|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2630 |
April 05, 2011 Jamaal Al-Awal 02,1432H | |
|
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Xisbiga Udub Oo Xubnihiisii Kala Baxay Guddida Ka Soo Talo Bixinta Ururada, Madaxweyne Siilaanyo-Na Ku Eedeeyey Eriga Talaabo “Madaxwaynaha Waxa Seegtay In Markii Warqadan Guddidu U Keentay Inuu Xisbiga UDUB U Yeedho Oo Uu Yidhaa Arinkaas Ayaa Jira Oo Xubintiina Xubin Kale Ku Soo Badala” Axmed Yuusuf Yaasiin Hargeysa, April 5, 2011 (Haatuf) – Guddoomiye Ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inay Xisbi ahaan ka baxeen guddidii talo ka bixinta furista Ururada Siyaasada, kaas oo ku sababeeyey in talaabo aan lala socod siin xisbiga UDUB ay guddida iyo Madaxweynuhu kula kaceen isla markaana kaga hor joogsadeen Shirkii Guddidu lahay Xubin ka socotay Xisbigooda. Mr Yaasiin ayaa waxa uu intaasi ku daray in madaxweynaha ay seegtay markii guddidu u gudbiyeen warqada ka dhanka ah Yuusuf Ciise Talaabo in madaxweynu la socodsiiyo ama uu u yeedho Xisbiga UDUB si looga wada arinsado, isla markaana uu yidhaa xubintiina xubin kale ku soo bedela, taas darteedna xisbigu waxa uu u arkaa arrin meelka dhac ku ah oo aan loo marin wadadeedii. Mr Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu xalay Khadka Telefoonka ku siiyey Wargeyska Haatuf, isaga oo ku sugan Hargeysa. Ugu horayn Axmed Yuusuf Yaasiin oo faahfaahin ka bixinaya sababa xisbigoodu uga baxay guddida ka talo bixinta furista ururada Siyaasada waxa uu yidhi “Go’aankan aanu kaga baxnay gudida talo bixinta ururada anigu kaligay iskamaanu gaadhine waxa gaadhay xisbigu mar uu shalay arintaas ka tashanayey, arinku markii hore waxa uu ka khaldamay gudida sababta oo ah iyaga oo aan ogaysiis siinin Talaabo, isla markaana aan lala socod siinin xisbiga uu ka socday Mujaahid Talaabo ayaa shalay ciidan cusub la dhigay halkii ay ku shirayeen gudidaasi, sababta ciidanka cusub loo dhigayna waa in laga celiyo shirka Talaabo, hadii la rabo in si wanaagsan wax u socdaan way na soo ogaysiin lahaayeen marka hore laakiin taasi may dhicin, gudidu shir ayey Huteel iskaga qabsadeen labadii xubnood ee UDUB-na way ka xan qarsadeen, halkaas ayey go’aan ku gaadheen. Ciladu halka ay ka timidna waxa ay ahayd jaamacada, dabcan ardayda shan jaamacadood ayaa laga soo ururiyey, 80 ayaa la iskugu keenay hool markaa ka dib waa la codeeyey, Talaabo iyo xubintayadii kalena waxay yidhaahdeen codka ha la tiriyo, xubnihii kalena way diideen, taas oo ah mid ay xaq u lahaayeen horta halkaas ayuu khilaafku ka bilaabmay, markaas ka dib warqad ayey madaxwaynaha gudidii u qoreen ka dhan ah xubnahan UDUB, anaga madaxwaynuhu markii uu arintan bilaabayey wuu noo yeedhay, wuxuu na yidhi arinkaas ayaanu galnay hadii aanu Kulmiye nahay wuxu noo raaciyey intaa oo uu na yidhi waxaan doonayaa inaad arinkaas xubno ku soo darsataan, laakiin waxa madaxwaynaha seegtay in markii warqadan gudidu u keentay inuu xisbiga u yeedho oo uu yidhaa arinkaas ayaa jira oo xubintiina xubin kale ku soo badala. Talaabadaas xisbiga Udub waxa uu u qaatay meel ka dhac iyo arin aan wadadeedii loo marin”. S: Waxa nagu maqaalo ah in nuxurka warqadda madaxwaynaha ay gudidu u gudbisay uu ahaa in ay Yuusuf Talaabo kaga cabanayaan wada shaqayn la’aan iyo gacan ka hadal, arintaasi ma jirtaa? J: Wax gacan ka hadal ah oo ay xubnaha Udub la yimaadeen ma jirto, taas anagaaban ogolayn xisbi ahaan sababta oo ah waa ceeb, laakiin gudida iyo madaxwaynuhu midina namay ogaysiin talaabooyinka ay ka qaadayaan xubnahan xisbiga UDUB ka socday, hadii ay nala socodsiin lahaayeen oo uu xubintayadu khaldanaan lahayd waxa dhici lahaa inaan anagu xisbi ahaan ka qaadi lahayn talaabo ku haboon, laakiin taasina may dhicin. S: Waxa jira warar sheegaya inaad wada hadalo damacsan tihiin inaad la yeelataan xubnihii hore xisbigiina ugu baxay ee la magacbaxay Isbadal doonka UDUB, arintaas maxaa ka jira? J: Xisbiga UDUB waa xisbi bahwayn ah oo gees ilaa ka gees lagu wada jiro, dadkuna ka wada muuqdaan markaa kolay aniga taladayda waxa ku jiray in la helo xisbiyo u furan dadka oo cid waliba iska soo sharaxi karto si ay meesha uga baxdo khataraha ka iman kara ururada hadii la furo, markaa waa in sadexdan xisbi ee jira ay noqdaan kuwo cid waliba iska soo sharaxi karto oo loo sameeyo xeer nidaamiye. Mide kale ninka yidhi anigu xisbiga waan ka baxay oo waa gaar iyadu. Xubhana yidhi isbadal doon ayaanu nahayna xisbigu go’aan ayuu ka soo saari doonaa. S: Waxa la sheegayaa in xisbigiinu aanu hada wada socon ee uu kala socdo, sababta oo ah wuxuu noqday ayaa la leeyahay wada musharax oo masuuliyiin badan ayaa ilaa iyo hada ku dhawaaqay inay sharaxan yihiin, qaar kale waxa la filayaa inay dhawaan ku dhawaaqaan, arintaas maxaad ka odhan lahayd? J: Arinkaas waanu ka shirnay gudidayadii fulintu, waxaananu ka soo saaraynaa wareegto rasmiya, waxaan aaminsahay in aan hada la joogin wakhtigii la is sharaxayey, ninka le maanta waan is sharaxayaana xisbigu wuu ka jiray go’aana waanu ka soo saaraynaa. S: Adigu ma kulo jirtaa inaad mar sadexaad dib iskaga soo sharaxdo xisbigiina UDUB? J: Taas wakhigeedii hada lama joogo, ninka leh maanta waan isasoo sharaxayaana waa nin aan habeen jirin, masuuliyaduna sideedaba waxa ay ku fiican tahay marka ay adiga ku soo doonato, laakiin marka aad adigu doonto kuma fiicna, Ilaahayna waxa uu hadhaw odhanayaa adigaa doontaye ka bax masuuliyadaas. S: Sideed u aragtaa Noodhadhkan cusub ee lacagta Somaliland-ta ah ee 5,000 iyo 1,000 shiling ee isku yaala ah ee dadku figradaha kala duwan ka muujiyeen? J: Lacagtaas horta madaxwaynuhu wuu saxeexay waana la keenayaa, laakiin waxaan aaminsanahay inay khatarteeda leedahay waxaana fiicnayd in lacagtaas kun oo kaliya lagu daayo, imikana waxa aan leeyahay bal kun uun ha dhaafinina ee gobolada bariga ee ay naafaysay lacagtii Siyaad Barre ee mar walba Boosaaso lagu soo rogayo halagaga badalo oo yaan Hargeysa uun lagag fuudhyeelin, laakiin hadii la keeno 5,000 shaki kuma jiro inay dalka dhaqaalihiina waxyeeli doonto, madaxwaynaha maantuna waa nin dhaqaaleyahan ah, markaa Axmed Maxamed Siilaanyo ha ogaado in maanta uu haysto jaanis uu arintaa kaga fiirsado, sababta oo ah waa arin dhibtiisa iyo dheeftiisaba isagu masuul ka noqon doono, markaa anigu waxaan ku talin lahaa lacagtaas Kunka oo kaliya ha lagu daayo, kunkana bariga ha laga fuudhyeelo. |