Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2536 |
December 16, 2010 Muharam 10,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Aftida Koonfurta Sudan Ma Soo Dhaweyn Doontaa Aqoonsiga S/land Adoonka Adoonbaa Lagu Dilaa C/raxman Cadami (Q/3aad) AU-du waxay si aan rasmi ahayn u ogolaato in la jabiyo xeerkii 1963 Xeerkii AU-da ee 1963-kii maxaa keenay in loo jebiyo qadiyada koonfurta Sudan? Konfurta Sudan waxa ka dhacay xad gudubyo waaweyn oo ka dhan ah binu’aadamaha iyo dambiyo dagaal oo aad u culus, dadka goboladaa ku nool waxa loo barakiciyey si u la kac ah waxaanay u kala firxadeen oo ay qaxooti ku yihiin dalalka deriska la ah sida Ethiopia, Kenya, Uganda iyo qaar kale. In badan oo kale ayaa ku barakacay dalka gudihiisa qaar kale ayaa naf iyo amaan biday oo u cararay dhanka waqooyiga gaar ahaan agagaarka casimada ee Khartoum. Waxa iyana in la xuso mudan doorkii ay Masar ku lahayd wixii ka dhacayey koonfurta Sudan, khubarada ciidamada iyo kuwa sirdoonka Masaaridu waxay si joogta ah uga hawl geli jireen gobolada konfurta, dhinaca diblomasiyada masaaridu iyaga oo kaashanaaya xubnaha kale ee jaamacada carabta Sudan waxay ku taageerayeen siyaasadooda ku aadan koonfurta waxay si qaawan u difaacayeen eedaymaha loo soo jeediyo xukumada Sudan iyo sida ay ula dhaqanto dadka rayidka ah ee ku dhaqan koonfurta. Hase ahaatee inkasta oo mudo dheer laga qarinayey dunida waxyaabihii meesha ka socday waxa isa soo tarayey wararka iyo xogaha laga helayey. Sidaa daradeed beesha calaamku waxay u aqoonsadeen konfurta in ay tahay mustacmarad ( colony) loona baahan yahay in beesha caalamku ka gudato masuuliyada ka saaran oo gacan lagu siiyo sidii gobanimo loo gaadhsiin lahaa, mawqifka dawladaha waaweyn waxa taageeray dalalka Afrika taas oo la micna ah xeerkii AU-da u yaalay oo si aan rasmi ahayn looga tanaasulay. Taageerada calaamiga ah ee loo fidiyey gobanimo doonka Sudan ka sokow waxa la saaray culays iyo cadaadis xoogan sida cuna-qabateen dhaqaale iyo in lagu sameeyo takoor caalami ah, dhinaca kale kharashka dagaalka oo aad u xad dhaaf ah wuxu naafeeyey dhaqaalihii dalka waxa cidhiidhi galay noloshii caadiga ahayd ee dadweynaha, bal u fiirso dakhliga shidaalka ka soo gala wuxuu dhan yahay 2 milyan oo Doolar maalintii, halka 1 milyan oo dolor kaga baxo dagaalka maalin kasta 20 sanadood iyo in ka badan waxa kale oo ay dagaaladu baabi’yeen dalagii beeraha oo colaadaha ka hor lagu tilmaami jiray inay tahay dalka ugu wax soo saarka badan Afrika marka laga reebo koonfur Afrika waxayse ku dambaysay in loo soo dhoofiyo waxyaabaha la quuto sida hadhuudhka iyo galayda, gobolo kale sida Darfur waxa kaga furmay dagaalo kale oo khasaarahooda iyo dhibaatadoodaba leh sidaa awgeed xukuumada Sudan waxay ka fursan weyday in ay aqbasho in ay heshiis la gasho jabhada SPLA lakiin waxa la isweydiinayaa su’aal ah aftidu ma u dhici doonta sidii loogu talo galay iyo waqtigii loo asteeyey oo ku began 9/1/2011. Dadka qaar baa rajo ka muujinaaya oo ku niyadsan in ay u dhacdo sidii qorshuhu ahaa hase ahaatee qaar kale ayaa ka walaacsan in ay carqalado lagu sameeyo codaynta aftida oo dib u dhac ku keeni karta . Inkasta oo masuuliyiinta xukuumada Sudan ku balan qaaday in ay beesha caalamka kala shaqaynayso suurto gelinta aftida hadana waxa la tuhunsan yahay in ay ku hawlan tahay falal ka dhan ah aftida iyo in gacan la siinayo kooxo taageera midnimada oo laga horkeeno kuwa kale, xogo kale waxay soo tebinayaan in ay jiraan ololeyaal dawladu ka dambaysa oo dad lagu soo dejinayo degaano ka mid ah koonfurta, waxa muran la gelinaya lahaanshaha goobo shidaalka hodan ku ah oo dhulka koonfurta raacsan. Masar sheekada kama madhna waxayna u xusul duuban tahay sidii dib loogu riixi lahaa ugu yaraan 6 sanadood iyaga oo ka baqaya in dawlada ka dhalata koonfurta Sudan xushmayn waydo heshiisyadii Masar & Sudan ee biyaha webiga Nile-ka. Gebogabadii waxa socda dadaalo xoogan oo lagaga hortegayo aftidu in ay guulaysato waxase garab socda taageero caalami ah iyo rabitaanka dadweynaha oo xoogan oo ay ka go’an tahay in ay helaan madax banaanidooda. Hal ku-dhiga ololaha aftiduna wuxuu yahay aftidu in ay tahay talaabadii ugu dambayse ee socdaalkii dheeraa ee xoriyada (the final walk to freedom). Geesta kale sida la wada ogyahay xuduudaha Somaliland waxay ka mid yihiin kuwii isticmaarku ka tegay hadana Afrika may garawsan qadiyada Somaliland. Hadaba arinta koonfurta Sudan ma soo dhaweyn doontaa aqoonsiga Somaliland. C/raxman Cadami Dhamaad. |