Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2570 |
January 25, 2010 Safar 21,1432H | |
Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho
Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed
Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco! Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday
|
Daafaha Dunida: Wax Ka Baro Dalka Jamhuuriyada Federaalka Ah EeEthiopia Dalka jamhuuriyada Federaalka ah ee Ethiopia. Dalka Ethiopia waxa uu kamid yahay wadamada ugu taariikhda dheer qaarada Afrika, waxana uu ku yaalaa oo lagu tiriyaa dalalka Geeska Afrika. Ethiopia waana mid kamid ah wadamada labada ah ee qaarada Afrika ee aan marna hoosgalin maamuladii kala duwanaa ee gumaysiga. Dalka Ethiopia waxa uu xuduudo la wadaagaa wadamada Somaliland, Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya iyo Eritrea. Caasimada dalka Ethiopia waxa la yidhaa Addis Ababa waxana ay ku talaa badhtamada dalka. Bedka dhulwaynaha dalka Ethiopia waxa lagu qiyaasaa 435,186.17 oo (mayl laba jibaaran) una dhiganta 1,127,127.00, oo (kiiloomitir laba jibaraan) Dadka ku dhaqan dalka Ethiopia waxa ay kor u dhafaafn 65-milyan waana tirakoobkii la sameeyay sanadkii 2001da bishii july. Sanadka 2050 waxa la saadaaliyay in dadka reer Ethiopia ay kor u dhaafi doonaan 187-milyan oo ruux. Luuqadaha lagaga hadlo dalka Ethiopia waxa kamid ah Amharic, Tigrinya, Orominga, Guaraginga, Somali, Carabi iyo luuqado kale oo maxali ah laakiin luuqada Ingiriisiga ayaa ah luuqad aad looga isticmaalo goobaha wax barashada ee dalka Ethiopia. Dadka aqoonta leh ee reer Ethiopia waxa lagu qiyaasaa in kabadan Boqolkiiba 35.5% waana tirakoob laga qaaday dadka aqoonta leh sanadkii 1995kii. Diimha ay kala haystaan dadka reer Ethiopia waxa ugu horeysa diinta Islaamka waxana haysta dad gaadhaya Boqolkiiba 45% ilaa 50%, Ethiopian Orthodox waxa hayta dad gaadhaya boqolkiiba 35% ilaa 40%, diinta animist waxa hayta boqolkiiba 12%, boqolkiiba 3% ilaa 8% da soo hadhayna waxa ay haystaan diimo kale. Ragga reer Ethiopia ceceliska cimrigoodu waxa uu gaadhaa 44-sano halka dumarka reer Ethiopia lagu qiyaaso in cimrigoodu ka gaadho 45sano. Qaabka ay u shaqayso dowlada dalka Ethiopia waa nidaamka federaaliga ah ee gobol kastaa maamulkiisa gaar u leeyahay iyada oo hadana dalka uu ka wada arimiyo madaxweyne qudha oo doorta raysalwasaare isaguna sii doorta golaha wasiirada ee dalku yeelanayo (Government Type federal republic) Lacagta dalka Ethiopia waxa la yidhaa birr (Br) Warshadaha dalka Ethiopia waxa lagu farasameeyaa sharaabyada kala duwan, dunta, kiimikooyinka, birta, iyo sibidhka. Beeraha dalkana waxa kabaxa dalagyo ay kamid yihiin Galayda, Saliida, Sonkorta, Baradhada, Qaadka, xaga xoolahana waxa dalka si baalaadhan looga dhaqadaa Adhiga, Geela iyo Lo’da. Dhulka la isticmaalod ee dalka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Ethiopia waxa lagu qiyaasaa boqolkiiba 12% khayraadka dabiiciga ah ee dalka Ethiopia waxa kamid ah dahabka, Gaaska dabiiciga ah, platinum, copper, potash, awooda biyaha lagaga dhaliyo danabka ee hydropower. |