Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2002 | April 01, 2009 Rabiicul Thaani 5,1430H | |
Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah |
Xisbiga Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aaddan muddo kordhinta Guurtidu u samaysay xukuumada Madaxweyne Rayaale “Daahir Rayaale Kaahin 2007-dii ayuu sheegay inaanu diyaar u ahayn doorasho illaa 2010-ka”Gudd:2aad Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Hargeysa, April 01, 2009 (Haatuf)-xisbiga Kulmiye ayaa warmurtiyeed uu shalay soo saaray ku cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhintii dhawaan ay golaha Guurtidu u sameeyeen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, iyagoo sheegay in marka la gaadho 6-da April aanay u aqoonsanayn madaxweyne Daahir Rayaale, isla markaana sharci jabin ku tilmaamay muddada golaha Guurtidu u kordhiyey, waxaanay sidoo kale sheegeen inay sharci daro tahay Guurtidu inay cayinto wakhtiga doorashada, maadaama ay u xilsaaran yihiin guddida doorashooyinka qaranka wakhtiga ay doorashada qabanayaan. Sidaana waxa xisbiga Kulmiye ku sheegeen shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen xafiiska magaalada Hargeysa, isagoo dhamaystirana waxa uu u qornaa sidan: “ 1. Go’aankii Golaha Guurtida ee muddo-kordhinta MADAXWEYNAHA waxba kama beddelin mowqifkii hore Xisbiga KULMIYE ee ahaa inaan Xisbiga KULMIYE sinaba u aqbali Karin muddo-kordhin aan sharciga iyo distoorka dalka waafaqsanayn. Xisbiga KULMIYE wuxu u arkaa Go’aankii Guurtida ee 28ka March 2009 ee loogu kordhiyey MADAXWEYNAHA muddada lixda bilood ah mid baalmarsan sharciga iyo distoorka dalka, iyada oo aanay oollin duruufaha ku xusan qodobka 83aad farq.5aad, ee loo cuskaday go’aankaas isaga ah, kaas oo dhigaya sidan:- “Haddii ay suurtoobi weydo duruufo la xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenka MADAXWEYNAHA marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan MADAXWEYNAHA iyo Ku-xigeenka MADAXWEYNAHA , ……”. 3.Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE u arkaa inaan Guurtidu xaq u lahayn sharci ahaan inay cayinto wakhtiga doorashadu qabsoomayso, Sida ku tilmaaman xeerka doorashooyinka Lr.20. 2001 qodobkiisa 8aad oo dhigaya sidan: “Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka , si waafaqsan distoorka…” 4.Dhinaca kale waxaan la tixgelin go’aankii Golaha wakiillada la soo doortay ee ku baaqayey in haddii doorashadu ku qabsoomi weydo muddadaas sannadka ah ee loo kordhiyey Mdaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, in labada Gole ee sharci-dijintu (Baarlamanku) ay isugu yimaadaan fadhi wada jir ah, si ay uga wada go’aan qaataan xaaladda abuurantay. 5.Waxa xaqiiqo ah in shantii sannadood ee MADAXWEYNAHA iyo ku-xigeenkiisa la doortay ay ku dhammaatay 15 May 2008, iyada oo sababta loogu kordhiyey sannadka dheeraadka ah ay ahayd inuu ku qabto sannadkaa gudihiisa doorashadii Madaxtooyada, taas oo uu ku fashilmay. Haddii mar kasta oo uu Madaxweynuhu qaban waayo doorasho suurtagal noqon mayso in mar walba loogu abaal gudo muddo kordhin cusub. Sababahaas kor ku xusan awgeed, wuxuu xisbiga KULMIYE go’aansaday Qodobadan hoos ku qoran: a. In wixii ka dambeeya 6da April 2009 aanu Xisbiga KULMIYE u aqoonsanayn Daahir Riyaale iyo ku-xigeenkiisa kuwo sharci ku fadhiya. b. Xisbiga KULMIYE wuxuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorasho xor ah oo xalaala, taasoo micnaheedu yahay :- (i) inaan hantida ummadda (gaadiidka, xafiisyada dawladda, dhulka danta guud, khayraadka badda iyo maaliyadda dawladda) loo adeegsan dano xisbi u gaara. (ii) in seddexda xisbi u sinnaadaan adeegsiga warbaahinta dawliga ah ( Raadiyow Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeyska Maandeeq), loona magacaabo guddi madax bannaan oo maamusha. (iii) in ciidamada nabadgelyada (Booliska iyo sirdoonka) aan loo adeegsan dano xisbi u gaara, sidoo kalena inaan ciidanka qaranka loo adeegsanin ujeedooyin ka baxsan waajibaadkiisa Distooriga ah ee difaaca qaranka. (iv) In la helo garsoor dhexdhexaada oo madax bannaan Xisbiga KULMIYE wuxuu mar walba u diyaar u yahay in khilaafaadka lagu dhammeeyo wadatashi. Xisbiga KULMIYE wuxuu soo jeedinayaa in la helo Dawlad wada tashi ku timaada oo lagu wada kalsoon yahay, waajibaadkeeduna ku kooban yahay inay dalka gaadhsiiso Doorasho xor ah oo xalaal ah”. Intaa ka dib waxa su’aalo laga waydiiyey masuuliyiinta KULMIYE oo ay si wada jira uga jawaabeen Guddoomiye ku xigeenka labaad ee KULMIYE Md C/Raxmaan C/Qaadir, Murrashaxa Madaxweyne ku Xigeenka ee Xisbiga Md. C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil [Saylici], Xoghayaha Guud Md. Kayse Xasan Cigge iyo Cali Maarshaal oo ka mid ah Golaha dhexe xisbigaasi. Waxayna u dhaceen su’aalahaasi sidan: S: Guddoomiye ku xigeen Waxaad sheegteen inaad doorasho diyaar u tihiin xisbi ahaan, afkaaraha idinka soo horjeeda dawlada iyo xisbiga UDUB waxay idinku eedeeyaan inaad beryahan dambe la soo baxdeen diidnay iyo yeeli mayno oo aad hore u diideen labadii bilood ee dib loo dhigay doorashada ee komishinku cayimay, haddana aad diidan tihiin lixdan bilood ee Guurtidu dib u dhigtay. Markaa ma is leedihiin hab dhaqanka KULMIYE ayaa fursad siinaya inuu sii joogo Madaxweyne Daahir Rayaale? J: C/raxmaan C/Qaadir:Annagu wakhti aanu diidnay ma jirto, cida cayimaysa wakhtiga doorashada la qabanayo dee annaga KULMIYE ma aha, waa Komishinka doorashooyinka. Komishinku uma baahna inuu annaga fasax naga qaato, inaanu wax saxeexnana meel ay sharciga kaga jirtaa ma jirto. Komishinka waxaanu ku nidhi wakhti allaale iyo wakhtiga aad doorasho ku qaban karaysaan diyaar ayaanu nahay. Arrinta kaliya ee aanu diidnay waa meel saxeexa, shan jeer oo hore ayaanu meel saxeexnay maxay noo tartay? Imikana waxaanu leenahay waar maalinta aad diyaarka tahay ee aad noo sheegtid. Annagu diyaar baanu nahay doorasho annagaa doonayna waxba yaan taas lagu war wareegin. Komishinoow soo cayin doorashada, arrinta la isku hayaa ma aha goorta doorashada la qabanayo, ta la isku hayaa waa dalka yaa xukumaya oo doorashada gaadhsiinaya illayn ninkan odayga ah way ka dhammaataye’e. S: Guddoomiye waxaad hore u sheegteen inaad ku kalsoon-tihiin waxay labada Gole ee baarlamaanku soo saaraan, Guurtidu markii ay fadhiisteen waxay soo saareen mudada aad sheegaysaan inay sharciga baal marsan tahay, muxuu yahay waxaad idinku sharciga u aragtaan ee aad ka filayseen inay ka soo baxaan Golaha Guurtida? Ta kale muxuu yahay waxa shirkiinan ku cusub ee uu kaga duwan yahay wixii aad hore u sheegteen? J: C/raxmaan C/Qaadir: Waxa shirkayagani ku salaysan yihiin go’aankagayagii hore, waxa timid arrintan Guurtida waxaan doonayaa inaan ummadda Somaliland u sheegno in uu yahay qayrul dastuuri, oo aanu waxba bedelin. Marka aanu leenahay ha la wada tashado oo dawladaasi wada tashi ha ku timaado. Dadka ka qeyb galaya ee doorka weyn ka qaadanayaa waa labada Gole, waxaanu halkan ka doonaynaa inaanu ka caddayno anagu ma aqoonsanin muddo kordhintan guurtida, talladaa ah in labada gole isku yimaadaan ayaanu keenay. Cali Maarshaal ayaa hadalkaasi isagoo sii sharaxaya yidhi “Dadku waxay khalad ka fahmeen wixii uu KULMIYE markii hore ka damacsanaa ee uu u gudbiyay qoraal bay ahayd iyadoo kooban aanu kuu akhriyo xisbiga KULMIYE wuxuu u soo jeedinayaa labada Gole ee baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtida] inay dalka u soo dhisaan xukuumad muddo kooban oo ku meel gaadh ah oo gaadhsiisa doorasho Golaha Guurtidu ta ay maanta ku kaceen waa wax aan sharciga waafaqsanayn sadex Arrimood dartood, nabad gelyo darro darteed ayuun baa muddada loo kordhinayaa nabad gelyo darro dalka ka jirtaana ma jirto, Ta labaad waxa go’aanka Guurtidu ku khaldan yahay waxay cayimeen wakhtiga la qabanayo doorashada oo aanay xaq u lahayn. Waxaana xaq u leh cayimaadda doorasha Guddiga Doorashooyinka dalka. Golaha Guurtidu wuxuu iska dhinac maray soo jeedintii ka soo baxday Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ee ku baaqayay in labada Aqal ay iskaga yimaadaan xaalada dalka. S: Marka aad leedihiin ma aqoonsanin muddo kordhinta Guurtida Madaxweyne Rayaale waxa 6-da April kaga eg sanadkii Guurtidu hore ugu kordhisay, markaa lixdan bilood ee aad diideen iyo sanadkii hore ee muddo kordhinta ee uu ku fadhiyay Madaxweynuhu maxay sharciyan ku kala duwan yihiin? J: C/raxmaan C/Qaadir: Waxay ku fadhiyeen muddo kordhin, muddo kordhintaasna ma aanaan ogolayn waanu diidnay sida imikaba aanu u leenahay waa sharci darro ayaanu markaana u nidhi. Laakiinse waxa la isweydiiyay maxaynu yeelaa? Waa tii sadexda xisbi qaran ay iskugu tageen shirka markaa waan-waan ayaa timid oo tanaasul ayaa yimid dadweynuhuna sidaasi ayay markaa doonayeen. Waxaana la yidhi sanadkan aanu iska deyno oo aan ogolaano muddo kordhinta sanadka ah ee Golaha Guurtidu u sameeyeen, muddaasna doorasho ha lagu qabto taas ayaa la balan qaaday. Maxay taasi keentay in nalagu yidhaahdo si wanaagsan ayay yeeleen oo dalkii ayay badbaadiyeen oo ina Rayaale macruuf ayay u sameeyeen. Doorashadii sanadkii laguma qaban khaladkii markaa aanu samaynay, haddana mar labaad samayn mayno, haddana haddii aanu ogolaan lahayn 29-ka October, markaana way soo noqon lahaayeen oo waxay odhan lahaayeen halkan ayay wax ka dhaceen, xeebtii ayaa kulaylkii ka tagi waayayoo, roobkii baa di’I wayay, Xamar baa dhawaaqdayoo iyo Laas-caanood ayay wax ka dhaceen iyo arrimo kale. Daahir Rayaale Kaahin 2007-dii ayuu sheegay inaanu diyaar u ahayn doorasho illaa 2010-ka, waxa kale oo dad badan oo xog ogaal ahi tilmaamayaan doorashooyinka masiirkeenii ayaa ku xidhan, oo ay sheegeen haddii ay doorashadu u dhacdo si xalaal ah in uu ictiraafkeenii uu soo dhawaanayo, dad badani waxay leeyihiin waxa doorashada dib loogu dhigayaa waxa la doonayaa in waxa xamar ka socdaa ay tisqaadaan. Waxa la leeyahay in Shirkii Jabuuti Aasaaskiisu ahaa in aan Somaliland aanay doorasho dambe ka dhicin inta xamar kala miirmayso. Dhanka kale Fu’aad Aadan Cadde ayaa ku Baaqay In Baadhis lagu Sameeya Asbaabaha Qabashada Doorashooyinka Somaliland iyo Dhacdooyinka Dalka Ku beega Tirada 29, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Aniga wax baa iga yaabiyay, Qaraxii Hargeysa ka dhacay wuxuu dhacay 29-kii October 2008, Doorashadii madaxtooyada hore waxa looga dhigay 29-ka March, Dhagaxa Madaxweynuhu isku xeeray waa 29 xabo, Guurtidii uu dirtay ee uu yidhi wax ii saxeexa ee mooshinka Golaha horkeentay waa 29 Mudane, dadkii qaraxa ku dhintay isaga iyo allihiisee wuxuu yidhi waxay ahaayeen 29 Qof, cid uu mag siinayo ma aynaan arage’e, haddana waxa la yidhi 29-ka September waa maalinta doorashada la qabanayo, 29-ka bisha October-na waa maalintuu meesha ka degayo ayaa la leeyahay, bal waxaad soo baadhaan waxan oo 29 ah.”ayuu yidhi Fu’aad Aadan Cadde. |