Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2668 |
May 19, 2011 Jamaal Al-Thani 16,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Saxaafada Aduunka Oo Si Weyn U Falanqaysay Xuska 18-ka May, Warfidiyeenada S/land Soo Booqday Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Hargeysa, May 19 (Haatuf) – Xuska Sanadguurada 20aad ee dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland oo maalintii shalay lagu qabtay Gudaha Dalka iyo Dibadiisa ayay Saxaafada Aduunku si weyn u qaadaa dhigtay, iyaga oo dareenka dadweynaha ku dhaqan Aduunka wax ka weydiiyey sida ay u arkaan Somaliland iyo in Somaliland ay u qalanto in la ictiraafo. Barnaamijka World Have Your Say ee ka baxa Idaacada BBC-da ee la hadasha aduunka ayaa xalay baahisay doodo iyo aragtiyada dadyawga ku dhaqan meelo kala duwan oo Afrika ah, Barnaamijkan oo gabi ahaantiiba lagu soo qaatay Somaliland oo soday muddo dhawr saacadood ah ayay ka dambaysay kadib markii Kumaan muwaadiniin reer Somalialnd ahi ay ku waabariisteen xarunta Baarlamaanka Dalka UK, iyaga oo muujinaya, isla markaana Xusaya 18-ka May. Tirada Faraha Badan ee isku soo baxa London ayaa keenay in wariyaal Caalami ahi, gaar ahaana kuwa la hadla Afrika ay aad u soo jiidatay Munaasibadani, iyagoo halkaasi ka diyaariyey Barnaamijyo iyo Warbixino ay ku lafa gurayaan Somaliland. Sidoo kale maalmihii ugu dambeeyey waxa Caasimada Hargeysa ee Somaliland ku soo qulqulayey Wariyeyaal Caalami ah oo ka socda Warbaahinta Kala Duwan ee Aduunka Gaar Ahaana Warbaahinta Djibouti, Telefishanka Aljazeera iyo wakaalada wararka ee AFP. Hadaba Wariye ka tirsan Haatuf ayaa maalintii shalay isaga oo ku sugan fagaaraha Beerta Xoriyada oo ay ka dhacaysay Munaasibada xuska 18-ka May halkaa kula kulay Wariye ka tirsan AFP, isla markaana wax ka weydiiyey sida uu arko dalkan aan wali aqoonsi ka helin beesha Caalamka, waxaanu sheegay Wariyahan oo la yidhaa Saminal Elson, inuu ka soo socdaalay dalka Koonfurta Afrika, isla markaana u yimid Somaliland sidii uu uga warbixin lahaa Munaasibadan iyo guud ahaanba dalka Somaliland. Ugu Horayn mar wax laga weydiiyey sida uu u arko Somaliland iyo ictiraaf ay hesho waxaanu yidhi “Waxaan ahay Wariye ka tirsan Wakaalada Wararka ee AFP, waxaanan ka soo safray dalka South Africa, waxaan u malaynayaa inay yara adagtahay in Somaliland aqoonsi ka hesho beesha caalamka, balse haddii ay Somaliland sii wado horumarka ay ku talaabsatay, beesha caalamku waxa ay uga warbixin doontaa sida ay xaqiiqadu tahay”. S: Somaliland waxa ay xidhiidh wanaagsan la leedahay wadamada Afrika iyo Ururka Midowga Afrika, maxaad u malaynaysaa sababta ay u aqoonsan la yihiin ilaa hadda? J: Ururka midowga Afrika waxa u qoran xeer sheegaya in aan la faragalin xuduudaha oo la ixtiraamo, si kasta ha ahaatee tani waxa ay isbedeshay kadib markii koonfurta Sudan ay noqotay dawladda ka madax banaan Sudanta kale, sidaa darteedna arintani waxa ay Somaliland u keenaysa ididiilo wanaagsan oo ay ku raadsato Ictiraaf iyo madaxbanaani. S: Waxa aan u malaynayaa in aad ogtahay in Somalialnd iyo Somalia inay kala ahaayeen laba wadan oo laba dawladdood oo kala duwani ay kala gumaysteen, halka aanay Koonfurta Sudan waligeed ka madaxbanaanaan Dalweynaha Sudan, Taasi miyaanay ahayn fure Somaliland u horseedi doona Aqoonsi ay hesho?. J: Waxaan u malynayaa inay tahay dhiirigalin wanaagsan iyo astaan fiican, balse waxa ay u baahan tahay shaqo badan oo ay beesha Caalamka iyo Somaliland wada qabtaan. Sidoo kale Barnaamijka ka xalay ka baxay BBC-da ee World Have Your Say ayaa waxa la soo xidhiidhay Akim Banamathi oo jooga dalka Naigeria, kaas oo la waydiiyey in Somaliland u qalanto inay beesha caalamka gaar ahaana Afrika ay ka hesho aqoonsi ayaa yidhi “Waxaan Marka hore ku hambalyeynayaa Somaliland xuska 20guurada ka soo wareegtay madaxbanaanidooda, haa haa Somaliland way u qalantaa inay aqoonsi hesho, maxaa yeelay waa dal dimuqraadi ah oo nabadgelyo ka islaaxday”. Masige oo degen dalka Uganda ayaa isagana mar barnaamijkaasi wax ka weydiiyey in Somaliland ay u qalanto aqoonsi waxa uu yidhi “Somaliland Xaq ayay u leedahay inay dalkeeda difaacdo oo ay hesho madaxbanaani, maxaa yeelay Somalia iyo Soomaalidu ma jecla nabada, mana sameeyaan wax Horumar ah, laakiin Somaliland-na waa dal ku talaabsaday horumar iyo dimuqraadiyad. |