Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2729

July 29,2011                                                                                    Shabcaan 28,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Borama Iyo Arimaha Ku Gadaaman Ee Xusida Mudan

Faallo: Wariyaha Haatuf Ee Boorama Haashim Goth

Safarkii aan laga warqabin ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo Aadiyay qalinjabinta difcadii 10aad ee dhamaysatay culuunta Jaamacada Camuud ayaa ahayd mid bixinaysay midabo kala duwan oo siyaasadeed, marka laga eego dhinacyo badan, hadaba hadaan ka faaloono Arimaha ku gadaaman safarka Madaxweyne Siilaanyo saacadaha ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama iyo sidda loo qiimayn karo safarkaas ayaa ah mid mudan in diirada saarno safarka duqa.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay ugu dambaysay Boorama wakhtigii uu ololaha doorashada Madaxtooyada ku jiray, xiligaas oo si weyn taageerayaashiisu u soo dhaweeyeen, ayaa guushii uu kursiga ku helay ka dib waxa Boorama kaga bilaabmay mucaaradad ku wajahan xukuumadiisa uu dhisay, taas oo ay ku muujinayeen banaanbaxyo iyo hadalo cabasho iyo dhaleecayn ah oo ka soo burqanayay waxgaradka iyo dadka siyaasada daneeya.
Hadaba Imaatinka Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegmay wakhti maamulkii sare ee Gobolka iyo degmadu safaro ku maqan yihiin, waxaana dad badani ay aaminsanaayeen in Siilaanyo uu la kulmi doono Mucaaradad iyo banaanbaxyo lagaga horyimaad weftigiisa, balse wuxuu la kulmay soo dhaweyn weyd ah marka la barbar dhigo soo dhaweyntii Boorama looga sameeyay Madaxweynihii hore ee uu ka guulaystay bil ka hor iyo tii isaga xiligii ololaha loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu toos u tagay Xarunta Jaamacada Camuud ee qalinjabintu ka socotay oo isaga iyo weftigiisa laga raagsaday, intaa ka dib Madaxweynaha oo isagu u muuqday nin da’ ah ama duq ah ayaa si taxadir leh Baabuurkiisa looga dejiyay meel u dhaweyd Hoolka Xaflada lagu qabanayay, waxaana ciyaarta Sayliciga ula taagnaa Afaafka Hoolka kooxda ciyaarta Sayliciga, halkaas oo Siilaanyo sacabka la adkeeyay kooxda ciyaaraysay wax daqiiqad ku dhaw, ilaa intii uu soo gaadhay xarunta Jaamacada, waxaa hareeraha ka yaacayay raxan wasiiro ah oo la nooc ah wixii Kulmiye ku dhaliili jiray xukuumadii hore, ishaaduna waxay qabanaysay nidaam daro ay ciidanka ilaalada u ahaa u tuuraanturinayeen masuuliyiinta barbar yaacaysay Madaxweynaha  iyo warbaahinta wax ka duubaysay.
Markii ay bilaabantay Xafladii qalinjabinta ee uu khudbada bilaabay guddoomiyaha Jaamacada Camuud ayaa waxaa la arkayay qosolka Madaxweynaha ee uu ku qoslayay erayada Prof. Sulaymaan ee kaftanka iyo duur-xulka iskugu jiray.
Sidoo kale dad badan ayaa isweydiinayay Madaxweynaha iyo Muuse Biixi oo garabka isku haya xili Saaxiibkii Axmed Siilaanyo ku furay ururadii siyaasada, waxa iyaduna xusid mudnayd khudbadii uu Madaxweyne Siilaanyo qorshaystay in uu ka akhriyo xaflada Qalinjabinta oo uu laalaabtay, taas oo aan la garan karin waxa sababay, balse loo malaynayo dhanka Iftiinka oo ay hadheeyeen masuuliyiinta hareera taagnaa isaga. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku soo afmeeray hadal waayeelnimo ku suntanayd, waxaana ka maqnaa Khudbadiisa in uu Ardayda qalinjabinaysa iyo dadka xaflada yimid u sheego wax bishaaro ah oo ay ku farxaan.
Madadxweyne Siilaanyo waxa laga rabay in uu Jawaab ka bixiyo Hadal shucuur badan geliyay dadkii munaasabada yimid oo uu jeediyay Ardaygii u hadlayay Ardayda qalinjabinaysa.
Arimaha faraha badnaa ee Madaxweyne Siilaanyo ka gabaday in uu jawaab ka bixiyo, marka laga reebo dareenkiisa dhoola cadaynta ahaa, waxaa loo macnaysan karayaa Siyaabo kala duwan, taas oo aan barbar dhigayo marar badan oo aan arki jiray Axmed Siilaanyo oo marka uu hadlayo ay dhimbiilo ka hilaaci jireen hadaladiisa marka uu makarafoonka haleelo, Waxaa markhaati ma doon ah isbedelka ku yimid Madaxweyne Siilaanyo hanashada kursiga, taas oo aan la garan karin wax sababay, laguna macnayn karo Farxadii waa Naxdin.
Sidoo kale Madaxweynuhu markii xafladu dhamaatay wuxuu kulan la qaatay Duqayda iyo waxgaradka Boorama, Madaxda dhaqanka ayaa Madaxweyne u tilmaamay waxay ka rabaan dawladiisa oo ay u horayso dhismaha Jidka isku xidha Boorama iyo Dilla, waxa uu Siilaanyo indhihiisa ku soo arkay intii uu Boorama ku soo socday 4km ee ay ahayd in dawladu dhamaystirto boqolkii maalmood ee u horeeyay oo noqotay mashruucii Faanoole, isla markaana Qandaraaslaha Qaatay ee xigtadiisa ahaa uu ka mid ahaa dadka weftigiisa barbar socday, Madaxweyne Siilaanyo ayaa Duqayda u sheegay kalana hadlay adkaynta nabadgelyada iyo in uu kala qaybqaadan doono dhismaha jidkaas, waxa kale oo xusid mudan in waxgaradka Awdal ay Siilaanyo u cadeeyeen in Wadada Jabuuti u baxaysa ay noqoto mid ku xidhanta Laamiga Boorama, meel kalana aanay aqbalayn, balse Madaxweyne Siilaanyo ma noqon mid jawaab shilis ka bixiya hadalada waxgaradka Awdal qaarkood u bandhigeen, intaa ay socotay shirarka Madaxweynaha iyo Duqayda Awdal ayaa la dareemayay sida ay meesha uga maqnayd doorkii ay lahaayeen Siyaasiinta reer Awdal ee Weftiga la socday, kuwaas oo aan marnaba laga arag dhiraan-dhirintii iyo is fahamsiintii lagu yaqaanay siyaasiga gobolkiisa iyo deegaankiisa la marayo, taas oo loo malaynayo in ay tahay ta Madaxweyne Siilaanyo booqashadiisa ka dhigtay in uu saacado joogo Boorama.
Si kastaba ha ahaatee, Safarka Madaxweyne Siilaanyo uu ku yimid markii ugu horaysay Boorama tan iyo intii uu noqday Madaxweynaha dalka ayaa la odhan karaa waxay ahayd mid Gelid iyo Bixis ah, waxaana la odhan karaa waxa dedejiyay Madaxweyne Siilaanyo isagoo diidanaa in la furfuro cabashada Awdal, taas oo shacabka Awdal tusaysa tamarta xukuumada Siilaanyo aanay u lahayn in ay shacabkeeda qanciso, dhanka kalana waxaa xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu habeen isku aamini waayo gobol muhiim u ah siyaasada Somaliland.

la Soco…….