Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2689 |
June 13,2011 Rajab 10,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalka Jamhuuriyada Guatemala Dalka jamhuuriyda Guatemala (Republic of Guatemala). Dalka Guatemala waxa uu kamid yahay dalalka badhtamaha qaarada America (Central America). Dalalka la jaarka ah dalka jamhuuriyada Guatemala waxa kamid ah Belize, El Salvador, Honduras, Mexico iyo Nicaragua. Dhinaca koonfureedna waxa kaga taala badweynta (Pacific Ocean). Dhinaca galbeedna waxa uu dacal kala gala bada Caribbean-ka iyo gacanka Hondurus. Caasimada dalka jamhuuriyada Guatemala waxa layidhaa Guatemala, waana magaalo ay ku dhaqan yihiin dad kor u dhaafya 1-milyan oo ruux, ama (1104,890) oo ruux, waana tirakoobkii laqaaday sanadkii 2010-kii. Bedka uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Guatemala waxa lagu qiyaasaa 42,042.66, oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 108,890.00, (kiilo mitir laba jibaaran). Baaxada uu ku fadhiyo dalka jamhuuriyada Guatemala waxa ay ku dhowdahay bedka uu ku fadhiyo gobolka (Tennessee) ee dalka Maraykanka. Dadka ku dhaqan dalka jamhuuriyada Guatemala waxa ay kor u dhaafaan 13.8-milyan oo ruux, waana tirakoobkii la qaaday horaantii sandkii 2011-dii. Saadaasha dadka reer Guatemala ee sanadka 2050-ka waxa lagu wadaa in ay noqon doonaan in ka badan 31.4-milyan oo ruux, waana mid kamid ah dalalka ugu korodhka dadka badan wadamada badhtamaha qaarada America. Luuqadaha lagaga hadlo waxa kamida ah luuqada Spanish-ka oo ay ku hadlaan boqolkiiba 60%, luuqada Amerindian-la oo ay ku hadlaan boqolkiiba 40% ( luuqadaha Amerindian-ka waxa kamid ku jira Quiche, Cakchiquel, Kekchi, Mam, Garifuna iyo Xinca). Dadka aqoonta leh ee u dhashay dalka jamhuuriyda Guatemala waxa lagu qadaraa 63.6%. diimaha ay kala haystaan dadka ku dhaqan dalka Guatemala waxa kamid ah diinta Roman Catholic, Protestant iyo diimo asal ahaan kasoo jeeda Mayan. Ragga ku dhaqan dalka jamhuuriyda Guatemala waxa cimirgoodu gaadhaa 63-sano, halka dumarka dalka Guatemala uu cimrigoodu ka gaadho 69-sano. Qaabka ay ku shaqayso dowlada dalka jamhuuriyda Guatemala waa nidaamka jamhuuriyad distoori ah (Government Type constitutional democratic republic). Lacagta laga isticmaalo dalka jamhuuriyda Guatemala waxa layidhaa quetzal (Q). Warshadaha dalka jamhuuriyda Guatemala waxa ay soo saaraan oo lagu farsameeyaa Sonkorta, dunta iyo dharka, furniture, kiimikooyinka, Batroolka, (petroleum), birta iyo Rabadhka. dalka jamhuuriyda Guatemala waxa kale oo kajira meelo loo dalxiistago oo soo jiida indha dalxiisayasha caalamka. Beeraha dalka jamhuuriyda Guatemala waxa laga beeraa dalagyo ay kamid yihiin Sonkorta, Galayda, Muuska, Coffeega iyo Digirta. Waxa kale oo dalka jamhuuriyda Guatemala laga dhaqdaa qaybo kamid ah xoolaha nool oo ay kamid yihiin Lo’da Adhiga, gaar ahaan Idaha, Khinsiirka Didgaaga. Dhulka la isticmaalo ee dalka jamhuuriyda Guatemala waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 12%, kamid ah dhulka dalka. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka jamhuuriyda Guatemala waxa kamid ah Batroolka(petroleum), nickel, looxa, kaluunka , awooda biyaha lagaga dhaliyo biyaha ee (hydropower). |