Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2813 |
November 04 ,2011 Zul al-Hijjah 08,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Maxkamad Ku Taala Jig-jiga Oo La Sheegay Inay Xukuno Ku Riday Dad Shicib Ah Oo Ka Soo Jeeda Beesha Arab Ee Kililka Shanaad Jigjiga, November 4, 2011 (Haatuf) - Maxkamad Ku Taala Magaaladda Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa La Sheegay Inay Xukuno kala duwan ku riday 57 qof oo dhawaan ay Ciidamada New Booliska ee Kililka Shanaad ay ka qabteen deegaanka Yoocaale, isla markaana ka soo jeeda beesha Arab ee dhawaan Dirirtu ku dhexmartay beesha Ogaadeen deegaankaas ay wada dagan yihiin, kuwaas oo ay Maxkamadu ku riday xukuno kala duwan oo dhaadheer. Sida Haatuf u sheegeen dad ku sugan Magaaladda Jigjiga, kana cudurdaartay in Magacooda la shaaciyo ayaa ku waramay in dadkaasi shalay Maxkamadu ku riday xukuno kala duwan, isla markaan maanta loo gudbin doono Jeelasha waawayn ee Ethiopia. Xukunadan oo aan wali si rasmi ah loo shaacin ayaa la sheegayaa in laba dumar ah oo ka mid ah 57 Maxbuus ee ay Dawladda deegaanka Ethiopia xukuntay in lagu riday min shan sano, halka 55 ka nin ee kale uu xukunkoodu aad u dhaadheer yahay oo uu gaadhayo 25 sano. Arrintan oo aan wali soo shaac bixin ayaa hadal haynteedu aad ugu badan tahay Kililka shanaad ee Ethiopia iyo Somaliland-ba tan iyo intii ay soo baxeen wararka sheegaya xukunkaas, waxaana soo if-baxaysa in si weyn looga cadhooday xukunkaasi maadaama dadka dagaalku dhex maray ay ahaayeen laba beelood oo wada dega Kililka 5-aad, balse magacii Dawladnimo loo adeegsaday oo kaliya dhinaca beesha Arab taas oo maamulka Kililka shanaad ku tilmaameen inay yihii Argagixiso ka soo talowday dhinaca Somaliland. Iyadoo la ogyahay beesha Arab inay tahay beel labada Dal-ba deegaan ku ah. Xukunkan ayaa saamayn xun ku yeelan doona deganaanshaha beelaha wada dega Kililka shanaad, isla markaana abuuri kara xaalad Amaan daro isagoo sii hurin kara dagaalkii marka hore-ba labada beelood u dhaxeeyay ee ay xukuumadda Kililku soo af-jari kari weyday. |