada Madaxweyne-Ku-Xigeenka!! Waxa ku Xigtey Dadka madasha loogu yeedhay oo aan fadhi hore oo Guddiga Fulinta Xisbigu isla oggolaadeen aan ahayn oo go'aan Guddi Fulineed lagu ansixiyey, Waxa ugu dambeysey kaadhadkii madasha oo loo diido
Musharrixiintii Miisaanka lahayd ee uga soo horreeyey Riyaale iyo Axmed Yuusufba Xisbiga, waxtar aanay u yeelanna u lahaa, isla markaana hudheellada Caasimadda lagaga horjoogsadey in ay shir ku qabsadaan!!

Macnaha ereyga "Doorasho" Waa tartan madal la cayimay lagu tartansiiyo laba qof ama ka badan oo jago ama jagooyin xilal lagu tartamayo. Warbaahinta Somaliland xaasha iney u badheedhey been abuur, waxase loo baahan yahay in hudheelka Maansoor cidddii kula tartantay Riyaale iyo Axmed Yuusuf la caddeeyo, haddii la waayana, Bulshadu ay xaq akhlaaqi iyo waajibba ugu leedahay inay beeniso kana noqoto warkaa, haddii kale masdaaqiyaddeedu ay lumeyso oo ay Mushkiladda Somaliland ka mid noqoneyso!!

Hudheelka Maansoor waxa ka dhacay, Arrintii Robert Mogaabi oo kale, waxase la hubaa in aanay halkan, Somaliland, xataa eegmo ka istaahilin. Maamulka Maanta jooga waxaan leeyahay, Somaliland Isgoyskii Dawladnimo dhab ah ay ku taabaneyso ayey ku soo gaadhey xaalad abuur, Cashuur Barar, Caddaalad darro, Xuduud shaqaale ahaan saddex gobol lagu soo koobey, kuwaasna ay sicir barar iyo qaali Maceeshadeed laciifsheen, Mujaahidiintii oo weli gumacyadii ku jiraan waqtina loo helin, Da'yartii Dalka ahna mas'uuliyiintii berrito ee Dalka oo la rajo tirey markii uu Maamulka labadan Mas'uul ee aynu aragney dhaqankooda, miisaaniyad sannadeedkii qaranka ku ekeysiiyeen Dakhli iyo kharash Maamul oo keliya, lixdii Gobol ee hore u jirey oo ay la kufeenna, sabab aan la garan kareyn Madaxweynuhu lix kale iyo Degmooyin dhul-jiif ah ku darey!! Xuduudihii oo Furan Sanaag bari iyo Sool oo aan Maamulku wada gaadhin.

Wax kale haddii aynu ka tagno xataa Idaacad Dalka Muwaadiniintu ay dhexjoogto warkiisa ay ka dhegeystaan malaha, Ceeb ka weynna ma garanayo in Mas'uuliyi0in ay Dummadda Dal dhani saaran tahay hurdo ledaan iyada oo Caasimaddoodii labaad Lacagtii Federaalka oo laba miisaaniyadood oo hore laga meelaystey ku jirtey lacagtii lagu beddeli lahaa, qasabad mugdi ah martey, lana ansixiyey, Burcona aan weli soo Gaadhin. Maxaynu ku doorannaa nimankan askarta bileyska ah ku muquunsanaya, wax aan cuntameyn, Muquun sameyn weliba dhalin kara qarax aan cawaaqibkiisa cidi saadaalin karin!! Alle ha garansiiyo xaqa, Somalilandna ha inoo Xafido!!

Yaa xafiid, Yaa Muqiith, Yaa salaam, Allahumma axfidnaa bixifdik wa ruknik alshadiid. Aamiin.


Guurtida Oo Guddiyo Xaqiiqo Raadina U Saaray ShaqaaqooyinkaAmaan Daro Ee Ka Dhacay Garoomada Dhalinta Kacaanka Iyo Xawaadle

Hargeysa, February 08, 2009 (Haatuf)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay guddi toddoba iyo toban xubnooda u saaray shaqaaqada dhawaanka dhacday garoonada kubada cagta ee dhalinta kacaanka iyo xawaadle ee magaalada Hargeysa, oo toddobaadkii hore ay dhalinyarada xaafadaha jigjiga yar, xawaadle, Cabaaya ay iskaga horyimaadeen, iskuna adeegsadeen tooriyo iyo faashash, kuwaas  oo amaanka xaafadahaasina khatar geliyey.isla markaana habeenadii u dambeeyey ciidamada amaanku ay xabsiga u taxaabeen dhalinyaradii iska hor imaadyada gacan ka hadalka ahi dhexmaray.

Guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo fadhigii shalay ee golaha guddoominayey ayaa ugu horeyn khudbad kooban oo ku saabsan shaqaaqada ka dhacday garoomada dhalinta kacaanka iyo xawaadle ku tilmaamay arimo nabadgelyada khatar gelinaya, isagoo intaana ku daray indhalinyarada xaafadaasi ku dhaqanina ay isku adeegsadeen faashash iyo tooriyo sidaa darteedna golaha u soo jeediyey in laba guddi oo ka socda golaha Guurtida ay u saaraan in qiimayn ay ku soo sameeyaan xaaladaha amaan daro ee ku dhacay garoomadaasi taas oo goluhuna ku waafaqay soo jeedintaasi intaa ka dibna waxa uu guddoomiyuhu shaqaaqadaa ka dhalatay xaafada jigjiga yar u magacaabay:

  1. Suldaan Ismaaciil Suld: Cabdi, 2. Muxumed Aw Axmed Xaji Aadan, 3. Suleex Madar Xoosh, 4. Yuusuf C/laahi Cawaale, 5. Ibraahim Ciise Buux, 6. Nuur Riyaale Khayre, 7. Maxamed Nuur Sugaal, 8. Yuusuf Sheekh Axmed Nuur.

Shaqaaqada ka dhalatay garoonka xawaadlana waxa loo magacaabay.

  1. Sheekh khaliif Xasan Gudaal, 2. Cali Aadan Qalinle, 3. Xirsi Ciise Jaamac, 6. Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed. 7 Sh. Maxamuud Xirsi Faarax, 8. Axmed Daahir Jirde, 9. Cawil C/laahi Caydiid.

Waxaanu guddoomiyuhu gudiyadaasi faray in golaha warbixin ay uga keenaan waxyaalaha sababay iska hor imaadyada ka dhacay garoomadaasi, kulana la yeeshaan waalidiinta dhalinyaradaas, maalinta salaasadana warbixintooda hor keenaan gole weynaha .

Gebogabadii fadhigaasi ayaa waxa golaha loo qaybiyey xeerarka wax ka bedelka shaqaalaha rayidka iyo xeerka mabnuucida miinada lidka dadka oo ay golaha wakiiladu markii ay soo ansixiyeen ay u soo gudbiyeen golaha Guurtida.


Urur Siyaasadeed Cusub Oo La Magac Baxay UDHIS Oo Hargaysa Lagaga Dhawaaqay

Hargeysa February 8, 2009 (Haatuf)-Xubno muhiima oo hore uga baxay asxaabta Qaranka ayaa shalay urur siyaasadeed cusub kaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Urur siyaasadeedkan oo la baxay Uurka Dimuqraadiyada iyo horumarinta isbedal doonka Somaliland (UDHIS). munaasabadii lagaga dhawaaqayay ururkan cusub ayaa loogu qabtay Hotel Obama ee magaalada Hargeysa oo ay ka soo qayb galeen xubno hore uga

tirsanaa saddexda xisbi Qaran iyo mujaahidiin faro badan oo ka tirsan ururkii SNM ee dalkan xoreeyay. Waxa kale oo iyaguna ka soo qayb galay dadwayne faro badan oo taageerayaal ahaa. Ururkan la baxay dimuqraadiyada iyo horumarinta Somaliland ayay ku sheegeen xubnihii ku dhawaaqay ujeedadiisa sidii ay u midayn lahaayeen dadka isbedal doonka ah, waxayna sheegeen inaanu ururkani ahayn mid ka qayb gelaya doorashooyinka soo socda balse sida ay sheegeen noqonaya meesha ay iskugu yimaadeen dadka isbedal doonka ah. Xubnahani waxay si adag u noqdiyeen siyaasada xukuumada Madaxwayne Rayaale oo ay ku tilmaameen mid ku fashilantay dhamaan waajibaadkii ummadu u dooratay isla markaana ay doonayso in ay xukunka sii kordhisato waxayna tilmaameen xubnahani in talaabooyinka xukuumadu ku dhaqanto ay yihiin qaar la mid ah kuwii laga soo dagaalamay ee laga diiday kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Sidoo kale waxay sheegeen in saddexda xisbi qaran ee dalka ka jiraa aanay ahayn qaar dimuqraadiyadi dhexdooda ka jirto isla markaana uu mid kasta qof iska leeyahay.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi oo ka mid ahaa xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE isla markaana ahaa xubnihii ka biyo diiday shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay magaalada Burco oo xafladii ururkaasi lagaga dhawaaqayay ka hadlay ayaa waxa u yidhi “Waxaan maanta halkan kaga dhawaaqaynaa Urur cusub oo magaciisa la yidhaahdo Ururka Dimuqraadiyada iyo horumarinta isbedal doonka Somaliland. Intii aynu la soo noqonay xornimadeena ilaa 1991-kii ilaa maanta hadana welina aynu doonayno wixii halgankaasi loo soo galay iyo dhibtii ummadu soo gaadhay oo weli taagan, dimuraadiyadii oo meel lagaga dhacay oo haddii ay dawlada tahay iyo haddii ay asxaabta tahayba ay meel kaga dheceen oo aanay cidna u hogaansami doonin dimuqraadiyadii oo aad moodo waxyaabihii aynu ka dhaxalnay kali taliyihii Maxamed Siyaad Barre, ururkana waxa loo sameeyay in waxyaabahaasi lagula dagaalamo”

Waxa isna halkaasi ka hadlay Muj Ciise Curaato oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM, waxaanu sheegay in asxaabta Qaranku aanay ahayn qaar sidii la doonayay ugu dhaqmay dimuqraadiyada, waxaanu xukuumada ku eedeeyay inay qaaday dariiqii kali talisnimada ahaa ee lagula dagaalamay dawladii Maxamed Siyaad Barre, waxaanu yidhi “1960-kii ilaa 1969-kii waxaynu qaadanay nidaamkii asxaabta badnaa markii aynu Somalia ka mid ahayn mid kastaana Labeeb dusha dimuqraadi ka ah ayuu ahaa, hoostana dano qof iyo kala ciil bax beeleed oo ay wax kasta oo xumaanina ku jirto wixii la balan qaaday ee aan waxba laga qaban kaasina wuu dumay, Maxamed Siyaad Barre ayaa yimid isaguna waxa uu yidhi Hanti Wadaaga cilmiga ku dhisan, kaasina wuxuu keenay xasuuq iyo ciil bax. Halgankii ayaa ka dambeeyay, isaguna wuu dumay. Tan oo kale (Dawlada), ayaynu dhisanay oo waxaynu ku noqonay dimuqraaiyad iyo asxaab badan oo cilmi ku dhisan, dadka iyo dunidana waxbaynu u sheegnay, xaqiiqada aynu ku dhaqanana waynu ognahay waa Tuugo, Xatooyin, Xadhig, Mudaharaad la’aan. Haddii la mudahaaradana saddex qof oo rayid ah la dilo. Waxaanan leenahay sidii kuwii hore u dumeen way dumaysaa iyadoon qori la qaadan, waxaan leeyahay ururkani uma taagna urur siyaasadeed ee waa tii hore loo afduubay ururada siyaasada, kuwa imika u soo hamuumaya inay madax noqdaan iyaguna tubtaasi ayay doonayaan oo inay tuunbada afka gashadaan, anaguna waxaanu u taaganahay ummada ayaanu weel u samaynaynaa kaas oo ah mid dimuqraadi ah. Ma doonayno madaxwayne Boqortooyo noqda”

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Muj Ibraahim C/llaahi Xuseen Dhego Wayne oo ka mid ahaa xubnihii ka cadhooday shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxaanu sheegay Dhego Wayne in saddexdii xisbi ee dalka ka jiray ay noqdeen qaar aan dhexdooda wax dimuqraadiyad ahi ka jirin isla markaana dad gaar ah ay gacanta ku hayaan waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Ururkan waxaanu u samaynay markii saddexda xisbi ee wadankan ka dhisnaa ay isku wado qaadeen. Waad aragteen afduubkii ka dhacay xisbiga UDUB, dadkii aasaasayaasha ahaa ayaa loo diiday oo loo adeegsaday ciidankii Qaranka iyo Hub, oo waxa laga hor istaagay inay Hoteelka galaan. Muu garanayn ninka waxaa samaynayay inuu yahay xisbigu mid dadku leeyahay, malaha wuu dhaxlay uunee inay dadku samaysteen ma oga.

KULMIYE anaga ayaa ahayn, waanan ka diidnay inaanu isku qabsano, waxaanu nidhi iyagu (KULMIYE), ha ka macaashaan oo wax badan ayaanu faa’iidnay, wax badan ayaanu xeerinay mid kaayana ma yeesheen haddii aanu Maxkamad isla galno. Waxaanu nidhi anaga ayaa Banaanka uga baxaynee qaata.

Xisbiga UCID waabu kasii liitaa kuwa kale, cidba uma baahna.

Dhego Wayne waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waxaanu u samaynay Ururkan in laga fogaado burbur, waataa caruurteenu Badaha gelaysa, dhulkii la isku haysto Iskuulo la’aan, Shaqo la’aan. Waxaanan doonaynaa meel qofka ugu yar iyo qofka ugu wayni ay fikirkooda ka soo baxaan oo ay ku cabiraan fikirkooda.

29-kii March waxa ka hadhay 49 maalmood oo keliya  car waakaase doorasho ha dhacdo. Lacagtii Komishanka waa la cunay, Deeqbixiyeyaashuna way iska tageen, waxay ahayd in hawlaha Doorashooyinka lagu fuliyo cashuurtii ummada laga qaadayay. Wax dambe oo loo kordhinayo Madaxwaynaha ma jirto, waxaanan leenahay way kaa dhamaatay, waad ku fashilantay wixii laguu doortay, sharciguna wuxuu ahaa inaad Shan sanno xilka hayso, waad ka soo bixi wayday waajibaadkii laguu doortay waxaanan leenahay intuu sharcigu kuu ogaalado fadhi”.

Waxa kale oo xubnahani ay ka warameen ujeedooyinka Ururkooda, waxayna sheegeen in Ururkoodu aaminsan yahay isbedal buuxa oo dalka ka dhaca iyadoo laga bilaabayo siday sheegeen asxaabta Qaranka in Dastuurka dib u eegis lagu sameeyo si loogu daro waxa ka dhiman, in saddexda Hay’adood ee dawladu noqdaan qaar kala madax banaan, dawlad ummada u shaqaysa, in la helo shaqo abuuris.

Waxayna sidoo kale sheegeen waxayna xukuumada ku eedeeyeen inay dhamaan waxyaabahaasi ku guul daraystaan oo ay la soo baxday dhaqamadii laga dagaalamay ee ahaa kalidii talisnimada ciidanka Qaranka oo dad aan denbi gelin laaya, xadhiga, caga juglaynta iyo ku tagri falka Hantida ummada iyo dawlad aan la xisaabtan lahayn.

Ugu dambayntii waxa halkaasi lagu waydiiyay su’aalo, su’aalahaasi oo dhamaantood uu ka jawaabay mujaahid Ibraahin C/laahi Xuseen Dhego Wayne waxay u dheceen sidan:-

S: Waxa hore u jiray Urur siyaasadeed la odhan jiray Qaran oo xitaa ururkii ay ku dhawaaqeen ku mutaystay xadhig  markaa idinku wakhtigan kala guurka ah maxay tahay sababta aad ugu soo beegteen inaad ku dhawaaqdaan ururkan, rajo intee leeg- baadse ka qabtaan inuu ururkani sharci noqdo?

J: Urur hore oo la afduubay wuu jiray sharcina laguma xidhin, ururkani doorashada soo socota waa urur mustaqbalka danbe u samaysan doorashadana waxa aan ku leeyahay dhiciba mayso, arrimo badan oo jira dartood

S: Ma laga yaabaa inaad xadhig ku mutaysataan sidii masuuliyiintii urur siyaasadeedkii qaran  oo kale?

J: ha ka yaabin taasi waa taanu ka dagaalanay meel xun ayaanay tegi aniga (Dhego Weyne) Qaran oo kale ma ihi.

S: Ururkan hogaan ma leeyahay bal noo sheeg?

J: Wali maanu samayn laakiin wali wuu socdaa dhismaha ururku dhawaana waanu magacaabi doonaa


Dadweyne Ka Kala Socda XaafadaSheekh Nuur, Qaar Ka Tirsan Mujaahidiinta Sooyaal Iyo KuwKa Yimid Gobolka Saaxil Oo Sheegay Inay Kulmiye U Soo Digo Rogteen

Hargeysa, February 08,2009 (Haatuf)-Boqolaal dadweyne oo ka kala tirsan Xaafada Sheekh Nuur, Mujaahidintii Sooyaal iyo Dadweyne ka yimid gobolka Saaxil ayaa shalay taageeradoodii u soo digo rogtay xisbiga KULMIYE, isla markaana xaflad weyn  loogu qabtay hotel Imperial ee magaalada Hargeysa.

Boqolaalkan dad ee u soo digo rogtay xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay markii hore ahaayeen xisbiga talada haya ee UDUB, kaas oo ay saluug weyn ka muujiyeen isla markaana tilmaamay In doorashadii hore ay cod badan siiyeen, taas bedelkeedana ay ka waayeen wixii ay codkooda u siiyeen ee ahaa inay wax u qabtaan.

Dadkan ka kala socday gobolka Saaxil, xaafada Sheekh Nuur ee Magaalada Hargeysa, iyo mujaahidiin ka tirsan Sooyaal ayaa hadalo farabadan ka jeediyey madasha, kuwaas oo ka sheekeeyey sababta ay uga soo digo rogteen xisbiga UDUB, iyagoo sheegay in aan waxba loo qaban isla markaana ku hungoobeen xisbigaasi.

Xaflad waxa ka soo qaybgalay masuuliinta sare ee xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen, F’uaad Aadan Cadde, wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarada hawlaha guud Rashiid Qambi, Xildhibaano, xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Xoghayaha maaliyada, guddoomiye ku xigeenka urur siyaasadeedka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee KUlMIYE, Guddoomiyaha garabka haweenka ee xisbiga iyo marti sharaf  kale.

waxaa iyaguna xafladaas ka hadlay masuuliyiin badan, waxaana ka mid ahaa wasiirkii hore ee wasaarada Beeraha Fu’aad Aadan Cadde, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ waad aragtaan sida loo xidhay Dekadii  ee Berberi loo dayacay, waxaan la yaabay qofka reer saaxil ee maanta u hanqal taagaya in uu UDUB u codeeyo ama isagu ladnaan gaar ah ha ku qabee, qofka hunguri ka qabo udub waan la yaabaa, marka hore waa in  Berbera xadhiga laga furo, laakiin waxaynu ku hagaajini doonaa cod,  xabad qaadan mayno ee codkeena ayaa ninkii ina xumeeyey ku xumeenaynaa, waxaan balan qaadayaa in Berbera la furo, dhici mayso in Berbera la xidho Boosaasina ay furnaato” ayuu yidhi Fu’aad.

Maxamed Cabdi Iskeerse oo ah xoghayaha Maaliyada ee xisbiga KULMIYE oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “kolka aanu xilka la wareegno waxaad nagula xisaabtami doontaan balanqaadyadayaga, maxaa yeelay xisbigani wuxuu noqon doonaa xisbi ku socda talada shacbiga, noqon maayo mid aanu  anagu wax uun idiin soo jeedino, ee dad wada tashada ayeynu noqonaynaa.

teeda kale  noqon mayno  masuuliyiin ummaddii dooratay deyr iskaga xidha,waxaad aragtaan  masuuliyiin dadka doortay dhagaxyo  iska  dhigay, oo wadooyinkii dadku marayeen xidhay, ma kaas ayaa la odhan karaa waxa doortay shacbiga, markaanu talada la wareegno waxaan idiin balan qaadaa in uu madaxweynuhu dadkii soo doortay aanu ka baqan ee uu suuqa dhex lugayn doono, oo uu inta uu macawis iyo koofiyad xidho dadka dhexdiisa socon doono, waana mid aan idiin balan qaadayo, haddii waxa aan sheegayo aad arki waydaan waxaad tidhaahdaan sawdigii maalintii noo balan qaaday, ana intaan Axmed Siilaanyo u tago ayaan odhan orodoo dadka u tag oo la soco oo bulshadii ku soo dooratay weeyee ha ka dhex bixin” ayuu yidhi Iskeerse.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna munaasibada ka hadlay, isla markaana sheegay inuu kulmiye isbedel keeni doono, waxqabad muuqdana samayn doono kolka uu xilka la wareego, isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ waxa maanta la marayaa in dhalinyaradii xaafadaha la yidhaa ordoo amaankii ilaashada, oo booliska layska daayo ayuu dalku marayaa.

Marka uu ardaygii jaamacadii soo dhamaysto ee suuqii ku soo noqdo, ee uu wax uu qabto garan waayo, ee qaarkood badaha isku guraan, qaarkoodna dhibaatooyin badan ku kacaan,  mutacalimiinta marka la jihayn waayo dhibaatay keenaan.

Waxa kale oo aad la socotaan in shirweynahoodii UDUB ee ay qabsadeen in xildhibaanadii loo diiday, waxaad kale oo aad ogtihiin in nimankii kale ee isyidhi shirkoodii qabsada loo diiday oo huteeladii amar la siiyey si aanay shirkooda ugu qabsan, nimanka hoteelada waxaan leeyahay  maadaama oo aad liisanadii ganacsiga haysataan oo ganacsato tihiin maaha inaad yeeshaan, waxan oo kale horey inoogu dhacday, nimankii wasiirada ahaa ayey ku dhacday, xaq u malaha inaad ragna u diidaan qaar kalana ogolaataan, waxaa imankarta yaa looga dacwoodaa, cid looga dacwoodaana jirto, maxkamad looga dacwoodaana ma jirto, waxaan leeyahay qolada hodheeladu in la bedeli doono (Xukuumada), oo lala xisaabtami doona ee nafsi ha dhiganina.

Afmiishaarku laba eray ayuu aad u isticmaalaa, miyey is dhaamaan ayey yidhaahdaan saddexda xisbi, horta nimaan waxba loo dhiiban lalama xisaabtami karo, xisaabtanka waxaad ku leedahay ninka aad xilka u dhiibatay ee xilka haya, waxaana taa u arkaa majaro habaabin, wax lala kulmo oo reer UDUB ka jilicsana waligay ma arag, waayo markaad tidhaahdo shay kaas ayaa xun oo kaa kale ayaa xun haddaad taageersan tahay wax ma ka bedeli kartaa maya ayuu ku odhanayaa, haddaa maxaad u taageeraysa haddaad tidhaahdana wuu kaa aamusayaa, way ka fogaadeen xaqii iyo wanaagii, xaqaana guuleysta”

Maxamed Xaashi oo ka hadlayey kharashka ku baxa madaxweynaha isagoo garabdhigaya kharashka loo qorsheeyey arimaha bulshada waxa uu yidhi “  waxaa la qiimeeyo waxa ugu mudan waa bani’aadamka oo ilaahay ayaa yidhi u sujuud nabi Aadan, markaa qiimihii intaa leegaa ee bani’adamka lagu sharfay ayaa waxaad garanaysaa halka ay dhigeen, waxa wax soo saara ama sameeya waa bani’adam in qiimaha la ilaabo oo tacliinta sare oo dawladu siyaasadaba uma laha tacliinta, waxay siisaa  saddexda jaamacadood ee waaweyn laba iyo lixdan kun sanadkii, madaxweynuhuna waxa uu qaataa bishii laba iyo lixdan kun bishii, dadkeenana ma awoodi karo in uu  iskuul fee bixiyo, inuu baskii ka bixiyo, inuu noloshii kale ka bixiyo, waanad arkaysaa busaarada iyo shaqo la’aanta dalka taala,  markaa kulmiye waa laga filayaa isbedele waa inaynu dooranaa” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Maxamed Xaashi waxaa uu reer Saaxil ku guubaabiyey inay dantooda kartaan oo ay gobolkooda codkooda ugu hiiliyaan, maxaa yeelay buu yidhi magaalada Berbera waxay noqotay ta ugu foosha xun magaalooyinka kale, taas oo keentay noqotay meel laga guuray, waxaanu sheegay inay bedeshay dekada Bosaaso, sidaa darteedna ay isbedel sameeyaan oo ay doortaan KULMIYE, isagoo intaas ku daray in lacagta haamaha shidaalka, lacagta dekada, xoolaha dhoofa ee lacagta adag laga qaado intaba si sharci daro loo isticmaalo, isla markaana aanay  miisaaniyada dawlada ku jirin.

Sidoo kale waxa isna halkaa ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Keyse Cige oo dadweynihii ku soo biirey ku guubaabiyey inay kulmiye codkooda ugu hiiliyaan, kaas oo uu sheegay inuu Kulmiye wax weyn ka bedeli doono, isla markaana dadweynaha la tashan doono.

Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Hargeysa ee Kulmiye, guddoomiyaha garabka haweenka ee kulmiye, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Marwada guddoomiyaha kulmiye Aamino Waris, iyo guddoomiyaha heer qaran ee xisbiga Kulmiye ee gobola Saaxil, mujaahidiintii ku soo biirey iyo guddoomiyaha xaafada Sheekh Nuur oo iyaduna halkaas ka hadashay, iyadoo sheegtay inay kooxdani tahay intii u horeysay ee ay intii kalana soo socdaan.

Waxaana halkaas lagu soo bandhigay gabayo iyo heeso lagu taageerayo xisbiga KULMIYE.