Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2712

July 10,2011                                                                                    Shabcaan 09,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

 

 

 

Tukashada Salaadda

Kiitaab Salaada Ka Hadlaya Oo Uu Turjumay (M. Salan Cali) Qatbii 23aad

Waysaysiga:Waysaysigu waa is daahirin (isku maydhid) biyo lagu maydhayo wajiga , labada gacmood, madaxa (la masaxayo) iyo labada lugood. Waxayna ku sugnaatay Kitaabka Quraanka ah, Jidayntii (Sunnadii) Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye iyo isku raacista dadka muslimiinta ahi isku raaceen facbana fac u soo dhiibayay laga soo billaabo facii ugu khayrka badnaa ee Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye qabadsiiyay habka waysaysigaas.

Eebbe nasahnaa oo korreeye wuxuu yidhi:-(Kuwa (xaqa) rumeeyayow haddaad u kacdaan Salaadda maydha wajiyadiinna iyo gacmihiinna ilaa suxulada (jiqilada), masaxana madixiinna iyo lugihiinana (maydha) ilaa kuraamaha (anqawyada), haddaad Jinaabo qabtaanna isdaahiriya, haddaad buktaanna ama safar tihiin ama ka yimaaddo midkiin kortag ama taabataan dumar, oydaan helin biyo, ku gabagabaysta dhul fiican(daahira), kuna masaxa wajiyadiinna iyo gacmihiinna , idinlama doonayo Eebbe inuu idin yeelo korkiinna dhib, wuxuuse dooni inuu idin daahiriyo , idiinna dhammaystiro nimcadiisa korkiinna ah ,inaad mahadnaqdaan darteed) [Suuradda Al-Maa'idah 6].

Rasuulkeennuna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiiisa ahaataye wuxuu innoo caddeeyay in Salaaddu aanay ansaxmayn wayso la'aan , sida uu caddaynayo  Xadiiskii Abii Hurayrah Ilaahay ha ka raalli ahaadee uu soo wariyay in Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu yidhi:-(Ma aqbalo (ajar kama siiyo) Ilaahay Salaadda midkiin hadduu kortago illaa uu ka waysaysto) [Waxaa wariyay labada Sheekh(Muslim iyo Bukhaari) ,Abuu Daa'uud iyo Tirmiidi].      

Waysaysashaduna waxay leedahay falal qasab (farad) ah samayntoodu iyo kuwo jidayn(Sunno) ah.Sida Quraanka ku suganna falalka faradka waysaysashadu waa afar:-

1-Maydhista wajiga.

2-Maydhista gacmaha ilaa suxulada.

3-Masaxaadda madaxa (dhammaan ama badhba) .

4-Maydhista labada lugood ilaa kuraamaha (anqawyada).

Hormoodada Mad-habuhuse way ku kala tagsan yihiin falal qasabeedka(faradka) waysaysiga. Xanafiyadu waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa afartaas aynu soo sheegnay ,inkastoy yidhaahdeen masaxaadda maduxu waa rubuc (madaxa rubucii). Maalikiyaduna waxay yidhaahdeen waa toddoba iyagoo afartaas ku kordhiyay , niyaysi lagu bilaabayo waysaysiga, iyagoo masaxaadda madaxana yidhi madaxa oo dhan ayaa la masaxayaa, waxay kaloo ku kordhiyeen xidhiidhin iyo jijibinta(duugista) xubanaha.Shaaficiyaduna waxay qabtaa faradka waysaysigu waa lix ,iyagoo afartaas kore ku kordhiyay niyaysi lagu billaabayo waysaysashada , iyagoo masaxaadda madaxana yidhi qayb madaxa ka mid ah haba yaraatee ayaa ku filan, waxay kaloo ku kordhiyeen isku xijisiin siday u kala horreeyaan ah .Xanbaliyaduna waxay qabtaa faradka waysaysashadu waa lix iyagoo afartaas kore ku kordhiyay isku xijisiin iyo xidhiidhin.[Fiqhiga afarta 1/51-59].

Lasoco