Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2700 |
June 26,2011 Rajab 25,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
|
Tukashada Salaadda Kiitaab Salaada Ka Hadlaya Oo Uu Qo Turjumay (M. Salan Cali) Qatbii 11aad Siday aniga ila tahayna waxa habboon in aan la isku daahirin hambooyinka Eyga iyo doofaarka , ta gaalkuse inay daahir tahay, inaga oo u qaadanayna nijaasnimadoodu in ay tahay waxa khaldan ee ay rumaysan yihiin ee ayna ahayn laf ahaantooda, waayo Eebbe korreeye wuxuu Quraankiisa ku yidhi:-(Maanta waxaa la idiin xalaaleeyay wanaagyaalka,iyo cuntada kuwii la siiyay kitaabku waa idiin xalaal idinka , cuntadiinuna waa u xalaal iyaga , iyo kuwa dhawrsoon oo mu'minaadka ah iyo kuwa dhawrsoon ee ka mid ah kuwii la siiyay kitaabka idinka hortiin (waa idiin xalaal guurkoodu) haddii aad siisaan meherkooda idinkoo dhawrsoon, xumaan falayaalna (dhilaystayaalna) ahayn, aan samaysanaynna saaxiibado, ciddii ka gaalawda iimaankana wuu buray camalkiisu (shaqadiisu) wuxuuna ka mid noqon aakhiro kuwa khasaaray ) [Suuradda Al-maa'idah :5] . Markaa haddii ay nijaas yihiin la inooma banneeyeen cuntooyinkooda iyo xataa inaynu guursanno dumarkooda. Jidhka iyo dharka markay nijaasi gaadho waxaa waajib ah in biyo lagu maydho ilaa laga goynayo nijaastaa, hadday tahay mid la arkayo sida dhiigga, haddii marka la dhaqana uu wax ka gu'i waayay ku hadho dhibaato ma leh , nijaasta aan muuqanna sida kaadida waa la maydhayaa hal marna ha ahaatee .Asmaa Bintu Abii Bakar Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey inay tidhi:-(Naag baa u timid Nabiga naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye oo ku tidhi:-Midkayaa toobkeeda waxaa kaga dhacaya dhiigga caadada sidee bay samaynaysaa?. Wuxuu yidhi(Rasuulku naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye):-(Jijibi, markaana biyo kula jijibi ,kabacdina maydh ,markaana ku tuko iyada(maradii)) [Waa la isku waafaqsan yahay ]. Haddii nijaasi gaadho dharka dumarka ee dhulka taabanaya ciidda ayaa daahirinaysa,sida la wariyay in naagi ku tidhi Ummu Salamah Ilaahay ha ka raalli ahaadee :-(Waxaan dheeraystaa maradayda hoose e , sidee baan u dul socon karaa meel wasakhaysan (qudhun iyo nijaas leh)?. Markaasay ku tidhi:-Rasuulkii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-(Waxaa daahirinaya wixii ka danbeeya (dhulka iyo ciidda ka danbaysa ee qofka dumarka ahi ku sii dul socoto)) [Waxaa wariyay Axmed iyo Abuu Daa'uud]. Dhulkana waxaa lagaga daahirin karaa nijaasta in biyo lagu shubo ,sida uu inoo caddaynayo Xadiiskii Abuu Hurayrah wariyay ee ahaa:-(Nin reer baadiye ah ayaa kacay markaasuu Masaajidka ku dhex kaajay , dadkiibaa intay markaas is wada taageen mid kastaa damcay inuu wax ku dhufto, markaasaa Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ku yidhi:-(Waar daaya, kuna shuba kaadidiisa dusheeda waadaan biyo ah (buuxda amaba dhiman) , ama waadaan biyo ah (buuxda) , waxaa laydiin soo saaray fudaydiyayaal ee la idiinma soo saarin adkeeyayaale) [Kooxda ayaa warisay Muslim mooyaane]. Lasoco….. |