Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2682

June 05,2011                                                                                        Rajab 05,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

Guddoomiyaha Kulmiye & Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Kulan Ku Yeeshay Addis Ababa Iyo Nuxurka Qodobada Ay Isla Soo Qaadeen

“Waxa Kale Oo Aanu Kulan La Yeelanay Ganacsadaha Al-Camuudi Oo Aanu Ku Casuunay Inuu Somaliland Yimaado Oo Aanu U Sheegnay In Xukuumaddii Hore Meesha Ka Baxday” Axmed Cilmi Yare Oo Ka Mid Ah Weftiga Xisbiga Kulmiye

Hargeysa, May 6, 2011 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal Wasaaraha Dawlada Itoobiya Malas Zanawi, isla markaana ah Hogaamiyaha Xisbiga EPRDF ee dalka Ethiopia ayaa maalintii shalay kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Kulankan ayay labada Masuul kaga wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka qotoda dheer ee u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia ee muddada dheer soo jiray iyo sidii loo xoojin lahaa amaanka labada dal la iskagana kaashan lahaa guud ahaan wixii khatar ku ah mandaqada iyo xasiloonida labada dal.

Weftigan uu hogaaminayo Muuse Biixi oo Arbacadii todobaadkii hore u socdaalay dalka Itoobiya oo ay ka heleen Martiqaad Rasmi ah oo ay u soo direen masuuliyiinta xisbiga EPRDF ee dalka Itoobiya hogaamiya ayaa waxa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbigaasi C/raxmaan Maxamed Talyanle iyo Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah guddida fulinta ee xisbigaasi Kulmiye, ayaa mudadii ay joogeen waxa ay kulamo gaar gaar ah la yeesheen Masuuliyiinta Xisbiga EPRDF, xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradaha Shisheeye ee fadhigoodu yahay Addis Ababa.

Wetigan uu horkacayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa maalintii shalay ka qayb galay mid ka mid ah xusaska loo samaynayo 20 guuradii ka soo wareegtay markii uu xisbigaasi EPRDF ka tuuray xukunka dawladii Dergiga.

Waxaana sidaasi Haatuf u xaqiijiyey Axmed Cilmi Yare oo ka mid ah weftiga Kulmiye ee booqashada ku jooga dalka Itoobia oo aanu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo jooga Addis Ababa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Socdaalkayaga aanu ku joogno dalka Itoobiya intiisii badnayd way noo soo gabogabowday, waxaanu saaka (shalay) kasoo noqonay gobolka Awasa oo aanu booqasho ku tagnay, maanta oo Sabti ahna (shalay) waxaanu ka qaybgalay shir lagu qabtay xarunta Miliniyamka oo uu kasoo qaybgalay Raysal Wasaare Malas Zanawi iyo madax kale oo ka kala socotay dawlada iyo xisbiga talada haya dalkaasi ee EPRDF, shirkaasi ka dibna waxaanu kulan gaar ah la yeelanay Raysal Wasaaraha dalkaasi Malas Zanawi oo runtii sifiican noo soo dhaweeyey, isla markaana aanu ka wada hadalay xidhiidhka labada dal iyo iskaashi dhex mara labada xisbi iyo guud ahaanba xaaladaha Mandaqada Geeska Afrika”.

Axmed Cilmi yare isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu kulan la yeelanay ganacsadaha Al-camuudi oo aanu ku casuunay inuu Somaliland yimaado oo aanu u sheegnay in xukuumaddii hore meesha ka baxday, safaaradaha dawladaha Africa iyo America u jooga magaalada Addis Ababa intooda badan waanu la kulanay, waxa kaliya ee noo hadhay waa safaarada dalka UK oo aanu Isniinta casuumad wada leenahay, maalinta Salaasadana waxaanu ku rajo-weynahay inaanu dalka kusoo laabano runtiina safarkayagii Itoobiya si wanaagsan ayuu noogu hirgalay”.