Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2558

January 11, 2010                                                                          Safar 07,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

 Arsene Wenger Oo Beeniyay Heshiis La Sheegay In Ay Wada Gaadheen Barcelona Iyo Febregas

Tababaraha ruug cagaaga ah ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa si xoog leh u diidey warar cusub oo sheegaya in heshiis laga gaadhay in kabtanka kooxda Arsenel ee Cess Fabregas uu u wareegayo kooxda Ka dhisan dalka Spain Barcelona. Kooxda Arsenel oo hore u diidey in lacag gaadheysa £30million oo Yuuro in ay Barcelona kasiisato ciyaaryahankeeda khadka dhexe ayaa hadana diidmadaasi waxa soo cusbooneysiiyey oo haatan mar kale boodhka ka jafay Tababaraha kooxda Arsenel Wenger. ‘Waxan leeyahay dareen xoog leh laakiin ma fahmayo arrinkan,’ ayuu yidhi tababare Wenger kadib ciyaar kooxdiisu ay barbaro la gashay kooxda Leeds kulank ka dhacay garoonka Emirate iyadoo goolka ay keensatay kooxda Arsenal uu u saxeexay Fabregas iydoo ciyaartu gabagabo ku dhow, waxana ciyaartaa Fabregas la soo geliyey waqti dambe. ‘Ma fahmi karo sida dadku ay warkan oo kale ay isaga yidhaahdeen anagoo aan waxba ka ogeyn.’ ayuu ku sii daray warkiisa tababare Wenger. ‘Waxan haynaa heshiiska ciyaaryahanka waxanan idiin sheegeynaa in aanu marnaba iib naga ahayn Fabregas sidaa waxa hadalkiisa kusoo afmeeray tababaraha faransiiska ah ee laylya kooxda Arsenla Arsene Wenger.