Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2700 |
June 26,2011 Rajab 25,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Ma Waxay Somaliland Lamid Noqotay Ceelashii Biyaha Ee Somaliya! Shaki inagama saarna Dagaalka ba’an ee Cadawgu habeen iyo maalin uu heeganka ugu jiro waxyeelaynta Qaranimada Somaliland. Waxaynu ogayn ficiladii uu ku eekeysiiyey Caasimada Dalka ee Hargeysa October 2008, Dilalkii Waxashnimo ee Lamaanihii Degmada Sheekh, Analina “Boorama” iyo Shaqaalahihii GTZ ee Haleeya iyo waliba isku dayo tiro badan oo la fashiliyey. Haddaba, waxaa jirta in Cadawgu Xeeladihiisii dagaal uu dhinac kale u wareejiyey , waa Dagaal Qabaw oo Dawlad iyo Shacaba aynaan ka warhayn oo aynaan dareensanayn, waxaanan leeyahay “ Dalkaygaw Ha dayacmin waligaa, Dadkaygow Ha Duloobin Daa’iman”. Seddex dhacdo oo Cadawgu Qarankan u maleegay ayaan jecelahay inaan halkan ku xuso. Ta kowaad waxay tahay Sida Xeerarka Caalamiga ah ku xusan erayga Qaxooti “ Refugees” waxaa loo yaqaan Umadd Dalkooda hooyo ka qaxday oo dalka kale nabadgalyo ahaan biday halka erayga Barakacayaal “ Internal Displaced” ( IDP) isaguna uu yahay Umadd dalkeeda Hooyo gudahiisa ku Barakacday, haddaba maxaa iskala mid dhigay Shacabka Dagaalada Muqdisho ka yaacay ee gabaadka ka dhigtay Ceelasha Biyaha ee Muqdisho u dhaw ee loogu yeedho “ barakacayaasha”. iyo Qaxootiga Somaliya kasoo qaxay ee Somaliland ku sugan oo iyagana loogu yeedho Barakacayaal? waa Dagaal Maskaxeed(Psychological War) oo Cadawga Walaweynta ah ee Hayaddaha Caalamiga ah ee Somaliland ku sugan ka shaqeeya ee kumanaanka kor u dhaafay kasoo fuley, ugana dan- leeyihiin Nacaybka ay u hayaan Qaranimada Somaliland ,waa fariin ay usoo dhiibeen Dad-qalatadii Ummada xasuuqday ee ku sugan Nairobi iyo Muqdisho, waxaase nasiib daro ah Masuuliyiinta Xukuumadda talada haysa oo erayga Barakacayaal adeegsada markay ka hadlayaan Warbaahinta iyo Fagaarayaasha kala duwan ee dalka iyo dibedaba. Ta labaad waxay tahay; waxa mudooyinkan dambe Warbaahinta Caalamka lagu baahinaayey hadalada Shakhsiyaad lidi ku ah Somaliland ee uu ugu horeeyo “Mahiga” Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Somaliya/Somaliland, markay ka hadlayeen Maamul goboleedyada Somaliya ka jira iyaga oo kala mid dhigay Somaliland, Maamul –hoosaadyada Somaliya ee Puntland iyo Galmudug, waa Dagaal Siyaasadaysan oo Qarankan lagala masuugaayo jiritaankiisa, mida kale waxaynu ogayn 1998 ujeedadii uu Cabdillahi Yusuf u Sameeyey Maamul goboleedka Majeerteeniya oo ahayd waxyeelaynta Somaliland. Ta seddexaad waxay tahay iyana waxaynu inta badan ka maqalnaa Cadawga Qarannimadda Somaliland hadalada Xumaanta iyo Somaliland nacaybku ka muuqdo ee ay Somaliland ugu yeedhaan “Waqooyi” ama Gobolada Waqooyi, iyaga oo afkooda ka dhawra magaca Somaliland. Nasiib-darro, Masuuliyiinta Somaliland marka ay ka hadlayaan Arimaha Somaliya waxad arkasaa ama aad maqlaysaa iyaga oo adeegsanaya ereyga “ Koonfur” halka ay ka odhan lahaayeen “Somaliya” haddii aan labadelina waxay jid u fureysaa Shirqoolada iyo Ujeedooyinka Cadawga , “ haddii aynu Somaliya Koonfur nidhaa inaguna waqooyi ayaynu nahay”. Gabagabadii, waxaa talo iga ah in Dawlad iyo Shacaba laga taxadiro in Qaxootiga Somaliya ka yimid aynu ugu yeedhno Barakacayaal “internal displaced” si aynu u curyaamino shirqoolada cadawgu dalkeena u maleegaayo, in Xukuumadda talada haysaa dib u eegis ku samayso Shaqaalaha Ajaanibka Somaliya u dhashay ee dalka qarqiyey ee waliba dagaalka inagula jira ee waliba cidhiidhiga galiyey shaqooyinkii Muwaadiniintu ka hawl-gali lahaayeen. In Masuuliyiinta Qaranku iyo waliba Warbaahinta kala duwan ee dalkuba ayna adeegsan magaca “Puntland” oo aynu ku bedelno Maamul-hoosaadka Somaliya ee Majeeerteeniya. In dawlad iyo shacaba aynu ka taxadirno adeegsiga erayga “ Koonfur” lana isticmaalo Somaliya. Waxaan si sharafleh uga codsanayaa Hogaamiyaha Qaranka Muddane Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo inuu Qaraar rasmi ah kasoo saaro arimahan sare ku xusan si ay u fashilmaan shirqoolada cadawgu inoo maleegay Because ‘ it is a National Issue”. Wabillahi Tawfiq Cabdirasaaq Sh Cali Askar Political Analyst |