Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2513 |
November 19, 2010 Dul-Hijjah 13,1431H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Taliyaha Cusub Ee Sirdoonka Qaranka Madaxweyne Siillaanyo Magacaabay Oo Xilkii Si Rasmi Ah Ula Wareegay Hargeysa, November 19, 2010 (Haatuf)- Taliyaha cusub ee sirdoonka qaranka Somaliland Maxamed Nuur Xirsi oo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) Arbacadii daraad u magacaabay xilkaasi, kadib markii uu xilkaasi iska casilay taliyihii hore ee sirdoonka Xuseen Xasan Rooble (Xuseen Keniyaati) ayaa xilkii hay’daasi si rasmi ah ula wareegay khamiistii shalay. Taliyaha cusub ee sirdoonka qaranka Somaliland loo magacaabay Col. Maxamed Nuur Xirsi oo ay isku jifo yihiin madaxweyne Siillaanyo, iska markaana ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Milatariga Somaliya gar ahaana qaybta Taangiyada oo muddo dheer ahaa qurbo joog degenaa dalka Ingiriiska ayaa waxay ilo xogogaal ahi Haatuf u xaqijiyeen in taliyaha cusub Col. Maxamed Nuur Xirsi uu si rasmi ah xilkaasi ugala wareegay Mr. Xuseen Keniyaati, taaso munaasibad lagu qabtay dhismaha cusub ee loo dhisay hay’da sirdoonka qaranka Somaliland ay si rasmi ah xilka ugula kala wareegeen labada taliye, taaso sida ay tibaaxuhu noo sheegeen ay munaasibadii xil wareejintaasi ay goob joog ka ahayeen la taliyaha Madaxweyenah ee dhinaca nabad galyada Saleebaan Cumar Ku Joog iyo saraakiil ka tirsan hay’yada sirdoonka qaranka. Jagadan taliyaha sirdoonka qaranka oo ay loolan ugu jireen sida la sheegay xubno ay ka mid ahayeen Cabdi Axmed (Cabdi Dheere), Xasan Cali Abokor, Muj. Maxamed Kaahin Axmed, Ibraahim Faarax Doodi, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Dheere) ayaa iyaga la sheegay in damacoogii jagadaasi buuxinteeda uu soo afjarmay markii uu madaxweyne Siillaanyo Arbacadii daraad si rasmi ah digreeto ugu magacaabay Maxamed Nuur Xirsi in uu noqdo taliyaha cusub ee sirdoonka Somaliland. |