Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2542

December 23, 2010                                                                      Muharam 17,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Taariikhda Horyaalka Kooxaha Yurub Ee UEFA Champion League Iyo Sidii Loogu Kala Guulaystay 1956-2010

Horyaalka kooxaha Yurub ee Champion-ka oo ah koobka ugu xiisaha badan ee ay kooxo ciyaaraan caalamka ayaa waxa la bilaabay sanadkii 1955-kii. Horyaalkan oo ay ku kulmaan kooxaha ugu fiican qaarada yurub ayaa waxa kasoo qayb gala 32-kooxood oo ah kuwa kaalmaha hore ka gala horyaalada dalalka ay ka dhisanyanhiin. Qormadan oo aynu kusoo koobi doono kooxihii ku guulaystay horyaalka Champion-ka tan iyo maalintii la bilaabay oo ahayd Sanadkii ugu horeeyay ee la qabto horyaalkan. Markii ugu horeysan ee waxa hantiday koobkan  kooxda reer Spain ee Real Madrid. Xili ciyaareedkii igu horeeyay ee  1955-56 waxay ku guulaysatay kooxda Real Madrid sidoo kale xili ciyaareedkii 1956-57, Real Madrid waxa ay kale oo ay ku koobkan Real Madrid si xiidh ah ugu guulaysatay xili ciyaareedadii 1957-58,1958-59,1959-60 xili ciyaareedkii 1960-61 waxa koobkan hanatay kooxda ka dhisan dalka Portugal ee  Benfica waxa ay hadana kooxdu ku ceshatay koobkan xili ciyaareedkii 1961-62. xili ciyaareedkii 1962-63, waxa koobkan hanatay kooxda Talyaaniga ah ee  Ac Milan, xili ciyaareedkii  1963-64 iyo 1964-65, wax koobkan loo cumaamaday kooxda horyaalka hada haysata ee Inter Milan. Xili ciyaareedkii  1965-66, waxa koobkan markeedii lixaad qaadatay kooxda reer Spain ee  Real Madrid1 sanadkii 1966-67, wax koobkan hanatay kooxda ka dhisan dalka Scotland ee  Celtic xili cyaareedkii 1967-68 waxa qaadatay kooxda Ka dhasan dalka ingiiska ee Manchester xili ciyaareedkii 1968-69 waxa qaadatay kooxda Ac Milan sandihii 1969-70 waxa ku guulaystay horyaalka kooxaha yurub kooxda  Feyenoord ee ka dhisan dalka Holland xili ciyaaredkii 1970-71 waxa ku guulaystay kooxda reer Holland ee Ajax taariikhdu markii ay ahayd 1971-72 waxa koobkan markale ku ceshatay kooxda reer Holland ee Ajax sanadiihii 1972-73 waxa koobka qaadatay markii sadexaad oo xidhiidha kooxda Ajax tariikhdu markii ay ahayd 1973-74 waxa koobkan ku guulasata kooxda Bayern Munich ee ka dhisan dalka Jarmalka xili ciyaareedkii 1974-75, waxa ku ceshatay kooxda  Bayern Munich 1975-76 Bayern Munich ayaa qaadatay markii sadexaad oo xidhiidha ah. 1976-77 waxa qaadatay horyaalka kooxda reer England ee  Liverpool 1977-78 waxa ku ceshatay isla Liverpool. Markii lagaadhay sanadihii 1978-79 waxa qaadatay kooxda Nottingham Forest oo ka dhisan dalka Inigiriiska. Taariikdu markii ay ahayd 1979-80 waxa markale qaadata Nottingham Forest. Taariikhdu markii ay maraysay 1980-81waxa qaadatay koobka kooxda  Liverpool xili ciyaareedkii 1981-82 waxa koobkan ku guulaysatay kooxda  Aston Villa oo ka dhisan dalka ingiiska 1982-83 waxa koobka loo cumaamaday kooxda Hamburg ee ka dhisan dalka Jarmalka. 1983-84 waxa hanatay koobka Champion-ka kooxda Liverpool xili ciyaareedkii 1984-85 waxa qaaday koobka kooxda Juventus ee ka dhisan dalka Talyaanga. Markii taariikhu maraysay sanadihii 1985-86 waxa qaadatay koobka kooxaha yurub ee Champion-ka kooxda Steaua Buch. Ee dalka Romania 1986-87  waxa koobkan ku guulaystay kooxda Porto oo ka dhisan dalka Portaqiiska. 1987-88 waxa koobkan ku guulaysatay kooxda PSV E'hoven oo ka jirta dalk Holland. Sanadihii 1988-89 waxa hanatay koobka kooxda Ac Milan ee Talyaaniga ah xili ciyaareedadii 1989-90 waxa markale ku guulaystay AcMilan sanadihii 1990-91 waxa koobkan qaadatay kooxda  Red Star B. oo ka jirta dalka Croatia. Xili ciyaareedkii 1991-92 waxa qaaday koobkan kooxda Barcelona ee ka dhisan dalka Spain xili ciyaareedkii 1992-93 waxa qaadatay koobka kooxda Marseille ee reer France. Sanadihii 1993-94 waxa qaaday koobka kooxda Ac Milan1 taarikhdu markii ay maraysay 1994-95 waxa koobkan ku guulaysatay kooxda Ajax ee reer Holland. Sanadihii 1995-96 waxa qaaday koobka kooxda Juventus. Xili ciyaareedkii 1996-97 waxa koobkan ku guulaysatay kooxda  B. Dortmund ee ka jirta dalka Jarmalka. Xili ciyaareedkii 1997-98 waxa qaaday koobkan kooxda  Real Madrid. Sanadihii 1998-99 waxa qaaday kooxda Manchester United oo ka dhisan dalka Ingiriiska xili ciyaaraadkii 1999-2000 waxa koobka ku guulaysatay kooxda  Real Madrid sanadihii 2000-01waxa koobka loo caleemo saaray kooxda  Bayern Munich xili ciyaareedii 2001-02 Real Madrid ayaa qaadatay koobkeedii 9-aad. Sanadihii 2002-03 waxa qaaday kooxda Milan. Xili ciyaareedkii 2003-04 waxa qaaday koobkan kooxda Porto oo ka dhisan dalka Portugal. Xili ciyaareedkii 2004-05 wax hantiday koobkan kooxda  Liverpool oo haleeshay koobkii 5-aad ee ay ku guulaysato. 2005-06 waxa hanatay koobkan kooxda Barcelona oo reer Spain. Xili ciyaareedkii 2006-07 waxa qaaday koobkankan markeedii 7aad kooxda Ac Milan. 2007-08 waxa ku guulaysatay koobka horyaalka kooxaha yurub kooxda Manchester United oo koobka haleeshay markeedii sadexaad. Xili ciyaareedkii 2008-09 waxa koobkan ku guulaysatay kooxda Barcelona markeedii sadexaad. Xili ciyaareedkii ugu danbeeyay ee 2009-10 wax qaaday koobka oo ilaa hada haysatay horyaalka kooxaha qaarada yurub kooxda  Inter Milan. Xiligana waxa uu marayaa koobka Champion-ku wareega 16-ka waana koobkii 56-aad ee taariikhda horyaalka