Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo
Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga
Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday
Inay Joojiyaan
Wasiirka Maaliyada Oo
Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee
Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Suaalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku
Hafiyay
Shirgudoonka Guurtida Oo
Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad
Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable
Xukuumada Oo Maxjar Labaad
Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman
Maanta, Shalay dhaantey!
Raysal Wasaaraha Dawladda
Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
|
Shirkadda Somtel Oo Soo Bandhigtay Adeeg Cusub
Hargaysa,
July 10, 2011 (Haatuf) - Guddoomiyaha shirkada Somtel Siciid Maxamed
Siciid iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan shirkadaasi ayaa shalay
shirjaraaŽid oo ay ku qabteen xarunta shirkadu ku leedahay magaalada
Hargaysa ku sheegay in la mataanayn doono shirkada isgaadhsiinta ee
Somtel iyo Dahabshiil.
kula
hadlaayey xarunta shirkada Somtel ayaa shaaca ka qaaday uguna
bushaareeyey warbaahinta inay badali doonaan magaca shirkada Somtel
isla markaana ay la mataanayn doonaan Shirkada Dahabshiil una bixin
doonaan (DahabTel) isaga oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Waxaa
aan idiinku bushaaraynayaa magaca shirkada waa la badali doonaa Isha
allaa waana hanbalyooyinka hordhaca ah waxaanaanu u bixin doonaa Dahab
Tel, magaca dahab runtii waa magac nagu qaaliya qiimihiisuna qaalibuu
ahaa maanaan jeclaysan ilaa inta Somtel cagaa ku istaagayso inaanu
magacayaga siino laakiin imika rajo weynbaanu ka qabnaa aadbaanaanu ugu
kalsoonahay inay cagaheeda ku istaagtay markaa magacii Dahabshiil ee
qaaliga ahaa waxaanu ku kalsoonahay inaanu
badhax noqonayno markaa imika DahabTel baanu noqondoonaa isha allaa
markaa shirkadu kuma koobnaanayso Somaliland oo kaliya oo imika ilaa
Dhoobley oo Kismaayo xuduudeeda ah aanu imika taxnay. Somaliya oo
dhana laga hirgalin doono"
Intaasi kadib Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu xogo
dheeraada warbaahinta kasiiyey Adeega 3G oo ay shalay ku soo bandhigeen
garoonka kubada gacanta ee Timocade waxaana isaga oo adeegaasi
faah-faahinaya uu yidhi "Mudanayaal waxaanu maanta halkan idiinku
yeedhnay inaanu soo bandhigno isha allaahu khidmada 3G ee ah Serves-ka
Maqal iyo muuqaal iyo internet-ka oo ah mid casriya, dalalka aduunkana
inyari ay isticmaasho waxaan ka gaadhin 70 dal qaaradeenan waxaa
isticmaala 5 oo dal oo keenaa ku shana markaa waxaanu doonaynaa inaan
idin tusno isaga oo baragtical ah oo aan shaki ku jirin oo muuqaalkiisa
aad arki doontaan isha allaahu tacaalaa"
si kastaba ha ahaatee waxa uu guddoomiyuhu markale ugu bushaareeyey
warbaahinta in muddo ka yar bil ay Somtel iyo Dahabshiil oo wada jiraa
ay soo bandhigi doonaan adeeg cusub oo la magac baxay waa sida uu
hadalka u yidhiye Mopile-bayment kaas oo uu ku sheegay inuu bulshada
reer Somaliland uu u fududayn doono dhanka xawaalada Dahabshiil oo iyaga
oo guryahooda jooga ay wax ka qaadan doonaan account-gooda iyo
xawaaladaba waxaana isaga oo arimahaasi ka hadlaaya uu markale yidhi "Waxaan
idiin sheegayaa oo aan idiinku bushaaraynayaa khidmad kale oo Somtel iyo
Dahabshiil oo wada jiraa ay
soo bandhigi doonaan muddo aad u dhow oo bil ka yar Khidmada la
yidhaahdo E- Dahab oo ah mopile-bayment dhamays tiran oo casriyeysan oo
aamina kana duwan isha allaah kuwii horena kaga duwan lacagtaada kuugu
jirta E-Dahab aanay noqondoonin mid hawada calaa faashuush ah laakiin ay
tahay Acount lacagtaadu ay kuugu jirto dahabshiil oo aad markaad u
baahato aad kala bixi kartid Dahabshiil hadii aad ku sidatid
Mopile-paymentigaagana waad kala bixi kartaa waxaanuu kuu adeegayaa inta
caadiga ah ee aad taqaanaan ee shirkaduhu ku shaqeeyaan, waxa dheer
intaa Acount-gaagii oo aad kala bixi kartid kuna shuban kartid oo hadii
dahabshiil lacagi kuugu jirto adoo gurigaagi fadhiya ayaad kala baxaysaa
, waanaad ku shubanaysaa xawaaladii guduhuna wey kuu soo dhacaysaa
adigoo halkaagii fadhiyana
xawaaladii dibada waad diranaysaa adeegana waxa uu noo diyaar ahaa
jenewari baragtikaalna waan idinku tusi karaa Mopile-baymentigayaga". |