Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2823

November 16 ,2011                                                                    Zul al-Hijjah 20,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Urur Siyaasadeedkii Ugu Miisaanka Cuslaa Oo Ay Ku Bahoobaan Xubno Ka Mid Ahaa Hogaamiyayaashii SNM Oo Shirkiisii Wanqalka La Qaban Doono Iyo Muj Dhago-Weyne Oo Ka Hadlay

 “Wax Dhulka Naga Yaalaa Ma Jiro, Xeerkii Iyo Barnaamijkii Ururkana Hore Ayaanu Shacbiga Ugu Bandhignay Inay Talooyin Ka Soo Dhiibtaan, Shirkii Aanu Kaga Dhawaaqaynayna Waanu Qabanaynaa” Muj.Ibraahim Dhagaweyne (Waraysi Khaasa)

Hargeysa, November 16, 2011 (Haatuf) - Mujaahid Ibraahim C/llaahi Xuseen (Dhagaweyne) oo ka mid ah hogaamiyeyaasha sarsare ee urur siyaasadeedka UDHIS, ayaa sheegay in si dhakhso ah ay dhawaan u qaban doonaan shirkii ay kaga dhawaaqayeen urur siyaasadeedkooda, waxaanu intaa ku daray in hawlihii diyaar garowga shirweynahoodu u dhamaystirmay, waxaanu tilmaamay in muddooyinkii dambe ay ku hawlanaayeen, isla markaana taageerayaashooda u bandhigeen sharciga, xeerarka iyo barnaamijka ururkooda.

Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne waxa uu sidaasi ku sheegay mar aanu xalay khadka Telephone-ka kula xidhiidhnay, waxna kaga waydiinay maalinta rasmiga ah ee ay qabandoonaan shirweynihii ay kaga dhawaaqayeen ururkooda UDHIS, oo isagu ka gows qabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo, ayaa ururkooda Udhis oo baryahan dambe la sheegay inuu taageerayaal badan ku yeeshay dalka gudhiisa iyo dibadiisa, ayaa isaga oo ka hadlaya si kooban waxa uu u yidhi “Shirweynihii ururkayaga aanu kaga dhawaaqaynay si dhakhso ah ayaanu u qabanaynaa, inaanu maalmaha soo socda si rasmiya daboolka uga qaadno, hawlahayagii diyaar garowguna meel fiican bay noo marayaan, wax dhulka naga yaalaana ma jiraan, shacbiga reer Somalilandna waxaanu muddo hore-ba u bandhignay xeerka iyo barnaamijka urur siyaasadeedkayaga inay talooyin iyo aragtiyahooda ka soo dhiibtaan soona akhristaan”

Dhinaca kale urur siyaasadeedka UDHIS ayaa lagu tilmaamayaa ururada ugu miisaanka culus  ururada siyaasadeed ee lagu dhawaaqay, kaas oo isagu ahaa urur muddo laba sanadood oo hore  dalka uga jiray, isla markaana ku bahoobeen  xubno ka mid ahaa hogaamiyayaashii ururkii xaq u dirirka SNM ee dalka ka xoreeyay taliskii Daallinkii Siyaad Barre soo Somalia ka amar ku taaglayn jiray.

Xubnaha mujaahidiintaasi oo ay ka mid yihiin Ibraahim C/llaahi Xuseen, C/raxmaan Aw Cali Faarax, Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi, iyadoo ay dhinaca kalena jiraan xubno miisaan culus leh oo ay ka mid yihiin mujaahid Axmed Mirre Maxamed, oo isagu ka madaxbanaanaa saddexda xisbi ee hore u jiray inay ka mid noqon doonaan siyaasiyiinta urur siyaasadeedka UDHIS.