Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2796 |
October 16 ,2011 Dul-Qacda 19,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Cilmi Baadhis Lagu Ogaaday In Doobabku Kaga Badan Yihiin Dadka Kale Ee U Dhinta Cudurka Kansarka Daraasad la sameeyay ayaa daboolka ka qaaday in Doobabka ama dadka aan xaaska lahayn labo jeer ka badanyihiin marka la barbardhigo dadka leh xaasaska ee u dhinta cudurka kansarka sida lagu ogaaday cilmibaadhis la sameeyey. Cilmi baadhayaasha oo eegayey tirada dadka u dhintey cudurka Kansarka afartantankii sano ee la soo dhaafay ayaa waxa ay ogaadeen raga iyo dumarka aan weligood guursan ay u badan yihiin in ay u dhintaan 13nooc oo ka mid ah noocyada cudurka kansarka sida kansarka ku dhaca sambabada,naasaha iyo qanjidhada. Hase ahaatee tirada dadka aan weligood guursan ayaa waxa ay tahay mida ugu badan da’ada ka sareysa toddobaatanka, iyada oo sii kordheysey sanadihii la soo dhaafay sida lagu ogaaday cilmi baadhista. Saynisyahano u dhashay dalka Norway oo baadhay 440.000 oo ragg iyo haweenba ah oo laga helay cudurka kansarka laga bilaabo sanadkii 1970 illaa 2007 ayaa la baadhay dadkaasi in ay ahaayeen xaasas iyo iyo in kale oo aanay wali guursan. Ragga aan weligood guursan ee laga helay cudurka kansarka ayaa laba jibaar ka batay dhimashada ragga dhintey iyaga oo xaasas leh boqolkiiba 18 illaa boqolkiiba 35, halka haweenkuna ay ka yihiin boqolkiiba 17illaa boqolkiiba 22. Baadhitaano hore loo sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in dadka guursadaa ay ka caafimaad wanaagsan yihiin kana cimri dheer yihiin dadka aan guursan. Cilmibaadhayaal ka socday Jaamcada Oslo ayaa waxa ay sheegayaan in ragga xaasaska leh ay si dhakhso ah baadhitaan isugu sameeyaan marka ay xanuun dareemaan dhakhaatiirtana ay la xidhiidhaan waxayna dawooyinka dadkaasi u qaataan si wanaagsan iyaga oo gacan ka helaya xaasaskooda. Baadhayaasha ka socda jaamacada Oslo oo eegayay dadka u dhintey kansarka ayaa waxa ay ogaadeen in dadka aan guursan ee u dhinta kansarka in ay sare u kacaan tobankii sanoba 3.4boqolkiiba marka la barbardhigo kuwa aan guursan. Dr Safia Danovi, oo ka tirsan Cancer Research UK, ayaa yidhi: ‘Kansarka dadka ka badbaada waa arin adag waxana jira sababo badan oo arrintaasi quseysa sida lagu sheegay baadhitaanada.‘Dadka oo si dhakhso ah isu daweeya ayaa ah arrin muhiim ah oo kansarka lagaga badbaadi karo sidaa darteed, bukaanku waa inay si dhakhso ah ugu tagaan dhakhaatiirta. |