Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2828 |
November 22 ,2011 Zul al-Hijjah 26,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
RADIO MAQALOOCSHE A.A.GARAS Halkani waa Raadyow Maqalloocshe oo aydin ka dhagaysataan mawjadaha Kaftanka Ruugga. Akhyaartayada afka dhuubanow waxaynu soo gaadhnay millaygii aan idinku gadh qaban jiray warkii dunida, waxaana galabta u gaal-gaali doona wariye Mr Raad Abeeso. Warka Ragaxdiisii:- Hambadii marxuumadii Soomaalida ayaa qaydhiinka lagu qaybsaday, kaas oo gobolladii janada ee Juba iyo Shabeelayaashii dhiig la’aan ku furtay maryo aloolka askarta Afrika bari, siiba wadamada horeba gobollo Soomaaliyeed gaaladu ugu boobtay ee Kiiniya iyo tan Atoobiya. Waxa kale oo baloodhada marxuumada usoo boobtagay wadamada xaqanaas ee Ugaandha iyo Burundi, Tansaniya, Ruwaanda iyo abkay gaalo madaw, boobkaas dhulka Soomaalida oo aad moodo in Joomitir ajinabi u kala joogsaday oo wadanba gobol loo caseeyay ayaa mid waliba intii loo asteeyay askar u soo dirtay, shalay oo u dambaysay ayaa la arkay habartii Itoobiya soo diratay oo huluulanaysa Hiiraan iyo galguduudane, usbuuc ka horna Kiniya ayaa gobolladii laba Jubba kooxdii Alshabaab ku wareejisay askartii lagu amray inay ku meelgaadh ugu sii hayaan, ka horowna gobolladii Banaadir iyo bahashii Caasimada la odhan jiray waxa ka dhibi lisan jiray isbatoore reer Yugaandha ah, kuwaas oo yad ahaanba isaga dhaxlay halkaa oo askarta sabaankanba askarta Yugaandhi ka amar ku taaglayso, kuwaas oo xukuumada ku meelgaadhka ahina marti ahaan kula joogto xeryaha askarta ajinabi halkaas oo sharwade shariifka isku sheegayaana isku magacaabo madaxweynaha wadankan uu martida ku yahay ee ciidanka shisheeye ku ilaaliyo. Hadaba qorshahan qaybsiga Soomaalida ee ay idaacadaha shisheeye dadka ka qariyaan una sikhiraan Somalida la qaybsanayo, balse anigu si aan ilaaq lahayn idiinku sheegi doona shirqoolka shisheeye, waxaan ka waraystay oday daacad ah laakiin waayay idaacad daacad ah oo xitaa waraysi yarna ka qabta runta dadka la qaybsanayo, odaygaas oo baryihii hore nin dheer ahaa imikana Bakayle leekaaday sidii uu waagii beryaba uga naxayay dhaxal wareegga iyo dheg xumada haysata dhulkiisii iyo dadkiisii, odaygaas oo arag iyo il-xumada ka muuqatay aniga qudhayda urugadu I asqaysay, ka dib waxaan su’aalay oo ku idhi maxaa din helay?. J: Aree afart cadow oo afartuba ilmo gaalo ah ayaa na laayay, sida naloo laynayo way ka wada tashadaan, tusaale ahaan dadkaa masaakiinta ah meesha ay degaan ayaa dagaal laga ridaa intay dilaan mooyaane inta kale ayaa u baro kici meel biyo ay ka cabaan oo ay ku ururaan, waxa noogu imanaya qoladan la yidhaa kufaarta Tukada ee isku magacaaba shabaab, kuwaas oo ah wiilal yaryar ah waxay isu soo ekaysiyaan dadka Islaamka ah ee culimada ah waxay suubiyaan siyaasada bidada. S: Waa maxay siyaasada Bidada? J: Siyaasada Bidadu waxa weeye iyagoo dadka ku caaya waxay iyagu qabtaan ama waxay suubiyaan ayay cid kale ku eedeeyaan. Tusaale ahaan, waxay dadka ku dilaan gaalo ayaa tihiin iyagaana gaalo ah, waxa kaloo ay dadka ku eedeeyaan gaalo ayaa u basaastaan ama raacdaan dhab ahaana iyagaa u basaasa gaalada iyaganaa noo jabiya, iyagaa dadka islaamka ahna xasuuqa gaaladana ka yaaca markaa nimankaas oo anagu aanu u naqaano kufaarta Salaada, ta kale waxay suubiyaan in meesha aanu u qaxno ayay xabad ka ridaan kolkaas ayay ciidamada Yugaandha ay madfac weyn ku soo ridaan, oo masaakiinta ku duqeeyaan, kuwaas oo marmarsiiyo ka dhiganaya inay alshabaab la dirirayaan iyaguna waxba isma yeelaane anaga ayuunbaa naloo heshiiyay, mana dhacdo inay maalin kaliya cidla isku dilaan, dhexdayada ayuun bay iskula meeraystaan. S: Dawladan ku meelgaadhku miyaanay idinka dhicin Alshabaab? J: Aree ma xukuumad baad moodi waa alshabaabtii iskala qaybisaye, shalay sow ma ahayn markii shariifku uu shabaabta hor kacayay. S: Maxay waxyeelo idiin gaystaan? J: Horta marka hore wayna hododaamaysaa oo intay dadka meel ku ururiyaan oo yidhaahdaan alshabaab ayaanu idinka celinaynaa ayay hadana alshabaab noogu yeedhaan oo nala qarxiyaa markaa kolkii alshabaab aanu ka qaxnaba ee aanu u cidlaynaba TFG ayaa noo yeedha oo nagaysa meel nalagu qarxiyo. S: Beesha caalamku maxaa waxyeelo ah ee ay idinku haysaa? J: Horta beesha caalamku waa ta waxan oo dhan soo maleegta alshabaabta iyagaa soo dira, oo waliba wadamada carbeed ayaa soo soo dira, TFG-dana beesha caalamka ayaa noo soo magacawda oo noo soo doortay markaa balaayo aan beesha caalamka ahayni nama helin, waxase maga xumo ah in dadka Somalidu garan waayaan cadowgooda oo kuwa burburinaya ay u yaqaanaan hay’ad samafal, ciil maan qabeen haddii Somalida garanayso kuwa dhaxlay ee dhawaac tiraya. Hadaba hadaan waraysigaas intaa ku koobo, shaki kuma jiro in dhulkii Somalidu cid kale u gacan galay waliba wadamadaas uu gacantooda galay maaha kuwo xidhoonaya ee waa kuwii horeba looga fujin waayay gobolladii ay Somalida ka haysteen. Hadaba jamhuuriyadan shankaroon oo ah meesha kaliya ee ka noolayd shantii Soomaaliyeed ayaa iyada qudheeda loo tashaday kaartadii lagu kadab jari lahaa Kiiniya loo fadhiyay, haba loo fadhiyee lama oga wadanka qayb u helay iyo cidda loo qoondeeyay qorshihii Somalida dib loogu qaybsaday, waxase la ogyahay in wadamada Igadh la yidhaahdo ay Yurub iyo Maraykanka heshiis qarsoodi ah la galeen ka caawiyeen sidii ay wadamada reer Igadh u wada yeelan lahaayeen Ciidan goboleed aan Soomaalidu ku jirin, kuwaas oo hawshoodu tahay in dal waliba Soomaalida gobol ka goosto ciidan gaysto, iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya alshabaab, argagixisaa joogta kolkaasna ay hawl yaraan iskaga qabsadaan, iyadoo dadkii dhulkooda difaaci lahaana noqdeen kuwo qaxay, kuwo alshabaab laysay, kuwo gaajo u dhintay, kuwo dagaalo lagu dilay, kuwo cudurro lagu talaalay iyo kuwo u dhinta talo xumada dawlad madaxdeedu tahay dadkii qurbo jooga ahaa intii gaalada u gaalowday, dumarkii la soo siiyay balaayo barojecti, kaas oo lagu yidhi rag baa idin adoonsan jiraye ku soo aargoosta, si kastaba ha ahaatee werwerka xilligan haysta dadka shankaroon iyadoo ururadii islaam ceebayska ahaa dalka ku baaheen oo maamul iyo madarasad iyo masaajidkii iyaga u gacan gashay, dawladii dalka haysatayna ay noqotay NGO la shaqeeya hay’adaha shisheeye iyo ururada beesha caalamka, isla markaana madaxdii xukuumadu ay noqdeen dadkii wadamada shisheeye magan-galyada siiyeen waxa is weydiin le sidii laysaga dhicin lahaa daalin samo-fal ah iyo gaal gadhle. Imikana waxa la gaadhay xilligii gabayga:- Anigoo dal xora laan U xiisaa gumaysiga Xeeladihii shisheeye Xoogga igu adoonsaday Imikuu xariifkii I baraa xuquuqdooda Xeerarkiisa raacaa Annoo xoolo haystaan Gaajada la xoodmaa Xantoobada gargaarkiyo Xaashiyo mashruucaan Xigmadayda galiyaa Xayiraada dunidii Xuurtada I saartaan Xubbi gaalo raacaan Cidla wali ku xiiqaa Xayawaan mar baan ahay Ma xasilo ilaa aan Xaaskiyo caruurtaba Yurub xero qaxootiyo Xaaraan ku soo qoro Xaaji iyo nin xiirtoow Maad garan xalkaagiyo Urur laysku xiijiyo Xisbi baan u loolami Xummadii hu noqotaye Xukunkii jadiidkow Xantiinaa la qariyaa Dadku waa xakama ruug xasiloonidii guud Xilli laga walaaciyo Xuduud daafac baa yimid Xaalad dagaaliyo xanaf taabashaa timid xaaluf lacagta aaniyo xeedho haawa taa timid lacag baa la xadayaa inankii ku xiiqee is xabeebin jirayiyo ina xaashi mee dhaha xoolihii la cunayiyo mee xisaab qorkaagii kaligii xariifkii isagiyo xertiisii-ba xas jibaaxayaashii xaqiiq maysu barateen in xiniinyahoodaba xigta-duun u haystaan |