Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2531

December 10, 2010                                                                      Muharam 04,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Soomaali Inaga Soo Codsatay In Halkan Shir Loogu Qabto Ma Jirto, Ilaa Inta Ay Leeyihiin Somaliland Waa Dal Ka Mid Ah Somalia Arintaasi Dhici Mayso”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo

Hargeysa, December 10, 2010 (Haatuf) – Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa shalay dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii uu socdaal qaatay muddo saddex todobaad ah ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Britain.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa shalay gagida diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa ee uu ka soo dagay ku soo dhaweeyey madaxwayne ku xigeenka, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada C/casiis Maxamed Samaale, raxan wasiiro ah, masuuliyiin ka tirsan axsaabta qaranka iyo dadwayne fara badan.

Madaxwayne Siilaanyo oo qolka nasashada ee VIP-da ee madaarka ugu waramayey warbaahinta socdaalkii uu ku tagay wadamada Ethiopia iyo UK, oo uu ka xog waramay arimaha Somaliland uga soo qabsoomay oo uu tilmaamay in ay guul u tahay dalka.

Madaxwayne Siilaanyo waxa uu sheegay in gogoshii nabada ee uu hore u fidiyey isla markaana ku wajahnayd gobolada bariga in uu diyaar u yahay in uu sii kordhiyo oo uu cusboonaysiiyo gogosha nabada, isaga oo intaa ku daray in ay mar walba ka go’an tahay in nabad lagu soo dabaalo arimaha ka jira deegaanadaas.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo mar uu ka hadlayey dalka Somalia ee aynu jaarka nahay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Somalia inta ay sheeganayso Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah in aan gudaha Somaliland lagu xalin doonin dhibaatinka ka jira dalkaas, isaga oo xusay in marka Somalia ay Somaliland jiritaankeeda ogolaato in ay diyaar u yihiin in ay wax la qabtaan Somalia.

Axmed Siilaanyo isaga oo ka hadlaya arimo dhinacyo badan taabanaya ugu horayn waxa uu yidhi “Aad iyo aad waxaan ugu mahadnaqayaa dadwaynaha Somaliland ee maanta sida wayn noo soo dhaweeyey, markii hore waxaanu safar ku tagnay dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay wax waynina inaga dhaxeeyo, waxaanu halkaas isku aragnay oo aanu kulano yeelanay madaxda dalka Ethiopia oo runtii si wayn noo soo dhaweeyey, waxa aanu halkaas kulan kula yeelaynay Raysal Wasaaraha dalkaasi Males Zanawi oo aanu kala kulanay soo dhawayn weyn iyo danayn uu danaynayo inuu dalkiisu wax la qabsado Somaliland. Waxaananu isla soo qaadnay waxyaabo badan oo khuseeya danaha labada wadan ee Somaliland iyo Ethiopia iyo mandaqada caam ahaanba, arimaha amniga ganacsiga iyo xaga wada qabsigaba dhamaantood waanu isku wada afgaranay.

Ethiopia Waxaanu uga sii gudubnay dalka Ingiriiska oo aanu marti qaad ka haysanay masuuliyiin ka mid ah, halkaas waxa iyadana naloogu soo dhaweeyey si aad u heer saraysa, waxaananu la kulanay madax sar sare oo ka tirsan dawladaas oo uu ka mid yahay xoghayaha Somaliland u qaabilsan Ingiriiska, waxaanu la kulanay ganacsato danaynaya in ay dalka maalgashi ku sameeyaan, waxa meelaha aanu hadalada ka jeedinaya ka mid ah Xarunta Cilmi-Baadhista Arrimaha Afrika Ee Chatam House-ka. Bulshada reer Somaliland ee dalka Ingiriiska iyaguna meel kasta way iskaga yimaadeen waxaanay noo sameeyeen marti qaad aad u heer sareeya, waxaananu ka wada hadalnay xaalada dalku ku sugan yahay, xogwarana waanu kala qaadanay, waxaanu kulamo mihiim ah la yeelanay Saxaafada iyo cid kasta oo danaynaysay Somaliland oo halkaas ku sugan, mudadaa 20 cisho ah ee aanu dalka ka maqnayn waxaan u arkaa in Somaliland wax wayni u soo qabsoomay, waxaanan rajaynayaa in safarkaasi dalkeena waxwayn u soo kordhin doono”.

S: Waxyaabaha aad dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay ku soo heshiiseen wax ma uga sheegi kartaa shacbiga Somaliland?

J: Ethiopia heshiisyada aanu wada gaadhnay may ahayn qodobo aanu kala saxeexanaynay, waxaanu ka wada hadalnay xaga arimaha nabadgalyada iyo mandaqada, waxaanu ka wada hadalnay Dekada Berbera siday u isticmaali lahaayeen, waxaanu ka wada hadalnay arimaha ganacsiga iyo iskaashiga labada wadan, waxaanay nagula taliyeen arimo badan oo ay yidhaahdeen hadii aad rabtaan inaad hore u sii socotaan ama ictiraaf aad rabtaan qabsada, is afgarasho wayn ayaanu arimahaas ka gaadhnay.

S: Ra’isal wasaaraha Ethiopia ahna wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya labaduba waxay sheegeen in ay suurta gal tahay in Somaliland la aqoonsado, arimaas maxaad tafaasiil ka bixin lahayd?

 J: Arimahaas oo dhani waxay ina galinayaan yididiilo wayn, waxaanay muujinayaan halka ay Somaliland maanta marayso oo ah meel aad u saraysa, talaabada aynu dhinaca saxda u qaadnay iyo horumarka aynu ka samaynay dhinaca siyaasada waxay muujinayaan in ay ku soo hirtaan wadamadii danaynayey arimaha Somaliland oo dhami, waxaanan rajaynayaa in ay arimahaasi soo dhawaynayaan ictiraaf aynu beesha caalamka ka helno iyo wax wada qabsi aynu la samayno caalamkaba.

S: Siyaasadaada arimaha dibada isbadal badan ayaa ka muuqda mar loo eego dhinaca arimaha Somalia, sideed u aragtaa in la iska daayo shirarka Somalida koonfurta Jibouti iyo meelahaas loogu qabqabanayo ee lagu warwareegayo in Somaliland shir loogu qabto?

J: Inaga Somali inaga soo codsatay in halkan shir loogu qabto ma jirto, mida labaad ilaa iyo inta Somalia inaga dacwoonayso ee ay leedahay Somaliland waa dal ka mid ah Somalia arintaasi dhici mayso, hadii aynu nahay Somaliland  mar walba diyaar ayeynu u nahay in aynu mujtamaca Somalia wax la qabano, diyaar ayaanu u nahay in wixii nabad galyo daro ku keenaya mandaqada in aanu wax kala qabano, laakiin waxa inaga go’an in aynaan marnaba ku milmin oo aynaan u muuqan qayb ka mid ah Somalia, hadii mawduucaa sheegashada ah ee ayna sheeganayaan hadii ay meesha ka baxdo diyaar ayeynu u nahay in aynu wax la qabano ama ha noqoto shir la iskugu keeno ama ha noqoto wax kale.

S: Intii aad Somaliland madaxwaynaha ka noqotay waxa aad gogol nabadeed u fidisay beesha Buuhoodle oo ay ood-wadaag yihiin beesha aad ka soo jeedo, gogashaas nabadeed waxay dhashay in maalin ciid ah deegaanadaas lagu laayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxa kale oo dhacday in Buuhoodle mudaharaad ka dhaco, hada siyaasadaadii gobolkaa ku aadanayd wax ma ka badalaysaa?

J: Ka badali mayno ee waanu sii kordhinaynaa oo waanu sii cusboonaysiinaynaa, wada hadal ayaanu u fidinaynaa soo dhawayn ayaanu u fidinaynaa, nabad galyo ayaanu u fidinaynaa wada hadal iyo wanaag ayaanu wax ku doonaynaa.

S: Wakhtigii aad mucaaridka ahayd waxaad caan ku ahayd taageerada dimuqraadiyada iyo in doorashooyinka ay Somaliland ku taagan tahay in la dhiiri galiyo, imika waxa kuu qabyo ah doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka, muxuu yahay qorshaha xukuumadaada ee doorashooyinkaa isa soo barkan?

J: Arinta la xidhiidha doorashooyinka, doorashooyinka waad ogtihiin oo talaabooyin badan ayey u baahan yihiin, meelo badan oo doodo ka joogaana way jiraan, in ururo la furo waynu rabnaa, markaa arimahaas oo dhan wada tashi ayaa ka socda, marka wada tashigu inoo dhamaadana waynu u hawl gali doonaa.

S: Dawlada Ingiriisku waxay sheegtay in lacag ka badan 30 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ay diyaarinayso in ay taageero ahaan ku siiso Somaliland, ma ka muuqan doontaa miisaaniyada qarankan, mise waxay noqon doontaa lacag hay’adaha soo mara oo lagu sheego in xukuumadu hayso?

J: Arimaha mu caawimooyinka hadii aan wax ka taabto, mucaawimo la inoo qoondeeyey oo la yidhi waa intaa anagu ma hayno, laakiin mucaawimo hore waa la inoogu fidin jiray hadana badalamo badan ayaa naloo qaaday oo ku saabsan arimahaas, mida kale waxaan shacbiga reer Somaliland aad ugu guubaabinayaa in aanay sugin mucaawimo ee waa in aynu ku fikirnaa sidii aynu inagu dadkeena iyo dalkeena hore ugu marin lahayn.