Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2704 |
June 30,2011 Rajab 28,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Isu-Duwaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Ee Gobolka Saaxil Oo Shaaciyey Inay Gacanta Ku Dhigeen Shixnad Daqiiq Dhacday Ah “Waxaanu Ilma Indha-Deero Ku Qabanay 400 Kiish Oo Daqiiq Dhacday Ah Oo Ay Galka Ka Wada Badaley, 8,000 Kiish-Na Oo Dhacayna Bakhaaradda Ayey U Rasaysan Tahay” C/rashiid Ibraahin Muuse (Sawaaxili) Hargeysa, June 30, 2011 (Haatuf) - Isu-duwaha hay’adda tayadda Somaliland (Somaliland Quality Control Commission) ee gobolka Saaxil C/rashiid Ibraahin Muuse (Sawaaxili) ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen 400 Kiish oo daqiiq dhacday ah oo ay leedahay shirkadda Indha-deero oo laga iibiyey gabadh. Waxaanu tilmaamay in daqiiqdaas laga badalay Jawaanadii ay ku jirtay, isla markaana magaaladda Dubai lagaga soo tolay jawaano ay leedahay shirkadd wadani ah oo Somaliland keenta sharaabka iyo raashinka, lana yidhaahdo Al-Iqwa. Isu-duwaha tayadda ee Saaxil C/rashiid Sawaaxili ayaa waxa uu xukuumadda ku dhaliilay waxka qabasho la’aanta raashikaas dhacay ee ummadda laga iibinayo. Waxa aanu ka dhawaajiyey in hada ay Bakhaarada waawayn ee shirkadda Indha-deero ku leedahay magaalada Berbera ay rasaysan tahay daqiiq dhacday oo lagu qadaray 6,000 ilaa 8,000 Kiish, isla markaana Dekadda Berbera ay mudo sadex sano ah u yaalaan shirkaddaas 40 Koontiinar oo raashin dhacay ah. Isu-duwaha hay’adda tayadda Somaliland (Somaliland Quality Control Commission) ee gobolka Saaxil C/rashiid Ibraahin Muuse (Sawaaxili) waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah khadka tilifoonka ku siiyey, isaga oo ku sugan Hargeysa, ugu horayna isaga oo ka hadlaya khatarahaa baaxadda leh, waxa uu yidhi “Waxaanu Ilma Indha-deero ku qabanay 400 kiish oo daqiiq dhacday ah oo ay galka ka wada badaleen, waxa uu Dubai ka soo samaystay Jawaano ay leedahay shirkad kale oo wadani ah, markaa waxa aan tusay taliyaha qaybta iyo badhasaabka gobolka Saaxil Ramaax. waxaanu ka saxeexnay raashinkii kale ee bakhaarka u yaalay oo isaguna daqiiqdan dhacday la mid ah oo ka badan 6,000 Kiish. Waxa shirkadda Indha-deero bakhaaradooda Berbera u yaala 6,000 ilaa 8,000 Kiish oo daqiiqda dhacday ah. habeen walba waa la iibiyaa oo waa la raraa, raashinkaasina waa raashin qudhmay oo uray oo inta uu cadaankii ka tagay dareere noqday oo uu Daaniye dhexyaacayo. Markaa waraaqaha aanu qornay waxa uu taliyaha qaybtu kaga saxeexay inaanay Kiish danbe iibinin, ilaa imikana arinkii wax alaala wax laga qabtay ma jirto oo sidii ayaa loo daabulayaa. S: Maadaama oo aad tahay Isu-duwihii gobolka u qabilsanaa Tayadda maxaad talaabo macquul ah uga qaadi waydeen raashinkan dhacay ee ummadda loo qarinayo? J: Anagu bilaysna ma wadano, mana gali karno bakhaaradaas, kaliya awoodayadu waa in aanu bilayska iyo maamulka gobolka ku wargalino khatarta jirta. Waxa aanu u baahnayn in dawladdu fulintaas nala samaysto, taasina way dhici wayday. Shirkadda daqiiqdan dhacday dadka ka iibinaysa ee Indha-deero waxa mudo sadex sano ah Dekadda Berbera u yaala 40 Koontiinar oo raashin dhacay ah. Raashinkaasi wuu isbadalay oo wuxuu isku badalay dareere waxaanu keeni karaa khatar caafimaad oo aad u baaxad wayn hadii wax dagdag looga qaban waayo. Waxa Dakedu leedahay Maareeye waxaana haboonayd inuu maareeyuhu amar ku siiyo in 24-tan saacadood gudahooda lagaga saaro dekadda daqiiqdaas dhacday oo raashinkaas la gubo. S: 400 Kiish ee aad qabateen ee aad maamulka gobolka iyo taliyaha qaybta dulgayseen, halkay ku danbeeyeen? J: Waxa aanu gaynay Badda oo aanu u shubnay, laakiin kuwaa waxa ka daran 8,000 ee Kiish ee bakhaarada dhexyaala ee aan iyaga dhinacoodaba la eegin ee daqiiqda dhacday ah. Mar hadii qofkii ganacsatada ahaa ee lahaa daqiiqdan dhacday uu diidan yahay inuu dadka ka daayo khatarta intaa leeg oo uu wali ku haysto bakhaaradiisa, waxay ahayd in dawladdu inta ay awood u adeegsato lagu fuliyo. Anigu hadaan ahay isu-duwihii gobolkana dhaqaale aan ku soo raro oo aan ku soo gubo-na ma hayo, markaa waa in inta ninka Baayacmushtarka ah lagu amro la yidhaa adigu rar raashinkan dhacay oo gub oo kharashkana waliba bixi weeyi. S: Isu-duwe ma dhacday wali in daqiiqdaa dhacday dad laga iibiyey aad la kulanteen? J: Haa way dhacday, waanu ku qabanay dad laga iibiyey daqiiqdaa dhacday laakiin awoodayada ayaan noo saamaxayn inaanu talaabadii ku haboonayd ka qaadno. Waxaanu qabanay oo dhacday 400 Kiish oo Gabadh laga iibiyey oo waliba intay Jawaanadii Foojar-gareeyeen ay ku soo gureen daqiiqdii dhacday Jawaano ay leedahay shirkadd wadani ah oo sharaabka iyo raashinka keenta oo la yidhaahdo Al-Iqwa. S: Isu-duwe ma jiraan ganacsato kale oo iyaguna sidan u keena raashin dhacay, isla markaana dadka ka iibiya? J: Waa Ilma-Indhadeero waxaanu imika hubno inay dadka ka iibinayaan daqiiq dhacday, waxaanan ka digayaa in khatarta noocan oo kale indhaha laga qarsado, sababta oo ah waa mid ummadeena madax iyo mijaba waxyaali karta. Waxaanan shacbiga Somaliland uga digayaa raashinkaa dhacay, xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa inay dagdag wax uga qabato si looga bad-baado khatar caafimaad oo la soo darista shacbigeena. Si kastaba ha ahaatee fadeexadan ayaa waxa ay noqonaysaa markii labaad ee ay hay’adda tayadu gacanta ku dhigto daqiiq dhacday, 16-kii May ee sanadkan ayey ahayd markii hay’addani gacanta ku dhigeen baabuur siday 8 tan oo daqiiq dhacday ah, taas oo lagu soo waday caasimadda Somaliland ee Hargeysa. |