Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2546 |
December 28, 2010 Muharam 22,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Shirweynihii 5aad Ee Dalada Ururada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO Oo Shalay Ka Furmay Hargeysa Hargeysa, December 28, 2010 (Haatuf) – Shirweynihii 5aad ee Dalada Ururada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO ayaa maalintii shalay ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo muddo laba maalmood ah socon doona, isla markaana lagu soo dooran doono hogaan cusub oo uu yeesho dalada urarada dhalinyarada Somaliland ee SONYO. Shirweynaha Dalada dhalinyarada SONYO oo ka furmay Hotel Ambasador ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maxamed Ibraahim Madar, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirkii Hore Ee ciyaaraha Maxamuud Siciid Muxumed, Guddoomiye ku xigeenka Kulmiye C/raxmaan Cabdiqaadir, Faadumo Siciid, Chief of Protacol-ka madaxtooyada iyo agaasimaha Wasaarada shaqada iyo Agaasimaha Ciyaaraha. Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha dalada dhalinyarada SONYO Yaxye Ubaxle, kaas oo hadalkiisa kaga hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin waxqabadkii iyo himilooyinkii Dalada muddadii labada sano ahayd ay hogaanka hayeen, taas oo kaga kaga eg maanta, isla markaana la soo dooran doono hogaan cusub. Waxaanu Mr Ubaxle hadalkiisa ku bilaabay sidan:- “Maanta oo ah maalin xusuus weyn ka budan bahweynta dhalinyarada SONYO oo ah labadii sanadoodba maalintii uu qabsoomi jiray shirweynaheenu, maanta oo kale maalintii shirweynihii nalagu wareejiyey 27-kii iyo 28-kii December ee 2008-dii, laba sanadood ka dib wuxuu ilaahay noo sahlay oo uu noo fududeeyey in mar kale iskugu keen keeno wexeenii noolaa ama wixii aan dalka ka tagin inaynu isugu nimaadno shirweynaheenii shanaad ee dalada dhalinyarada SONYO” Intaasi ka dib guddoomiyaha dalada dhalinyarada ee SONYO Mr Ubaxle waxa kale oo uu ka hadlay qiimaha ay ugu fadhido shirweynaha shanaad ee dalada, kaas oo lagu soo dooran doono hogaan cusub, isagoo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Shirkani qiimo yar kuma fadhiyo waa mid noogu fadhiya ahmiyad gaar ah, waa mid aanu ka rajaynayno muddada labada cisho ee aynu u fadhino inuu ka soo baxo wax midho dhal ah, runtii way jirtaa oo waxyaabo badan oo ingaga mashquuliya inaynu ka fikirno muddo badan hadana illaahay waxa uu inagu asturaa oo midhaheenaa uu ka dhaliyaa hadafka guud ee dhamaanteen aynu wada leenahay. Dhamaanteen marka aynu halkan nimaadno waxa aynu nimaadnaa inaga oo koox koox ah, inagoo cid kala jecel, inagoo cid kala wadana, balse sida dhaqanka SONYO maalinta ay halkan ka dhamaato, waxaanu u hambalyeynaa oo aanu ku shaqaynaa inay noqoto muddada labada sano ah inaynu la shaqayno cida ina hogaamisa. Waxa Xusuus Ii mudan doorkii hore markii aan musharaxa aan ahaa ee aan halkan joogay ee aan dadka kala xodxodanayey kuwii I ogolaa iyo kuwii I diidanaaba, maalin kasta oo ka mid ah labadii sanadood halkaan kaga soo baxo inay fadhiga iiga kacayeen, sidaa si lamid ah waxa aynu ugu hambalyeyn doonaa dhaan cid kasta oo sharaxan maanta inay ogaato sida lagu kala hadhayaa inay ogaato cod inay ogaadaan cida soo baxda in aanu la shaqayn doono. Waxa aan aad ugu mahadnaqayaa sida saaxada leh ee marka SONYO la joogo, runta la isugu sheego ee wax la isu qariyaa aanay jirin, ee kaambaynkeeda la moodayo in caloosha la iska soo ridayo, ee la moodayo inay wax samaynayaan iyo sida guusha leh ee ay u dhamaato. Mudadii aanu xilka haynay runtii waxa ay ahayd muddo aad u fara badan, waxa ay ahayd muddo hadh iyo habeenba u baahnayd ama masuuliyada aanu dareemaynay ay tahay, waar tolow maxaanu kal noqon doonaa shirkii, waxay ahayd in aanu ka fikirnaynay siduu noqon doonaa shirkiinu, muxuu siku rogi doonaa, ma waxa aad arkaysaa sida xadhaafka ah ee xaaladaha dhalinyaradu isku bedelayaan, waxa uu ahaa xili ay dawlado kala duwan dalka soo qabteen, waxaanu jaanis u helay in laba xukuumaddood ay isbedeleen inta aanu joognay. Wuxuu ahaa xili rintuu hadh iyo habeenba fakir badan nagu keenayey, waxa uu ahaa xili tartamadu ay adkaayeen oo aad daqiiqad walba aad arkaysay xaalad cusub oo meel ka bilaabantay, golihii baarlamaanka ayaa la xidhay, xisbiyadii baa doorashadii diiday, tirintii baa la isku khilaafay, doorashadii dib ha loo dhigo, loo dhigi mayo, waxaas oo dhami waxa ay ku dhacayeen oo ka mid ahaayeen dushayada oo nala waydiinayey dhalinyaro ahaan dalkii idinkaa lehe, maxaad laabo qaadeen? Runtii hawl nagu adag bay ahayd. Waxaana Runtii SONYO ku guulaysatay inay noqoto mid u adeegta dadkii ku tartamayey xisbiyada, umaanaan adeegin xisbi ka mid ah midnaba, waxaanu u adeegaynay mid kasta oo noo yimaada oo na waydiista cod, dhalinyarada maxaad u haysaa. Mudadaa aanu haynay xilka dhalinyarada SONYO waxaanu ka shaqaynay gole ahaan in shirweynaheedu labadii sanoba ha mar dhaco oo lagu doorto guddi 13 xubnood ka kooban oo ka kooban dhamaan gobolada. Mudadaa aanu imika joognay SONYO doorkii hore way ka yarayd oo 35 urur oo qodha ayay ahayd, maanta waa ururo ka badan 53 inay ka mid yihiin dalada dhalinyarada SONYO, inay maanta xaq u leeyihiin inay codeeyaan 104 qof oo ka mid ah bahweyntii dhalinyarada Somaliland. Intii Aanu joognay waxyaabihii aanu ku mashquulsanayn ama aanu ku soo kordhinay waxa kamid ah inay maanta inoo dhamaatay oo aanu dhamaynay human resource policy, manual koobaya in shaqaalaha xafiisku waxa ay xaq u leeyihiin, fasaxooda, isday u dalacayaan, sida loo shaqaalaynayo, sida loo maamulayo in aanu yeelano financial system oo dhamaystiran inay maanta oo kale SONYO oo Excel ku shaqayn jirtay inay maantqa ku shaqaynayso software magaceedu ku yaalo oo la yidhaahdo SONYO, hay’adaheenana aanu ku tababarnay sidaasi si la mid ah inay mustaqbalka wada qaataan, waxa kale oo noo suurta gashay in aanu dhamayno Youth Policy, dhamaan youth policy-gaasi waxa uu koobayaa meelaha aynu doonayno in muhiimada la siiyo dhalinyarada, oo waxa uu ka kooban yahay 12 qaybood oo ay ka mid yihiin Caafimaadka, Waxbarashada, Capacity building-ka ”. Ugu dambaystiin guddoomiyaha dhalinyarada sonyo ee wakhtigiisii dhamaaday Mr Ubaxle ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dimuqraadiyada iyo xilka oo wareegto noqda oo maalinba cidi wareejiso. Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddooomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirkii Hore Ee Ciyaaraha Maxamuud Siciid Muxumed, Wasiirka Ciyaaraha ee hadda Maxamed Ibraahim Madar, Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdiaadir, Faadumo Siciidi iyo Guddoomiyaha hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, kuwaas oo dhamaantood kula dardaarmay dhalinyaradu inay muujiyaan doorka ay kaga jiraan dalka ee dhinacyada siyaasada iyo horumarka, isla markaana tilmaamay inay SONYO tahay tusaale waxaansan oo lagaga dayan karo dimuqraadiyada iyo sida ay labadii sanoba mar si hufan ay xilka kuwo kale ugala wareegaan. Gabagabadii Dalada SONYO waxa ay si weyn ugu mahadnaqeen qaar ka mid ah shirkadaha dalka oo kala qayb galay bilicda munaasibadan lagu furayey shirweynaha 5aad ee dalada ururada dhalinyarada Somaliland Ee Sonyo, Sida shirkada AZAL iyo Nationlink. |