Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2508

November 14, 2010                                                                        Dul-Hijjah 07,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Madaxa Sirdoonka Qaranka Oo MaantaLa Magacaabi Doono Iyo Xubnaha Safka Hore Ku Jira

Hargeysa, November 14, 2010 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta si rasmiya ugu dhawaaqo masuulka cusub ee madaxa sirdoonka qaranka Somaliland, ka dib markii uu doraad xilkaasi si rasmiya iskaga casilay, madaxii hore ee Sirdoonka qaranka Xuseen Xasan Rooble (Xuseen Kenyaati), oo isagu mudo kooban xilkaasi hayey, taas oo uu mar uu qaar saxaafada ka mid ah ku sababeeyey is-casilaadiisa, sababo la xidhiidha faro galin uu sheegay in ay ku sameeyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo aanu carabaabin.

Xuseen Xasan Rooble (Xuseen Kenyaati) ayaa waxa uu noqonayaa masuulkii afraad ee iska casila xukuumada madaxwayne Axmed Siilaanyo, iyada oo ay hore iskaga casileen, madaxii diwaanka Sakada Sheekh C/laahi Sheekh Cali Jawhar, Aadan Jaamac Hoori oo isaguna ahaa xubin ka tirsan Koomishanka Aids-ka Qaranka iyo C/rashiid Ducaale Qambi oo isaguna loo magacaabay xubin ka tirsan hay’adaha shaqaalaha, kuwaas oo dhamaantood ka wada cudur daartey xilalkaasi madaxawaynuhu u  magacaabay Madaxwayne Axmed Siilaanyo.

ilo xogagaal ah oo u dhuun daloola madaxtooyada Somaliland ayaa Haatuf u sheegey in uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo maanta si rasmiya u soo macagaabi doono, masuulka cusub ee buuxin doona jagadaasi uu  iska casilay Xuseen Kenyaati. Si kastaba ha ahaatee waxaan cadayn masuulka uu rasmiyan madaxwaynuhu u soo magacaabi doono Hay’ada sirdoonka qaranka, hase yeeshe waxay ilo wareedyo intaa ku dareen in xubno saraakiil ah oo ka soo jeeda beesha bariga Burco oo ay ka mid yihiin, Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Itob), Cabdi Axmed Cabdi Dheere iyo Xasan Cali Abokor, loo badaniyo in midkood uu noqdon doono madaxa sirdoonka qaranka.

Dhinaca kale inkasta oo uu Xuseen Kenyaati ku sababeeyey iscasilaadiisa masuuliyiin ka tirsan xukuumada oo faro galin ku sameeyey shaqadiisa, hadana warar kale ayaa sheegaya in is-casilaadiisaasi ku timid cago jiid ay ka sameeysay dawlada Ethiopia iyo dawlada kale oo taageero siiya sirdoonka Somaliland.