Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2829

November 23 ,2011                                                                    Zul al-Hijjah 27,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Ciidamo Ethoipian Ah Oo Qof Ku Dhawaacay Gudaha S/land Iyo Baabuur Ay Ciidanka Bileysku Ka Reebeen

Boorama, November 23, 2011 (Haatuf) - Ciidamada Fedraalka Ethiopia ee loo yaqaan Finaaska ayaa ka soo gudbay xuduuda u dhaxaysa degmada Magaalo-Cad iyo degmada Aw-Bare ee Kililka 5aad, Halkaasna ku dhaawacay qof rayid ah sida uu Haatuf u sheegay Gudoomiyaha degmada Magaalo/Cad Bashir Cumar Warsame.

Guddoomiye Bashiir ayaa intaasi ku daray in Cidamadani inta ay gudaha degmada ee xuduuda Somaliland soo galeen ay isku dayeen in ay kaxaystaan Gaadhi halkaas ku sugnaa, balse ninkii wadaha ka ahaa la baxsaday gaadhiga, xabadna ay ku rideen waxaanay dhaawaceen qof rayid ah, intaa ka dib ayay hadna gaadhi joogay isla Magaalo-Cad ay damceen in ay kaxaystaan, gaadhigaas waxaa lagaga reebay Kaantaroolka Magaalada looga baxo, waxaana rasaas isweydaarsaday Ciidanka Booliska iyo qolyaha Askarta Ethoipia ee xuduuda soo gashay, waxaanay dib ugu laabteen gudaha Ethiopia.

Guddoomiye Bashiir wuxuu intaas Raaciyay in ay Arintani dhacday duhur ku dhawaadkii ama xilyadii duhurka ee  shalay, waxaana noo yimid ayuu yidhi Gudoomiyaha degmada Magaalo/Cad taliyaha Bileyska gobolka Awdal oo aan soo tusnay meelihii ay wax ka dheceen.

Sidoo kale waxaa jirtay in ay dhawr jeer ciidamada fedraalka ee Ethiopia ay ka soo gudbeen xuduuda dalkooda una soo gudbeen deegaanka Somaliland, hawlgalada noocan ee ay ciidamadu xuduuda kaga soo gudbayaan ayaa ah Arimo ku soo kordhay xuduudaha labada dal oo ah xad gudub dhanka xuduudaha ah oo bilaa sharci ah.