Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2833 |
November 28 ,2011 Muharam 03,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
W/Waxbarashada Oo Sheegtay Inaanay Wax Dhib Ahi Ku Jirin Haddii Ay Socdaal Ku Tagto Jabuuti Hargeysa November 28, 2011 (Haatuf)-Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa sheegtay in dalka Jabuuti aanay wax dhibaato ah u arkin haddii ay socdaal ku tagto, kuna tilmaantay masuuliyiinta xukuumada ee u kicitimay dalkaasi ay u tageen hawlo shaqo, iyada oo intaa ku dartay in dhawaan ay xadhiga ka soo jari doonto dugsi Boodhan ah oo laga hirgeliyay degmada Saylac ee xarunta gobolka Selel. Wasiir Samsam oo ka hadlaysa qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegay inay socdaal ku tagtay dalka Jabuuti ayaa waxay tidhi “ Qoladiinan Saxaafaddu horta inaad wax hubsataan weeyi, anigu uma arko jabuuti joogitaankeeda wax dhib ah aniguse maan tagin. Inta aan ka ogahay Wasiirka Ciyaaraha iyo ka Macdanta iyo Biyuhu waxay u tageen Ceel laga qoday Ceel gaal oo markiiba way soo noqdeen, Wasiirka Kalluumaysiguna waxa uu u tagay Markab ay Saxaafadduba qortay in ay Jabuuti ka kaxaysatay Xeebta Saylac . aniguna Hargeysaaban joogaayo meel aan tagay ma jirto” ayay tidhi Wasiir Samsam waxay intaas raacisay “ Wasiirka kaliya ee u tagay hawsha Madaxweynuhu waa Wasiirka Madaxtooyadda kaasina waa shaqadiisa oo kolay kulamada Madaxweynuhu la yeelanayo Madaxda Dalkaasi iyo Heshiisyada ay wada galayaan in uu u fududeeyo Madaxweynaha loogama maarmayo, oo qoraaladii Xafiiska ayuu hayaa.” Ayay tidhi Samsam Mar la weydiiyay sababta ay iyadu u tagi weyday iyo inay u qorshaysan tahay inay tagto waxay tidhi “ aniga hawl ii taalay ma jirto hase yeeshee waxa ii qorshaysan dhawaan inaan socdaal ku tagi doono Goboladda ay jaarka yihiin oo wasaarad ahaan hawlo muhiim ah oo inaan soo furo ahi uu yaalaan. Sida Dugsi boodhin ah oo aan Saylac ka soo furi doono oo kale iyo Kormeero kale oo aan xaalada Waxbarasho ku soo Eegi doono. Intaasna xaga dhulka ayay noqon doonaan inaan u maro” ayay tidhi |