Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2559

January 12, 2010                                                                          Safar 08,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Anaga Nasiib Daraa Nagu Dhacday Oo Kuwii Aanu Walaalaha Ahayn Ee 60-Kii La Midownay Ayaa Gacanta Ka Baxay Oo Burbursan”

Afhayeenka Madaxtoyada C/laahi Cukuse 

Hargeysa, January 12, 2011 (Haatuf) - Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hor kacaayey waftiga Suxufiyiinta Somaliland uga qayb galay oo ka mid ah martida dunida ee lagu soo casuumay inay goob joog ka ahaadaan Aftiada ka socota Koonfurta Suudaan ee dadweynaha ku dhulkaasi u dareereen inay ka go’aan Suudaan iyo inay ka mid ahaadaan, ayaa sheegay in hadii ay Koonfura Suudaan dadkeedu u codeeyaan inay ka go’aan Suudaan ay Somaliland diyaar u tahay inay aqoosato.

Afhayeenku waxa uu nasiib daro inay ku dhacday tilmaamay  Somaliland oo 1960-kii la Midowaday Somalia ay kuwii ku darsatay ay meeshoodii burbursan tahay, balse Koonfurta Suudaan dawladii Suudaan oo jirta in dunidii kale ku qanacdo inay Aftida u dareeraan.

Afhayeenka madaxtooyadu waxa u sidaas ku sheegay mar u waramayay BBC-da.

Ugu horeyna isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa, uu yidhi “Waxa weyn baanu ka fahanay Koofurta Sudaan ka sokow inta aanu wadaagno labada dhinac oo  halgan dheer oo ay soo galeen oo naf iyo maalba leh ka, wakhti badan oo ay soo mareen  sida ay qadiyada ugu mitidayaan ee ay ugu adeegasan yihiin, intaasoo dhan baanu wadaagnaa, waxaanu ka fahanay oo kale caalamka marka Ilaahay kuu sakhiro inay suurta gal tahay inay tanoo kale dhacdo anaguna waxaanu rajaynaynaa inaanu kuwa ku xiga noqono.

S: Maxaad Is leedahay Inay Tani U Taha Somaliland Oo Muddo Dheer Aqoonsi Raadinaysay Oo Aan Ilaa Wakhtigan  La Aqoon San, Dhawr Jeerna Doorasho Gashay?

J: Anaga nasiib daraa nagu dhacday kuwii aanu walaalaha ahayn ee aanu 60-kii Midownay ee Somalia ayaa gacanta ka baxay oo meeshoodii ay burbursan tahay oo inta lala xaajoodo kalsoonidii haysata sida halkan (Southren Sudan) u suurto gashay  inay xukuuamadii Sudan oo jirta Cumar Al- Bashiir joogo ay suurto gal u  noqoto inay dunidii kale-na kula qanacdo, anaga nasiib darada noo dheeri waxa weeyi kuwii aanu xidhiidhka noocaas ah yeelan lahayn ayaan meesha ka jirin.

S: Hadii Dadka Koonfurta Sudaan Ay U Codeeyaan Inay Goostaan, Ma Laga Yaabaa Tan Aad Istcimaashaan Oo Caalamka Ka Codsataan In La Idin Aqoonsado Oo Dawlad Gooni Ah Oo Qaarada Afrika Ka Tirsan La Idin Aqoonsado

J: Labaatanka sanadoodba dunida Ilaahay baanu ka codsanaynay aqoonsiga, markaa wixii ay nagu xidhayeen wuxu ahaa meeshaa burbursan in aanu sugno, meeshaa bubursanina inta ay qaadanayso dawlad la aqoonsan yahay baa ka jirta Muqdisho, laakiin dadkeedu aanu aqoon sanayn, anagu waxaanu garanaynaa inay meeshaa ka jirto dhibaato weyni, Koonfurta Suudaan tan ka dhacday oo kale ayaanu beesha caalamka uga fadhinaa in anagana markayaga beesha caalamku ay goob joog ka ahaato, inkastoo shacbiga Somaliland ku codeeyay %97 Haa, Somaliland sidaas bay ku taagan tahay shacbigeeduna ku ogol yahay dawladeedu ku dhisan tahay, golayaasheedii ku dhisan yahay oo intii dawlada laga doonayay oo dhana ay ku leedahay.

S: Isla Wakhtigaas Waxa La Diidanaa Wadamada Afrika Inay Sii Kal Go’aan Oo Wadamo Badani Meesha Ay Ka Soo Dhex Baxaan, arintaasi miyaanay  Meesha ku jirin?

J: Horta waxa loo danaynayaa waa bini’aadmiga, marka la leeyahay Midooba iyo marka la leeyahay kala go’a waa nolasha bini’aadmiga waa xoriyada aadamaha, hadii uu dan u arko inay kala noolaadaan baa fiican, haduu dan u arko inay wada noolaadaan baa fiican, laakiin in la isku qasbaa maaha sidii bini’aadmiga danta u ah, qasabku dan maaha waxa dan ah inay labaduba raali ku yihiin haday raali ku noqon waayaan inay kala noolaadaan.

S: Markaa Idinku Ma Waxaad Doonaysaan Inaad Kala Go’daan, Hadii La Wediiyo Dadka Reer Koonfureedka Inay Taa Ogalyihiin?

J: Inta aan la weydiin ma kala go’naa mise ma kala go’no waa in la weydiiyaa idinku inaad jirtaan ma doonaysaan mise ma doonaysaan, markaa markay go’aansadaan ee ay wax noqdaan ee ay isku raacaan muran ha galiyaan ma yaan la galininbe, su’aashani wey danbaysaa duniduna maaha inay su’aashaa soo horaysiiso, anaga su’aasha kowaad waxa weeyaan horta ma jirtaan, marka aad jirtaan wada noolaada, marka aad jirtaan kala noolaada.

S: Somaliland Miyay Taageeraysaa Inay Koonfurta Sudaan Goosato?

J: Anagu waxaan jecel nahay Koonfurta Sudaan muddo  dheer bay u soo dagaalamaysay xoriyadeeda, markaa dadkeedu haduu u codeeyo waxaanu anagu raac sanahay Haa sidaasanu raacsanahy.

S: Ma Waxaad Rabtaan Inay Sudaan Kala Go’do?

J: Maya anagu Suudaan ha kala go’do ma lihin, Suudaan ha isku taalona ma lihin, waxaanu leenahay Koonfurta Sudaan shacbigeedu wixii ay halganka u soo galeen marka ay u codeeyaan xaq bay u leeyihiin in loo aqoosado.