Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2295

March 10,2010                                                                Rabi Al-Awal 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Salaadiinta Habar Yoonis Oo Shaaca Ka Qaaday Shirwayne Ay Beeshoodu Iskugu Iman Doonto Oo Ay Dakad Cusub Kaga Samaysan Doonaan Magaalada Maydh

“Safarkayagu Waxa Uu Ahaa Mid Beeleed, Hawsha Aanu U Soconayna Waxay Ahayd Inaanu Dakada Eegno Xukuumaduna”

Suldaanka Guud Ee Beelaha Habar Yoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani

Ceerigaabo, March 10, 2010 (Haatuf) -  Salaadiinta Beeleha Habaryoonis ee dabayaaqadii bishii February u socdaalay gobolka Sanaag ayaa shaaca ka qaaday in beelaha Habaryoonis ay iskugu iman doonaan shirwayne ay kaga arinsan doonaan dakad cusub oo ay ka samaysan doonaan magaalada Maydh ee gobolka Sanaag oo ay tilmaameen in 15-ka bisha June 2010-ka  lagu qaban doono Magaala-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis  Suldaan-Maxamed Suldsaan- Xirsi Qani oo shalay magaalada Ceerigaabo ka soo saaray Bayaan wada jir ah oo ay ku saxeexan yihiin 10 suldaan oo ka mid ahaa waftigii salaadiinta ee uu hogaaminayey ayaa sheegay in beelaha Habaryoonis ay shirwayne ku qabsan doonaan magaalada Ceerigaabo, kagana arinsan doonaan dib u dhiska dakada Maydh, suldaan Maxamed suldaan Xirsi Qani oo ay hareero fadhiyeen madaxdhaqameedyada beeshiisa oo bayaankaasi ay ka soo saareen Ceerigaabo shalay akhriyaya ayaa wax uu u dhignaa bayaankoodaasi:- .

Ku: Dhammaan Cuqaasha, Waayeelka, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo Guurtida Beesha Habaryoonis.

Ujeeddo: Bayaan.

Ka dib markii Salaadiinta, Boqorrada iyo Chief-Caaqilada Gbolka Sanaag ee Habaryoonis na soo gaadhsiiyeen qoraal ay ku hambalyaynayaan cid kasta oo ku hawllan waxqabadka gobolkan uguna mahad naqayaan nmudnaanta ay Habaryoonis siisay gobolka, iyagoo ku faraxsan hiilka ballaadhan ee Habaryoonis u gashay isla markaana codsanaya in Shirweynaha waxqabadka beelaha beelaha Habaryoonis lagu qabto Gobolkooda iyagoo fidiyey Gogosha iyo marti gelinta shirkaas, iyagoo kaga abaal celinaya mudnaanta la siiyey.

Sidaasi darteed, annagoo ah Salaadiinta iyo Boqorrada manta ku sugan gobolka Sanaag, waxaannu u sheegaynaa guud ahaanba Beelaha Habaryoonis in aannu Aqbalnay codsigaas, isla markaana annagoo inta kale ee naga maqan ee Salaadiin iyo Boqorro ahba ka wakiil ah waxaanu guddoominey sedan:-

  1. In  Shirweynaha Beelaha Habaryoonis lagu qabto Magaalada Ceerigaabo.

  2. Muddada shirkaasi bilaabmi doono oo ah 15.06.2010.

  3. Ujeeddada shirkaas oo ah wax qabadka Dekedda Maydh.

Magaca iyo Saxeexyada Salaadiinta.

1. Suldaan-Maxamed Suldaan-Xirsi, (Suldaanka Guud)___________________

2. Suldaan-Rashiid Suldaan-Cali Ducaale      ___________________________

3. Suldaan-Yuusuf Muxummad Xiirey ________________________________

4. Suldaan-Nuur Faarax Xuseen______________________________________

5. Suldaan-Maxamed Cabdi C/laahi___________________________________

6. Suldaan Aadan Yuusuf Nuur______________________________________

7. Sudaan-C/raxmaan Cawaale Hurre__________________________________

8. Boqor-Axmed Cali Ducaale_______________________________________

9. Boqor-Maxamed Nuux Aadan_____________________________________

10.Suldaan-Cali Yuusuf Cabdi (Badda Cas)____________________________

Intaasi kaddib dhawr su'aalood oo saxaafadu weydiisey suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis suldaan Maxamed suldaan Xirsi Qani oo lagu baahiyey shabakada wararka ee Qaran News jawaabihii uu ka bixiyey bayaankaasi ay soo saareen ayaa waxay u dheceen su’aalihii la waydiiyey sidan:-

S. Suldaan-Xukuumaddu socdaalkiinna door ma ku leedhay, haddii ay ku leedahayse waa door intee le'eg?.

J. Safarkayagu wuxu ahaa safar beeleed, safar madax dhaqameed, oo Xukuumaddu codsaalkayagan wax door ah kuma lahaa laakiinse cid kastoo wax qabad u jeedda waa la oggol yahay.

S. Dekedda Maydh waqtigii aad booqateen wax dhagax dhig ah miyaad halkaas ka samayseen?.

J. Hawshayadu bilaw ayay ahayd, wixii aanu u soconneyna waxay ahayd dekedda in aannu eegno laakiinse waqti dhagax dhig lama gaadhin weli, dekedduna waa deked qaran, waana loo siman yahay dhagax-dhiggeeda iyo hawsheedaba, markaa waxa la fara gelin doonaa marka hawleheeda la ururiyee maanta ma aha.