Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2530 |
December 09, 2010 Muharam 03,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Badhasaabka Saaxil Iyo Taliyaha Laanta SocdaalaOo Hadalo Isburinaya Ka Yidhi Wasiir Dawlada Sheekh Shariif Ka Tirsan Oo La Sheegay Inuu Isniintii Ku Sugnaa Madaarka Berbera Hargeysa, December 9, 2010 (Haatuf) – Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) iyo taliyaha laanta socdaalka gobolkaas Yuusuf Saleebaan Faarax ayaa hadalo is-burinaya ka yidhi wasiirka arimaha dibada dawlada Sheekh Shariif Maxamed C/laahi Oomaar oo la sheegay in maalintii Isniintii la soo dhaafay uu ku sugnaa madaarka Berbera, isaga oo ka mid ahaa rakaab la socday diyaarada African Airways oo ka soo kicitimay Imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada Dubai, isla markaana u sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, kaas oo Badhasaabka Saaxil Ramaax uu sheegay in aanu ogayn inuu saarnaa wasiirkaasi diyaarada, balse uu tilmaamay in ay dhici karto inuu saarnaa, waxaanu tilmaamay inay ka masuul yihiin wixii madaarka cagaha soo dhiga ee ka soo daga dayaarada. Taliyaha laanta socdaalka gobolka Saaxil Yuusuf Saleebaan Faarax ayaa isagu dhiniciisa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas sheegaya inuu wasiirka arimaha dibada Somalia Mr. Oomaar uu maalintii Isniintii ee todobaadkan ku sugnaa Madaarka Berbera, isaga oo intaa ku daray in isaga laftigiisu dayaarada gudaheeda galay si uu u hubiyo warkaas oo uu sheegay in taliyaha sirdoonka Somaliland oo isagu ka mid ahaa rakaabkaas uu ku soo wargaliyey in ay dayaarada ay saaran yihiin xubno ka tirsan maamulka Sheekh shariif. Badhasaabka Saaxil Ramaax iyo taliyaha laanta socdaalka Yuusuf Saleebaan waxa ay sidaas ku sheegeen mar uu Wargeyska Haatuf khadka tilifoonka ugu xog waramayeen dhacdadaas iyaga oo ku sugan Berbera. Ugu horayn Guddoomiyaha Saaxil (Ramaax) oo ka hadlayey in wasiirka arimaha dibada dawlada Sheekh Shariif Maxamed C/laahi Oomaar in uu ka soo dagay madaarka Berbera iyo in kale waxa uu yidhi “Warkan hore ayaanu u haynay wax la garan waayeyna ma jiraan, ninkaasina nin soo dagay oo Madaarka Berbera ku sugnaa wakhtigaa maaha in la siyaasadeeyo arintaas ma qurux badna, may dhicin in wasiir ka tirsan dawlada Sh. Shariif uu sharaab ama sigaar ka iibsaday madaarka Berbera, in kasta oo aan arinta jeclahay in aan u dhaafo taliyaha laanta socdaalka (Immigiration-ka)” Gudoomiyuhu isaga oo hadalka sii wata waxa uu intaa ku daray “Wasiirka Sheekh Shariif ee la leeyahay Madaarka Berbera ayuu ka soo dagay hadii ay jirto oo uu diyaarada saaran yahay oo uu dhulka u soo dago waanu qaban lahayn, laakiin taasi may dhicin manaanaan arag cid ka soo dagtay diyaarada. Way dhici kartaa in uu ka mid ahaa rakaabka laakiin cid ka soo dagtay maanu arag” Sidoo kale Taliyaha Laanta Socdaalka (Immigiration-ka) gobolka Saaxil Yuusuf Saleebaan Faarax oo ka hadlay arintan ka dhacday maalintii Isniintii madaarka Berbera, waxa uu yidhi “Maalintii Isniintii waxa diyaarada ka soo raacay Dubai taliyaha sirdoonka qaranka oo ka mid ahaa rakaabkaasi, wuu noo sii sheegay, markii uu xogtaas na soo siiyey waxa uu yidhi nimanku yaanay soo dagin marka diyaaradu fadhiisato Berbera si buu yidhi aanay wax inaagu sawirin, aniga, taliye ku xigeenka sirdoonka iyo taliyaha sirdoonka degmada intayaduba halkaas waanu joognay waxaananu markii hore u tagnay in aanu soo dhawayno taliyaha, rakaabkii diyaarada saarnaa waxa ka soo dagay taliyaha sirdoonka oo kaliya, diyaarada aniga ayaa fuulay, ninkii diyaarada ka shaqaynayey waxaan ku idhi nimankaas yaanu nina ka kicin booskiisa, ilaa intii diyaaradu ka kacaysay madaarka anigu waan joogay, qaar saxaafada ka tirsana waxaaba laga sheegayaa in ay yidhaahdeen wasiirkii arimaha dibada Sheekh shariif ayaa biyo iyo sigaar ka iibsaday madaarka. Airport-ka marka diyaarada laga soo dago dhismaha madaarku waxa uu u jiraa ilaa 2km oo waxyar la’, markaa rakaabka diyaarada waxa soo qaada oo loo diraa basas. Sheekadana ku yar oo Managerka waraystay ayaa sameeyey anagaana soo qabanayna sida ugu dhakhsaha badan”. S: Waxaad tidhi Taliyaha sirdoonka ayaa saarnaa diyaaradaas, waxa kale oo aad tidhi wuu na soo wargaliyey oo yaanay diyaarada ka dagin ragaas dawlada Sheekh Shariif ka tirsani ayaad tidhi, markaa hadii aanu saarnayn wasiirka arimaha dibada dawladaasi Maxamed C/laahi Oomaar waayo masuuliyiinta kale ee aad u diideen inay ka soo dagaan diyaarada? J: Diyaarada iyo Garoonkuba waa International, dawlada Sheekh shariif iska daayo ilaa kuwo reer Kenya ah iyo kuwo Uganda ka tirsan ayaa fuushan, laakiin wax darajadaa la sheegaya oo aanay dawladu ogayn oo biyo ka cabi karaa madaarka ma jiro, marka diyaarada dhibaato ku dhacdo ayuun baa rakaabka diyaarada saaran laga soo dajin karaa, laakiin rakaabkan kale ee Transt lama ogola. S: Miyaan hadalkaaga loo qaadan Karin in aad qarinaysaan oo uu rakaabka diyaarada ka mid ahaa Maxamed C/laahi Oomaar (wasiirka arimaha dibada Somalia)? J: May muu saarnayn Wasiirka la sheegayaa, anigu rakaabka diyaarada sidaas ayuun baan u eegay cidna kamaan garan. S: Hada ka hor ma soo mareen madaarka Berbera masuuliyiin ka tirsan dawlada Sheekh Shariif? J: Haa way soo maraan mar mar madaarka xubno ka tirsan dawlada Sheekh shariif darajaday doonaan ha yeeshaane laakiin wax nagu soo dagi karaa anaga ma jiraan. |