Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2651 |
April 29, 2011 Jamaal Al-Awal 26,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Cuqaasha Gobolka Saaxil Oo Soo Afjaray Khilaafkii Ka Taagnaa Jaamacada Berbera Berbera, April 29, 2011 (Haatuf) - Cuqaasha iyo waxgaradka Gobolka Saaxil ayaa soo afjaray khilaafkii ka taagnaa Jaamacada Culuunta Badda ee Magaalada Berbera, taas oo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) uu u magacaabay Jaamacadda Guddi cusub oo Guddidii hore ee gacanta ku haysay oo ay Guddoomiye u ahayd Marwo Faadumo Siciid Ibraahim ay gaashaanka ku dhuftay qaraarkii lagu bedelay Guddidaasi. Cuqaashan oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Berbera ayaa sheegay inay dedaal u galeen sidii ay xog-ogaal ugu noqon lahaayeen mowduuca khilaafku ka dhashay waxaanay sheegeen in Jaamacadaasi ay tahay mid dawliya, iyagoo taageeray go’aankii Badhasaabka Gobolka Saaxil uu ku magacaabay Guddida cusub. Ugu horayn Chief Caaqil Axmed Maxamuud Cawad (Ina Caaqil Yare) oo ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa sheegay in Jaamacada guddidii hore u asaasay Jaamacada ay ahaayeen Haween, balse aanay gaar u lahayn Jaamacada, waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Marka hore waxaanu nahay cuqaashii galbeedka Gobolka Saaxil waxaanu halkan (Berbera) u nimid waxa aanu aheyn gurmad ku waajahanaa murankii ayaamahanba taagnaa ee u dhexeeyay gudidii hore ee jaamacada Berbera iyo maamulka gobolka murankaas oo aanu damacsanayn in aanu soo afjarno ta labaad waxa iyana aanu islaheyn hablihii jaamacadda gudida ka ahaa oo iyana cabasho noo keenay iyagana waxay ka cabanayaan bal iyana inaanu u kuur-gallo. Habluhu waxay noo sheegeen in ay Jaamacadu tahay mid iyagu haysteen oo (Private) ah oo aanay dawliba aheyn oo laga qaadayo markii aanu halkan nimid waxay aanu kulamo la qaadanay maamuladii Gobolka oo dhan gaar ahaan Maamulka gobolka,maamulka Degmada iyo cidii hawshani khuseysay oo dhan anaga oo kulamo gooni gooni iyo kulamo caamaba la qaadanay waxa aanu marka hore ogaanay in gudidani hablaha ahi yihiin kuwii asaasay jaamacadda culuumta badda ee Berbera laakiin aanay iyagu jaamacadda gaar u laheyn wax Private layidhaana aanu jirinba. Jaamacadaasi dhismeheedana wax ka qeyb qaatay bulshada reer Saaxil oo dhan gudo iyo dibadba laakiin hablahani fikirka ayay keeneen wax weyna way qabteen sida noo sheegen madaxda magaaladu waxaanay madaxdaasi sheegeen in hablaha lagu xusi doono jaamacadda mar walba oo taariikhda jaamacadda ay iyagu ku suntan yihiin” Caaqilku wuxuu sheegay in markaasi ay go’aansadeen inay caddeeyaan inay taageersan yihiin Mowqifka maamulka Gobolku ka qaatay jaamacadda isagoo arrintaasi ka hadlayayna, waxa uu yidhi “Markaa wixii aanu ogaanay iyo wixii noo soo baxayba hablihii waanu u sheegnay ka dibna waxaanu go’aansanay inaanu muujino dareenkaygii oo waliba aanu taageerno maamulka Gobolka sidaas ayaanu maanta u qabanay shirkaygan.” Sidoo kala waxa iyaguna halkaa ka hadlay oo taageeray waxgarad kale oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Rashiid Axmed Gurac iyo Suldaan Cabdilaahi Ismaaciil (Cabdilaahi Direys), Caaqil Cabdi Xaaji Xassn, Caaqil Cumar Diiriye iyo Caaqil Cali Cismaan Samatar, waxaanay sheegeen in jaamacadaasi ay tahay mid dawladu leedahay oo aanay ahayn jaamacad gaar loo leeyahay. Waxaanay taageereen go’aankii maamulka gobolka Saaxil uu Guddi cusub ugu magacaabay Jaamacada culuumta Badda ee Berbera. |