Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2573

January 28, 2010                                                                               Safar 24,1432H     

Xubno Ka Soo Jeeda Awdal Oo Ka Tirsan Labada Gole Baarlamaan Oo Ku Eedeeyey Qurba Jooga Gobolkaasi Inay Wadaan Kicin Iyo Abaabul Dadweyne, Kana Dalbaday Inay Joojiyaan

 

Wasiirka Maaliyada Oo Daboolka Ka Qaaday Dakhliga Cashuuraha Ka Soo Xerooday Saddexdii Bilood Ee Ugu Danbeeyay Iyo Wakiilada Oo Su’aalo Ay Maryo Dhiig Leh Ku Kala Furteen Ku Hafiyay

Shirgudoonka Guurtida Oo Daaqada Ka Tuuray Mooshin Ay Tahriibinayeen Shaqsiyaad Xildhibaano Ah Oo Lagu Carqaladaynayey Somcable

Xukuumada Oo Maxjar Labaad Ka Baal Furtay Kii Hore Ee Jiray Iyo Dareenada Ku Gedaaman

Maanta, Shalay dhaantey!

Raysal Wasaaraha Dawladda Sheekh Shariif Oo La Ansixiyey Iyo Dagaalo Ka Dhacay Muqdisho

 

Somcable Waa Somaliland, Way Socotay Oo Sildaaro looma dhigi karo

Faallo: 29-October Xasuusta Maalin Xanuun Badan Lahayed

Wasiirka Maaliyada Oo Maanta Wakiilada Horgeynaya Korodhsiimada Mushaharka Shaqaalaha, Ciidamada Iyo Mudaneyaal Ku Hanjabay In Haddii $2,000 Looga Dhigi Waayo Mushaharka Ay Miisaaniyada Cusub Ansixinteeda Luqunta Iskaga Duubi Doonaan

 

Tartan Adag Oo Ganacsatada Waawayn Ku Dhexmaraya Saylada Xoolaha Burco!

Hargeysa: Guri Ku Shufbeelay Dab Qabsaday, Iyo Qoyskii Ku Noolaa Oo Dirqi Kaga Badbaaday

 

 

“Kugu Filan In Aad Awooda Haysatay 30 Sano, Na Dhaaf, Isbedel Ayaanu U Baahanahay”Kacdoonka Shacbi Ee Lagaga Soo Horjeedo Hogaamiyeyaasha Masar Iyo Yemen

Qahira/Sanca, January 28, 2011 (W.Wararka) – Mudaharaadayaal Aad u cadhaysan iyo ciidamada Bileyska ee dalka Masar ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku baacsanayey wadooyinka iyo magaalooyinka dalkaasi, kuwaas oo shacab cadhaysani ay dab qabadsiiyeen xarun Bileys oo ku taala magaalada Bariga ee Suez, halkaas oo rabshadaha u dhexeeya ciidamada Bileyska iyo mudaharaadyaaasha ay gaadhay meel sare oo dhaawac soo gaadhsiisay Amaanka dalkaasi.

Ciidamada Bilesyaka ayaa iyagu halkaasi ka cararay ka hor intii aanay mudaharaadayaasha halkaasi u isticmaalin quruurado iyo bambaanooyin uu badrool ku jiro, isla markaana abuurtay in halkaasi uu dab ka kaco shalay Subaxnimadkii.

Dad goobjoogayaal ah ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Ciidamada Bileyska ee ku sugan Suez ayaa kaga jawaabay Sunta dadka ka ilmaysiisa, Rasaasta Rabadhka ah iyo Biyo Awood leh.

Sidoo kale Daraasiin Mudaharaadayaal ah ayaa ku soo xoomay irida hore ee xarun bileys oo labaad maalintii shalay. Dadkan mudaharaadaya ayaa dalbanaya in la sii daayo qaar ka mid ah qaraabadooda oo lagu qabtay intii uu mudaharaadkani socday.

Mudaharaadyaasha ayaa iyagu dalbanaya inuu xilka iskaga dago Maxamed Xusni Mubaarig oo muddo 30 sanadood ah haystay halkaasi, isla markaana shacabka ku dhaqan Masar ay sheeganayaan in aanu Rajiimkani wakhtigan matalin isla markaana ay u baahan yihiin isbedel siyaasadeed oo wax ka qabta xaaladaha cakiran ee hayska shacabka dalka Masar, taasi oo ay ka mid yihiin Fakhri ku habsaday dalkaasi, Shaqo la’aan, Qiimaha Cuntada oo kor u kacay iyo Horumar la’aan baahsan oo dalkaasi ka jirta.

Sidoo kale waxa dalkaasi ku soo jeeda ninka isagu haysta Bilada Nabada Aduunka ee Nobel Peace Prize Maxamed Al-Baradaci, kaas oo horena Qaramada Midoobay ugu qaabilsanaa Wada Xaajoodyada Hubka Nuclearka.

Mr Baradaci ayaa u sheegay Wariyeyaasha isaga oo ku sugan Vienna kuna soo jeeda Qaahira inuu taageersan yahay, isla markaana uu ka qayb qaadan doono mudaharaadadaasi.

Dhinaca kale Boqolaal kun oo dad cadhaysan oo Yemen-niyiin ah ayaa iyaguna mudaharaado cabasho ku maray wadooyinka caasimada Yemen ee Sanca, kuwaas oo dalbanaya inuu xilka ka dago madaweynaha talada ku raagay ee Cali Cabdala Salax.

“Kugu Filan In Aad Awooda Haysato 30 Sano, na dhaaf, isbedel ayaanu u baahanahay” sidaasi waxa yimid mid ka mid ah mudaharaadyaasha dalka Yemen.

Dala Yemen ayaa isaguna ka mid ah wadamada ugu Faqiirsan aduunka, isla markaana ay halakeeyeen dagaalo iyo xaalado dhaqaalo xumo. Iyadoo dhinaca kalena ay dalkaasi ka jiraan kooxo argagixiso oo caqabad ku ah amaanka gobolkaasi iyo guud ahaan aduunka.

Si kastaba ha ahaatee dadka ka faalooda arimaha Carabta ayaa sheegaya in arintani ay ku dambayn doonto Sidii ka dhacday Dalka Tunisia, kuwaas oo xukunka ka tuuray Madaxweynihii dalka Tunisia oo ay ku eedeeyeen Shacabku in aanu waxba ka qaban dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta wadankaasi. Arinta labadan dal ayaa la filayaa in haddii shacabku ay ku guulaystaan inay xilka ka tuuran Cali Cabadla Salax iyo Maxamed Xusni Mubaarig inay horseedi doonto wadamo hor leh oo ku kaca kacdoonadaasi oo kale, oo la filayo inuu ku xigi doono dalka Libaiya oo Mucamar Qadafi uu dalkaasi ka talinayey muddo aad u dheer.