Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2509

November 15, 2010                                                                        Dul-Hijjah 09,1431H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Boqolka Maalmood Iyo Indha La’aanta Siyaasiga

Qore:- Abdirahim Dahir Mahamud

Waxan ka war haynaa inay malmahan ay soo noqnoqanaysay, hal qabsiga boqalka maalmood ee ay Xukumandan cusubi jirtay waxba lama qaban. Anigu se aan u arkoo inay raga sidaa lihi ay waayeen, masabyoo ay ka filayeen xukuumada. Waxaana odhan lahaa mahmaahda somaliyeed ee tidhaahada (BAROORTU ORGIGA KA WAYN). Waxaan anuugu shaqsiyan aaminsanahay in 70% ay qabsoomeen waxa qabadkii xukuumadu balan qaaday iyadoo ay mudadu ay aad u koobnayd Hadaan wax yar ka iftiimiyo waxaan odhan karaa.

DHISITAANKA XUKUUMADA:

Waxaynu ogayn Madaxweyne Ahmed Mahamed Mahamud (Silaanyo) oo balan qaaday markii uu olalaha ku jiray in uu soo dhisi doono Xukuumad tiro yar oo tayo leh .

Waxaanay nu ka war haynaa in aanay dhisida xukuumadu hawl yarayn , wuxu isla markiiba madaxweynuhu xukuumad kooban oo aan odhan karo saddexdii ugu mudnaa dalka ayay ka koobantahay.

1. Aqoon yahankii wadanka oo ka muuqda xukuumada

2. Dhaliinyadradii oo ka muuqda Xukuumada taniyo inti ay Somaliland jiray

3. Sidoo kale waxa iyana aan ka maqanay Haweenkii oo doorkoodi ka qayb qaatay geedi socodii horumarinta Dimuquraadiyada Somaliand .

Xuquuqda shaqaalaha:

Waxaan si doo kale aanu ka war haynaa, in sidii Madaxweynuhu balan qaaday , uu uhirgalay

Dhawrida xuquuqda shaqaala,

* Xukuumadu waxay isla markiiba ku dadaasha inay bixiso Mushaharkii shaqaalaha oo ay lahaaye mudo Afar bilood ah.

* Hayada shaqaalah dowlada oo hirgalisay foomam ay ku ogaanyso tirada shaqaala dawlada .

ARRIMAH AMNIGA

Waxaa iyan la hirgaliyay arrimaha Amniga iyo xoojinta Nabad galyada ,iyadoo laga qayb galiyay Bulshada qaybaheeda kala duwan,

1 waxaa la sameeyay Gudiyo Nabad galyo oo heer Qaran ilaa heer xaafadeed ah

2. waxa iyana laga howl galay 250 maleeshiyo oo hubaysan oo la sheegay markii ciidamada amnigu ay baadhitaan sameeyen inay ka soo gudbeen Erateriya una talaabayeen dalka aynu jeerka nahay ee Itobiya.

3. waxaa la kala diray Gudidii Nabad galyada ee saldiig iyo jeelasha dhexdooda dadka ku xukumi jiray .

4. Wuxuu madaxweynuhu soo saaray Baaq nabadeed oo uu u fidiyay Gobolada Sool iyo Sanaag bari

Waxaa kale oo aynu ka warhaynaa inay Qaramad Midoobe ka qaaday Darajada Afraad kuna soo celisay Darajada seddexaad ee Halbeega dhinac Amniga.

Taa macnaheegu waxaynu odhan karnaa dalkeena amniguusu waa fiicanya .

Arimaha Dhaqaalaha

Wasaarada maaliyada oo u xilsaaran ururinta iyo kor u qaadista dakhliga dalka somalialand waxay 50% kor u qaaday ururinta cashuurta

Waxaa kale oo ay wasaarada maaliyadu tira koob ku samaysay gurayaha dalka oo dhan, oo si sahlan ay uga soo urursan karto cashuuraha

Waxaa kale oo ay wasaarada maaliyadu ku howlantahay kordhinta Mushaarooyinka shaqaalah dawlada

Siyaasada Arimaha dibada

Taniyo wixii ka danabeeya 27july waxaa dalka soo gaadhayay Wufuud heer caalami ah

13 oct waxaa dalka yimid Mr. Jack Lang oo ah Ergiga gaarka ah ee Qaramada Midoobee u Qaabilsan Budhcad badeeda horana labjeer kamid noqday Golaha Wasiirada ee dalka Faransiiskal,

Sidoo kale wax isna yimid 26 Oct Wasiirka horumarinta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee dalka Denmark Mr. Siren pind

Waxaa sidoo kale dalka yimid 1st Nov Wafti ka socday dawlada Sweden.dhinaca kale waxa sina dalka ka anbabaxay Wafti uu Hogaaminayoo Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Mr Mohamed Abdillahi Omar waftigaas oo buuqasho hawleed ku tagay Dalka aynu jaarka nahay sida Djibouti iyo Ethiopia, buuqashadaa hawleed ee wasiirka waxa barbar socotay Gogol xaadh loogu si gogol xaadhay Madaxweynah Somaliland Mudan Ahmed (Siilanyo) oo uu Madaxweynu 3rd Nov safar shaqo ugu anbabaxay Dalka anuu jaarka nahay ee Djibouti .

Arimaha Bulshada:

Waxa qabadka Boqolka maalmoode Xukuumad waxaa ka mid ahaa Damaystirk Biriishka labaad ee Hargeisa oo hada ay hawshiisu socot sababta keentay inuu uu ku dhamaan waayo boqolka maalmood oo ahay arimo xaga cimilada ah.

Waxaa iyan la hirgaliya OLLALE loogu magac daray olalaha Nadaafad oo dalka oo dhan laga hirgaliyo 45 cishab hal maalin.

Waxa kalo iyan la furay Airport dii magaalooyinka waawayn ee dalka

Waxa iyana lagu kordhiyay Terminal Madaarada Hargeisa iyo Berbera

wada shaqaynta Golayaasha Qaranka:

waxaa mihiim ah in ay wada shaqaynta Golayaasha Qaranka ay tahay mid la siiyo Mudnaanta koowaad,

wxaay Xukuumadu Hirgalisay Balan qaadkii ah inay la shaqayn doonto Golayaasha Qaranka ,waxaynu ka war haynaa in Golaha Guurtidu ay u yeedheen inay ka xog-warsadaan Arimaha Amniga Dalku Wasiirka wasaarad Arimaha Gudaha Dr.Mohamed Abdi Gaboose, iyo Taliyaha ciidanka Bilayska Md. Elmi Roble Fure.

Waxa iyana aan la inkiri karayn Sidii habsamida ahayd ee ay Golaha Wakiiladu ay u yeedheen W/wasaarada Maaliyada Eng. Mohamed Hashi Elmi si ay uga waraystaan arimaha Maaliyad iyo kordhint Mushaarooyinka shaqaalah dawlada.

Dib u eegis maamul:

Madaxweynaha Jamhuuriyad Somaliland waxaa uu dib u eegis ku sameeyay Haayadaha dawlada waxaanu hayado badan hoos geeyay Halkii ay ku haboonaayeen, sidoo kale waxa u sameeya hayado cusub oo madaxbanan.

1. TV Qaranka oo la hoos geeyay W/warfaafinta

2. Hayda Korntada waxa la hoosgeeyay w/ hawlaha Guud

3. Laanta socdaalka waxaa la hoos geeyay W/Arimaha Gudaha

Waxa kalo oo uu sameeyay

1.Hayada Musuq-maasuqa iyo Maamul wadaaga

2. Hayada Dhawrista tayada cuntada iyo dawooyinka

Abdirahim Dahir Mahamud

Hargeisa, Somaliland.