Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2704 |
June 30,2011 Rajab 28,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Shir Lagu Minjo Xaabinayo Qaranimada S/Land Oo Laga Abaabulayo Deegaanka Woqooyiga G/Awdal Iyo Xubnaha La Sheegay Inay Qabanqaabadiisa Wadaan Hargeysa, June 30, 2011 (Haatuf) - Shir lagu minjo xaabinayo Qaranimada Somaliland ayaa la sheegay in laga abaabulayo deegaanka Xeego oo masaafo dhawr iyo toban Km ah kaga beegan dhinaca woqooyi Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo la sheegay in shir ka dhan ah qaranimada Somaliland oo la doonayo in badhtamaha bisha July ee sanadkan 2011-ka lagu qabto. Ma jiro war rasmiya oo daboolka ka qaadayna shirkaasi ujeedooyinka uu salka ku hayo, hase yeeshee ilo xogogaal ah oo shirkaasi u dhuun-daloola ayaa Haatuf u sheegay, in shir lagu magacaabay wada tashiga beelaha Habar Carfaan oo lagu qabanayo deegaanka Xeego ee gobolka Awdal uu daaran yahay ujeedadiisu arrimo lid ku ah Qaranimada iyo jirintaanka gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay dhaqaale badan kooxaha qurba jooga Somaliland diidka ah ee ka soo jeeda deegaankaasi ay ku soo faraqayaan siddii shirkaasi u qabsoom lahaa. Mid ka mid ah aqoonyahanada beesha Habar Carfaan oo ka cudur daartay in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay, in shirkaasi la abaabulayo uu arkay Ajandayaasha lagaga hadli doono, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu shirqoolayo mawqifka gooni isku taaga Somaliland ee beelaha Habar Carfaan, waxaanu yidhi “Shirkaasi laga abaabulayo buuralayda Xeego Ajandayaasha lagaga hadlayaa wa kuwo gooni isku taaga Somaliland iyo mawqifka beelaha beelaha Habar Carfaan lagu shirqoolayo, waxaana wada kooxo qurba joog ah oo Somaliland kasoo horjeeda oo adeegsanaya xubno ay ka mid yihiin Xoghayaha Golaha Guurtida C/llaahi Dheere iyo guddoomiyaha guddiga dib u eegida shuruucda Xasan Axmed, waana mid khatar ku ah geedi-socodka Somaliland oo midnimo Soomaaliyeed loogu gogol xaadhayo” |