Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2922

March 11, 2012                                                         Rabical Thani  18,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Chelsea Iyo Manchester United Oo Kala Jiidanaya Cheick Tiote

Laacibka wadanka Ivery Coast Cheick Tiote ayaa ka fakaraya in uu kasii mid ahaado kooxda aan awooda badan laheyn ee Newcastle United xili ay ku dagalamayaan kooxaha waaweyn ee Ingriisku.

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa ku loolamaya saxeexa xidigan kubada bur buriya ah waxana lacibkani uu dhowaan sheegay in uu ubaahan yahay in uu uciyaaro koox ka qeyb galeysa koobka horyaalada yurub ee Champion-ka.

Tababaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson ayaa usheegay jariirada Mirror in laacibkani madogii  uu xulkiisa ku xoojin doono marka uu dhamaado xagaagu. Jariirada Mirror ayaa sidoo kale qortay in macalinka kumeel gaadhka ah ee kooxda Chelsea Roberto Di Matteo uu isna aad uga helo qaab ciyaareedka xidigan reer Ivory Coast.

Cheick Tiote oo dhowaan wadankiisa gaadhsiiyay Final-kii koobka qaramada Africa ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waaweyn ee ka ciyaara horyaalka Premier League-ga England, isaga oo xiligan kamid ah kooxda Newcastel United ee oo kamid ah kooxaha kaalmaha dhexe kaga jira horyaalka Ingiriiska.