Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2002 | April 01, 2009 Rabiicul Thaani 5,1430H | |
Jimciyadda Mujaahidka Ee Sooyaal Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Mudane Nacnac Tahriibayaal Somali Ah Oo Ku Dhintay Dooni Kula Qaraqantay Meel U Dhow Dekedda Caddan Rayaalow: Markaad Dahaba-dheer Ka Doogtey Miyaad Durdurada Bilowday Rabshad Ka Dhacday Xaafadda Siinaanay Ee Hargeysa Oo Uu Ku Dhintay Wiil Dhalinyaro Ah |
Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo Waa Maxay sirtu? Waxay sirtu tahay waa xog ku saabsan meesha dal dani ka gasho. Sida keliya ee lagu helaana waa in shaqaale u gaar ah loo tababaraa dhaqaalena loo qoondeeyaa. Dabadeed la sameeyaa waax u gaar ah oo ka madax bannaan tartanka siyaasadda dalkaas. Waa in sharci goonni ah lagu dhisaa oo dad aaminsan jiritaanka dalka ay hoggaanka waxdaasi qabtaan. Dagaalkii koowaad ee adduunka dabadii ayaa dadkii yuhuudda ahaa ee deggenaa Falastiin ogaadeen in aad looga badan yahay oo carabtu ku hareeraysan tahay. Dawladda Britain oo markaa xukumaysay ayey siyaasadeedu ahayd in aanay qolana waxyeelin. Shacbiga Yuhuudda oo uu hogaaminayo Ben Gurion ayaa waxay iska ururiyeen lacag si ay u laaluushaan askarta Carabta. Waxayna markii dambe ogaadeen inay dani ugu jirto inay wadaan dedaalka urursiga wixii macluumaad ah ee ku saabsan dhaqdhaqaaqa Carabta iyo falalka ay ku guda jiraan inuu yahay mid u fiican ka hortagga dhibka u iman kara. War la’aantu waxay dal ku keentaa khasaare xoog leh. Ta ugu xumi waa iyadoo si degdeg ah oo aan digniin lahayn dagaal lagu qaado oo ciidanka oo aan dhug lahayn la weeraro. Tusaale ahaan dalka Maraykanku waxay wax ka barteen dagaalkii dhinaca cirka ee Pearl Harbor ee Japenese ku soo qaaday dagaalkii labaad ee adduunka bishii December, 1941 kii. Waxaanay kalliftay in loo qiimeeyo habka basaasnimada iyo sirdoonka dalka oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen hawshoodii. Sidoo kale dalka Jarmalka ayay mucjiso ku noqotay dagaalkii Normady ee D-day loo yaqaan oo xeebaha Faransiiska lagu weeraray. Isagoo ku hungoobay war sir ah oo been ah oo uu moodayay inuu dagaalku ka dhacayo dhinaca gobolka Pas de Calais bishii June 6-deedii 1944 kii. Taas oo ciidamadii huwanta ahaa ee uu Maraykanku hoggaaminayay dhirbaaxo lexaad leh ugu geysteen is ballaadhintii Jarmalka. Waxa uu sidoo kale dalka Israa’iil calool xumo ka qaaday filan waagii dagaalkii Bishii October 1973-kii markii ay Masar iyo Suuriya ku qaadeen dagaal lama filaan ah. Waxay arrintaasi mucjiso ku noqotay hay’adaha sirdoonka ee Israa’iil ee Shabi Shabet ee milateriga iyo kuwa Mossaad oo aan wax digniin ah ka bixin. Faa'iidada dhinaca milateri ka sokow sirdoonka iyo war hayntu waxay kelliftaa in ay xogta habboon ee madaxda la soo gaadhsiiyaa caawiso wixii go'aan ah ee ku saabsan horumarka dalka. Dhinaca dhaqaalaha tusaale ahaan, markii waddamada Carabtu ka xidheen saliidda shidaalka ee ay dalalka reer galbeedku ku noolyihiin ayaa iyana lama filaan ku noqotay dalka Maraykanka. Waxana ay noqotay mid curyaamisa dhaqaalaha oo safaf loo galo xarumaha shidaalka. Taas oo beddeshay habka sirdoonka. Waxaanay keentay in la abuuro qaybo CIA-da u qaabilsan basaasidda arrmaha dhaqaalaha iyo teknoljiyadda. Haddaba muhiimadda sirta ama helidda xogta cadawgaagu waxa uu damacsanyahay. Ama saaxiibkaagu wuxuu ku fikirayo ama ku kacayaa waxay tahay mid aad muhiim ugu ah jiritaanka dal. Waxana ay tahay laan muhiim ah oo u baahan in si taxaddar ah loo abuuro. Sidee Buu U Shaqeeyaa Sirdoonku? Weydii su'aashan qof Somali ah, markiiba waxay xusuusanayaan hay’adii NSS (waa xafiiska sirta ee dawladdii burburtay ee Somalia oo afka qalaad la odhan jiray National Security Service, afka Soomaaligana lagu odhan jiray Nabad Sugidda Somaliyeed). Inkastoo ay jireen hay’ado badan oo cabudhinta dadka loo samaystay sida Hangash oo ahayd mid qarsoodi ah oo shaqadeedu ahayd tirtirka wixii dawladda ka horyimaadda. Tirtirka oo looga jeedo dil, jidh dil cabsi gelin ah ama khiyaamayn qofka lagu tuhmo inuu dawladdii markaa xukunka haysay siyaasadeedda ka hor imanayo. Haddana NSS ayaa aad caan u ahayd oo bilawgii dalkii Somalia laysku odhan jiray kasbatay qadarin. Waayo waxa aad uga buuxay aqoonyahanno dalka iyo dibaddaba lagu soo tababaray. Waxay heleen xirfad badan oo hay’adaha sirta ee caanka ah sida KGB oo kale ay la wadaagi jireen culuunta iyo tababarka. Waxay lahayd silsilad (Network) muhiim ah oo qalabka wararka la isugu tebiyo, kuwa wax lagu duubo, sawiro iyo wax lagu dhegaystaba ay ka heleen dalalka hore u maray oo markaa Somalia u arkayay meel u muhiim ah dagaalkii qaboobaa ee reer Bariga iyo reer Galbeedka ka dhexeeyey xilligaas. Waxa xitaa lagu xantaa in silsiladdooda wardoonku ahayd mid aad u dhex gashay bulshada oo afartii qof ee miis wada fadhiyaa ay kala baqan jireen. Waxa lagula kaftamaa inay xirfadaha ay isticmaali jireen ay ka mid ahayd qaar masaakiin iska dhiga oo iyagoo iska dhigaya inay dawarsanayaan la dhigi jira aagga warka laga rabo, si ay u ururiyaan macluumaadka dadka la abbaarayo. Intii hore waxay NSS-tu noqotay hay’ad miisaan badan u leh maamulkii markaa jiray. Nasiib darro sidii hay’adihii kale ee jiray ayay noqotay mid danta qaranka ku tumata oo ta madaxda maamulka dalka haysata uun u adeegta, isla markaana ku jihaysan muwaadiniinta ka biyo diidda maamulkii wakhtigaas dalkii Somalia laysku odhan jiray ka talinayey ee Siyaad Barre madaxda ka ahaa. Innagoon ku dheeraan NSSta ayaa su'aashii aynu is weydiinay ahayd sidee buu sirdoonku u shaqeeyaa, taas oo aynu u dhigayno dhawr siyood: Dalalka reer galbeedku waxay aaminsan yihiin in war la'aan aanad ogayn cidda aad la macaamilaysaa siday u fikirayaan, u shaqeeyaan, u wada dhaqmaan, ula dhaqmaan dadka kale ama iyagu u nool yihiin ay tahay mid keeni karta go'aan qaadasho burbur keeni kara. Waxay aad ugu dedaalaan sidii ay u ururin lahaayeen macluumaad ku saabsan madaxda kale ee adduunka jira. Ama madaxweyne ha ahaado ama xafiis hoose ha hayee. Cid kasta oo iyagu ay dan ama arrini ka geli karto. Waxay isku dayaan inay la socdaan. Tusaale ahaan habka uu madaxeyne dal u shaqeeyo, siduu u nool yahay, waxa uu jecelyahay raaxo ahaan, cidda u dhaw ee uu la hadlo ama u furfurmo, cidda xafiiskiisa u galgalka badan iyo siday u nool yihiin. Meelaha uu tago ama dariiqa uu shaqada u tago. Xitaa hadduu qayilo wax kale iska daayoo nooca jaadka uu jecel yahay iyo goortuu fadhiisto, cidda uu ka helo inuu la qayilo iyo mawduucyada uu jecel yahay inuu ka hadlo. Nooca filimada ama barnaamijyada uu daawado, goorta uu telefoonada dirto iyo markuu mirqaamo sida uu dhaqamo. Maalinta dambe ee habeen ka hadhku sidii u taabto. Inuu yahay qof jaadka ka seexan waaya ama mid aanu waxba yeelin. Tusaalahaa sare wuxuu ku tusayaa siday culuunta qof kasta oo ay la kulmayaan u ururiyaan hay’adaha sirdoonka ee dalalka hore u maray. Waxana aan shaki ku jirin safarkii uu Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale uu ku tegay dalalka Britain iyo Maraykanka ay intii aanay la kulmin ogyihiin waxa uu shakhsi ahaan yahay Madaxweynaha iyo inta la socotaaba. Hay’adaha sirdoonku waxay leeyihiin xafiiska u qaabilsan deriska hab nololeedka iyo dabeecadaha dadka ay markaa rabaan inay wax ka ogaadaan oo loo yaqaan, "Behavior Analysts Department". Waxana aad caan ugu ah hay’adda wardoonka sirta ee Mossaad ee dalka Israa’iil leedahay oo ku jira kuwa adduunka ugu murugsan habka ay u shaqeeyaan. Waxa kaloo xafiiskan ay u badan yihiin aqoonyahaniinta culuunta maskaxda, Psychologists. Iyadoo ay habka sirta loo doonaa ay badan tahay ayaa waxa horta isweydiin leh waa maxay sirtu? Maxaynu ku qeeexi karnaa? Sirtu waa macluumaad ama war u gaar ah shakhsi, koox ama dal oo aan loogu tala gelin in cid intaa ka baxsan lala wadaago sababo badan daraadeed. Taas oo haddii qof, koox ama dal aan loogu tala gelin ay helaan dhibaato, dib u dhac ama hadaf qalooc u keeni karta cidda sirta iska leh. Siyaabaha loo ururiyo macluumaadkaas iyo sida loo tebiyo, isticmaalo iyo weliba tusaaleyaal muhiim ah ayaynu qormadeenna dambe ku soo qaadan doonnaa. Xigasho: Sirgoob |