|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2825 |
November 18 ,2011 Zul al-Hijjah 22,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Wefti Iskugu Jira Wasiiro Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolada Awdal Iyo Salal Oo Xalay Guure Ku Galay Boorama Iyo Dareeno Shaki Leh Oo Dadweynuhu Ka Muujiyeen Socdaalkooda Boorama, November 18, 2011 (Haatuf) – Wefti isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka kaga jira gobolada Awdal iyo Salal ayaa xalay socdaal Guuro ah ku soo galay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, kuwaas oo safarkooda lala xidhiidhinayo inuu ku lug leeyahay arrimo ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqyada Kooxo Somaliland diidka ahi ay ka wadaan dalalka Qurbaha iyo Sidii Shacabka deegaankaasi ay uga wacyigalin lahaayeen in aanay saamayn ku yeelanin Kooxahaasi. Xubnaha weftiga Wasiirada ah oo dhamaantood ka soo wada jeeda gobolka Awdal ayaa waxa ka mid ah Wasiirka Hawlaha Guud Ismaaciil Muumin Aare, Wasiirka Dib u dajinta C/risaaq Cali Cismaan iyo Wasiir ku xigeenka waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, iyagoo ay sidoo kalena weheliyaan xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka kaga jira Gobolada Awdal iyo Salal. Weftigan ka socda golayaasha Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo xalay abaaro Sagaalkii Habeenimo soo galay magaalada Boorama ayaan iyagu si rasmi ah uga hadal ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa weftigooda balaadhan ee wakhtigan xaadirka ah ay ku yimaadeen xarunta gobolka Awdal uu daaran yahay, hase yeeshee Wasiirka dib u dejinta C/risaaq Cali Cismaan oo Wariyaha Haatuf ee Gobolka Awdal uu wax ka weydiiyey ujeedada socdaalkooda wakhtigan xaadirka ah, ayaa isagu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo socdaalkooda, kuna afgobaadsaday in aanu ka hordhacayn. Sida uu ku soo waramay Wariyaha Haatuf ee gobolka Awdal ayaa isagu sheegay in weftiga socdaalka ku yimid Boorama ay shacbiga magaaladaasi dareemo shaki leh ka muujiyeen ujeedooyinka ay u socdaan guud ahaan xubnaha xukuumada iyo golayaasha Baarlamaanka ugu jira deegaanadaasi. Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah Culimada Boorama oo ah dadka u dhuunta daloola siyaasada xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa dareenkiisa ku wajahan weftigaasi uga waramay Haatuf, kaas oo sheegay in aanay jirin wax natiijo ah oo wufuuda xukuumaddu u soo dirto gobolkaasi oo midho dhal yeesha oo ka soo baxa. Waxaana ka mid ah hadaladiisi “Xubnahan Wasiirada iyo Xildhibaanda la socda ee yimid magaalada maaha markii u horaysay, waxay yimaadeen marar badan, marna lama Arag natiijo ka soo baxday oo la taaban karo, waxaanan filayaa in aanay wada socon siddii caadada u ahaan jirtay masuuliyiinta Xukuumadan Siilaanyo kaga jira goboladan”. Si kastaba ha ahaatee, socdaalka weftigan ay ku yimaadeen Boorama ayaa ku soo beegmay wakhti ay xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay gobolkaasi, isla markaana ay ka oogan yihiin dhaqdhaqaaqyo ay kooxo qurba joog ah oo Somaliland diid ahi ay durbaanadooda ka timayaan qurbaha. Weftigan Afka ka xidhay socdaalkooda Boorama ay ku joogaan inay tafaasiil ka bixiyaan ayaa la filayaa inay halkaasi ku sugnaadaan maalmaha soo socda. |