Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2798

October 18 ,2011                                                                   Dul-Qacda 21,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Dagaalkii Burco-Duuray Ee SNM Ku Muujisay Cududeeda, Ciidankii Afweyne Oo Ku Jabay Iyo Xuska Maalinta Mujaahidka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa October 18, 2011 (Haatuf) - Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadadii SNM oo ku beegan shalay 17-ka October ayaa ku suntan taariikh halgameedkii ururka SNM usoo maray dibu xorayta Qaranka Somaliland, oo maalintaasi ay tahay maalintii dagaalkii Burco duuray ee ciidamadii Siyaad Barre oo tiradoodu ahayd dhawr boqol iyo xoogaga mujaahidiintii SNM oo tiro yar ahaa ay dagaal qadhaadh isku haleeleen goobtaasi ayaa Ciidamada Faqash lagaga dilay Ciidan farabadan halka Mujaahidiinta SNM-na ay maalintasi noqotay goobtii ugu dhimashada badnayd oo ay ku geeriyoodeen afartameeyo Mujaahid oo uu ka mid yahay halyaygii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye Lixle.

Xuska shuhadada SNM oo shalay lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada ayaa waxa ka soo qaybgalay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Marwada koowaad ee Somaliland Aamina waris Sheekh Maxamed Jirde, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.

Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa guddida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta Qaranka Somaliland, isla markaana ka mid ahaa saraakiishii milatari ee SNM, wakhtigan xaadirka ahna ku guda jira ololaha agoomaha iyo naafada SNM sidii wax loogu qaban lahaa oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay  baahida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taariikh halgameedkii qadhaadhaa iyo wacdarahihii loo soo maray dib u xoraynta Qarankan.

Mujaahid C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahidiintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin Cusbitaalo dibadeed.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM iyo Madxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuumada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM.

Isaga oo arrinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan Muhaahidiinta SNM Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taageerto Mujaahidiintii dalka xoraysay”

 Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu  intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle, taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Mujaahid. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garabkii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen Mujaahidiintii SNM iyo ciidankii taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Kaahin waxa uu ka waramay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee  ku sinaa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisimadii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay, iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle.

Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray awoodii garabkii Ciidanka ee SNM. waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafahoodii u huray dib u xoraynta Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Mujaahid. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay u soo  maray intii ka danbaysay aasaaskeeda, isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duurey ka dhacay uu ku soo beegmay xilli isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya.

Mujaahid .Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxamed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka Lagu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay halgankaas.

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidiintii iyo agoomihii SNM, aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye ku galay ololahii Doorashada.

Guddoomiyuhu waxa kale  oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland ku jirno halgan ka duwan kii hore, kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale.

 Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY  uga bariday inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaahidiintii ururkii snm ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda .

Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba.

Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM lagu qabtay Magaalooyinka Burco Iyo Gabilay.