Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2555 |
January 07, 2010 Safar 03,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Afarta Tababare Ee Ancelotti, Hodgson, Houllier Iyo Avram Grant Oo Dhamaan Laylya Kooxaha Horyaalka Ingariiska Ayaa Qarka U Saaran In Shaqada Laga Caydhiyo Tababare ayaasha kooxaha Liverpool, West Ham, Chelsea iyo Aston Villa ayaa wadnaha farta ku haaya ka dib markii ay dhaqaajin waayeen kooxooda, waxana mid kastaa dhiciiisa uga baqayaa in la siiyo warqadii uu shaqada kaga tagi lahaa. Tababaraha West Ham United ninka u dhashay dalka yuhuuda Israel Avram Grant ayaa u dhow in laga caydhiyo shaqada madaama kulankii habeen hore ay la yeesheen kooxda New Castle lagu garacaay 5 gool iyo waxba waxana West Ham ay u ku dhacday qeybta hoose ee kala sareynta. Labada Milkiile ee kooxda iska leh ayaa laga yabaa in ay caydhiyaan tababaraha israa’iliga ah ka hor maalinta axada inta ayna West Ham ciyaarin kulanka FA Cupka. Tababaraha kooxda Liverpool qudhiisa tageerayaasha ayaa kusii yaraanaya waxana uu habeenba habeenka ka danbeya uu usii dhaadhaya meeshii ugu hooseysay ee loogu dulqaato ka dib markii kulankii khamiistii kooxdiisa Liverpool 3 gool iyo gool ay ku jiidhay kooxda Wolverhamton. Milkilayaasha cusub ee Liverpool oo waayadanba raadinayay cidii bedeli lahayd Roy Hodgson ayaa haatan laga yaabaa in ayna waqti dheer ku qaadan oo inta xilli ciyaareedka ka dhiman ay kooxda si kumeel gaadha ah ugu dhiibaan King Kenny Daglish oo laacib hore iyo tababare horeba ka ahaa kooxda Liverpool. Hodgson oo laweydiiyay habeen hore in uu u baqayo shaqadiisa, wax uu ku jawaabay “shaqadeyda? diyaar uma ahi in aan ka hadlo, waxa dhibaato xoogan iigu filan guuldaradan xun ee na soo gaadhay”. Tababaraha Cheslea Carlo Ancelotti oo sheegtay in uu heysto taageerida milkiilaha kooxda ayaa mar kale guul gaadhi waayay, waxana Ancelotti oo bilowgii horyaalkan sheegayay in ay qaadi doonaan horyaalka uu labo maalmood ka hor qiray in kooxdiisa u dagaalameyso inay u soo baxdo koobka horyaalada qaarada yurub ee Sannadka danbe. Chelsea oo kaalinta 5aad ku jirta ayaa laga yabaa in milkiilaha uu madax xanuun ka qaado qaab ciyaareedka kooxdiisa ee dhawaanahan aadka u sii xumaaday arin aya mid albaabka tusi karta Carlo Ancelotti oo ah tababarihii hore ee kooxda Ac Milan. Tababarahii ugu danbeeya ee shaqadiisa cabsi ay ku jirto ayaa ah tababaraha kooxda Aston Villa Gerard Houllier, ka dib markii kooxdaasi ay qeybta hoose u dhaadhacday guuldaradii habeen hore ay kala kulantay kooxda Sunderland. Houlier ayaa isna saxaafada u sheegay in aanu cabsi ka qabin in shaqada laga caydhiyo balse Aston Villa ayaa hadii ay sidan ku socoto waxa ay ka bixi doontaa horyaalka, hadii milkilayaasha ay doonayaan in ay sii joogaan heerka kowaad waxa ay u baahnan doonaan inay isbedel sameyaan. Si kastabaha ha ahatee rucubtan tababare yaasha ah ee laylya kooxaha waawayn ee horyaalka ingiriiska ayaa dhamaantood qarka usaaran in ay shaqooyin kooda waayaan, waxan ay ilaa hada wadnaha farta ugu hayaan mid mid isaga oo tababare kastaa ka dareen qaba jawaabta kasoo yeedhi doonta mulkiilaha kooxdiisa. |