Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2535

December 15, 2010                                                                      Muharam 09,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Ma Aniga Iyo Telefoonkiibaa Isku Soo Hadhnay?

Sheeko cajiib ah (jacaylka qarsoon) Q-7aad

“Berrito subax, waxaan kaa codsanayaa in aad isoo booqato,” ayay igu tidhi iyada oo iisoo fidisay waraaq aannan si fiican goor-taasi u eegin waxa ku qoran.Markii aan ku foorarsaday waraaqdii ee aan isku deyay in aan akhriyo, waabay baxdayba. Waxaa si fiican ugu cad-caddaa waraaqda tilmaanta guriga ay degantahay. Maalintii, maalintaasi iigu xigtay, waxaan kacay goor hore oo aroornimadii ah, anniga oo ku faraxsan ayaan u diyaariyay naftayda la kulankii Maryan iyo mar labaad. Waxaan u degdegay dhinaca dukaannada ubaxa lagu gado si aan ugu sii iibiyo ubaxa ay jeceshahay Maryan, ee basaliga ah. 

Waxay degganayd meel aan laga amban-karin. Markii aan soo gaadhay gurigii ay degganayd, waxaan ku soo baxay dad si teel teel ah u coog-coogsan, oo hadalkana hoos u wada dhigaya. Waxaa mar keliya is beddelay dareen kaygii oo dhan. Waxaa igu soo dhaqaaqay nin wayn oo oday ah, markaasuu igu yidhi intii aanay kelmaddi ka soo bixin afkayga, “sug aan kuugu yeedho masuulkii gurigee”. Waxaan u gundhiyay madaxayga anigoo mar keliya uu i saameeyay jawigii aan ugu imid meesha ee aamusnida iyo xanshashaqa ahaa. Waxaan sii eegay guriga uu sii gelayo. Waa guri qurux badan oo dhammaantii aad u wada iftiimaya. Waxaan is waydiinayaa waxa xaaladda guriga sidan ka dhigay guud ahaan. 

Waxaa soo baxday gabadh, waxayna si toos ah ugu soo dhaqaaqday xagayga. Waxaa I dubaaxinaya luga-hayga, anniga oo ka cabsi qaba waxa igaga soo bixi doona gabadhan aannan filayn ee xaggayga u soo socota. 

“Waa nabad wiil yahaw, Waxaan ahay Muxibo, Maryan hooyadeed. Jamaal soo soco”. Intaasi ayay isku kay raacisay markaas ayay dib u laabatay, anna waan daba galay. Intii aanu gudaha guriga ku sii soconnay waxay iiga sheekaysay sababta ay sidan buuxda iigu garanayso, “Maryan mar walba waxay nooga sheekayn jirtay asxaabteeda”. Aad umaan fahmin waxa ay uga jeedo hadalkan. Waxaanse ku mashquulsanahay sababta ay Maryan hooyadeed u ooyayso marka ay ila hadlayso. 

Qore Mustafe Aden Nuur) Manmustafa@Gmail.com