Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2672 |
May 24,2011 Jamaal Al-Thani 21,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Maayar Ku Xigeenka Lughaya Oo Daboolka Ka Qaaday Qorsheyaal Lagu Minjo Xaabinayo Qaranimada S/Land Oo Laga Wado Deegaankaasi Hargeysa, May 24, 2011 (Haatuf) - Maayar ku xigeenka degmada Lughaya ee gobolka Awdal Xasan Ibraahim Kaahin ayaa sheegay in magaaladaasi laga wado qorsheyaal lagu minjo xaabinayo qaranimada Somaliland, kuna eedeeyey in Maayarka iyo Odayaasha Lughaya ay u adeegayaan kooxda Qurba-jooga Awdal ee Somaliland Diidka ah. Maayar ku xigeenku waxa kale ugu baaqay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo inay si dhakhso ah u soo faro galiso shiqoolada qaranka lagu duminayo ee deegaankaasi ka socda. Maayar ku xigeenka Lughaya Xasan Ibraahin Kaahin oo xalay wargeyska Haatuf khadka Telephone-ka ugu waramayay isaga oo ku sugan Lughaya, ayaa sidoo kale sheegay in cuna qabatayn laga saaray xil-gudashadiisii, waxaanu yidhi “Degmadan Lughaya ee aan Maayar ku xigeenka ka ahay waa mid dadka degani ay ku xidhan yihiin kooxda isku magacawday Awdal State, markii aan ogaaday inaanay Somaliland qaranimadeeda daacad u ahayn cuno-qabatayn ayaa laygaga soo rogay shaqadii, waa layga xan-qarsaday , waana la i takooray oo maamukiina dibada ayaan ka taaganahay” Isaga oo ka hadlaya Lughaya waxa ka socda inay xukuumadu si degdega ah u soo faro-galiso, waxa uu yidhi “Awdal State meesha laga xukumaana waa Lughaya oo maayarka laftiisa ayaa ku jira, shirqoolo ayaana ka socda, marka aad u fiirsato waxyaalaha ka socdana waxaad is odhanaysaa malaha Lughaya Somaliland kama tirsana, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa xukuumadda Somaliland inay si dhakhso ah usoo faro galiso qorsheyaasha ka dhanka ah qaranimada ee laga wado Lughaya” |