Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2698 |
June 23,2011 Rajab 22,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Andre Villas-Boas Oo Heshiis Rasmi Ah Lagaadhay Kooxda Abramovich Ee Chelsea Kooxda Chelsea ayaa tababarahooda cusub u magacowday Andre Villas-Boas, isaga oo qalinka ku duugay heshiis seddex sanno ah. Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay heshiis 4.4 milyan oo ginni uu sannadkii mushar ahaan u qaato Villas-Boas, kaas oo kooxda FC Porto xilli ciyaareedkii hore ku hogaamiyay Europa League. 33 jirkan ayaa waxa uu bedeli doonaa Carlo Anceloti oo bishii May laga eryay kooxda Chelsea ka dib markii uu ku guuldareystay in uu wax koob ah u qaado. Warbixin qoraal ah oo la soo dhigay website-ka Chelsea ayaa lagu yidhi: “Andre waxa uu ahaa ninka ugu muhimsan ee u sharaxnaa shaqadan. Waxa uu ka mid yahay tababarayaasha ugu fiican uguna da’ yar ee maanta, waxaana uu gaaray guulo badan waqti yar gudaheed” “Hamigiisa, ayaa hore u wadi doona Chelsea, waxaan kalsooni ku qabnaa in hogaaminta Andre ay dhalin doonta natiijo laga keeno tartamada gudaha iyo kan qaarada yurub” “Andre waxa uu dib ugu soo celin doonaa khibradiii tababarenimo ee kooxda, madaama uu halkan ka shaqeeyay muddo seddex sanno ah” “Aad ayaa mar walba laga texgeliyaa Chelsea, qof walba waxa uu doonayaa in uu halkan ku soo dhaweeyo oo uu la shaqeeyo” Porto ayaa markii uu ka tagay Andre Villas-Boas Salaasadii waxa ay isla markiiba ku bedeleen tababare Vitor Pereira. 33 jirkan oo ka soo hoos baxay Jose Mourinho ayaa waxa uu tababare u noqon doonaa koox ay ku jiraan ciyaaryahano isaga la da’ ah sida Drogba iyo Lampard. |